Wednesday, October 16, 2024

Taariikh Nololeedka Abwaan Xaaji Khaliif Aw Axmed Kooshin

 

Taariikh Nololeedka Abwaan Xaaji Khaliif Aw Axmed Kooshin

 

Magaca: Xaaji Khalif Aw Axmed Kooshin  

Goobta   Dhalashada: Ceelka Laasacadaar, Gobolka Sool, Soomaaliya  

Sanadka Dhalashada: 1914  

Sanadkuu xajay : 1954

Sanadkuu Geeriyooday : 1959, Marqaan, Dawlad Deegaanka Soomaalida  

Hooyadii: Dhuuxay Aw Cali Cabdi Xaaji Aadan (Reer Xaaji Aadan, Reer awmaame Abayoonis “Geri”)

 

Suugaanta

 

Xaaji Khalif Aw Axmed Kooshin wuxuu ahaa mid ka mid ah hal-abuurkii ugu magaca dheeraa ee Soomaalida, gaar ahaan dhinaca gabayada iyo suugaanta. Wuxuu kaalin mug leh ka qaatay kobcinta suugaanta Soomaaliyeed, isagoo gabayadiisa ku dhex wadi jiray silsilado iyo doodaha bulshada. Gabayada Xaaji Khalif waxaa ka muuqan jiray xikmad, dhiraandhirin, iyo aragtiyo ku saabsan xaaladaha taagan ee  bulsho iyo diineed.

 

Magaca "Khaliif" waxaa u bixiyey Hogaamiyihii Daraawiishta, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, taasoo sharaf iyo maamuus u ahayd isaga. Magac-bixintaas waxay muujineysaa in Xaaji Khalif uu lahaa xiriir dhanka suugaanta iyo hogaaminta oo heer sare ah, isagoo xambaarsanaa dhaxalka Daraawiishta iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee hal-adaygga iyo halganka.

 

Wuxuu ahaa xeeldheere dhanka suugaanta ah, oo gabayadiisa looga dayan jiray hal-abuurka. Suugaantiisa waxaa ka muuqday falsafad qoto dheer, taas oo ay bulshada Soomaaliyeed si weyn u qadarin jirtay. Gabayadiisa caanka ah waxay kala ahayd kuwo ku saabsan qaddiyadda Soomaaliyeed, diin, dhaqanka, iyo wacyigelinta bulshada. Xaaji Khalif wuxuu ahaa qof si firfircoon uga dhex muuqda suugaanta Soomaaliyeed, oo mar walba ku jiray safka hore ee abwaannada Soomaaliyeed.

 

Wuxuu qeyb weyn ka qaatay silsiladda Guba oo ahayd mid suugaaneed oo lagu loolami jiray, iyadoo abwaanno fara badan ay halkaas gabay isku dhaafsadeen. Wuxuu sidoo kale tiriyey gabayo diineed oo dadka ku baraarujinaya inay Alle ka baqaan, Aakhiro-na u diyaargaroobaan, si gaar ahna diiradda u saaray qiyaamaha iyo cibaadada.

 

 

Hogaaminta

 

Xaaji Khalif wuxuu bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ka ahaa hoggaamiye ruuxi ah oo bulshada u horseeday dariiqa wanaagsan ee diin iyo dhaqan wanaagsan. Dadka hareerihiisa ku noolaa waxay u arkayeen qof ay talo iyo tusaale ka qaadan karaan, waxayna si weyn ugu kalsoonaan jireen garsoorkiisa iyo talooyinkiisa. Waxaynu ognahay in dhaqanka Soomaaliyeed uu qofka hoggaamiyaha ahi kaalin weyn ku leeyahay, isagoo lagu qiimeeyo deeqsinimada, xigmadda, iyo caddaaladda uu bulshada ku dhaqmo. Xaaji Khalif intaba wuxuu ku sifoobay, isagoo dadka deegaankiisa aad uga dhex muuqday.

 

Diinta

 

Xaaji Khalif wuxuu ahaa shaqsi aad ugu dhagan diinta Islaamka, isagoo kaalin weyn ka qaatay faafinta diinta iyo wacyigelinta dadka ku saabsan anshaxa diinta. Wuxuu ahaa sheikh diinta ku xeel dheer, waxaana lagu yaqiin inuu dadka ku hanuuniyo dariiqa toosan. Xaaji Khalif wuxuu ku wacdiyi jiray dadka iney Alle ka cabsadaan, salaadda joogteeyaan, oo ay diinta Islaamka si wanaagsan ugu dhaqman. Waxyaabaha kale ee uu dad badan ku jeclaysiiyay waxay ahayd inuu ahaa qof deeqsi “ nin Sikhi ah oo sir iyo caad wax u baxsha ”  oo had iyo jeer dadka caawiya.

 

Dhaqanka

 

Xaaji Khalif wuxuu ahaa shaqsi ka muuqda dhaqanka hodanka ah ee Soomaalida, wuxuuna aad u dhowrijiray dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed. Wuxuu si weyn ugu adkaa dhaqanka xushmadda, deeqsinimada, iyo martisooridda. Wuxuu ahaa nin sharaf iyo karaamo leh, dadka dhexdiisana waxaa looga dayi jiray dhaqanka wanaagsan ee uu soo bandhigi jiray.

