Saturday, September 7, 2024

Buugga Murtida Dardaaran Haween

 Faalo kooba

Buugga Murtida Dardaaran Haween

Halku dhigga buugga ” Hagaha murtida dumarka iyo xulashada guurka”

Waxaan ayaantaan akhrintiisa ku howlanaa buugga magaciisu kor ku xusan yahay, waxaana uu ka hadlayaa arrimo badan oo xambaarsan mowduucyo kala duwan oo la xiriira qoyska, xulashada lammaanaha, dhaqanka iyo waxay diintu ka qabto.

Milgaha, mudnaanta, qiyam iyo qadarinta uu siinaayo haweenka waa mid runtii wax badan ka beddelaya dareenka bulshada. Siiba hadday akhristaan hablaha Soomaaliyeed waxay unoqon lahayd kayd ay ka helaan xogo badan oo ka dahsoon.

Ma ahan mid aan ku sookoobi karo buuggan waxa uu ka hadlaayo maqaal, sheeko iyo faalo kooban.

Miidda, dhumucda ku duugan buuggan ayaa ah mid si heer sare ah loo farshaxameeyay, lagularay hal tabin, macaanayn iyo subkid siyaabo kala duwan loogu sharaxay dhiganahaan.

Marka hore buugga waxa uu bixinayaa arar, afeef hadba sida aad u taqaano, waxa uu ka faaloonayaa qoraaga intii uu waday baarista cilmiga ku duugan buugga. Waxa uu bixinaya dardaarano la xiriira xulashada guurka, qoyska, kobcinta iyo garashada da’yarta.

Buuggan waxa uu cutubka kowaad aad uga faalooday qoraaga erey bixino uu ka sameeyay haweenka Soomaaliyeed, qeexitaano aad uga fikiray qoraaga, kuwo igu cusbaa iyo kuwo aan horay u maqli jiray iyo qaar aanba ilaaway xusuustana ka baxay.

Ereyada aad taqaanaan waxaa ka mida, Haween, Dumar, Gabar, Cadrad, Gashaanti, Maranti “Afo, Arar, Xaas”, Hooyo, Habar, Baaluqad, Dumaashi, Soddoh, Gaari, Baali, Gambooley, Goombaar, Guudweyn, Guumeys, Foodley, Rablayn, Roorsi, Basaas, Dhaashi, Dangalo, Dadab-Gal, Dhibaad, Dhalmadays, Dhigaal, Dihasho, Naashudo, Naakirad, Moqorad, Moora-dhac, Madax-shub, Minweyn, Minyaro, Mugmugato, Meelmadaya, Marasho, Masruuf, Masayrtir, Meher, Mashxarad, Cudad, Caro-celin, Garoob iyo Carmal.

Waa inyar oo aan ka xasuusto erey bixino iyo qeexitaano cajiib ah uu ka sameeyay Qoraaga. Waxa cajiib ah erey bixinada waxay ku salaysanyihiin qoyska siiba dumarka. Waxaa aad uga helay sida quruxda badan ee farshaxamaysan ee uga faalooday cutubkaas, waxaana arrin layaableh ah dardaaranka qiimaha badan ee uu kaga faalooday.

Cutubka labaad ayuu uga hadlay Guurka.

Noocyada guurka, erey bixinada guurka uu leeyahay, xiriirka soojireeenka ah ee ka dhexeeya guurka iyo dhaqanka Soomaalida isagoo qoraaga aad ugu dheeraaday dhaqanka suuban ee ay leedahay ummadda Soomaaliyeed oo ku kala nool qaaradda Afrika iyo guud ahaan geyiga Soomaaliya, isagoo mid walba dul istaagay qoraaga si cilmiyaysan, ka fiirsasho leh, deganaan, debecsani ku dheehan tahay ayuu uga faalooday buuggaas.

