Monday, June 19, 2017

DARWIISH ISMAACIIL MIRE ( Ragow kibirka waa lagu kufaa Kaa Hala Ogaado )


Gabaygan waxuu tiriyey Ismaciil mire mar Nin la odhan jirey carab dheere oo saajin Askartii gumaysiga ingiriiska u shaqayn jirey ahaa , ayaa maalin maalmaha ka mid ah Nin weydiistey Walaashii, markaas buu yidhi maxaad ku falaysaa? markaas baa ninkii yidhi waan guursanayaa, halkii jawaab ka sugayey ninkii,Haa iyo maya ayuu yidhi hala toogto, markas baa la yidhi carab ninka maxaad u dishay markaas buu yidhi anigoo carab dheere ah oo sabaankan jooga ninka walaashay i weysdiistey barina wax kale ayuu soo wataa (Hadalka waan qarinaynaa) Arinkii waxaa maqlay Ismaaciil mire oo halkaas joogay . ismaaciil waxaa ka codsaday in uu gabyo ninkii carab dheere ahaa darwiishkuna wuxuu ku dhahay ii balan qaad in aadan ammaan galinayso carabna howraarsan ayuu dhahay  intaa ka dib ayaa waxuu tiriyey gabaygan qiimaha weyn leh oo ragii somalida kibrey wakhtigaas ku soo wada daray 
waxuuna yidhi:
Kulligood adoomaha rabboow qaybsha kibistiiye
Qof kastoo kabtiya ama kalaha ama kur dheer fuula
Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase koob shaah ah
Ninba kadabkii loo qoray Ilaah wuu la kulansiine
Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado

Ninkase koob nimca ah fuuqsadee kadin irmaan maala
In karuurka uu qubo horay kaafka ugu tiille
Killigiiba Reer-Hagar anaa kiin ah baa rogaye
Kamma Sugulle maankii sidii kuray carruureede
Kas xumaa hoddaye naagta way kala fogaayeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Lixda koos ee Reer Cali-gariye kaw iskaga siiyey
Kasi waaye wuxu waa qabaal waadna kabataane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kaysaha adduun Ina Amaan kuma qarraacnayne
Ragbaa keeno gali buu is yidhi waad u koraysaaye
Misna kama fileyn mana hadayn kii Israa'ilaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Af xakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye
Ka dambee Calluu yidhi intuu Kaaha guursadaye
Isna kaal u tumay weyn intuu kariyey waabeeye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kalmadduu lahaa Ina Galaydh kohay gadaashiiye
Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye
Baallacad kalyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Raguu muxumud waal raray haduu saanta uga kaadsho
Kulcad uma ay dileen oo hadana koor magaliyeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey
Garaad Faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye
Misna kala khadhaadhaa dhunkaal kulankii goobeede
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye
Kashiisaba ma galin wiilalbaa keebka kuu qabane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kaakici wadaadkii dagaal laguna kaalmeeye
Kumanyaal laguug duub cad buu keenay Beerdhiga e
Waxse kadabkii go'ay maalintuu kaday raggiisiiye
Kabaalkiisii baa jabay markuu kariyey Reer Kheyre
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne
Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay
Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye
Kashib dhaha Adoomahoow naftii kii ladnaa gadaye 



  19/06/2017

1 comment:

waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan