Mahad oo dhan Ilaah baa iska leh. Naxariis iyo Nabadgelyana Nabi Maxamed korkiisa ha ahaato. Erayga Nabad waa eray aad u qiimo badan. Waa eray noolaha oo dhan aqoon fiican u leeyihiin, hamuun iyo hiloow weyna ay u qabaan. Nabad waxaa lagu qeexaa oo ugu dhow macnaha soo socda “ Xaalad degennaansho iyo xasillooni, ayna ka dheertahay qas iyo argagax noocuu doono ha ahaadee”. Waxaana saldhig u ah oo nabaddu ku negidahay waxa loo yaqaan “caddaaladda”. Nabaddu waa miisaanka nolosha waayo nolol ma jirayso haddii nabad la waayo, nabadna ma jirayso haddii caddaalad la waayo. Xaqiiqada noocaan ahi waa mid ay fahmeen ama loo baahan yahay in ay fahmaan dhammaan aadanaha oo dhan iyo weliba xayawaanka ku nool dhulka iyo badda intaba. Wadaadkii la oranjiray Rev. Martin Luther King, Jr . ee u doodi jiray xuquuqda dadka madow ee Maraykanka ayaa warqad uu ka soo qoray xabsi ku yaallay magaalada Birmingham 16kii April 1963dii wuxuu ku yiri “ True peace is not merely the a...
Comments
Post a Comment
waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan