Monday, June 19, 2017

DARWIISH ISMAACIIL MIRE ( Ragow kibirka waa lagu kufaa Kaa Hala Ogaado )


Gabaygan waxuu tiriyey Ismaciil mire mar Nin la odhan jirey carab dheere oo saajin Askartii gumaysiga ingiriiska u shaqayn jirey ahaa , ayaa maalin maalmaha ka mid ah Nin weydiistey Walaashii, markaas buu yidhi maxaad ku falaysaa? markaas baa ninkii yidhi waan guursanayaa, halkii jawaab ka sugayey ninkii,Haa iyo maya ayuu yidhi hala toogto, markas baa la yidhi carab ninka maxaad u dishay markaas buu yidhi anigoo carab dheere ah oo sabaankan jooga ninka walaashay i weysdiistey barina wax kale ayuu soo wataa (Hadalka waan qarinaynaa) Arinkii waxaa maqlay Ismaaciil mire oo halkaas joogay . ismaaciil waxaa ka codsaday in uu gabyo ninkii carab dheere ahaa darwiishkuna wuxuu ku dhahay ii balan qaad in aadan ammaan galinayso carabna howraarsan ayuu dhahay  intaa ka dib ayaa waxuu tiriyey gabaygan qiimaha weyn leh oo ragii somalida kibrey wakhtigaas ku soo wada daray 
waxuuna yidhi:
Kulligood adoomaha rabboow qaybsha kibistiiye
Qof kastoo kabtiya ama kalaha ama kur dheer fuula
Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase koob shaah ah
Ninba kadabkii loo qoray Ilaah wuu la kulansiine
Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado

Ninkase koob nimca ah fuuqsadee kadin irmaan maala
In karuurka uu qubo horay kaafka ugu tiille
Killigiiba Reer-Hagar anaa kiin ah baa rogaye
Kamma Sugulle maankii sidii kuray carruureede
Kas xumaa hoddaye naagta way kala fogaayeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Lixda koos ee Reer Cali-gariye kaw iskaga siiyey
Kasi waaye wuxu waa qabaal waadna kabataane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kaysaha adduun Ina Amaan kuma qarraacnayne
Ragbaa keeno gali buu is yidhi waad u koraysaaye
Misna kama fileyn mana hadayn kii Israa'ilaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Af xakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye
Ka dambee Calluu yidhi intuu Kaaha guursadaye
Isna kaal u tumay weyn intuu kariyey waabeeye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kalmadduu lahaa Ina Galaydh kohay gadaashiiye
Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye
Baallacad kalyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Raguu muxumud waal raray haduu saanta uga kaadsho
Kulcad uma ay dileen oo hadana koor magaliyeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey
Garaad Faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye
Misna kala khadhaadhaa dhunkaal kulankii goobeede
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye
Kashiisaba ma galin wiilalbaa keebka kuu qabane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kaakici wadaadkii dagaal laguna kaalmeeye
Kumanyaal laguug duub cad buu keenay Beerdhiga e
Waxse kadabkii go'ay maalintuu kaday raggiisiiye
Kabaalkiisii baa jabay markuu kariyey Reer Kheyre
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne
Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay
Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye
Kashib dhaha Adoomahoow naftii kii ladnaa gadaye 



