Tuesday, November 27, 2018

Kaabayaasha xidhiidhka jaceylka W/Q: Ibraahim Xuseen Daa’uud ‘Masxaf


Kolka aad rabto in aad abqaasho geed waa in aad hesho dhulkii. Mar labaadka waa in aad diyaarsato ooddii ama jaajuurkii aad kaga weegaari lahayd noolaha waxyeeli kara. Waa in aad u banneyso meel ay ka soo geli karaan falaadhaha qorraxdu. Sida oo kale ciddii ka warhayn lahayd iyana waa qodob meesha ku jira. Tabtaa waxa ka dhigan jaceylka. Jaceylku waa dareen laba qalbi si wadajir ah u beertaan. Waxa uu leeyahay wax korriya oo kobciya iyo wax wiiqa awooddiisa korriimeed.
1.Kalsoonida
Kalsoonidu waxa ay ka mid tahay qodobada ugu tunka weyn ee jaceylka labada qof ku taagan yahay. Kalsoonidu waxa ay xidhiidhka labada qof ugu jirtaa halka udubka iyo dhigtu ugu jiraan aqalka. Bal day hal-abuurakani sida uu inoogu sawiray:
“Aasaaska guurkiyo
Aqal waxa adkeeyoo
Udubada u taagaa
Ogow waa kalsoonida
Iyo unugga caashaqa”
Mar kale hal-abuurkani isna waxa uu inoo tilmaamayaa kalsoonida oo la waayaa in ay wiiqi karto xidhiidhka kalgacal ee labada ruux dhexyaal. Bal day:
‘’Hadduu gabo kaalintiisa
Kalsooni haddii la waayo
Ma koro caashaqu runtiiye
Ka baaji inuu nusqaamo’’
Kalsoonida ka sokow ballanta, is-aaminaada, dareen qaybsiga, kalgacal iyo naxariis isu muujintu waa waxyaabaha ugu mudan ee uu ku taagan yahay xidhiidhka labada qofi. Hal-abuur Cabdiraxmaan Haldhis oo si farshaxanaysan ugu maansooday waa tuu lahaa:
“Laba weelka caashaqa
Ku wadaaga meel qudha
Laba aan wad mooyee
Wacadkooda burin karin
Oo kalsooni waafiya
Waageertay kalidood
Ayaa wehel is diirsada
Waligood ahaadee
Wacdaraha jacayl dhaba
Waxa dhiga kuwii hela
Wadne laba dareen sida
Mid hadduu werwarayoo
Wiiqeen ayaamuhu
Ka kalena wareer bada.”
2.Naxariista, kalgacalka iyo ixtiraamida
Ma jirto wax uu bani’aadanku ka jecel yahay hadalka debecsan ee naxariista iyo kalgacalku ku ladhan yahay. Kolka ay nolosha lammaane joogtana iyadu way ka sii xag-jirtaa. Bal qiyaas qofkaaga oo aad dareen ahaan u tidhaahdo: “Adiga hortaa cid kale ma jeclaan. Hadda lafteedana qorshaha iguma jirto cid aan adiga ahayn jaceylkeedu”. Bal day hal-abuur Xaashi Ibraahim-saar oo dareenkaasi inoo suugaameyay:
“Hortaa ruux kale ma jaman
Ma jiro oo mana jeclaan
Jiidhkaygiyeey ma odhan
Haddana kuma talo jiroo
Jacayl aan adi ahayn
Ifkaba lama joogi karo.”
Waxa la sheegaa nin carbeed oo u muujinayay xaaskiisa jacaylka uu u hayo in laga hayay oo uu yidhi: “Haddii aan [xabiibti] lahaan lahaa kun qalbi kun jeer ayaa adiga ku jeclaan lahaa”. Waa dareen muujinaya wehelkaaga in aanad waxba ka hagran.
Hadduu kun ahaan lahaa
Qalbiga kaahaw shiddaa
Adaan keligaa runtii
Kalgacal aan kala go’ayn
Xubbii kuu huri lahaa. [braahin-Masxaf]
Naxariista iyo kalgacalka ka sokow u samafalka iyo caawinta wehelka noloshaadu waa mid waajib diiniya ah. Garab istaagga iyo dhiirrigelinta haweenaydu waa astaan ka mid ah sifooyinka lagu garto nin raggeedka geesiga ah. Hal-abuur Maxamed-Haykal Muxumed oo si aftahamo ku dheehan tahay inoogu tilmaamay waa tuu lahaa:
Wehelkayga noloshaay
Kolka wacadka diintiyo
Xaqa waalidiintiyo
Waxyi Eebbe laga tago
Wax kastoo la jecelyoo
Aadmiga la qara weyn
Adigaa ka sii wacan
Anigana wed mooyee
Weligay intaan jiro
Waxa igu wallaahiya
In aan ku wanaag falo!
Waa dareen aad u xeeldheer oo tilmaamaya jaceyl lala god galay. Waa dib u dhalasho labaad oo jaceyl. Ifkii waa layskala tegay. Bal day hal-abuur Maxamed Dhaaley:
“Dhawr jeer haddaan
Marka aan dhintaba
Dib u dhalan lahaa
Dhulka waxa ku nool
Adun baan dhabtii
Dhaayaha cishqiga
Kugu dheehan laa.”
3.Dabeecada
Dabeecadu waa qodobka labaad ee soo raaca kalsoonida. Waa tiirka labaad ee isku haya labada ruux ee nolosha lammaanaha ku ah. In qof ba dhiggiisa kale u soo bandhigo waa mid u raandhiis badan nolosha mustaqbal ee labada qof. Runtiina waa mid u sahli karta in ay nolosha inteeda kale isla fahmaan isla na jaan-qaadaan.
4.Axdiga, is-aaminaada iyo ballan isku dhawrka
Axdi iyo wacad kolka la soo hadal qaado calaf baa la xasuustaa. “Guurku waa calaf” waa ka mid ah khuraafaadka soomaalida qaarkood aaminsan yihiin. Qadarka Rabbi iyo qalinkiisa kolka laga yimaado labada qof iyaga ayaa dhisan kara dabar kasta oo isku haynaya. Geeridu waxa aan qabaa in ay tahay waxa kaliya ee kala kaxayn kara labada qof.
Laba wacad dhexyaaloo
Lillaahina u dhaartahay
Waxa dhantaala oo jira
Ballan ay dhigteenoo
Dhidbihiisu adagyiin
Dhimashay ku sheegeen. [Ibraahin-Masxaf]
Axdiga kolka laga yimaado is-aaminaadu iyana waa qodob kale oo aanu ka maarmin xidhiidhka labada qof. Aaminaadu waa aragtida togan ee qofku ka fisho dhiggiisa kale. Kolka aad niyadaada iyo qalbigaaga ka dhaadhiciso qofkani in uu yahay qofkaagii waa kuu noqon.
Xubbii laba waxaynu nahay
Is-aaminay oo Lillaahiya
Haddana laammaha cishqiga
Kalgacal aan kala lumeyn
Ku qoray laabtooda xalan
Lammaane in ay noqdaan
La’aantooduna u tahay
Hubaashii nolol la’aan
Midhka luxudkana la gala. [Ibraahin-Masxaf]
Duruufta nolosha oo adag iyo arkida qofkii aad rabtay in ay iskugu kaa kulmaan kolalka qaarkood waa wax dhaca. Waa abwaan Cabdi-Qays waxa uu inoo sawirayaa wiil la kulmay inantii uu jeclaan lahaa in ay nolosha lammaane ku noqdaan. Wiilka waayihiisa nololeed ayaa iska adag. Waxa uu ku duceysanayaa in uu Ilaahay cimriga u dheereeyo oo uu wadka ka raajiyo. Isla markaana Alle uga indhasaabo oo aanu ka barin ragga kale ee la gedaha ah inta uu nolosha meel fiican ugu sahan tegayo:
“Allow daa hayga dilin
Dadka [ragga] kale na hayga barin
Intaan deggeyo meel roon”
Dun isku xidhashadu dhaqan waayadii hore jirey ayuu ahaa. Se intii danbe ee la reer magaalobay laga tegay. Dun isku xidhashadu waa kolka inanta loo ogyahay hebel oo ina hebel ah. Waxa jira maro qoryo la geliyo lagana dhextaago beeraha iyo meelaha kale ee dalagga la beertaa ku yaalo. Waraabe-utaag in la yidhaa waa u maqlay. Haddaba, duntu waa iska waraabe-utaag oo kale, waana ka calaamadaysi ragga kale laga calaamadaystay.
Dadka Eebbe uumee
Dunida ba ku guud nool
Dugsi weheshigay ba
Midi aan u dooray
Dookhayga noqotee
“Duntu igaga kaa xidhan”
Waxa doob geyiga jira [Ibraahin-Masxaf]
5.Wada xidhiidhka hadaleed
Kala fogaanta labada qof u kala durugsan yihiin deegaan ahaan waa ka mid sababaha xoojiya xidhiidhkooda. Dareen isu soo xiis oo boholyow ku ladhan yahay ayaa badanka jira. Hal-abuur Cabdiraxmaan Haldhis waxa uu suugaan ahaan inoogu sawirayaa laba qof oo isjecel se qalfoof ahaan u kala durugsan. Waa wax dareenka jaceyl ku lammaane waxa ay ku duceysanayaan dhulka in uu Alle iskugu soo dhaweeyo una mideeyo:
“Isu dheerinaayoo
Kala dheerinaayeey
Dhulka yaa mideeyoo
Isku keen dhaweeyoo
Agtaadun i soo dhiga.”
Kolka ay labada qof kala fog yihiin waxa kaliya ee ay isku weheshadaan waa hadalkooda codadka naxariiseed ku ladhan yihiin. Bal day Hal-abuur Cabdirixiin Sidiiq – Heello:
“Waxay codsadaan dheguhu
Codkaaga in ay maqlaan.”
Qofka oo cuntada naca oo cuni waayaa waa xaaladaha nafsiga ah ee uu sababo jaceylku. Waa dareen durugsan oo farshaxan suugaaneysan. Bal day hal-abuur Amran-sharaf Xuseen:
“Eraygiisa kaliyaa
Oontaan liqaayiyo
Amateedka ii fura”
Aabbaha iyo hooyadu waa wehelka ugu fiican ee qofku helo. Bal sawiro qof ay halkaasi ugu jirto hadalka iyo codka wehelka noloshiisu:
Ereygaaga wacanee
Codku uu ku ladhan yahay
Qiimuu agtaydiyo
Uu ku leeyay maankoo
Sida aabbo-hooyuu
Wehel iigu yahay oo
Aadna waan u jecelee
Hayga goyn ilbidhiqsiyo
Gelin iyo ayaan qudha. [Ibraahin-Masxaf]

