Maxaa kaa hortaagan inaad Horumar sameyso?
Maxaa kaa hortaagan inaad Horumar sameyso? Dabcan dad badan waxay isbedel u sameyn waayeen, waxaa jira waxyaabo dib u celinaya, kana hortaagan inay gaaraan horumar la taaban karo. Halkan hoose waxaa ku xusan 10 waxyaabood oo u baahan inaad naftaada ka joojiso: 1. Jooji in aad dayacdo Salaada iyo guud ahaan cibaadada Alle. Maalin kasta shan waqti waxaan maqalnaa "U kaalaya Guusha" haddii aadan ka jawaabin isla marki, Shanta Salaadood waqtigooda aadan tukan, ma jiro waqti kale aad maareyn karto, mar kastana qofka wuxuu ahaanayaa mashquul aan hadana wax u qabsoomin 2. Jooji inaad naftaada been u sheegto, Khiyaalina aad ku maaweliso. Nolosheenu waxay horumartaa keliya markaan fursadaha ka faa’iideysano, fursada ugu horeysa uguna daran aan qaadan karno waa inaan nafteena daacad u noqono 3. Jooji inaad waqti ku lumiso asxaabta xun. – Noloshu way gaaban tahay inaad waqti ku lumiso dad farxada kaa qaada. Kala garo nooca saaxiibada aad leedahay. Saaxiibka xun keliya gadaal ...