Saturday, September 7, 2019

12 Arrimood Oo keeni Kara In Wax Akhriskaagu Yaraado

Dhallinyaro fara badan baa waxay intaa igu yidhaahdaan, waan jecel nahay wax akhriska, faa’iidadiisana waan dareen sannahay, haddana waan isku kari la’nahay.
Haddaba waxaan jeclahay inaan qormooyinkan soo socda, aan idiinku soo gudbiyo sababo keeni kara in wax akhrisku kugu adkaado, ama aadan isugu arag inaad noqon karayso qof akhriyaa ah.
  • Arrimaha waawayn ee dhallinta ku koray dunida saddexaad wax akhriska nacsiiyay ama u tusay in aanay ahayn wax la jeclayso, waxa weeye buugtii waawaynaa (text books) ee kolka uu imtixaan innagu soo socdo aan necbaysan jirnay in aan kala furno ama aan ka meermeeraysan jirnay in aan soo qaadnaba. Marar badan waxa dhici karaysa in aynaan arrintan ku baraarugsanayn, laakiin waa xasuus ku kaydsan maskaxdeenna qaybta aan wacyiga lahayn (subconscious), se xasuustaasi mar kasta oo aan buug akhris ku fekerno si ogaal li’i ah ayuu ladhkeedu inoogu soo kacaa. Taasaana marar badan keenta in ay buug fara badan oo aan islahayn akhriya ay kabadhada inoo saaran yihiin, haddana aynaan sanado kala furin. Marka koowaad waa in aad ku baraarugsanaato in arrintaasi sabab wax akhriska kuu diida uu noqon karo, sidoo kalana aad ogaato in akhriska buugta iskuullada (text books) iyo buugta kale ee uu qofku akhriskoodu doorto aanay isku mid ahayd, labadoodana ay doorasha ku yimaadda ay sii muhiimsan yihiin.
  • Arrinta labaad ee akhriska ka hor istaagi karaysa waxa weeye, haddii aad buug billowdo oo aadan dhammayn, in aad isku aragto inaad tahay qof akhriska ku fashilmay. Si la mida qodobka koowaad, marar badan buugtii aan iskuullada ku soo dhigan jirnay, waxaan ku qasbanayn in aan dhammaynno. Dunida akhriska, khasab maaha in aad buug aad billowday aad dhammayso. Waayo buugtu isku si looma abuurin ama looma qorin, buug baa laga yaabaa in ay labo fikradood oo muhiima uun ay ku jirto. Sidaa daraadeed khasab maaha inaad buug kasta dhammayso. Bal’e, akhris-yahannada waawayn waxay caan ku yihiin in ay buug fara badan mar qudha isku furaan. Haddaad buug billowdo oo aanad dhammayn, ha isku arkin in aad akhriska ku fashilantay.
  • Sababta saddexaad ee keenta in akhriskaagu yaraado, waxa weeye in saaxiibbadaadu u badan yihiin kuwo aan waxba akhrin. Arrintan waxa laga yaabaa in ay tahay arrin aad in badan maqlaysay, oo ay dad badani iska yidhaahdaan, laakiin xaqiiqonimadeedu waa mid gun-dheer. Aadanuhu waa noole isa saameeya, si aan weliba la malayn karayn. Qofku way adag tahay in uu noqdo wax aanay dadka ku hareeraysani ahayn, laakiin waxay u badan tahay in uu noqdo waxa ay yihiin dadka ku hareeraysan. Odhaah caan ah baaba tidhaahda: Waxaad tahay celceliska waxa ay yihiin shanta qof ee aad wakhtiga ugu faraha badan la qaadato. Taa macnaheedu waxa weeye, shanta qof ee aad wakhtiga u ugu faraha badan aad la qaadato, saddex ama afar ka mida haddanay waxba akhrin, waxay u badan tahay adiguna in aadan akhriyaa noqon.
Xal: Haddaad rabto in aad noqoto qof akhriyaa ah, abuuro oo noloshaada ku soo biiri dad wax akhriya, kana mid noqo naadiyada akhriska iwm.
  • Arrinta afaraad ee iyadana keeni karta in akhriskaagu yaraado, waxa weeye in aanu akhrisku weli caado kuu noqon. Akhrisku waa caado, ma aha wax mararka qaar la sameeyo, ama aad ka fekerto in aad samayso. Haddaad doonayso in aad akhriyaa noqoto, waa inaadan ka fekerin in aad wax akhrido maanta ama berri, laakiin aad is aragto adigoo buugga laacaya ama gacanta ku haya, ama aad is aragto adigoo akhriyaya.