W/Q: Ibraahin Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’
Muqdisho, Soomaaliya.

Friday, October 19, 2018

Saudi Arabia admits Jamal Khashoggi killed in Istanbul consulate

Kingdom sacks intelligence official, arrests 18 Saudis saying missing journalist was killed in a 'fist fight'.
Saudi Arabia admitted journalist Jamal Khashoggiwas killed inside its consulate in the Turkish city of Istanbul, saying he died in brawl but made no mention of where his body is.
Preliminary results of investigations showed the dissident writer died after a fight broke out inside the building shortly after he entered, the official SPA press agency said on Saturday.
Saudi Attorney General Sheikh Saud al-Mojeb said Khashoggi died after "discussions" at the consulate devolved into an altercation.
"Discussions that took place between him and the persons who met him … at the Saudi consulate in Istanbul led to a brawl and a fist fight with the citizen, Jamal Khashoggi, which led to his death, may his soul rest in peace," the attorney general said in a statement.
"The investigations are still under way and 18 Saudi nationals have been arrested."
Royal court adviser Saud al-Qahtani and deputy intelligence chief Ahmed al-Asiri were fired from their positions, the statement said.
It remains unclear where Khashoggi's body is following his killing.
Khashoggi, a columnist for The Washington Post who wrote critically of Crown Prince Mohammed bin Salman's (MBS) rise to power, went missing on October 2 after entering the consulate in Istanbul to obtain documents needed for his upcoming marriage.
His whereabouts remained unknown since. 
US President Donald Trump said he found Saudi Arabia's explanation about Khashoggi's credible.
"It's early, we haven't finished our review or investigation, but … I think it's a very important first step," he said.
Trump said sanctions against Saudi Arabia "could be" something he would consider but "it's too early to say" how the US will respond for now.
He said he does not want to cancel a multibillion-dollar arms deal with the Saudis in response to the admission of guilt.
"I would prefer, if there is going to be some form of sanction or what we may determine to do, if anything ... that we don't use as retribution cancelling $110bn worth of work, which means 600,000 jobs," he said.
Republican Senator Rand Paul tweeted: "We should also halt all military sales, aid and cooperation immediately. There must be a severe price for these actions by Saudi Arabia."

Thursday, October 18, 2018

8 Cunto Oo Si Weyn U Caawiya Dhimista Miisaanka Iyo Kobcinta Caafimaadka


Buurnimada iyo miisaanka inta dabiiciga ah ka badani waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka caafimaad ee dadka dunida badankoodu ka cawdaan muddooyinkan dambe. Waxa ay dhaawacdaa quruxda guud iyo muuqaalka duleed ee qofka, laakiin waxaa ka sii daran in ay qofka ku keento xaalado caafimaad darro oo ay ka mid yihiin xanuunnada ku dhaca wadnaha, lugo xanuunka, xanuunka kalagoysyada iyo jilbaha, Dufanka oo dhiigga ku bata, iyo macaanka. Sidaa awgeed waxa ay mar kasta xeeldheerayaasha caafimaadku ku taliyaan in la maro nidaam cunto qaadasho iyo jimicsi oo caawinaya in uu gubto dufanka jidhka ku jira iyo in  miisaanku hoos u dhaco.
Qormadan oo aynu afsoomaali usoo rognay waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah cuntooyinka dhulka Soomaalida ka baxa ama loo soo dhoofiyo ee ay khubarada caafimaadku qireen in ay caawiyaan miisaan dhimista, waxa aanay yihiin: cuntooyina kalshiyaamta badan leh: Kalshiyaamtu waxa ay ka mid tahaycuriyeyaasha ugu muhiimsan caafimaadka lafaha iyo ilkaha, waxa xakamaysaa dareenka gaajada, waxa aanay caawisaa in uu jidhku burburiyo dufanka guud ahaan iyo si gaar ah dufanka ku guntama jidhka gudihiisa.
Tufaaxa: Tufaaxu waxa uu yareeyaa dareenka gaajo ee qofka, waxa aanu wanaajiyaa shaqada dheefshiidka, sida oo kale waxa uu ilaaliyaa caafimaadka caloosha oo uu ka ilaaliyo calool istaagga. Diirka sare ee tufaaxu waxa jidhka awood u siiyaa in uu unugyada ka nuugo dufanka.
Fuulka: Fuulku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka galka leh ee sida weyn u caawiya yaraynta xaddiga dufan ee jidhka ku jira, waxa uu sida oo kale caawiyaa hoos u dhaca heerka sonkorta dhiigga. Fuulka waxaa ku jira Barootiinno qofka ku abuuro dareen dhereg ah sidaa awgeed uu cuntada iska yarayn karo waxa aanu gubaa dufanka.
Sinjibiil: Sinjibiishu waxa ay ka mid tahay dawooyinka dabiiciga ah ee si cilmi ah loo xaqiijiyey in ay buurnimada la dagaallanto, jidhka ka caawiso gubista dufanka. Waxa kale oo ay sinjibiisu nolol gelisaa muruqyada waxa aanay ka takhalustaa kaarka iyo xanuunka. Sinjibiishu waxa ay jidhka ku abuurtaa kulayl ku filan in uu dhalaaliyo dufanka ku urura unugyada jidhka, sidaa awgeed waxaa lagu taliyaa in lagu daro cuntada ama in sida shaaha oo kale loo cabbo.
Boorashka: Boorashku waxa uu ka mid yahay arrimaha ugu fiican ee guba dufanka jidhka, sonkortana heerka dabiiciga ah ku ilaaliya, waxa uu sida oo kale ilaaliyaa dheelitirnaanta maadadda Isnuliinta ee jidhka ku jirta.
Shaaha cagaaran: Shaah Akhtarku waxa uu ka mid yahay cabbitaannada dufanka guba, waxa aana ku jira maaddooyin liddi ku ah mariidka, isla markaana wanaajiya ka faa’idaysiga nafaqada cuntada ku jirta. Waxa kale oo uu jidhka siiyaa awood uu ku ilaalin karo heerka kalastaroolka.
Cilmibaadhiso lagu sameeyey shaaha cagaaran ayaa iftiimiyey in uu dawo u noqon karo cudurka Kansarka.
Basbaaska kulul: Busbaas akhtarka kulul waxaa lagu tiriyaa hababka ugu fiican ee jidhka ka caawiya in uu si aad u dhaqso badan u burburiyo dufanka ku urura, waxa aanu kor u qaadaa awoodda uu jidhku u leeyahay in uu nafaqada ka nuugo cuntada.
Biyo: Koob biyo ah oo diirran in aad subax kasta cuntada ka hor cabtaa waa arrin la hubsaday in ay jidhka ka caawiso in uu iska soo saaro biyaha dheeraadka ah eek u jira, kana takhaluso mariidka. Waxa kale oo koob biyo ah oo diirran laga faa’idaa in uu gubo dufanka jidhka ku urura. Waxa lagu taliyaa in qofka miisaanka dhimayaa uu ku dadaalo in uu cuntada 30 daqiiqo ka hors ii cabbo koob biyo ah, waxa uu qofka ku abuurayaa dareen dheregsanaaneed, waxa aanu wanaajinayaa dheefshiidista cuntada.
Beedka: Dad badan ayaa aaminsan in beedku uu raad taaban oo caafimaad ku leeyahay jidhka, waxa ay qaarkood ku andacoodaan in uu jidhka ku badiyo kalastaroolka, laakiin waxaa hubaal cilmiya ah in kalastaroolka ku jira beedku uu yaahy midka fiican ee jidhku u baahan yahay, sida aadka ahna u caawiya in jidhku iska gubo dufanka iyo kalooriska. Waxa kale oo uu leeyahay, asiidho duxeed iyo barootiinno u fiican caafimaadka.

