Posts

Showing posts from 2024

3 Arrimood Oo Xoojiya Is-Fahamka Lammaanaha

Image
  Nolosha qoysnimadu ma’aha safar damaashaad iyo ciyaareed sida ay dad badan la tahay, balse waa geeddi dheer oo ay lammaanuhu isla marayaan nolol barwaaqadeeda iyo baahideedaba leh, sidaa awgeed ruux kasta oo guur-u-meer ah ama xaas lihi waa in uu is weydiiyaa, sidee ugu habboon ee aad ula qabsan kartaa noloshaa cusub?! Waa maxayse sababaha fashilaadda ku keeni kara nolosha qoysnimo? Laga bilaabo maalinta qoyska dhismihiisu kowsado, lammaanaha mid kastaa waxa uu kan kale kala kulmayaa ama ka baranayaa arrimo badan oo marka hore uu mo’oganaa, waxaana dhici karta in saygu uu afadiisa kaga nixiyo hab-nololeed aanay hore ula soo qabsan. Noloshu waa ay sii socotaa oo ay mararka qaarkood la timaaddaa mushkilado ay ka mid yihiin is-fahmi waa, ama iyada oo midiba kan kale qalad ka fahmo, ixtiraamka u dhexeeya lammaanaha is-qaba oo yaraada iyo arrimo la mid ah oo dhammaantood haddii aan xal dhaqso ah loo helin qoyska burburkiisa lama huraan ka dhiga. Culimada cilmi nafsiguna waxa ay xaqiij...

Faa’idada Ay Leedahay In Aroortii Laga Soo Tooso Hurdada & Waxyaabaha Ay Cilmi Baarayaashu

Image
  Dhamaanteen waxaa jecel nahay in aroorta hore soo toosno, balse in yar oo naga mid ah ayaa sidaas sameeya maalin kasta. Marka laga soo tago macaansiga hurdada, arrimo ay ka mid yihiin stress-ka, walwalka, niyad jabka, dawooyinka qaar iyo xanuunada raaga ayaa keeni kara inay qofka ku adkaato aroor hore tooska. Qaar ka mid ah daraasadii u dambeeyay ayaa tilmaamaya in xiriir wayn uu ka dhexeeyo wax-soo-saarka iyo aroor hore tooska. Waxaa la arkay in dadka aroorta hore hurdada kasoo kaca ay ka wax soosaar wanaagsan yihiin kuwa hurdada ku daaho. Dabcan marka aad aroorta hore soo kacdo waxaad haysataa saacado dheeraad ah taas oo wax ku fadhida nolosha maanta ee mashquulka badan ee la wada ordayo. Waxaa la arkay in dadka aroorta hore soo toosa ay caado u leeyihiin fiid hore seexashada, tanina waxay faaido boqolkiiba boqol ah ay u leedahay caafimaadka. Hurdadu waxay cusboonaysiisaa nudeyaashaada oo ay ku jiraan kuwa maskaxda iyo maqaarka. Hurdo la’aantu waxa ay xumaysaa wax soo-saarka qo...

Taariikh Nololeedka Abwaan Xaaji Khaliif Aw Axmed Kooshin

  Taariikh Nololeedka Abwaan Xaaji Khaliif Aw Axmed Kooshin   Magaca: Xaaji Khalif Aw Axmed Kooshin    Goobta   Dhalashada: Ceelka Laasacadaar, Gobolka Sool, Soomaaliya    Sanadka Dhalashada: 1914    Sanadkuu xajay : 1954 Sanadkuu Geeriyooday : 1959, Marqaan, Dawlad Deegaanka Soomaalida    Hooyadii: Dhuuxay Aw Cali Cabdi Xaaji Aadan (Reer Xaaji Aadan, Reer awmaame Abayoonis “Geri”)   Suugaanta   Xaaji Khalif Aw Axmed Kooshin wuxuu ahaa mid ka mid ah hal-abuurkii ugu magaca dheeraa ee Soomaalida, gaar ahaan dhinaca gabayada iyo suugaanta. Wuxuu kaalin mug leh ka qaatay kobcinta suugaanta Soomaaliyeed, isagoo gabayadiisa ku dhex wadi jiray silsilado iyo doodaha bulshada. Gabayada Xaaji Khalif waxaa ka muuqan jiray xikmad, dhiraandhirin, iyo aragtiyo ku saabsan xaaladaha taagan ee  bulsho iyo diineed.   Magaca "Khaliif" waxaa u bixiyey Hogaamiyihii Daraawiishta, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, taasoo sharaf iyo m...

Buugga Murtida Dardaaran Haween

Image
  Faalo kooba Buugga Murtida Dardaaran Haween Halku dhigga buugga ” Hagaha murtida dumarka iyo xulashada guurka” Waxaan ayaantaan akhrintiisa ku howlanaa buugga magaciisu kor ku xusan yahay, waxaana uu ka hadlayaa arrimo badan oo xambaarsan mowduucyo kala duwan oo la xiriira qoyska, xulashada lammaanaha, dhaqanka iyo waxay diintu ka qabto. Milgaha, mudnaanta, qiyam iyo qadarinta uu siinaayo haweenka waa mid runtii wax badan ka beddelaya dareenka bulshada. Siiba hadday akhristaan hablaha Soomaaliyeed waxay unoqon lahayd kayd ay ka helaan xogo badan oo ka dahsoon. Ma ahan mid aan ku sookoobi karo buuggan waxa uu ka hadlaayo maqaal, sheeko iyo faalo kooban. Miidda, dhumucda ku duugan buuggan ayaa ah mid si heer sare ah loo farshaxameeyay, lagularay hal tabin, macaanayn iyo subkid siyaabo kala duwan loogu sharaxay dhiganahaan. Marka hore buugga waxa uu bixinayaa arar, afeef hadba sida aad u taqaano, waxa uu ka faaloonayaa qoraaga intii uu waday baarista cilmiga ku duugan buugga. Waxa u...