Posts

Showing posts from January, 2019

Waan ku jeclahay!

Waa runtay oo waan ku jeclahay. Jacaylka aan kuu qabo maaha mid aan adiga kuugu danaynayo ee waa mid aniga dantayda gaarka ahi ku jirto. Waliba jacaylka kaliya maaha ee in aan dantaada ka fakaro iyo in aan wax ku taro labadaba dantayda gaarka ah ayaa ku jirta. In aan ka hortago wax kasta oo dhib ah oo kugu soo fool leh iyo in aan ka shaqeeyo sidii aan kaaga dul qaadi lahaa dhibaatada hadda ku haysata iyaduna waa dantayda khaaska ah, kumana xirna in aad adigu i walaalaysatid ama i jeclaatid ama wax ii tartid ama dhibta i haysata aad ila qaybsatid ama aad ii abaalgudid. Dhinac kale inaan waxaas oo dhan kuu sameeyo maaha baryo iyo abaal aan kuu galay ee waa xaq aad igu leedahay oo haddii aan intii tabartay ah kaa hagrado aad adduunka iyo aakhiraba ii raacan kartid. Ha ila yaabin, meel fogna wax ha ka doonin ee i weydii caddayn iyo markhaanti. Hadalka aan kugu iri caddaymo iyo markhaantiyaal badan baan u haystaa ee iga dhagayso: In aan dar Ilaahay kuu jeclaado oo kuula walaaloobo ii...