3 Arrimood Oo Xoojiya Is-Fahamka Lammaanaha
Nolosha qoysnimadu ma’aha safar damaashaad iyo ciyaareed sida ay dad badan la tahay, balse waa geeddi dheer oo ay lammaanuhu isla marayaan nolol barwaaqadeeda iyo baahideedaba leh, sidaa awgeed ruux kasta oo guur-u-meer ah ama xaas lihi waa in uu is weydiiyaa, sidee ugu habboon ee aad ula qabsan kartaa noloshaa cusub?! Waa maxayse sababaha fashilaadda ku keeni kara nolosha qoysnimo? Laga bilaabo maalinta qoyska dhismihiisu kowsado, lammaanaha mid kastaa waxa uu kan kale kala kulmayaa ama ka baranayaa arrimo badan oo marka hore uu mo’oganaa, waxaana dhici karta in saygu uu afadiisa kaga nixiyo hab-nololeed aanay hore ula soo qabsan. Noloshu waa ay sii socotaa oo ay mararka qaarkood la timaaddaa mushkilado ay ka mid yihiin is-fahmi waa, ama iyada oo midiba kan kale qalad ka fahmo, ixtiraamka u dhexeeya lammaanaha is-qaba oo yaraada iyo arrimo la mid ah oo dhammaantood haddii aan xal dhaqso ah loo helin qoyska burburkiisa lama huraan ka dhiga. Culimada cilmi nafsiguna waxa ay xaqiij...