Monday, October 15, 2018

Hababka Jidhka Iyo Timaha Loogu Qurxiyo Saliida Afakaadhada


Khudradda Afakaadhada waxaa ku jira 30 nooc oo ah faytamiinnada iyo curiyeyaasha jidhka awoodgeliya, waxaa ka mid ah faytamiinnada A, B, C, E, K iyo macdanaha iron, Copper, Magnesium, Potassium iyo Phosphorus. Waxa kale oo ku jira Proteins, Fiber iyo maaddooyin badan oo kiimikaad oo faa’iido aan la soo koobi karin u leh maqaarka iyo timaha.
Saliidda afakaadhaduna waxa ay hodan ku tahay asiidho dufaneed, iyo faytamiinnada B12, D iyo E oo si weyn u caawiya daryeelka maqaarka, kana qaybqaata daweynta dhibaatooyin badan oo soo gaadha maqaarka. Saliiddan oo si fudud u dhexgasha lakabyada kala sarreya ee jidhka iyo maqaarka lafta madaxa si ay u cusboonaysiiso unugyadu, waxa kale oo ay hodan ku tahay maaddooyinka lidka mariidka, iyo barootiinnada nudaha maqaarka da’yareeya kana ilaaliya cimridegdegga.
Maqaarka
Xeeldheereyaasha caafimaadka maqaarku waxa ay ku taliyaan in maqaarka lagu duugo dhibco saliidda afakaadhada ah, oo 10 daqiiqo inta lagu daayo, kaddib lagaga maydho biyo qabow, waxa ay maqaarka u keenaysaa dhalaal dheeraad iyo dux. Saliidda Afakaadhadu waxa ay dawaysaa xagtimaha iyo nabarrada yaryar ee wejiga ku samaysma, waxa aanay daweysaa madowga iyo gubashada qorraxda, waxa kale oo a la dagaallantaa bakteeriyada iyo jeermisyada.
Saliidda afakaadhadu waxa ay awood iyo adkaan u kordhisaa maqaarka, waxa aanay ka ilaalisaa dhaawacyada ka soo gaadha dabeecadda, sida cimilada, dabaysha, qorraxda iwm. Sida oo kalana waxa ay giijisaa maqaarka oo ay ka saarto coodhcoodhka, gaar ahaan wejiga, indhaha hareerahooda ku samaysma, waxa ay ururisaa daloollada maqaarka oo mararka qaarkood ballaadhan, waxa ay furtaa midabka dabiiciga ah, waxa aanay daweysaa furuuruca ku samaysma maqaarka oogadiisa.
Timaha
– Saliidda afakaadhadu waxa ay timaha siisaa dux ka daweysa ingagga, waxa aanay siisaa nafaqo ka ilaalisa go’itaanka iyo in ay midabguuraan.
– Saliidda afakaadhadu waxa ay kor u qaaddaa caafimaadka timaha, waxa aanay ka dhigtaa jileec dhalaalaya.
– Maaddooyinka afakaadhada ku jiraa waxa ay timaha kala dagaalamaan bakteeriyada, sidaa awgeed qofka saliidda afakaadhada isticmaalaa iskuma arko toxob, waxa kale oo ay xoojisaa tinta, waxa aanay badisaa bixitaankooda.
Diyaariye: Kamaal Marjaan
Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika

Dheefta Iyo Dhibta Wax Akhriska Q-2aad

  • Wax akhrisku wuxuu qofka u saamaxaa in uu ka fikiro qorshihiisa, hamiyiisa dhaw iyo ka fog, sidoo kale wuxuu qofka u horseedaa in uu siyaabo kala duwan ugu baaraandego mushkiladaha soo foodsaara. Sababta ayaa ah maskaxdii oo balaadhatay, ka dibna dhinacyo badan ayey wax ka eegaysaa. Wuxuu sidoo kale dhisaa wax akhrisku luuqada iyo erayda qofku ku hadlayo. Angel Carter ayaa tidhi” I found the more I read, the better I write”, oo noqnaysa inta badan ee aan akhriyo, waxa ay iga dhigtaa in aan si fiican wax u qoro.  Xigmadan soo socota ee ay leeyihiin dadka reer Belgium (Biljim) ayaa markhaati cad inooga dhigaysa hadalkaasi xaga sare ku qoran” Reading increases the level of personal understandings”, oo ay uga jeedaan wax akrhrisku wuxuu kordhiyaa heerka fahanka shakhsiga. Xigmadaasi waxa aynu ka qaadanaynaa in akhrisku kobciyo maanka akhristaha.

  • Sidii aynu hore ugu soo sheeganay qaybtii hore Ilaahay”swc” markii uu Nebe Maxamed”scw” faray wax akhriska oo lagu soo dejiyey suuradii ugu horaysay ee IQRA,Ilaahay “swc” wuxuu sidoo kale ummaddiisa ugu mano sheeganayaa oo yidhi” Insaanka waxa aanu barnay wax aanu aqoon u lahayn”. Qoraalkii ugu kharyka badnaa wuxuu ahaa qoraalkii Qur’aanka Kariimka ah, waxa aana la qoray wakhtigii Cismaan Binu Caffaan. Sidoo kale wax akhrisku ugu khayrka badani waa Kitaabka Alle. Culimada islaamka intooda badani waa qaar taariikh weyn ku leh qoraalka iyo wax akhriska. Culimadaasi waxa aan ka xusi karnaa, Ibnu, Xajar Al casqalaani, Ibnu Taymiya, Ibnu Qayim Al jawzi, Imaamu Nawawi, Sh. Albaani iyo Sh. Naasir sacadi. Dhammaantood xaga qoraalka iyo wax akhriska waxa ay ka ahaayeen horumood.

  • Wax akhrisku waa hab-dhaqan wanaagsan oo wakhti lagu lumiyo, waxaana lagaga dhuuntaa balwadaha, makhaayad iska fadhiga iyo meeraysiga bilaa macnaha ah. Markaa uu qofku bilaabayo inuu wax akhrisk dhaqan ka dhigto, marka hore way ku adkaanaysaa, balse waa inuu naftiisa baro samirka iyo dul-qaadka uu wax akhrisku u baahan yahay. Sidaa darted ayey reer Filibiin ku maahmaahaan” Reading is the best of wasting time”, oo micnaheedu tahay wax akhrisku waa shaygu ugu fiican ee wakhti lagu lumin karo. Maahmaahdaasina waxa aan ka faa’idaynaa in wakhti firaaqada lagu lumiyo wax akhris

  • Wax akhrisku wuxuu kor u qaadaa meeqaamka uu qofku bulshadiisa ku dhex-leeyahay, waayo qofku wuxuu bulshadiisa la wadaagaa waa wixii uu ka helay Buugtii uu soo akhristay. Aqoonta inteeda badani waxa ay ku keydsan tahay Buugta kal duwan. Markaa inta suurtagal ah qof kastaa ha isku dayo inuu Buug la macaamilo. Dadka shiinuhu waxa ay yidhaahdaan” Abook holds a house of gold”, oo ay uga jeedaan Buugu wuxuu sidaa guri dahad ah.

