4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo
In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud ahaan qof kasta iyo dadka ku xeeran, ayaa ka mid tahay tiirarka guusha xidhiidhka labada qof adkeeya. In hawl la maamulo ama laga midho dhaliyana waxaa lagama maarmaan u ah in kalsooni ay ka dhex jirto dadka ku wada lug leh. Maamule kasta oo doonaya in uu meel sare gaadhsiiyo hawsha loo igmaday ama in uu guul u soo hooyo awooddiisa maamul waxaa la gudboon in uu bilowgaba kalsooni ka dhex abuuro dadka la shaqaynaya isla markaana uu adkeeyo kalsoonida u dhexeysa isaga iyo bulshada. Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Al-Carabiya ayaa soo ururinaysa Afar siyaabood oo uu Jacak Welsh oo ah Maareeyaha Maxadka Jack Welsh ee cilmiga maamulka, lehna khibrad maamul oo 40 san ahi aaminsan yahay in ay xoojiso kalsoonida dadka dhexdooda ah: Noqo deeqsi : Deeqsinimadu waa mid ka mid ah sifoyinka hoggaamineed, ruuxa deeqsiga ahina ma’aha ka gacanta furan oo kaliya, balse waa qofka dadka oo dha...