Thursday, February 8, 2018

Qalcadii Ugu Horaysay Ee Daraawiish Dhisatay Waxay Ku Taal Eyl Waa Sarta Daawad 1904 ilaa 1905"


"Qoraal Kooban Socdaalkii Aan ku Tagay Magaaladda  Eyl 14/01/2018  "

"Qalcadii Ugu Horaysay Ee Daraawiish Dhisatay Waxay Ku Taal Eyl Waa Sarta Daawad 1904 ilaa 1905"

Eyl waa degmo ku taalo Gobolka Nugaal ee barriga dalka Soomaaliya. Degmadaan waa degmo xeebeed oo ku taala dhinaca bari ee Gobolka Nugaal. Waxayna hoos timaadaa maamulka Puntland waxaana dega Qabiilada Majeerteen, Ciise Maxamuud,ciise daarood,leelkase, amaanle, carab, iyo xoryeelo,kaskiiqabe,  waxaana laga helayaa dhamaan qabiilada soomaaliyeed

EYl waa magaalooyinkii hore ee somalidu wada daganayd qabiil uma aysan daganayn

Waxa ay ahaayeen dad ay midayso xadaaradii faca waynayd ee taalay magaalada Eyl Reer Eylkii hore waxa ay aad ugu faani jireen reer Eylnimadooda qabiilna wax iskuma ahayn ee reer Eylnimo bay wax walba ka doorbidi jireen kuna walaalo ahaayeen .

#Taariikhda


Magaalada Eyl waa meel mug iyo macno ku leh taariikhda faca wayn ee Soomaaliyeed. Waxayna juquraafi ahaan dhacdaa xeebta Bari ee Badwaynta hindiya ee dooxada nugaaleed,waxayna qiyaastii 153 kmu jirtaa fogaan ahaan Magaalada Garowe dhinca Bari ( marka laga daggo Libaaxo waxay Eyl u jirtaa Garoowe 200 Km)

Afarta jiho waxaa magaalada Eyl kaga teedsan buuro dhaadheer iyo gabiyo waawayn. Waxaana gudaha daawad ka dhisan dhismayaal taariikhi ah oo laga xusi karo Sarta Daawad oo uu dhisay allaha u naxariistee Sayid Maxamed Cabdule xiligii uu Eyl kula dagaalamayey ciidamadii gumaystayaasha iyo goobo kale oo taariikhi ah.

Magaaladu waxa ay u kala qaybsan tahay labo qaybood oo la kala yiraahdo Daawad iyo Badey

Daawad waa meesha ubucda ama magaaladu u wayn tahay iyo badey oo kulaasha xeebta Badwaynta Hindiya waxaynta daawad u jirtaa qiyaastii 5 km dhinaca bari.

Degmo xeebeedka Eyl ee Gobolka Nugaal bad ahaan waa mi aad u balaaran balse waxaynu u kala qaadaynaa Bariga iyo Bada.

Dhinaca bariga waxay ku fadhidaa bad ama dhul balaaran.waxayna maamushaa tuulooyinka kala ah, Qarxis, Xasbahalle, Dhaganle,xamxamaa, biyocaddo iyo kuwa kale oo badan.

Bada Eyl waxa ku fadhidaa baaxad wayn waxaana hoostaga labaatan iyo labo Tuulo oo bada kulaala, oo marsooyin ah mudooyinkii horana ahaa marsooyin ay doonyuhu ku soo xidhaan xiliyada ay dabayshu ka dhacayso, Marsooyinka muhiimka ah waxaa ka mid ah Badey oo ah marso caalami ah, Doomaaryo, Kabal, Ilig Dhanaane, Baarbacadle, Gabac iyo Suuj oo dhamaan tood ah marsooyin muhiim ah .

#Arimaha Bulshada

Degmadda Eyl waxaa u dhammaystiran Dhammaan Adeegyadda Bulshada

#waxbarashada
Eyl waxay aad ugu wacan tahay dhanka waxbarashada waxaana ku yaal dugsiyo sare / dhexe iyo hoosaba.
@ 1 dugsi sare " Eyl Secondary School"
@ 3 dugsi hoose dhexe
   " badey primary and intermediate "
   " Ildabey primary and intermediate"
   "Daawad primary and intermediate"
@Dugsiyo quraan Badan " waxay indhahaygu qabanayeen Looxii qur aanka lagu baran jiray oo wali ardaydu ku bartaan runtii aad baan ugu farxay oo fahamka ardayda aad buu ugu wacnaaa "

#Biyaha 
Eyl alle wuxuu hodan uga dhigay biyaha waxa ayna leedahay
DUR-DUR WEYN
IL BIYOOD CAAN AH "ILDABAY"
CEELAL IYO LAASBA
SIDOO KALE BADWEYNTA HINDIA

AAN SOO QAATO BEYD GABAY AH OO SAYIDKU KU TILMAAMAYO BIYAHA EYL
" Durdurkana ha xaalaysanine, dararso laaskaaga"


#Ammaanka

Intii aan Eyl Jooggay  waxaa aad ugu diirsaday Ammaanka deegaanka ka jira , Habayaratee indhahaagu qaban maayaan Shacab qorya wata sidoo kale booliska ayaa Ula watta . Waxayna muujinaysaa Heerka ammaanka oo aad u sareeya Eyl

Wadooyinka

Eyl inkasta oo wada loo mara adagtahay hadana hadda waxaa waddaada ku socdo samaynta wado laami ah. MAGAALAdda dhexdeeda Qaybta Daawad waxaa dhexmara Laami 2 km ah laamigaa waxaa la keenayaa Dangorayo.
Wadada gasha Eyl waxaa ugu Caansan qaybta Dowga ah  oo Waatii Darwiishkii Dhowre ee madaxda ka ahaa Qalcadda Daawad waa kii Fariinta Gabayga U sii dhiibayay Darwiish Ismaaciil Mire

"Ismaaciil adaan daayinkaa, diinta laayicine"
"Markuu waagu daalaco adaa, dowga sii mariye
"

Dhaqaalaha magaaladan wuxuu ku tiirsan yahay Badda , Xoolaha iyo Beeraha . 3daaba Eyl waa laga helaa waa dhul dalsan ah .


  SAWIRO
Daawad

Xeebta Badey
xeebta
dalxiiska 



Darwiish Anwar Maxamuud

1 comment:

  1. waa war bixin aad u wanaagsan mahadsanid darwiish

    ReplyDelete

waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan