Hadyadda: – Ha dayicin fursad aad qof kugu dheer ku gaadhsiin karto hadyada ama ugu yaraan Salaan qaaliya. – Ha ka warwarin hadyad lagu siiyey yarideeda, muhiimaddu maaha qiimaha shayga ee waa in uu qofkani ku xasuustay kuuna muujiyey in uu kuu gacan furan yahay. – Hadyaddu waxa ay beertaa Kalgacalka, waxa aanay kordhisaa Jacaylka. – Hadyad aad cid siin lahayd ha la sugin Xaflad ama Munaasabad gaar ah oo aad bixiso. Mar kasta bixi hadyadda. Miyaanay qurux badnayn in aynu hadyad haba yaraato ee u qaadno marka aynu soo booqanayno Ehel ama Asxaab. – Waxa aad ku dadaashaa in aad bixiso hadyadda Cimriga dheer leh, halkii aad casho ama Sharaab qof uga qaadi lahayd uga iibi shay sida, Shaadh, toob, Saacad, Kabo, Qalin IWM. – Haddii aad ilma yar hadyad siinayso, sii wax mustaqbalkiisa wax tara, sida in aad ka bixiso lacagta waxbarashada ama in aad geyso dugsi fiican oo aad u doortay. – Haddii hadyad laguu keeno ha u eegin in aad u baahantahay iyo in kale ee waxa aad u eegtada ...