Xal: Saynisyahannadu waxay yidhaahdaan, caadadu waxay ku samaysantaa muddo 60 cisho ah. Haddaba isku day in aad wax akhriska joogtayso muddo 60 cisho ah oo aanad maalinna kala goyn.
  • Qodobka shanaad ee keeni kara in uu akhriskaagu yaraado waa dul-qaad li’i. Caadada akhrisku maaha wax fudud, weliba kolka aad caadadaa imminka uun billaabayso. Wax waliba billowgoodu ma sahlana. Waxay kaaga baahan tahay juhdi iyo dul-qaad dheeri ah. Waxa la yidhaahdaa, dayax gacmeedku, ku dhawaad 80% shiidaalkiisu wuxuu quutaa daqiiqadaha ugu horraysa ee safarkiisa, halka 20% uu ku dhammaysto inta ka hadhay muddada uu sahanka ku jiro. Wax waliba billowgiisu wuu adag tahay, akhriskuna waa la mid.
Xal: Labo siyoodba akhriska ugu dul-qaado. Waa mare, ma fududa inaad muddo 30 daqiiqo ah wax akhris meel la fadhido iyadoo aanay weli caado kuu noqon, weliba casrigan sooshal miidhiyuhu ee dadku taleefanka ku fooraro. Isku day inaad wakhti yar ku billowda sida: 10 ka cisho ee hore inaad 5 ama 10 daqiiqo aad wax akhriso, haddii ay kugu adkatana aad kasii yarayso si aanay 60 kaa casho maalinna kaaga baaqan.
Waa marka labaade, muddada ugu horaysa waxa dhici karaysa adigoo wax badan wax akhriyay, oo wax akhriska u dul-qaadanayay, haddana inaad muddo dheeftiisa arki waydo. U dul-qaado arrintaa oo ogow in ay tahay wax caadi ah oo lasoo wada maro. Dhirtuba, waraabka bilaha hore kuma dheeraato. Muddo sii insha Allaah.
  • Arrinta lixaad ee keeni karaysa in wax akhrisku kugu adkaado, waxa weeye luqadda aad wax ku akhriyayso oo aad isku dhibban tihiin.
Iyadoo wax akhrisku aanu weli caado kuu noqon (wax aad qabatintay), haddii afka aad doonayso in aad wax ku akhrisana uu noqdo af illaa xad waxa aad ku akhriyayso aanad ku fahmi karayn, way adkaanaysaa in wax akhriskaagu xoogganaado. Waayo kolka horaba wax akhriska caado kuuma ahayn oo waad isku qasbaysaa, iyadoo ay sidaa tahay, haddii afka aad wax ku akhriyaysana aanu ahayn af aadan illaa xad aqoonta buugga ku duugan aadan ku fahmayn, way adkaanaysaa inaad joogtayso wax akhriska ama aad hesho xamaasaddii aad ku joogtayn lahayd
Xal: Inta uu wax akhrisku caado kaaga noqonayo (wax aadan ka fekrin samayntiisa), isku day in aad wax ku akhrido afkaaga koowaad ama afafka ay kuu fududdahay in aad wax ku akhrido. U jeedadu waxa weeye, halganka adag ee aad caado samaysashada ugu jirto in aanu kugu adkaan oo afkuna kugu noqon mushkilad labaad. Marka isku day inta aad ka noqonayso qof akhriyaa ah, in aad wax ku akhrido afka ama afafka aadan ku dhibbanayn wax ku akhrintiisa
FG: HADDII AAD MAQAALAKAN KOOBAN DHAMMAYN KARI WAYDO, ADIGUU KAA HADLAYAA! ðŸ™‚ Waan ka kaftamayaa, laakiin dhammee si aad u ogaato xogta.
  • Arrinta toddobaad ee keeni karta in akhriskaagu yaraado, waxa weeye badshada baraha bulshada (social media). Siyaabooyin fara badan buu baraha bulshadu akhriskaaga u saamayn karaa, laakiin arrinta muhiimka ah ee aan jeclahay in aan qodobkan ku xuso waxa weeye, saamaynta ay ku yeelan karto dulqaadkaaga kolka aad is tidhaahdo 30 daqiiqo ama saacad buug meel la fadhiiso adigoon eegin tuwitarkaaga, instagaraamkaaga ama boostiyada ku qoran gidaarka faysbuuggaaga.
Saynisyannadu waxay leeyihiin, qofka badsada akhrinta boostiyada (posts), gaar ahaan jumaladaha lagu soo qoro faysbuugga iyo tuwitarka, waxaa yaraada dulqaadka uu u yeelan karo in uu akhriyo maqaallada – buugtana isakaba daa warkooda. Sababtuna waxa weeye, qofku mar wal oo uu ka gun-dhaadho ogaanshaha wax ka doohsoonaa oo uu doonayay in uu ogaado, ama helo mucda iyo macnaha xog ka qarsoonayd, maskaxdiisu waxay sii daysaa dheecaan doobamiin (Dopamine) la yidhaahdo, dheecaankaasoo maskaxda u qaabilsan qaybteeda abaal-marinta.
Taa macnaheedu waxa weeye, sida ay maskaxdu dheecaankaa abaal-marinta ah uga helayso akhrinta boostiyada koobkooban ee faysbuugga iyo tuwitarka, uguma helayso akhrinta maqaallada dhaadheer iyo buugta. Haddii uu qofku badsado akhrinta boostiyadaa, wuu qabatimayaa oo mar walba wuxuu doonayaa dareenkaa farxadeed ee uu helayo mar wal oo uu akhriyo boostigaa kooban, sidaasna waxa ku yaraanaya dulqaadkii uu qofku u yeelan lahaa in uu akhriyo maqaal ama buug.
  • Xal: Isku day in aad nafta bari karayso in ay maalintii dhowr saacadood ka maqnaan karayso baraha bulshada, haddii aad awoodi karaysana maalin gelinkeed ama maalin dhan ka maqnow. Sidoo kale, isku day inaad hawl caajis leh (boring) ku fooganaan karayso muddo saacado ah adigoon maanka ku hayn faysbuugga, tuwitarka, instagaraamka iwm. Kolka aad nafta barto in ay muddo meel fadhiyi karayso iyadoon boostiyada faysbuugga ama tuwitarka kala rogin, markaa uun baad awoodna u yeelan kartaa inaad wax akhriskana u dul-qaadato.
  • Qodobka 8-aad ee keena in wax akhrisku kugu adkaado waxa weeye, in uu hab-billowgu kaa khaldan yahay. Waxaan horay usoo tilmaannay in wax akhrisku caado yahay, caadaduna samaysankeedu adag yahay muddooyinka hore. Marar badan waxa dhacda qofku isagoon wax akhrisku weli caado u noqon in uu isku qaado buug ka fil-wayn oo uu fahamkiisuba ku adag yahay. Marar kale waxa dhacda in qofku judhiiba ku billaawo buug 400 ama 500 oo bog ah. Arrintaasi waxay qofka ku keenaysaa in culayskii samaysashada caadada wax akhriska ka haysatay ay ugu sii darsanto culayska fahmidda buuggii ka heerka sarreeyay ama ay dhammayntiisu ku adkayd. Taasina waxay keenaysaa in ay qofka ku adkaato in uu wax akhriska joogteeyo, hadduu wax akhriska joogtayn waayana caadadii wax akhrisku u samaysmi waydo, aakhirkana waxay ku qasbaysaa in uu dib usoo bilaabo caadadii.
Xal: Inta aad caadada wax akhriska ka qabatimayso (60 ka cisho ee ugu horreeya), isku day in aad akhriso:
  1. Buugaag ka hadlaya mawaadiic aad xiisaynayso.
  2. Buug mowduuca uu ka hadlayo aad wax ka fahmayso. Ha akhrin buug fahamkiisu kugu adag yahay si kastoo uu u qiimo badan yahay.
  3. Ha akhrin buu 250 bog xaashiyihiisu ka badan hyihiin. Waxaan u jeedaa, akhri buug kooban oo aad si fudud u dhammayn karayso.
  • Xaaladaha kale ee keena in wax akhriskaagu yaraado waxa ka mida, inaad wax akhriska la sugayso goor iyo goob habboon.
Noloshu sideedaba hawli kama dhamaato, oo ma qabyo beesho. Markaad hawl iska riddaba mid kalaa kugu soo af yeelanaysa. Taa macnaheedu waxa weeye, haddaad tidhaahdo waxaan wax akhriska la sugayaa wakhti aan firaaqo hayo, waxaad ogaataa in wax akrhiskaaguna uu marti u noqonayo xaaladaha nololeed ee ay filashadooda iyo saadaalintooduba adag tahay, sidaasna waxaa kaaga tagaya bilo, sanado iyo cumri.
Dadka wax akhriya, badidoodu, ama xilli go’an bay maalintooda u qoondeeyaan in ay wax akhriyaan ama kansho (Faraaqo/chance) kasta oo ay helaan, wax bay akhriyaan. Taa macnaheedu waxa weeye, maaha dad suga xilliga ay kansho helayaan. Mana aha dad is yidhaahda wax akhri markaad maktabadda gasho ama aad xeebta tagto ama aad geedkii laydha wacnaa hoos fadhiisato. Goob wal oo ay joogaan iyo kansho kasta oo ay helaan wax bay akhriyaan.
