Sunday, March 25, 2018

Sayid Maxamed iyo Soomaalidii ka soo Horjeeday keeba Gardaraa W.Q. Axmed F. Cali "Idaajaa"

Sayid Maxamed iyo Soomaalidii ka soo Horjeeday keeba GardaraaW.Q.  Axmed F. Cali "Idaajaa"


Ingiriiska iyo Soomaalidii uu ku adeegan jirey ee uu dagaalka Sayidka u soo kaxaysatay waxay in badan ku eedeeyeen inuu wadaadku dhiigyacab ahaa oo aan sokeeye iyo shisheeye u kala soocnayn. Ilaa maantana waxaa la helayaa dad badan oo soomaali ah oo ay weli maskaxdooda ku dambayso raadkii dacaayadda shisheeyaha iyo wadaaddadii Soomaalida ahaa ee sida tooska ah Sayidka ula muransanaa.
Maamulkii gumeysiga iyo Soomaalidii ay isbahaysteeni markay eedda caynkaas ah Sayidka iyo Daraawiishta saarayeen ma xusi jirin duullaammadii iyo weerarradii colka iyo gaadahaba lahaa ee madax iyo minjo toona aan loo kala sooci jirin, xarumaha Daraawiishtana lagu soo qaadi jirey.  Ma ay xusi jirin raggii talada Sayidka la wadey ee maagga iyo sida gardarrada ah Fardhiddin iyo Jidbaale xabbadda loogu leefsiiyey, mana xusi jirin wixii ay xoolo dhaqeen ee Ingiriiska iyo dadkii ay wada socdeeni ay dhaca kula meeri jireen.  Ma ay xusi jirin inta jeer ee ay Sayid Maxamed kaga oohiyeen, markay dhegta dhiigga u dareen boqollaal nin-door wada ah oo ay daraawiishi ku dhisnayd.  Bal si ka-fiirsi leh u akhri meerisyadan kugu qasbaya inaad Sayidka la oydo oo aad dhankiisa ka soo jeesato:
  •  Eebbow geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye
  •  Waa noo gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye
  •  Eebbow Giriig kolay ku tahay nala gamuunneeye!
  •  Go'na lagama qaadine dulmay nagu gelaayaane
  •  Gabbaad kale hadday noo helaan waa gam'i lahayne
  •  Eebbow waxay nagu gabreen diinta soo gala e!
  •  Eebbow garka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye
  •  Eebbow gammaan iyo waxaan gini-cas dhiibaayey
  •  Eebbow garow kagama helin goolashadaan wadaye!
  •  Ganbalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene
  •  Eebow waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye
  •  Eebbow waxay gebawareen Gaaguf iyo Xayde!
  •  Xirsigii garaaraha lahaa Gaarrufkii dile e
  •  Geydhaale Aw-Aadan bay galawga taabteene
  •  Eebow geesigii Ina-Dherey ugu guduudsheene
  •  Guxushaaga Baynaxa ilmadu waa tan gabaxlayne
  •  Gorroska Muuse-taaganaa wadnuhu ila gariiraaye
  •  Eebbow ways gamaamaa markuu gaarka soo maro e!
Meerisyadaas aannu soo sheegnay waxay ku jiraan gabayada Sayidka kuwa loogu jecel yahay mid ka mid ah.  Waa gabayga 'Gudban' amase
'Gaalo-leged' lagu magacaabo ee, aftahanimmada suugaaneed ka sokow, in badan inoo muujin karaya waayihii Daraawiishta iyo, xilligii isaga la tiriyey, welwelkii iyo hammigii hoggaamiyahooda.  Waa meerisyo tusaale kaa siin kara dhibaatooyinkii Ingiriis iyo Soomaalidii horkacaysey ay Daraawiish u geysteen, rag wixii ay ka laayeen, gardarradii ay hadba ula iman jireen Soomaalidii uu had iyo goor xoolaha iyo lacagta ku miisi jirey siday ugu gacan-sayreen.  Qalbi murugeysan isagoo wada ah oo Eebbe-weyne u cabanaya ayuu kuu tawaawacayaa:
"Eebbow, dhulkii aannu lahayn meel aan ka degno nalooga dhaarey. Eebbow gaalo iyo cawaankeed waa noo gooddiyaan. Eebbow, Giriigga aan aad u kala fog nahayba ha ku ahaatee, nin waliba birta naga aslay. Eebbow, eed kama aannu geline, waa gardarro waxa ay noo gumaadayaan. Eebbow, dhibaatooyinka ay nagu hayaan waan ka seexan kari lahayn, haddii utun aan ka qabnaa ay jiri lahayd. Eebbow, waa diinta ha la taageero oo jahaadka ha loo soo baxo. Eebbow, nabaddii iyo waanwaantii aan la ag-taagnaa la iga hoos-qaadi waa'.