 

Aftahanimada iyo Garsooridda

Xaaji Khalif wuxuu ahaa aftahan aad u fiican oo hadalkiisa bulsho aad loogu dhegeysto. Waxa uu ku dhisnaa hadal dhameystiran oo xikmad leh, isagoo waliba ahaa garsoore kaalin weyn ku leh xalinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda. Dadku waxay talo ka qaadan jireen marka ay timaado garsoorid ama xalinta muranno dhexmara beelaha, waxaana lagu yaqiin go'aan qaadasho hufan oo dhexdhexaad ah. Xaaji Khalif wuxuu lahaa aftahanimo dabiici ah, taas oo ka dhigtay inuu mar walba noqdo qofka ugu horreeya ee la weydiisto talada marka arrimaha adag yimaadaan.

 

Xeeldheeraanta Suugaanta iyo Cilmiga

 

Xeeldheeraantiisa suugaaneed iyo falsafadiisa qoto dheer ee gabayada waxaa ka muuqan jiray in uu yahay abwaan aad u feker badan. Wuxuu caan ku ahaa inuu hal-abuurkiisa suugaaneed si qoto dheer u habeeyo, isaga oo gabayada u isticmaala in uu bulshada wacyigeliyo. Xeeldheeraantiisa suugaanta ayaa keentay in gabayadiisa ay noqdaan kuwo lagu daydo, dadkana ka baran jireen waxyaabo badan oo cilmiga sharaceecadda islaamka  iyo dhaqanka ku saabsan.

 

Xajka iyo Geeridii abwaanka 

 

Sanadkii 1954, Xaaji Khalif wuxuu u baxay Xajka si uu u guto waajibkiisa diimeed, isaga oo halkaas ku gutay cibaadadii xajka. Intii uu halkaas joogay, wuxuu dad badan kula kulmay Xaramka oo Culimo ka mid ahayd  Afar sano kadib, sanadkii 1959, Xaaji Khalif wuxuu ku geeriyooday magaalada Marqaan oo ka tirsan Dawlad Deegaanka Soomaalida, halkaas oo uu Alle kula kulmay isaga oo ka tagay dhaxal weyn oo dhinacyada suugaanta, diinta, iyo dhaqanka ka muuqda.

 

Dhaxalka iyo Saameynta

 

Xaaji Khalif wuxuu bulshada uga tegay dhaxal hodan ah oo ku saleysan diinta, dhaqanka, iyo suugaanta. Waxaa lagu xasuustaa sida uu uga qeyb qaatay kobcinta bulshada, isagoo noqday Sheekh ruuxi ah, abwaan caan ah, iyo nin wax badan u qabtay dadka Soomaaliyeed. Xeeldheeridiisa suugaanta, aftahanimadiisa, iyo xaragaddiisa ayaa dhaxal ahaan ugu tagtay jiilasha dambe, kuwaas oo weli xusuusta magaciisa iyo saameyntiisii ku saabsan bulshada iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

 

 

 

Silsaladii Guba Gabaygii Xaaji Khaliif Aw Axmed

Bal dayaay:

  • Aarkaba haddii wiilal dili laysu daba joojo
  • Marka horre sidduu deyrka jabin ways dalliciyaaye
  • Dabadeed ninkuu dili naftay kala dardaarmaane
  • Markuu duubi-weynoo indhaha dibada soo joojo
  • Oo door ka laayoo ilkaha darib ku haanfiiro
  • Bal dayaay ninkii dalash ahaa sooma daakhilo e
  •  
  • Laba dibi dinaahayn ka siman jeeray dirireene
  • Daafaha intay kala jiraan wax isma doorshaane
  • Doc ka dhugadka daymada danbaa mid is daleenshaaye
  • Haddii daawad deyr loo dhigoo baarqab lagu daayo
  • Oo dabar lasoo dhaco midkay kabadu diifaysay
  • Bal dayaay markuu doobta rido wuu durduriyaaye
  •  
  • Orgi door ah oo naag dir badan adhi kusii daysay
  • Hadduu qabad dan galo oo riyaha qaylo kaga daadsho
  • Bal dayaay markuu geeska daro waa durduriyaaye
  •  
  • Afartaasi waa gabayga dadan dadabdhigiisii dheh
  • Warsangaliga cadho daalisee dibinta ruugaaya
  • Dirir haddii uu maagana arliga dumuq ka siinaaya
  • Bal dayaay dad buu ii xigaa waana daraftaye
  •  
  • Suldaan duub leh daaraha khatiman badaha duunkooda
  • Hawiyuhu dabkiisii sitee dooni amarkiisa
  • Bal dayaay dad buu ii xigaa waana daraftaye 
  • Mareexaan haddaan wiil u diro laysu soo durugye
  • Ogaadeen dal dheer iyo wuxuu wabiga daanshoodo
  • Hadduu dirir xigaalkii og yahay igama daaheene
  • Damta iyo dinnaagada harruu kaa dul baxayaaye
  • Haddii dalandal kaa fiigo waa dooxanahayaane
  • Allay lehe inaan daynahayn duunka kaa hadha e
  • Intaas oo kun dawladi anooy dunidan ii joogto
  • Markaan Dabacayuunoow arliga nabad ku daaqsiiyey
  • Allay lehe inuu daawo furo waa gun dalabkeede


waa qayb hor dhac ah