Xal: Haddaad doonayso inaad akhriyaa noqoto, misna aad tahay qof mashquulkiisu badan yahay, isku day in had iyo jeer buug kaa ag dhow yahay. Boorsada iskuulka dhex gasho, gaadhiga dhex dhigo, xafiiska la tag, kabadhka/armaajada qolka saaro, isku hareeree buug. Kolkaad biririf heshaba, isha mari, Ilaahow maad labo sadar akhrisid e.
  • Sababta 10-aad ee keeni karta in wax akhriskaagu yaraado waxa weeye, in diirad-saaryadaadu (focus) qaybsan tahay.
Waxaynnu nool nahay xilli dhugmadeenna (attention) iyo diirad-saaryadeenna (focus) dunidoo dhammi weerar ku tahay. Malaayiinta ganacsi ee jira, ee balaayiinta doollar iideh-da ku bixiya, waxa ay gadanayaan waa dhugmadaada (attention). Malaayiinta qof ee intaa faysbuugga, tuwitarka, inistagaraamka, yuutiyuubka iyo qaybaha kale ee sooshal miidhiyaha intaa wax soo galinayaa waxay ku tartamayaan waa dhugmadaada. Maxaad wax u akhrin la’dahay baad is leedahay ama aad danahaaga u qabsan la’dahay, laakiin ma ogide waxaad ku dhex jirtaa caalam cid waliba danaheeda kuugu yeedhanayso, marar badanna aad ba u fulinayso adigoon ka war hayn.
Xal: Haddaad doonayso in aad wax akhriska iyo danahaaga kaleba usoo jeesato, isku day inaad iska yarayso isticmaalka baraha bulshada. Sanadkii dhowr bilood iska xidh, haddaadan samaynayn karin, bishii toddobaad ka maqnow, haddaadan yeeli karayn, toddobaadkii maalin ka maqnow, taana haddaadan samaynayn, baraha bulshada ha gelin gelinka hore ee maalintaada. Xilligaa hore wakhtigaaga geli waxyaabaha mudnaanta koowaad kuu leh.
  • Qodobka 11-aad ee keeni kara in wax akhriskaagu yaraado waxa weeye, wax akhrisku in aanu kuugu jirin liiska waxyaabaha waawayn ee mudnaanta kuu leh (priority).
Tayada nolosheennu waxay in badan ku xidhan tahay waxyaabaha aynu mudnaanta koowaad siinno iyo sida waadixa ah ee ay innoogu muuqdaan. Akhrisku haddaanu kuugu jirin waxyaabaha aad mudnaanta koowaad siiso, wuxu ku biirayaa liiska walxaha xigaalka ah (secondary), markaana si kastoo aad u jeceshahay in aad samayso, meel dhow kaaga muuqan maayo, waayo kama mid ah waxyaabaha waawayn ee miiska kuu saaran.
Xal: Haddaad doonayso inaad gurato midhaha wax akhriska, ku dar waxyaabaha mudnaanta koowaad kuu leh. Ku dar waxyaabaha ay tahay markuu waagu kuu baryo, in aanu gabbalku kuu dhicin adigoon samayn.
  • Sababta 12-aad ee iyana keenta in wax akhrisku kugu adkaado waxa weeye, Hadafka aad wax akhriska ka leedahay ma xoogaysna. Waxa dhici karaysa inaad marar badan maqashay faa’iidooyin badan oo uu wax akhrisku leeyahay, laakiin aanad marnaba ka fekerin oo aadan is waydiin faa’iidada uu ADIGU kuu leeyahay. Haddaanay kuu muuqan wax akhrisku, waxa uu noloshaada ku soo biirin karo iyo sida uu kuu hormarin karo, waxa yaraanaysa inaad xamaasad u hesho culayska hore ee wax akhriska, una dul-qaadato.
Xal: Meel cidlo ah oo deggan intaad mar fadhiisato, isku day inaad meel ku qorto 15 sababood oo uu wax akhrisku ADIGA muhiim kuugu yahay. Hadda maan odhan 15 sababood oo uu muhiim u yahay! Waxaad qortaa 15 sababood oo uu adiga muhiim kuugu yahay iyo waxa uu noloshaada ku soo kordhinayo. Marka aad 15-kaa sababood qorayso ama aad ka fekerayso, hubi in ay sababahaasi yihiin kuwo ku dareen-godliyay. Marka kasta oo uu dareen la socdo sababta aad wax u rabto, waa mar kasta uu ay sababtaasi xoogaysan tahay, mar kastoo ay sababta xoogaysatana, waxa fududaanaysa in aad caqabadaha kaa hor imaanaya aad u dul-qaadato.
DHAMMAAD!

