Sida aynu marar badan aragno waxaa dhacda in dadka qaar marka ay seexdaan uu dhareer badani ka yimaaddo afkooda inta ay hurdaan. Waxa aynu u naqaannaa Can-dareero, oo qofku marka uu hurdo dheer seexdo ayaa aad loogu arkaa, waxa aynu u naqaannaa in ay tahay arrin iska caadiya, laakiin xaqiiqada cilmiga caafimaadku sheegay ayaa ah in arrintani ay astaan u tahay mushkilad caafimaad.
Qormadan oo aynu Afsoomaali usoo rognay waxa ay ka warramaysaa dhibaatooyinka caafimaad ee dhareerka xilliga hurdada la isku arkaa astaan u noqon karo. caafimaad ahaan xaaladdan waxaa loo yaqaannaa ereyga ‘Sailorhea’ oo macnihiisu yahay, ‘Dhereerin xad-dhaaf ah’. Waxaa jira qanjidho badan oo shaqadoodu tahay dhareer soo saarista, laakiin waxa ay soo saaraan dhareer xaddidan oo afku haysan karo, marka laga reebo xaalado yar oo kooban. Dhareerka ay qanjidhadani habeenkii soo saaraan waa uu ka yar yahay, xaddiga ay soo saaraan marka aanu qofku hurdin. Dhinaca kalana qofku marka uu soo jeedo si aanu is dareemayn ayaa uu dhareerka saayidka ah ee afkiisa ku soo dhaca u liqaa, liqistaas awgeed ayaana keenaysa in qanjidhadani dhareer badan soo saaraan si ay u kabaan hadba inta uu qofku liqo. Halka marka uu qofku hurdo ay muruqyada wejigu dabcaan, isla markaana aanu u liqayn dhareerka saayidka ah ee afka ku soo dhaca, sidaa awgeed uu ku ururayo aakhirkana afka ka soo fatahayo ee bannaanka u soo baxayo. Haddii aad u fiirsato marka uu qofku dhareerinayaa waa marka uu dhinac u jiifo, haddiise uu dhabarka u jiifo dhareerku soo fatahi maayo ee afka ayaa uu ku gudo jiraa, oo qofku marka uu yara baraarugo ama is rogo uu liqayaa.
Maka carruurta laga hadlayo; Ilmaha caano-nuugga ah marka ay ilkuhu u soo baxayaa, waa xaalad aan dhibaato u taagnayn, laakiin waxaa lagu qaldi karaa mararka qaarkood oo dhareerka carruurta qudhoodu dhibaato caafimaad astaan u yahay. Tusaale ahaa marka ay jirto dhibaato dhinaca muruqyada ahi haysato, carruurta xaalado nafsiya iyo kuwo dhinaca hab-macaamilka ahi haysato ayaa lagu arkaa dhareer afkooda boobaya oo aanay xakamayn karin. xaalado ka sii khatar badan ayaa jira, carruurta qaba xaalado dhinaca neerfayaasha ah, sida faalig maskaxda ahi ku dhaco ayaa iyagana lagu arkaa.
Marka aynu u nimaadno cudurrada uu dhareerkani calaamad u noqon karayo waxaa ka mid ah kuwan hoos ku xusen:
1. Xasaasiyadda: Dadka qaba xasaasiyadda sanka, calaamadaha lagu arko ayaa ay ka mid tahay in ay habeenkii dhareeriyaan. Sidoo kale nooca xasaasiyadda ka mid ah ee loo yaqaanno xasaasiyadda cuntada ayaa ka mid ah sababaha dhareerka badan ee habeenkii keenta.
2. Asiidhka caloosha: Asiidhka caloosha, ama waxa aynu u naqaanno Gaasta ayaa ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay keento hungurigu sameeyo dhaqdhaqaaq isaga oo tusaale ahaan isku dayaya in uu celiyo asiidhka uu ka baqo qabo in ay caloosha ka soo noqoto oo dhuunta soo gaadho. Dhaqdhaqaaqaas ayaa sababa in qanjidhada dhareerkuna u qaataan in la gaadhay waqtigii shaqadooda loo baahnaa oo ay soo daayaan dhareer fara badan.
3. Sanboorka: Inta badan marka uu jiro caabuq dhinaca hab-dhiska neefsiga ahi waxa uu saamayn ku wada yeeshaa neefsiga iyo liqidda cuntada. Sidaa awgeed qofka marka ay cilladi caafimaad darro ku jirto hab-dhiska neefsiga waxaa dhacda in qanjuhu ay dhareer dheeraad ah soo saaraan, taas oo marka dambe gaadha in afka uu dhareerku ka soo daato, badashada uu batay awgeed. Marka uu qofka sanboorku ku kacsan yahay waxaa xidhma sanka, xaalado kale oo cabudh keenaana waa ay jiraan. Marka uu cabudhkaasi jiro qofku waxa uu neefsiga u duwayaa afka, afkaa uu ka neefsanayo ayaana keenaya in dhareerku bato oo aakhirka afka ka soo dareero marka uu qofku hurdo.
4. Qanjo xanuunka: Kaarka badan iyo bararka qanjaha hunguriga ku yimaadda marka ay bukaan ayaa sabab u noqda in dhareerku si fiicanu wada dhaafi waayo si qofku u liqo,sidaaawgeed waxauu ku ururaa hunguriga hoostiisa, waxa aanu aakhirka keenaa in uu fataho oo qofku marka uu hurdo dhareeriyo.
5. Saska iyo cabsida hurdada dhexdeeda. Dhareerku in uu qofka ka dareero marka uu hurdaa waa calaamad muujin karta in uu riyo xun iyo argagax ku dhex jiro, waxa ay xaaladdani inta badan ku dhacdaa dadka waaweyn, waxa aana aalaaba keena xaalado nafsiya.
Xaaladaha nafsiga ah ee dhareerkan hurdada keena waxaa kamid ah qofka oo ku jira xaalado nafsiya, sida diiqad dhinaca jacaylka ama kalgacalka ah oo saaran.
6. Dawooyinka qaar: Dhareerka habeenkii qofka ka dareera waxyaabaha keena waxaa ka mid ah dawooyinka noocyo ka mid ah, sida dawooyinka qofka xaaladaha nafsiga ah ku jira lagu dejiyo, maandooriyaha ayaa isna keena, dawooyinka kale ee keeana waxaa ka mid ah Morphine ta iyo Pilocarpine.
Waxa kale oo dhareerkan badiya hurdo la’aan qofka ku dhacda ama khalkhal xilliga hurdada dhaca, sida dadka hurdada ku socda, ama habeenkii iyaga oo hurda hadra.