  • Wax akhriska badani qofka wuxuu ka dhigaa cilmi-baadhe(Reseacher), waxa aanu qofku ka helayaa cilmigii ka dhinaa oo aanu hore u aqoon. Maan haddii aad doonayso inaad baadho Sooyaalka Soomaalida waa inaad marka hore soo urursato inta buug ee laga qoray Taariikhda Soomaalida, markaad akhridana waxa kuu soo baxaya taariikhdii dhabta ahayd ee Soomaalidu lahayd. Sidaa darteed aqoonyahanadu waxa ay cilm-baadhista ku saleeyaan kolba inta buug ee arrin ay rabaan ka hadalaysa inay soo akhriyaan si ay daliil ugu noqoto. Shiinaha ayaa ku maahmaaha” Scholars talk Books Butchers talk cows”, oo micnaheedu yahay aqoonyahanadu waxa ay la sheekaysaan Buugta, halka hiliblayaashuna ay la sheekaysaan lo’da ay qalayaan. Maahmaahdaasi waxa aynu ka qaadanaynaa in aqoonyahanka iyo buugta aqoontu ku duugan tahay aan la kala waayin.

  • Wax akhrisku wuxuu qofka ka dhigaa run-sheege, mar kasta oo aad wax akhridid waxa aad helaysaa xaqiiqada biyo-kama-dhibcaanka ah ee shayga laga hadlayo markaa. Ka dib waxa aad shanta farood ku fiiqaysaa halkay runtu taalo. Sidaasi oo kale ayey shacabka reer Holan leeyihiin xigamadan” Reality comes after Reading” oo micnaheedu tahay xaqiiqadu waxa ay timaadaa wax akhris ka dib.

  • Wax akhrisku wuxuu qofka ka caawiyaa anshaxa wanaagsan iyo inuu si ilbaxnimo ku jirto u dhaqmo. Waayo wax akhrisku wuxuu ku barayaa dad aanad la dhaqmin oo meelo kala duwan adduunka jooga, ka dib waxa aad helaysaa il-dheeri iyo ilbaxnimo baaxad weyn leh. Taasina waxa kuu soo kordhinaysaa anshax wanaag iyo dad la dhaqan heer sare ah. Xigmad laatiin ah ayaa ahayd” Reader without ethics is like fish without gills”, oo noqonaysa akhriste aan shaxa lahayni waa kalluun bilaa neef-mareen ah.

  • Wax akhrisku wuxuu qofka ka dhigaa qof aan jeejeesi badanayn marka uu socdo iyo marka uu fadhiyaba, inta badan indhihiisa iyo maskaxdiisu miisaan ayey leeyihiin. Wax akhrisku wuxuu dawo ka yahay indho taag-taaga meelo kala duwan la eego. Sidoo kale wax akhrisku wuxuu maskaxda ka dhigaa mid aan go’aankeeda si deg-deg ah u qaadan, oo wakhti ku rog-rogta, sidaa darteed akhristaha wanaagsan marka shay talo laga weydiiyo, wuxuu markiiba ku odhanayaa wakhti I sii aan ku soo fikiro, waayo maskaxdiisii ayaa kortay oo miisaan yeelatay. Isla markaasina shay kuma xukumaan muuqaalka iyo wejiga uu wakhtigaasi leeyahay ilaa ay guntiisa soo taabtaan. Maraykanka ayaa yidhaa” you can’t judge a book by its cover”, oo nuxurkiisu noqonayo buugna ha ku xukumin galkiisa ama waxba ha ku xukumin muuqaalka ilaa inta aad ka gun-gaadhayso. Sidoo kale waa tii Soomaalidu odhan jiray“ hubsiimo hal baa la siistaa”.

Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, somalia

Tuesday, September 11, 2018

TAARIIKHDA DARAAWIISHTA : Milicsi Taariikheed

Curiskii ku guuleystay kaalinta koowaad ee Tartan-curiseedka Aw Jaamac ee Taariikhda


Hordhac

Taariikhdu waa daraaseynta tagtadii si taaganta loo qiimeeyo timaaddadana loo oddoroso tabaabushena loogu yeesho. Taraariikhda Soomaalida in badan oo ka mid ahi, waxa ay ku luntay keydin la’aan, inaha badbaadayna waxa ay ku badbaadeen gacmo shisheeye. Dhacdooyinka taariikheed ee sida aad ka ah wax looga qoray shisheeye iyo sokeeya ba waxa ka mid ah, tariikhda Sayid Maxamed C. Xasan iyo Daraawiishta. Sooyaalka daraawiishta waxa muunad gaar ah u yeelay isagoo ah, iska-caabbintii ugu tunka weynayd ugu na muddo dheerayd ee gumaysiga lagaga hor yimaaddo. dadka wax ka qoray daraawiishtu waa saddex kooxood:
  • Qolo waa shisheeyihii dirirtu dhex martay oo dhacdooyinka u soo tebiyey sidii ay iyagu arkayeen mar walbana libinta iyo garta siinayey gumaystaha ay ka midka yihiin.
  • qolada kalena waa Soomaali aad ugu talax tegay in ay muuneeyaan oo dheeh ashqaraar leh u sameeyaan Daraawiish iyo halgankooda.Kana dhigay in aan halgan kale ba geyiga ka dhicin.
  • qolada saddexaad waa koox saluugtay habka loo soo bandhigay taariikhda daraawiishta una arka in la buunbuuniyey, ha yeeshee iyaguna gef kale ku dhacay oo Sayidka iyo daraawiishba ka dhigay, dadqalato shufto ah oo ummadda silciyey! Kooxdani inta badan waxa ay soo ururiyaan gefafka daraawiishta sida dhacii ay geysan jireen, aflagaadooyinkii tixaha Sayidka qaarkii ku jirey ee uu qofafka iyo qabiilooyinkaba wax kaga sheegay, gaar ahaan intii ka soo horjeesatay.

Waxa aan ku qanacsanahay dad kalena ila qabaan in aan weli si dhab ah oo cilmiyeysan loo qorin  halganka daraawiishta.  Sayid Maxamed C. Xasan oo ah ninka udub dhexaadka u ah, aasaaskana u ahaa Daraawiishta taariikhdiisa dhinacyo dhowr ah ayaa laga daraasayn karaa, Mar waa wadaad dariiqo diineed hormuud u ah oo dariiqadaas ayaa saameynteeda iyo sidii loo qaatay la baadhayaa, marna waxa loo daraasayn isagoo  hoggaaminayey kacdoon gumaysi diid ah, oo shisheeye iyo sokeeyaba la galay dagaallo qadhaadh oo dad iyo duunyaba ku le’deen, mar kale sooyaalkiisa waxa loo daraaseynayaa isagoo ah gabyaa cabqari ah oo maansooyinkiisa  iyo murtidiisa cilmiga Suugaanta ayaa lagu abla ableynayaa. Qoraalkani waxa uu ku kooban yahay soo tebinta dhacdooyinkii taariikheed ee ku saabsanaa kacdoonkii gumeysi diidka ahaa ee muddada dheer ka taagnaa qaybtii Ingiriisku Gumaysanayey ee dhulka Soomaalida (Somaliland imika). Dagaalka iyo dirirtu laba kooxood ayey ku jihaysnaayeen; kooxi waa gumaysigii dalka haystay, qaybta kalena waa Soomaalidii gumaysigaa ku hoos noolayd ee heshiiska la ahayd, waxa la odhan karaa isku si ayey ula dagaallameen gumaystaha iyo Soomaalida.Qormadani waa uun guudmar taariikheed, ee maaha gorfeyn iyo lafagur lagu sameenayo halganka daraawiishta, waase arrin mudan in la naqdiyo qoraalladii muddada qarniga ah laga Samaynayey Sayidka iyo daraawiishtiisa, si aynu u helno taariikh badhax la’ oo dhito inoo noqota.

Sayid Maxamed Waa kuma?

Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxa uu dhashay, 1864kii sida uu tibaaxay I. M Lewis,(1) ha yeeshee Aw Jaamac Cumar Ciise wuxu xusay waraysiyo badan oo uu la yeeshay  rag daraawiish ah ka dib in Sayidku dhashay 1856kii (2). Waxaanu ku dhashay ceel u dhexeeya  Buuhoodle iyo Widhwidh gugii la magac baxay Gobeysane, Hooyaddii waxaa la oran jiay Caro seed Magan.
Toddoba jir isagoo ah baa malcaamad Qur’aanka la qoray, toban jir buu Qur’aanka ku dhammeeyey, intii aanu labaatan jirsanna wuxu gaadhay darajada sheekhnimada. Sida qoraallo badan ku xusan Maxamed waxa uu aqoon barasho diineed ugu kicitimay dhulal badan oo ay ka mid ahaayeen magaalada Herer;dalka Suudaan iyo Nayroobi(Lewis 1965),muddo ka dibna waxa uu ku soo laabtay deegaankiisii. Sanadkii  1894kii ayaa Sheekh Maxamed iyo koox la socotay oo ay isku deegaan ahaayeen u kicitimeen Maka, si ay u soo xajaan, markii xajkii ay gutteenna waxa uu sayidku ka xeraystay, sheekh Maxamed Saalax  oo ahaa sheekhii dariiqada Saalixiyada(3) halkaas oo muddo sanad iyo badh lagu hillaadiyo uu la joogay, ugu danbeybtiina ka soo qaatay ijaasada inuu dariiqadaas madax uga noqdo dhulka Soomaalida. Markii uu ka soo noqday Maka, wuxu ka soo degay Magaalada Berbera. Sheeko aan la hubin oo buugaag dhowr ah ku qoran dadkana aad ugu dhex faaftay waxa ay sheegaysaa: In Sayid Maxamed kolkii uu kasoo degay marsada Berbera gaalkii gumaystuhu waydiiyey in uu alaabadiisa cashuur ka bixiyo, isna ugu hal celiyey : adigu kolkii aad timi yaa cashuur kaa qaaday? Ha yeeshee qof kii u tarjumayey gaalkii u sheegay in ninkani Wadaad waalan yahay! Halkaasna ay ka soo raacday naanaysta kolkii danbe gaaladu u adeegsan jireen ee Wadaadka Waalan ( The Mad Mullah), ha se ahaatee Saciid S. Samatar waxa uu xusayaa in Nanaystani ay ku dhejiyeen wadaaddii Qaadiriyada ee ay aadka u doodeen.
Markii uu magaalada Berbera ku negaaday, waxa uu soo bandhigay dadkana ugu yeedhay dariiqadii Saalixiyada, [lama sheegin in sayidku wixii intaa ka horreeyey dariiqo ka tirsanaa] Waxa se gaashaanka u daruuray culimadii dariiqada qaadiriyada ee dhulka uga soo horreysay, doodo badan baa la galay, magaaladiina buuq diineed baa ka aloosmay, dadka qaar waxa ay ku doodayaan  Sayidku markii uu taageero u waayey dariiqadiisa ayuu Berbera isaga tegay, Halka qolyo kalena soo tebiyaan in uu magaalada ka bilaabay olole gumaysi diid ah, waxaana la sheegaa sheekooyin aan sugnaantooda la hubin oo ay ka mid tahay in sayidku arkay nin baadari ah, dabadeed inta uu ul ku dhuftay yidhi: Ilaahow maanta intaasaan jihaad karaa.
Gugii 1898kii ayaa Sayidku ka amababaxay Magaalada Berbera, Intii uu dhexda ku sii jireyna waxa uu sii maray xarun dhaymoole ku taallay oo diinta Masiixiga lagu faafinayey(4) sida la soo tebiyana waxa uu halkaas kula kulmay carruur Soomaaliyeed, waxaana la odhan karaa waa meelaha uu ka bilaabmay dareenkiisa gumaysi diidka ahi. Ceel qoryaweyn la yidhaahdo, oo Caynabo u dhow ayuu ka samaystay Waab uu ku tukado dadkana diinta ku baro, halkaas ayaanay ka unkantay xertii u horreysay ee Saalixiyo ah, duubkii caddaa ee astaanta u ahaana loogu xidhay, waana meesha ay xerta saalixiyadu kula baxday magaca Daraawiish(5). Muddadii uu halkaas degganaana waxa hawshiisu ku koobnayd diin dhigid iyo dib u heshiisiin uu ka dhex sameeyey beelihii deekaankaas ku dhaqnaa, waxa kale oo la sheegaa in reerihii dhulkaas degganaa xoolo badan oo siyaaro ah siiyeen. Dadka wax ka qoray taariikhda daraawiishtu waxa ay sheegayaan in diin dhigista Sayidku dhex waday olole uu dadka ku kicinayo, kuna abuurayo kacdoon gumaysi diid ah. Gumaysiga Ingiriisku aad isuguma ballaadhin dhulka gudaha oo ilaalo inuu marmar u diro mooyee, lug badan kuma lahayn, biishii may 1899 kii,ayaa la sheegay in la waayey hal qori oo ilaalada Ingiriisku lahaayeen, sida dad badani xuseenna ninkii qorigaa sitay baa xerta Sayidka u galay dabadeed qorigii xoolo soo dhaafsaday, kolkii uu berbera ku soo noqdayna waxa uu sheegay in Sayidku qorigii ka qaaday. Hawlwadeennadii Ingiriisku farriin bay u direen Sayidka ay kaga dalbanayaan in uu qoriga iska soo celiyo. Sayidkuna waxa uu ku soo warceliyey in aanu qorigaa haysan ee Ingiriisku baadidiisa raadsado. Dabayaaqadii sanadkaana waxa xarunta gumaystaha la soo gaadhsiiyey in Sayidku isku dubariday col 3000 oo nin gaadhaya iyo hub 200 qori ah.
Dhinac halabuuridda maansooyinka lama hayo wax ka horreeyey 1904tii, sidoo kale, Sheekada ah in Sayidku Mahdi sheegtay oo dadka qaar aad u buunbuuniyaan lama hayo caddaymo ku filan.

Unkankii Daraawiishta iyo Hawlgalladoodii

Xertii Daraawiishtu kolkii ay dhanka Buuhoodle u guurtay, dhaqdhaqaaqoodiina kordhay, hub iyo xoolana gacantooda soo galeen, waxa hoggaamiyihii Daraawiishtu ku baaqay jihaad gaalo la dirir ah. Hawlgalladaa bilowday waxa ay tuhun ku abuureen, garaadkii beelaha Dhulbahante, Garaad Cali garaad Maxamuud, Garaadka iyo Sayidka wada xaajood baa dhex maray, waxba se laguma heshiin, ka gadaal Daraawiishtu waxa ay soo allifeen in Garaadku xujoobay oo Ingiriiska warqad sir ah u diray, ugu danbeyntiina rag Daraawiish ah ayaa dilay Garaadkii, in kastoo dadka qaar isku dayeen inay dilkaas Daraawiishta ka leexiyaan, waxa la odhan karaa, dilkaas ayaa sabab u ahaa in Daraawiishi u qaxdo, dhulka galbeedka beelaha Ogaadeenna dhex degaan, muddodii hore soo dhoweyn badan baa ay halkaas kala kulmeen Sayidka iyo colkiisu, lagu ma se waarin markiiba tuhun baa soo kala dhex galay, ay sal u ahayd dilal la geystay, ugu danbeyntiina dagaal baa dhex maray Daraawiishtii iyo beelihii aaggaa degganaa, Daraawiishina dib baa ay ugu soo qaxaday halkii ay kolkii hore ka guureen. Soo noqodkoodaas oo ku beegnaa gugii 1900, Daraawiishtu waxa ay weerar ba’an ku qaadday, beelaha ku dhaqan hawdka oo la sheegay in ay ka soo dhaceen 2000 oo neef oo geel ah, waxyeello nafeed oo aan tiro lahaynna u gaysteen, waa dhacdada la baxday (dayax- weer).
Dhacdadaasi waxa ay daaha ka fayday, dadkana u fasirtay Daraawiish iyo waxa ay damacsan tahay, waxa la ogaaday in Sayidka iyo colkiisu tubtii dariiqo diineed lagu yiqiin ay waydaarteen, Halabuur arrintaa ka maansoonayaa wuxu yidhi:
Col ashraafi waccaysiyo, caalin reero dhacaaya,
Cilmi geel lagu qaado, Sayidkii Calmanaayow
Cimri yuu ku simaayoo, Cidhibteeda ogaada.
Geel kala qaadistu waxa ay ahayd arrin iska caadi ah, Soomaalida dhexdeeda xilliyadaa, waxa keliya ee Daraawiishtu ku soo kordhisay waxa uu ahaa, in fatwo diineed loogu banneeyey xoolaha ay leeyihiin beelaha ay ula baxeen gaalo raaca.
Isla xilliyaadaa ayaa Sayidku Warqad u diray gumaystaha Ingiriiska, dhambaalkaas waxa ka mid ahaa, {………….. Waxa aan ku ogaysiinayaa, in aad wax kasta oo aad rabteen samayseen, diintayadii wacnaydna cadaadiseen,…………… Haddaba kala doorta dagaal haddaad doonaysaan waannu oggolnahay, haddaad nabad doonaysaanna sedo bixiya} (6)
Gugii 1901dii ayaa Ingiriiska ay Daraawiish dagaalkii u horreyey dhex maray, waa dhacdada la baxday Af bakayle, Ciidanka gumaystaha  khasaare badan baa loo gaystay, Daraawiish qudhoodana waa la wiiqay.
Sannadkaa iyo kuwii ka danbeeyey ba dagaalladu si joogto ah ayey u socdeen, meelo baddan baa foodda la is daray, waxaana ugu magac weyn goobahan: Fardhidin (1901), Beerdhiga (1902), Cagaar weyne (1903), Jidbaalle (1904).
Waxa intaa barbar socday dhaca iyo dilka Daraawiishtu u gaysanaysay, beelaha Soomaaliyeed ee ay ku sunteen Gaalo raacnimada, Gabayada Sayidka ayaana laga la soo dhex bixi karaa in uu Daraawiishta u xalaaleeyey dhiiga iyo xoolaha bulshada Soomaaliyeed, meerisyadan baa ka mid ah:
Nin aqdaamo faranji ah, maantiyo abuurriin
Ama aaladuu sida, ama awrtaba u rara
Ama adhigaba u qala ama laba ugaadhsada
Ama uba ilaalaa ama uurka kala jira
Ashaada beeniyo Islaamnimo ha lagu dhaqo
Ilaahayna nama odhan anna ma ogolaan karo.
Dagaallaas lagu riiqday ee kala danbeeyey waxa ay keeneen in Daraawiishtu u durugto xeebta bariga, 1904 tii ayaa Daraawiishtu fadhiisin ka dhigatay degmada Ayl, halkaas waxa ay ka dhiseen afar qalcadood oo kala ahaa: Daawad: oo laga dhisay xeebta Ayl, Ilig, Gabbac iyo Baday. 22 Abril 1904tii ayaa ingiriisku duqayn dhanka xeebta ah, ku burburiyey qalcaddii Ilig.
Xeebaha bariga xilligaas waxa ka jirey, saddex maamul beeleed, midi waa Boqor Cismaan oo  Gara-cad xarun u ahayd, tan kalena waa Cali Yuusuf oo Hobyo saldhig u ahayd, tan saddexaadna waa Garaad Maxamuud Cali shire oo deegaanka beesha Warsangeli ka arriminayey. Labada hore Talyaani bay kula jireen, heshiis ilaalineed, kan danbana Waa beelihii Ingiriisku kolkii uu imanayey heshiiska la saxiixday.
Talyaaniga oo ka baqa qaba in Daraawiishtu ku durugto deegaannada uu maamulo, wuxu ka shaqeeyey, in heshiis dhex maro, Ingiriis iyo Daraawiish, wada hadallo iyo waan waan Cadan ka soo bilaabmay oo uu Daraawiishta uga wakiil ahaa, Sheekh Cabdalla Shixiri ayaa ku dhammaaday in heshiis la kala saxiido  5tii maarso 1905 tii, heshiishkaasi waxa uu ka dhacay Ilig, qodobadii ka soo baxayna waxa ka mid ahaa:
1- In Daraawiishta  looga ogaalaado dhul, qaybtii uu Talyaanigu xukumayey.
2- In Sayidka iyo Daraawiishtiisa la siiyo xorriyad diineed, iyo madax bannaani ganacsi.
3- In Daraawiishtu  Deegaannada raacsan, ay iyagu ka taliyaan.
Heshiiskani dhanka Daraawiishta wuxu u fududeeyey, in ay saldhigtaan, maamul iyo kala danbayn samaystaan, waxa ay heleen koboc dhaqaale, iyo mid maamul. Intii nabadda la ahaa, waxa la xusi karaa, inuu jirey, dagaal dhanka afka ah, oo u badnaa gabayadii Sayidku tirinayey, iyo kuwo isaga loo tiriyey.

Qaybaha Ciidanka Daraawiishta

 Daraawiishtu maamul ahaan waxa ay u qaybsanaayeen afar qaybood oo kala ahaa: 
  • Qusuusi: Waxa ay ahaayeen Culimo iyo Waayeel guurti ah, oo iska leh go’aanka ugu danbeeye ee la qaadanayo.
  • Maarraweyn : Waa ciidaanka duullaanka gala, ee abbaanduulayaasha leh, waa iga kuwa inta badan la diriray gumaystaha, ama beelaha Soomaaliyeed ee aan Daraawiishta taageersanayn.
  • Gaadh haye : Ilaalada Xarumaha saadka iyo xarunta Sayidku deggan yahay.
  • Reer beede : waa Maatida Daraawiishta iyo kuwa raaca xoolaha Daraawiishta, fardaha dagaalkana xannaaneeya.
Ciidamada dagaalka gala ee Daraawiishtu waxa kale oo ay nidaam ahaan u qaysanayeen unugyo mid waliba magac gooni ah leeyahay, hawl gaar ahna u qaynsan yahay sida Shiishyaale, Goleweyne, Taargooye, Indha badan, Miinanle, Dharbash iyo Ragxun(7).

Daraawiishta iyo dadka ka soo horjeeday

Daraawiishtu duullaannadii ay ku qaadi jireen beelaha Soomaalida ah ee aan taageersanyni waxa uu u soo jiiday cadaawad badan, beelahaasi kolkii ay u fursad helaan xoolo Daraawiishtu leedahay, waa ay dhacayeen. Saddexda maamul beeleed ee aynu soo sheegnay in ay Daraawiishta la deris ahaayeen, in kastoo kolkii hore Sayidku isku deyey inuu soo dhoweysto oo la xididay (guur siyaasadeed), iyaguna aanay wax diidmo ah kala hor iman kacdoonka wadaadka, ugu danbeyntii iyaga iyo Daraawiishtu waxa ay noqdeen col daahii go’ay. Dhanka kale dad badan oo indheergarad ah, judhii horena Daraawiish ku biiray baa ay u cuntami wayday sida Wadaadku wax u wado, qaar badan oo saluuggooda soo bandhigay waxa lagu abaaliyey in dhegta dhiigga loo daro. Xarunta daraawiishta waxa laga jideeyey wax loo bixiyey xujoobid, inta badanna qofkii la yidhaahdo wuu xujoobay macneheedu waa in qudha laga jaro; hab dhaqankaasi waxa uu keenay in rag badani xarunta ka firdhadaan. Dadka Sayidka afka kula dagaallamay, falalka gurracan ee gudaha Daraawiishta iyo debeddeeda ka socdana soo bandhigay waxa ka mid ah labada maansayahan ee Cali Adaan Gorayo (Dhuux) iyo Cali Jaamac Haabiil.
Cali Dhuux oo Wadaadnimada Sayidka durayaa waxa uu yidhi:
Allaahu akbar eedaanku waa kaa afkiyo beene
Ashahaaday gaalkuba se waa ehelu naarkiiye
Ubbo weyso waan kugu arkaa agab salaadeede
Asxaabihii olol ku dhece waa u abtiriyaaye
Hadduu uurka kaa jiro werdigu kaama orodneene
Abtiyaalladaa iyo ku nece ururkii reer khayre
Arbow Jaamac iyo Aadan iyo Oogle kaa taga’e
Waxaan uubateeyaba tolkay oodda soo jebiye.
Markale isagoo hogatusaya dhaqannada kelitalisnimo ee xarunta ka jira, waxa uu lahaa:
Ninkii weligii diintaa bannaan daacad ugu sheega
Daw kulama soo baxo cilmiye waa la diriraaye
Doofaarraduu wadan jiruu dila yidhaahdaaye
Iyaguna markaasay ku didi diidi mahayaane
Bal in meesha lagu doorsan yahay waxa u daliilkiiya
Duqaydii badnayd ee ku lumay duudsi iyo jeedal.
Cali Jaamac Haabiil isna Sayidka waxa uu ku maagay gabayo badan, waxa aynu tusaale uga soo qaadanaynaa, gabay durraamasho ah oo uu Alle kaga tuugayo in uu ninkaas arlada ka qabto.
Allahayow middii uur leh iyo tii irmaan dumarka
Allahayow ummulihii nin dilay ubad jaqsiinaayey
Allahayow agoon iyo miskiin aadanaha liita
Allahayow nimaan oday da’ ah iyo habar ka oollaynin
Allahayow mid aabbi iyo kibir muumin ku idleeyey
Allahayow Ilaahnimo nimaan kugu addeecaynin
Allahayow Ibliis sheekh u eeg aannu garan waynay
Allahayow mid oogada jidhkana aad insiga mooddo
Allahayow misana aan ahayn awliyana sheegta
Allahayow mid ruuxuu arkaba ku adyadoonaaya
Allahayow ninkaa ku inkiree diidey amarkaaga
Allahayow mid aayadaha iyo diinta ku adeegta
Allahayow misana aan u odhan siday ahaayeenba
Allahayow aqoonlaawahaa eydu daba joogto
Allahayow adigu waad ogtahay waanad aragtaaye
Allahayow aroor iyo galab goor alliyo leyl ba
Allahayow Ibliiskaa khalqigu ka ashkatoonaayo
Allahayow ha nagu eegin kaa kuu ergaan bahaye.
Dhanka kale Sayidku isna waxa uu tirinayey tixo uu qolyahaas ku weerarayo, ama cid kaleba ugu halcelinayo. Gabayo badan oo Sayidku leeyahay waxa ka buuxa aflagaaddo loo geystay reero Soomaaliyeed iyo qofaf ba. Waxa kale oo jirey gabayo badan oo uu ugu hanjabayo beelo ay is hayeen iyo dad kacdoonkiisa ka soo horjeestay, meerisyadan baa aynu u soo qaadan karnaa muunad ahaan:

Haddii aannan Majeerteen sidii adhi u iideynin
Ararsamiyo Iidoor haddaan idhan ka loo qaadin
Oo aan irbaha dheer ka jarin Eyda reer hagar ah
Awlaxa haddii aanan la dhicin niman Ogaadeena
Ololaha colkaan wado haddaan laga ashaatoodin
Jidka Adari loo maro haddaan laga ugaadhoobin.
Hab dhaqankaa gurracan ee Daraawiishtu ku kacaysay ee aan looga baran dadka Culimada ah, iyo Wadaad hormuud u ah dariiqo diineed, waxa  ay kicisay Wadaadadii Soomaaliyeed qaarkood, cod dheer baa ay ku sheegeen in Wadaadku waxan uu wadaa aanay diin shuqul ku lahayn, sida aynu hore u soo marnayna isku dhaca wadaadada, gaar ahaan dariiqada Qaadiriyada iyo Sayidku waxa uu ka soo bilaamay Berbera.
Khilaafka Culimadii Soomaaliyeed iyo Sayidka ka dhexeeyey waa ka ugu danbayntii galaaftay Buunigii Qaadiriyada koonfureed homuudka u ahaa ee Sheekh Aways Baraawe(8), oo daraawiishtu ku dishay Biyooley, Sayidka oo dilkiisa ka maansoonayaana waxa uu yidhi :
Wuxuu dookhaneeyoo xumaan deli la meeraaba
Denbiguu Falaayaa Uways loogu dawgalaye
Candho dogoble goortaan diluu roobku noo da’ay.

Ka guuristii Ingiriiska ee Dhulka Miyiga

Gugii 1909kii ayaa maamulkii Ingiriisku wuxu ka soo guuray dhulka miyiga ah, isagoo isku ururinaya xeebaha, waxa se uu qaaday tallaabo aan loo aayin, oo ahayd in uu hub u qaybiyey beelihii deggaanaa dhulkii uu ka soo baxay, si ay isaga difaacaan Daraawiishtu haddii ay soo weerarto, oo ka dhignaa “lafo Maroodi iyagaa la isku jebshaa”. Hayeeshee waxa dhacay arrin aan gumaystuhu haabka ku hayn,ama ku talagal u sameeyey, reerihii hubka loo qaybiyey waxa ay u adeegsadeen in ay iyagu isku dhacaan, utumo colaadeed oo hore uga dhaxeeyey, waxa dhacday colaad baahsan iyo macaluul galaafatay dadkii  dalka ku noolaa, saddex meelood meel ahaan, waana xilliga la baxay Xaaraama Cune.

Dacwaddii loo gudbiyey Sheekh Maxamed Saalax

Isla gugii 1909kii waxa magaalada maka u ambabaxay culimo geyga Soomaaliyeed Misaan ku leh oo laga xusi karo, sheekh Cabdillaahi Nayoobi(9) iyo Sheekh Ismaaciil Sheekh Isxaaq(10), ujeeddada socdaalkani wuxu daarraa in Sheekh Maxamed Saalax oo hormuudkii dariiqada Saalixiyada ah la  gaadhsiiyo, falaadka wadaadka Daraawiishta haysta. Dadka taariikhda Daraawiishta qoray qaar baa aaminsan in ay tani ahayd xeelad gumaystuhu ku dhabar jebinayey halganka Daraawiishta. Sidii doontaba ha ahaatee Culimadaasi waxa ay sheekhii dariiqada gaadhsiiyeen in Sayidku dalkii iyo diintiiba fasahaadiyey. Waxa isna Culimadaa u marag furay Sheekh Cabdalla Shixiri oo Daraawiishta ka mid ahaa, kolkaa se ka goostay. Sheekh Maxamed Saalax waxa uu Sayidka u soo direy warqad uu ku canaananayo uguna sheegayo inuu joojiyo falalka diinta ku lidka ah ee uu ku kacayo. Aw Jaamac Cumar Ciise oo ah buuniga ururiyey taariikhda Daraawiikhtu waxa xusayaa in warqadaas la been abuuray, sheeko la yaableh ayuu qorayaa oo odhanaysa: Sheekh Maxamed Saalax waxa uu waraaqaha ku shaanbadayn jirey kaatunkiisa oo marka keliya ee uu iska saaraa ahaa, kolka uu musqusha gelayo, dabadeed isagoo suuliga ku jira ayaa karraanigiisii hoos laga la heshiiyey, oo warqad madhan shaambaddii lagu dhuftay, markii danbena wixii la doono lagu soo qoray. Hase ahaatee waxa la odhan karaa sheekadaa far baa ku godan oo dhawr siyoodba macquul uma aha,dadka sheekha Maka ugu tegay gaalo la socotay oo qorshaha maleegaysay lama sheegin, Culimada waaweyn ee halkaas tegayna dhaqan xumada sidaad u liidataa kama suurtawdo, cidda sidan ku doodaysaana ma ay soo bandhigin labadii waqadood, tii asalka ahayd iyo tii la been abuuray. Maamulka gumaysigu warqaddan sheekha ka soo baxday waxa uu uga faa’iidaystay hoos u dhigidda sumcadda Daraawiishta, oo warqaddii oo la badiyey ayaa culimadii Soomaaliyeed oo dhan la gaadhsiiyey.
Daraawiishtu dacwaddaa laga gudbiyey waxa ku eedaysay inuu soo maleegay sheekh Cabdalla Shixiri, Sayidka oo u hanjabayaana waakii lahaa:
Asay xidhatayaa amase weer kugu abaadyaaba
Amminkii habeennimo hurdada alalad booddaaba
Raggii uu waraabuhu axadhay agas u qaaddaaba
Ashkatootayaa iyo warqado ku andacootaaba
Ararihiyo dibadaha marba naga ufootaaba
Awtaamisaa iyo sidii geel u oloshaaba
Arki maysid ina shixiriyow inamadaadiiye
Adiguna Amxaar baad tahay iyo ehel nijaaseed.


Canjeel Talo waa

Warqaddii sheekh Maxamed Saalax kolkii ay xaruntii Daraawiishta Soo gaadhay, nuxurkeediina la ogaaday, waxa bilaabmay guux hoose iyo hugun,rag door ah oo ay ula muuqatay in aan xaaladdan la sii eegan karin baa is urursaday oo goor habeennimo ah ku shiray geed Canjeel ah oo xarunta ka durugsanaa, haddii talo la rogrogayna waxa la dhaafin waayey laba middood in la sameeyo; in xarunta laga hulleelo oo Daraawiish sidaa lagaga baxo, iyo in Sayidka laga takhaluso, meeshiisana qof kale loo dhiibo, si halganku u sii socdo, hase yeeshee iyadoo aan weli wax tallaabo ah la qaadin baa warkii gaadhay madaxdii Daraawiishta, waxa la sheegaa midhadh firxaday mooyee intii kale in dhegta dhiigga loo daray. In kastoo kacdoonkaasi dhicisoobay haddana waxa la sheegaa in wixii intaa ka danbeeyey, Daraawiish dhexdeeda is aamminku ku yaraaday.