Waxa kale oo uu qoraaga aad uga hadlay xiriirka Jaceylka iyo guurka ka dhexeeya, isagoo sooqaatay daliilo Qur’aanka iyo axaadiista Nebiga “NNKH” ku soo arooray. Dhinaca kale wuxuu ku dabaqay dhaqanka soojireenka ah ee Soomaalidu leedahay, isagoo sooqaatay dhaqanadii hore, qaabkii hore ee ay kuwada xaajoon jireen Soomaalida, qaabka uu ahaa haasaawahooda iyo murtidii ay adeegsan jireen.

Cutubka 3aad ayuu uga hadlay murtida ay gaarka u leeyihiin hablaha Soomaaliyeed.

Murtida ayaa isugu jira maahmaahyo, xikmado, suugaan goos-goos ah oo macaaneenaya murtida, sheekooyin la xiriira haweenka oo laga soo dhimbilay murti dhaxal gal noqday.

Maahmaayada haddii aan ka sooqaato min hal xabo.

Dumarku waa saddex:

A. Haween gogol wacan
B. Haween gasiin wacan
C. Haween galmo wacan.

Saddex dumarka lagu qabo:

A. Xilkasnimo
B. Xog-ogaalnimo
C. Xan la’aan.

Saddex dumarku waa necebyihiin:

A. La xisaabtan
B. Kelinimo
C. Aamusnaan.

Saddex nafteeda ku qabta:

A. Geel ka gelgelin jecel
B. Baranbarana ka dufan jecel
C. Jiracna ka biyo neceb.

Dumarku saddex bay ahaayeen:

A. Idheh aan ku dhegeystee
B. Iidhiibo aan ku dhaqdee
C. Iga dhal aan dhunkadee

Murtida ma ahan intaan balse waa dhowr xabo aan ka sooqaatay buugga, mid walba qoraaga aad buu uga faalooday isagoo ku tiiqtiiqsaday, sharaxaad dheeraadana ka baxshay murtida isagoo sooqaadanaya mid walba aminta la adeegsado.

Cutubka 4aad ayuu uga hadlay qoyska

Dhiganaha ayuu uga hadlay arrimaha qoyska, ku dhaqanka diinta islaamka, ku xirnaanta sunada Nebiga “NNKH”, xalka muranka soo dhexgala qoyska, talooyin aad uga haley.

Murtida cutubkaan ku jira ayaa kuwo macno gooniya ka turjumaya sida Afar Kaaf ayaa naagta lagu qabaa { Kaalay, Keen, Kari, Ka joog”, tukalena waxay ahayd: Afar weeye gabadh ” Mar waa xoog, Mar waa xilo, Mar waa xoolo, marna waa xurmo”.

Ma ahan mid aan ku sookoobi karo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ka dhex helay buuggan, isla markaana waa mid haddii aad akhriso aad ka heli doontid insha Allaah.

Qoraaga ayaa talooyin badan oo la xiriira xulashada lammaanaha siiyay inta jecel in ay yeeshaan qoys ku dhisan diin, akhlaaq, ismaqal, xurmo, xushmad, taloqaadasho, isku dhimrin, dhaqan iyo sharaf usaaxiiba. Waxa uu siinayaa ubadka Alle siiyo sida ay unoqon lahaayeen kuwo waxtar u leh bulshada, sida kuwo ku soo kordhiya bulshada cilmi, dhowrsanaan lagaga daydo, iyo kuwo laga ammaan helo adinkooda iyo afkooda.

Waxaana rabaa in aan asxaabtayda jecel akhriska, qoraalka, dhaqanka in ay waxbadan akhriyaan buugta, waxaad ka helaysaan waxbadan oo idinka maqan. Cilmigu waa caqli la biirshay, inbadan oo aad wax akhrido, waa in badan oo aad heshaan xogo kaa dahsoon, waa intaasoo ay ku anfacaan.

Buuggaan waxa qalinka u qaatay qoraaga buugga aan ka faaloonaayo magaciisuna yahay Eng. Bashiir Siciid Xasan “Maareeye”, waana qoraaga qoray ilaa saddex buug oo kale.

Lawadaag asxaabtaada fadlan si ay u akhristaan cilmiga ku duugan dhiganahaan ama halkaan uga wac saaxiib aad isleedahay waa ehel akhris iyo qoraal.

W.Q. Maxamuud Axmed Muuse Tallman