  19/06/2017

Sunday, June 18, 2017

Silsaladii Guba Gabaygii Xaaji Khaliif Aw Axmed

Bal dayaay:
  • Aarkaba haddii wiilal dili laysu daba joojo
  • Marka horre sidduu deyrka jabin ways dalliciyaaye
  • Dabadeed ninkuu dili naftay kala dardaarmaane
  • Markuu duubi-weynoo indhaha dibada soo joojo
  • Oo door ka laayoo ilkaha darib ku haanfiiro
  • Bal dayaay ninkii dalash ahaa sooma daakhilo e
  •  
  • Laba dibi dinaahayn ka siman jeeray dirireene
  • Daafaha intay kala jiraan wax isma doorshaane
  • Doc ka dhugadka daymada danbaa mid is daleenshaaye
  • Haddii daawad deyr loo dhigoo baarqab lagu daayo
  • Oo dabar lasoo dhaco midkay kabadu diifaysay
  • Bal dayaay markuu doobta rido wuu durduriyaaye
  •  
  • Orgi door ah oo naag dir badan adhi kusii daysay
  • Hadduu qabad dan galo oo riyaha qaylo kaga daadsho
  • Bal dayaay markuu geeska daro waa durduriyaaye
  •  
  • Afartaasi waa gabayga dadan dadabdhigiisii dheh
  • Warsangaliga cadho daalisee dibinta ruugaaya
  • Dirir haddii uu maagana arliga dumuq ka siinaaya
  • Bal dayaay dad buu ii xigaa waana daraftaye
  •  
  • Suldaan duub leh daaraha khatiman badaha duunkooda
  • Hawiyuhu dabkiisii sitee dooni amarkiisa
  • Bal dayaay dad buu ii xigaa waana daraftaye
  •  
  • Mareexaan haddaan wiil u diro laysu soo durugye
  • Ogaadeen dal dheer iyo wuxuu wabiga daanshoodo
  • Hadduu dirir xigaalkii og yahay igama daaheene
  • Damta iyo dinnaagada harruu kaa dul baxayaaye
  • Haddii dalandal kaa fiigo waa dooxanahayaane
  • Allay lehe inaan daynahayn duunka kaa hadha e
  • Intaas oo kun dawladi anooy dunidan ii joogto
  • Markaan Dabacayuunoow arliga nabad ku daaqsiiyey
  • Allay lehe inuu daawo furo waa gun dalabkeede

SIDEE KHABIIR KU NOQON KARAA ?

Waa qoraal qiimo leh oo uu turjumay Cabdicasiis Guudcadde. 
"Haddii aad maalin kasta gelisid waqti dhan 30 (soddon) daqiiqo barashada hal wax oo qeexan, waxa aad ku noqonaysaa khabiir aan lagaga daba-dhufan muddo 6 bilood ah."