Degistii Taleex

Dabayaaqadii 1909kii ayaa Daraawiishi u soo guurtay dhanka Nugaaleed, waxaanay degeen meesha la yidhaahdo Dameer oo laga dhisay qalcad la yidhaahdo Daarcad.
Taleexna waxa laga dhisay, afar qalcadood oo kala ahaa:
  • Silsilad : oo ahayd xarun loogu talagalay inay ku hoydaan ilaa 5000 neef oo xoolo ah iyo 2000 oo ciidan ahi.
  • Falaad : waa taliska ay degganaayeen Sayidka iyo Khusuusigu.
  • Daawad : oo loo dhisay dadka martida ah.
  • Daar ilaalo : Waa qalcadda laga Laga ilaalinayey xarumaha kale iyo deegaanka oo dhan. Waxa jiray qalcado badan oo deegaanno kala durugsan laga dhisay.
Kolkii Daraawishtu soo degtay Taleex ayaa Ingiriisku 1912kii dib ugu soo noqday dhulkii miyiga ahaa ee uu ka guuray, waxaanu sameeyey ciidan rakuubley ah oo uu hoggaamiye ka yahay Rijaadh Koofil. Xilligaas Daraawiishtu waxa ay lahayd ciidaan Dooxato la yidhaahdo oo wareega, saldhigna aan lahayn, waxa ay hawshiisu ahayd in Ingiriiska iyo Beelaha xukunkiisa ku hoos nool dhac iyo argagixin joogto ah ay ku hayaan. Ciidankaas ayaa weerar ba’an ku qaaday beesha Burco iyo agagaarkeeda deggan, dad wixii ay layn karayeenna way layeen, wixii xoolo ay heleenna waa ay soo dhaceen. Ciidankii rakuublayda Ingiriiska oo ay weheliyaan Soomaalidii xoolahooda laga soo dhacay ayaa ka daba baxay Daraawiishtii,  sanadkii 1913kii ayaa la isku haleelay meel Dulmadoobe la yidhaahdo, waxa ka dhacay daagaal lagu riiqday, oo Ruugga la baxay, labada dhan ba khasaare baaxad leh ayaa soo gaadhay, Ingiriiska waxa halkaas kaga dhintay, hoggaamiyihii ciidanka rukuubleyda Koofil, Sayidku dilka  ninkaa wuxu ka tiriyey gabay ashqaraar leh.
Daraawiish ayaa damacday in ay isku ballaadhiyaan dhulka Garaad Maxamuud Cali Shire ka taliyo, hase ahaatee Garaad Maxamuud oo kaashanaya boqor Cismaan  ayaa col ku soo saaray, ciidankaas is bahaysiga ahi waxa uu soo jebiyey Daraawiishtii, lakiin xaruntii Taleex ayaa laga soo abaabulay col, isbahaysiga u waydaarta maatidii iyo xoolihii ay ka yimaaddeen, waxa la sheegaa in Daraawiish iyo cidamadaas dagaallo aan waxba la isu la hadhini dhex mareen.
Xilliyadaa Sayidku waxa uu xidhiidho la sameeyey Boqorkii cusbaa ee xabashida Lij Iyaasu iyo boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo kolkaas aan itaal la sheego lahayn, lama sheegin wax caawimo ah oo ay soo gaadhsiiyeen.

Jabkii Daraawiishta

Gugii 1918kii ayaa daraawiishtu Taleex ka guurtay, una digarogatay Jiidaali oo qalcadi uga dhisnayd, muddo ka dibna waxa ay saldhigteen Mirashi, halkaasna ku negaadeen.
Ingiriisku  1919kii ayuu bilaabay hawlgal aan la shaacin oo uu doonayey in lagu soo afjaro iska caabbinta muddada dheer socota ee Sayidka iyo Daraawiikhtu wadeen,  hawl galkaas oo aad loo qariyey waxa loo qorsheeyey sidan:
– Ciidanka badda  3 markab
– Ciidanka Cirka   8 diyaaradood.
-Ciidanka dhulka   oo saddex madax ah.
Daraawiishtii Mirashi fadhiday markii lagu kediyey duullaan aanay waxba ka ogayn, waxa ay u firdhadeen dhanka Taleex. 4tii Febraayo 1920 kii ayaa diyaaradihii gumaysigu duqeeyeen, 7dii Febraayana ciidankii Ingiriiska ayaa la wareegay xaruntii Taleex.
Sayidka iyo koox qoyskiisii u badan ayaa u baxsaday dhankaa iyo galbeedka, halkaas oo ciidan aan badnayn oo Daraawiish ahi degganaayeen, middo yar ka dibna  Ingiriisku ergo culimo iyo salaaddiin ka kooban ayuu u diray sayidka si loogu qanciyo inuu hubka dhigo oo nabad qaato, hayeeshee waxba kama soo bixin waan waantaas, beelahii hawdka Maxmiyadda degganaa oo Ingiriiska taageero ka helaya ayaa ugu danbeyntii weerar ba’an ku qaaday, Daraawiishtii oo markaas cudurro iyo tamar la’aani isugu tageen, wixii weerarkaas ka danbeeyey Sayidka iyo ciddii raacay waxa ay tageen Iimay, halkaas oo Sayidku ku geeriyooday dabayaaqadii 1920kii isagoo 64 jir ah, halkaasna waxa ku soo gabagaboobay kacdoonkii Daraawiishta oo Muddo 21 gu’ ah taagnaa.
Gebogabadii dhacdooyinka taariikhda Daraawiishta qof ba dhankii uu jeclaystay ayuu ula kacay, waxa se mudan in xaqiiqda laga sheego. waxa   la odhan karaa Sayidka iyo colkiisu gumaysiga waa la halgameen intii itaalkood ah. Umadda ay u halgamayeen se gefaf waaweyn ayaa ay ka galeen, sidaa daraaddeed, mar waa halgamayaal gumaysi la dirir ah, oo taariikhda galay, mar kalena waxay ahaayeen col geel qaadnimada iyo umuladooxa ku ibtiloobay, oo bulshada dhiiggooda iyo xoolahoodaba xalaashaday, waxa la odhan karaa jabka daraawiishta sababaha keenay waxa ka mid ah, colaadda dhex taallay Soomaalida iyo daraawiishta, iyo colaadihii soo jireenka ahaa ee beelaha Soomaaliyeed ka dhexeeyay, oo beelaha qaar colka daraawiishta waxa ay u arkayeen beel isbalaadhinaysa oo dhulkooda iyo xoolahooda damacsan, waa isla  sababta qarni ka dib, dawladnimada Soomaalidu u hanaqaadi la’dahay, maamulladooduna u hagaaseen.

1-I.M lewis :the modern history of Somalia p.63.
2- Aw Jaamac : Taariikhda Daraawiishta bog. 15
3-Saalixiyadu waa dhambal ka falliidhmay Dariiqada Axmediyada ee suufiyada, waxaana hormuud u ahaa Sheekh Maxamed Saalax oo fadhigiisu ahaa Maka.
4- French Roman Catholic Mission waxa ay Berbera soo gaadheen 1886kii, waxaanay xarun waxbarasho oo diinta masiixiga lagu faafiyo ka furteen, tuulada dhaymoole  1891.
5- Erayga Darwiish oo asalkii Beershiyaan yahay, waa  eraybixin suufiyeed loo la jeedo qofka saahidka ah, ee u go’doomay cibaado iyo alla bari.
6-Sedo waxa lagu micneeyey cashuur ama gunno.
7- Qaabdhismeedka Daraawiishta iyo qiyaasta ciidamadooda waxa soo tebiyey dad daraawiishta ka soo fakaday xilliyo kala duwan.
8- Sheekh Aways waxa uu ahaa buuni hormuud u ahaa qaadiriyada koonfurta Soomaaliya.
9- Sheekh Cali Nayroobi fadhigisu waxa uu ahaa Laamuu, hormuudna waxa uu u ahaa dariiqada Saalixiyada ee deegaankaas.
10-Sheekh Ismaaciil Sheekh Isxaaq, waxa u ahaa reer Berbera.

Tixraac

 – Aw Jaamac Cumar Ciise : Taariikhda Daraawiishta: akademiga dhaqanja, Muqdisho  1976.
– Aw Jaamac Cumar Ciise  : Diiwaanka gabayada Sayid Maxamed C. Xasan, Akademiga dhaqanka, Muqdisho 1974.
– Samatar  Said S.  : Oral poetry and Somali Nationalism, the case of Sayyid Mohamed Abdille Hasan, Cambrige University Press, London 1982.
-Lewis I. M :  A modern History of Somalia~wet view press~London 1988.
– H. Rayne : Sun Sand and Somalis :Leaves from the note boook of a district commisioner in British Somaliland- London- 1921.
-Swayne, Major George C. Swayne : Seventeen Trips Thought Somaliland and a visit to Abayssinia- Rowland word ltd, London 1903.
– Douglas Jarndine : The Mad Mullah of Somaliland~Herber Jenkins ltd London 1921.
– BBC Soomaali : Qarnigii tegay iyo taariikhda Soomaalida (2000) qaybaha 1aad iyo 2aad
– RTD : Tixmaal: Taariikhda Daraawiishta.