Kaabayaasha xidhiidhka jaceylka W/Q: Ibraahim Xuseen Daa’uud ‘Masxaf
Kolka aad rabto in aad abqaasho geed waa in aad hesho dhulkii. Mar labaadka waa in aad diyaarsato ooddii ama jaajuurkii aad kaga weegaari lahayd noolaha waxyeeli kara. Waa in aad u banneyso meel ay ka soo geli karaan falaadhaha qorraxdu. Sida oo kale ciddii ka warhayn lahayd iyana waa qodob meesha ku jira. Tabtaa waxa ka dhigan jaceylka. Jaceylku waa dareen laba qalbi si wadajir ah u beertaan. Waxa uu leeyahay wax korriya oo kobciya iyo wax wiiqa awooddiisa korriimeed. 1.Kalsoonida Kalsoonidu waxa ay ka mid tahay qodobada ugu tunka weyn ee jaceylka labada qof ku taagan yahay. Kalsoonidu waxa ay xidhiidhka labada qof ugu jirtaa halka udubka iyo dhigtu ugu jiraan aqalka. Bal day hal-abuurakani sida uu inoogu sawiray: “Aasaaska guurkiyo Aqal waxa adkeeyoo Udubada u taagaa Ogow waa kalsoonida Iyo unugga caashaqa” Mar kale hal-abuurkani isna waxa uu inoo tilmaamayaa kalsoonida oo la waayaa in ay wiiqi karto xidhiidhka kalgacal ee labada ruux dhexyaal. Bal day: ‘’Hadduu...