Earl Nightingale waxa uu baadhayay iskuna taxallujiyay guusha muddo tobanaan sanno ah, si dhab ahna waa uu u gudanayay shaqadiisa. Waxqabadkiisii inta u badan haddeer waa la iska illaaway, balse haddii aad in uun meel ku aragtid, waa kuwo u qalma in waqti la gesho ee ha sii dayn. Aniga aad ayaa ay ii caawiyeen.
Mid ka mid ah casharradii ugu waxtarka badnaa ee Earl waxa uu ahaa:
Haddii aad maalin kasta gelisid waqti dhan 30 (soddon) daqiiqo barashada hal wax oo qeexan, waxa aad ku noqonaysaa khabiir aan lagaga daba-dhufan muddo 6 bilood ah.
Waa run. Anigaygan ayaaba ogsoon in ay run tahay, sababta oo ah waxa aan qaatay taladiisaa waxa aanan soo baxay khabiir isnacay!
Waa suure in ay qaadato ammin ka badan lix bilood marka la dersayo cilmiyada kakan, balse soddon daqiiqo oo maalinle ah – waa haddii aad si niyad ah aad maalin kasta u baratid’e – waa waqti BADAN oo diiraddu meel keliya haysato.
Sidee loo samayn karaa?
Sida aad u malaynayso inta ay doonto ayaa ay ka fududdahay, marba haddii aad qaadan kartid go’aanno masiiri ah oo aad maamulan kartid noloshaada … diidi kartidna in aad ku noolaatid filashada dadka kale!
Tan micnaheedu waa in aad awood u leedahay in aad dhahdid “maya”. Ta micnaheedu waa in aad oggolaan kartid xaqiiqada ah in dadka kale u diran yihiin niyadjebintaada. Waa in aad samayn kartid waxa aad isleedahay waa sax, adiga oo aan sidaa u eegayn diidmada dadka ee taxanaha ah.
Markii u horreysay ee aan sameeyay waxa aan ka bilaabay in AANAN cunno la cunin dadka aanu shaqo-wadaagta nahay. Gooni ayaa aan ula baxay, wax-akhrisna waa aan dhex waday cunistii. Kuwo ka mid ah asxaabtaydii hawsha ayaa u qaatay in aan ahay istus edeblaawe ah, balse dheg jalaq uma aan siin.
Ka dibna marka ay jaallayaashayda shaqadu suuqa aadaan anigu guriga ayaa aan tegayay. Waa aan dhoola-caddaynayay, waxa aanan u sharxay in aanan cabbitaan (khamri) ujeedin hawlo badan oo ay tahay in aan qabtana ay i sugayaan. Xilliyadii hore madaxa ayaa ay ka ruxi jireen, (walaac muujin darteed), balse aakhirkii waa ay iskala qabsadeen oo waa ay iga joojiyeen wayddiimihii.
Haddaba, marka akhyaarta kale qado-doontaan, adigu adiga la fadhiiso, adigu isla fadhiiso, waxna akhri! Marka ay kala tagaan rawaxaadda, adigu gurigaagii toos u tag waxna baro. Haddii jaallayaashaa ama xigtadaa uu cajabin waayo dhaqankani, ha u joojin. Noqo mid dadka ka duwan. U xaqiiji in aanad cidna ku xumaynayn, balse is-shiidaali oo qabo waxa kuu wanaagsan.
Wax asxaab ah kuma waayi doontid inta aad ku jirto habdhaqankan, haddii ay dhacdo se, iska dhaaf ha dhacdee. Saaxiibka aan kuu oggolaanayn, kaagana raallida ahayn, in aad isbeddesho oo aad kortaayi ma aha saaxiib u qalma in aad sii wada joogtaan!
Sidee wax loo akhrin karaa?
Xeeladahan raac:
Tayada eego, tirada dan iyo deero toona ha ka gelin. Iska illow akhrinta bogag cayiman maalintii. Taasi waa gef. Hubi in waxa aad akhriyaysid aad fahmaysid – tan oo keli ah ayaa raandhiis leh.
Ha qulqulin. Hako oo dib ugu noqo meelaha aad u baahato. Haddii aad wax hore u liqi waydo, calaamadso ka dibna baadho marka aad haleesho. Waxba ha ka tegin; haddii aad sidaa fashid, waxa aad ka takhallusaysaa mustaqbalka waxbarashadaada. Buuxi meelaha bannaan marka aad dul maraysid, ha u dhigan hadhaw!
Waa in aad fahantid SABABTA ay walxuhu ugu dhaqmaan sida ay u dhaqmaan. Waa wax la qawado in aad iswayddiisid SIDA ay u dhaqmaan oo keli ah! Waa in aad oggaato sababta … waa in aad ka jibbo-keentid waxa inta ay soo doontaan ka dhigaya sida ay u shaqeeyaan waxan aad dersaysid. Maalinka aad waxaas fahantid, waxa aad soo noqnoqaynaysaa khabiir dhab ah!
Badiyaa is-ag-dhig xaashi iyo qalin. Ku qor walxaha aad u baahato in aad hubisid. Ku dhig aragtiyaha kale ee kugu soo dhaca marka aad wax-akhriyaysid. Qor fekradaha loo adeegsan karo waxan aad akhriyaysid.
Marka aad sidaa uga fara-xalato buug (warside ama wax kale), dib u jalleec qabyo-qoraalladii aad ka samaysay, ka dibna kaydso wixii waxtar kuu yeesha, (in aad kambayuutarkaaga ku kaydsato ayaa aan weliba kugula talinayaa, haddii aad leedahay).
Haddii aad intaa samaysid…
… waxa aad khabiir run ah ku noqonaysaa wax kasta oo aad baratid. Hibooyin gaar ah halkan loogama baahna. Maskaxbadnaan loogama baahna. Keliyaata waa in aad ugu horraynta go’aan gaadhaa, ka dibna aad ku hawlgeshid kuna dhawaaqdid, adiga oo cadaadis ku soconaya.
Gaadh go’aanno wanwaangsan, carqalahada ha u istaagin, kuna soco.

halkan riix


Xuquuda  : Cabdicasiis Guudcadde