Qore: Mubarak Hadi.

Friday, September 6, 2019

Dhaqannada Aan Ku Wacnayn Maqaaxiyaha Iyo Goobaha Dadweynuhu ku Kulmaan


Hargeysa (Geeska)- Maqaaxiyaha iyo goobaha cuntada fudud ee dhalinyaradu isugu timaaddaa waa goobta saddexaad ee waqtiga ugu badan lagu qaato, marka laga yimaaddo shaqada iyo guriga, waana goobta uu qofku ka helo isdhexgalka bulsho iyo xidhiidhada ugu habboon ee uu sameeyo.
Maqaal ay dhowaan faafisay majaladda Readers Digest oo ka soo baxda dalka Maraykanka, ayaa qoraaga Isabel Tavares ay kaga hadashay qaar ka mid ah caadooyin ay sheegtay in dadka maqaaxiyaha yimaaddaa aad ugu dhaqmaa, oo ay fiican tahay in la iska daayo; waxaana ka mid ah:

Xidhiidhada Taleefanka ee Fiidyowga ahIn adiga oo maqaaxi jooga aad qof kala hadasho is-gaadhsiin fiidyow ahi waa caado aad u xun. Waxaa ka muuqata in aad tahay shakhi naftiisa uun raalli geliya. Agaasimaha mashaariicda ee shirkadda Access New York Metro, mudane Jordan Gary ayaa ku taliyey in ay fiican tahay in qofku uu dhawro anshaxa adeegsiga taleefanka, oo aanu noqon qof cod dheer ku hadla, sidaa awgeed ay muhiim tahay in qofku ogaado in aanay cidina diyaar u ahayn in ay sheekadiisa maqasho.

Miis keliya ha xidhanMaqaaxiyuhu waxa ay u qaybsan yihiin kuwo marka hore u diyaarsan in dadku ay gaar u kala fadhiisan karaan si ciddii doonaysaa ay u hesho faq gaar ah, iyo kuwo dadweyne oo mar kasta cidhiidhi ah. Waa maqaaxiyaha loogu talagalay in dadweynuhu shaaha ka cabbaan wixii aan sheeko gaar ahayna ku dhammaystaan. Waxaa marar badan dhacda in qof jooga maqaaxi dadweyne oo cidhiidhi ahi haddana uu doono in uu miis gaar ah xidho, oo aanu jeclaysan in cid kale oo aanu garanaynin ay la wadaagto miiskaas. Waa hab-dhaqan keli danaystenimo, waxa ay caddaalad darro ku tahay meheradda oo u baahan in ay hesho meelo macaamiishu u fadhiistaan iyo macaamiisha oo doonaya in ay helaan fadhi. Wixii gaar kuu ah la doono meel gaar kuu noqon karta, dhibaatana kuma jirto in koox is wadataa ay fadhiisato hal miis oo aanay cid kale fakaak ka heli karin, laakiin weligaa iska jir in aad fadhiisato miis cid kale kula wadaagi karto, haddana aad dhibsato in laguula wadaago.

Dhawaqa / jaraska taleefanka gacantaDadka badankiisu ma jecla dhawaqa dheer, dananka ama dhawaqa uu jaraska taleefanku sameeyo marka ay cidi la soo xidhiidho ayaa ka mid ah dhawaqyada laga yaabo in aanay dadka qaar jeclaysan. Waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in dhawaq aad taleefankaaga ku xidhatay ay dhici karto in qof kale uu dhibsado, gaar ahaan marka uu aad u dheeryahay. Si guudba dhawaqa taleefankaaga in aad gaabisaa waa ay fiican tahay, gaar ahaan marka aad joogto meelaha ay dadku isugu yimaadaanna waxaa qurux badan in uu noqdo dhawaq gaaban, guux ama ilays si adiga oo keliyi aad u dareento in uu taleefankaagu dhacayo.

Fadhiga badanIn uu qofku yeesho saacado iyo maalmo ay naftu nasasho dareentaa waxa ay u fiicantahay caafimaadka, waxa ay u fiican tahay niyadda waxa aanay kordhisaa tamarta qofku uu fasaxa kaddib waajibaadkiisa ku qaadanayo, laakiin waxaa ceeb ah in qofku uu noqdo calaamad ka mid ah calaamadaha maqaaxida.
Iska jir in aad maalin kasta waqtiyo la yaqaanno fadhiisato hudheellada, ama hudheel keliya, waxa ay lumisaa waqti aad dano badan oo kale uga faa’iidaysan lahayd, waxa aanay kuu soo jiidaysaa sumcad darro iyo in dad badani kuu arkaan qof aan waqtigiisa uga faa’iidaysan karin waxa dantiisu ku jirto.

Kursi saaxiibkaa ku fadhiistoMarar badan waxaa dhacda in qof aynu kula balanno maqaaxi, kaddibna inta aynu ka soo horreyno aynu qofkaas u sii qabanno kursi. Waa dhaqan ceeb ku ah ilbaxnimada, waa tallaabo cadaalad darro ku ah macaamiisha saaxiibkaa ka soo horreeya ee imanaya meheradda, waana meel ka dhac aad u geysanayso meheradda laftigeeda.
Marka ay maqaaxidu cidhiidhi tahay kursi kasta qofka u soo horreeya ayaa leh, saaxiibkaana marka uu yimaaddo ayaa ay tahay in uu kursi raadsado.

Talefanka iyo dalabkaMudalabka ka shaqaynaya maqaaxidu kelidaa kuuma adeegayo, mana jeclaysanayo in waqti badan kaga lumo inta uu sugayo dhigista taleefanka aad ku hadlayso. Waxaa fiican in aad mudalabka ka caawiso sidii uu waqtigiisa uga faa’idayn lahaa, una raalli gelin lahaa dhammaan macaamiisha kala duwan. Waa dhaqan xun in qofka dalabka kaa qaadaya oo u taagan in uu kuu adeego, aad adigu taleefank ku hadasho.
Maqaaxida bannaankeeda ku dhammayso taleefanka, ama jar oo marka hore dalabkaaga sheego, kaddibna dib ugu noqo taleefanka.

Salaan dadka kuu adeegayWaa dhab in aad lacagtaada ku iibsatay in laguu adeego, laakiin ogow in aanay lacagtu goyn karin karaamada aadamaha. waa dhaqan fiican in qofka kuu adeegayaa uu kaa dareemo soo dhoweyn iyo sinnaan aanad iska sarraysiinayn. Baro in aad qofka kuu adeegaya salaanto, una muujiso in aad tihiin laba ruux oo siman, farqiga u dhexeeyaana uu yahay keliya in aad tihiin iibiye iyo iibsade. Ama laba qof oo ganacsi dhex marayo.
Salaan mudalabka, si xushmayni ku dheehantahayna uga dalbo waxa aad rabto.

W/T: Kamaal Marjaan
Xigasho wargeyska geeska Africa