"Eebbow, waxay ciriidda jiifiyeen Darwiishkii Xasan-Gaarruf Axmed iyo Xayd Aadan Gallaydh. Eebbow, Xirsi-waal Maxamuud ayay Jidbaale gaalo iyo cawaankeed ku mawtiyeen. Eebbow, Aw-Aadan Seed iyo Xaaji Maxamuud dheri ayay ugu shubeen.  Eebbow, garcaddaaga gaboobey ee Baynaxa Aadan Gallaydh waa taa ay ilmadu dhabannadiisa qoysey, markii ay god-aakhiro u direen saddexdii Darwiish ee uu dhalay, goobtii Jidbaalena ruuxda lagu weysiiyey. Eebbow wadnahaygu waa gariiraa, markaan arko Muuse-taagane Jaamac oo keligii kolba murugo meel la taagan. Eebbow, ma eego e, wejiga ayaan ka dadbaa, markaan arko isaga oo naxdin la dalanbaabbiyaaya oo gocanaaya afartii Darwiish ee uu dhalay, Jidbaalena gaalo iyo Soomaalidii waddey ay ku makaleen'. 
Wuxuu Ilaah u cawdo iyo wuxuu u ashtakoodaba, wuxuu dhibaatadii la soo gaarsiiyey tusaaleeyo oo waxa lagu falay gocdaba, ugu dambaystii wuxuu rabbi ka durraamanayaa inuu libinta u soo meeriyo oo laga gacan-sarraysiiyo dadka gaalada taabacay ee xaqii Daraawiisheed lagu ogaa, godobta badanna ka haya:
  •  Eebbow goonji weyn iyo xaq bay naga gullaafteene
  •  Guullow ma helayaan waxay nagu gubaayaane
  •  Eebbow waxay naga gogtaan waa galoof-olole!
  •  Eebbow sidii guun haween 'gii'du waa aniye
  •  Eebbow nin goba baan ahoy guni rifaysaaye
  •  Eebbow waxaa noo gurmaday gaayo-alifleeye!
  •  Ma gereysni Eebbow waxaa guufanneyska ahe
  •  Eebbow gabooddii dorraad waa ka gar-allayne
  •  Eebbow markaan geyllamey guulmiyoo baqane!
  •  Eebbow guddoonkii sharciga gooye nimankiiye
  •  Eebbow kufriga gedeftaley gacanta haystaane
  •  Eebbow anaa kugu gar lehe guusha ha i seejin!
Sida ay cadawyadiisii ka faafin jireen, Sayid Maxamad ma ahayn nin dhiigga dadka u oomman, dhaca xoolahoodana u jeelqaba.  Wuxuu ahaa nin ay waddaniyad kululi beer-qaadday, hase ahaayee dadkii uu u danaynaayey ay la garan waayeen. Wuxuu ahaa nin isaga iyo xarunta Daraawiishtaba in badan sidii ifka looga tirtiri lahaa loo guulay, naftiisa la dooni jiray, hagar daamooyin badanna loo geystey.  
Markuu fekarey oo habeenno aan tiro yarayn aayo-xumada Soomaalida lala maaggan yahay naftiisa kala dooday, dadkiina ay waanadiisii badnayd wax ku qaadan waayeen, weerar joogto ahina uu xagga Soomaalida kaga socdo ayay la ahaatay dadku laba qaybood uun inuu yahay: Qaybta hore oo ah Daraawiishta uu madaxda u yahay, dantooduna tahay Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi inay dhulka Soomaaliyeed ka bedbaadiyaan oo dagaal hubaysan kaga saaraan. Qaybta labaadina waxay ahayd Soomaalida xoogaggaas shisheeyaha ah la soo safatay ee soo hormari jirtey, ceelasha tusi jirtey, dhabbeyaasha la qaado u kala tilmaami jirtey, awrta ka iibin jirtey ama ka ijaari jirtey, dabadeedna xarumaha Daraawiishta soo hor-dhoobi jirtay.
Labadaas qaybood inay Soomaalidu tahay markii uu ka badin waayey ayuu u qaatay, Daraawiishna dhacsiiyey murtida ah, "cadawgaa jaallihiis waa cadawgaa", sida uu Qamaan Bulxan ku gabyey markuu lahaa:
 Daabaca ninkii kugu dhufta ee daabku kuu celiyey
 Iyo kii 'duleedshaay' ku yiri wax isma doorshaane!
Sayid Maxamad, aragtidaas iyada ah siyaasad qarsoon kama uu dhigin.  Wax badan ayuu gabay ahaan iyo qoraal ahaanba ummadda u bandhigay, 'gaalada aan la dagaallamayno ninkii taageero u fidiyaa isna waa gaal' ayuu in door ah ku celceliyey. Masafo gaaban waa kii ku lahaa:
  •  Nin aqdaamo Ferenjiya, maantiyo abuurriin
  •  Ama aaladduu sida, ama awrta buu rara
  •  Ama adhiga buu qada, ama laba ugaadhsada
  •  Ama uba ilaalaa, ama uurka kala jira
  •  Ashahaado beeniyo, islaamnimo ha lagu dhaqo
  •  Ilaahayna nama oran, anna ma oggolaan karo!
Waa siyaasad cad oo uu degsaday, digniinna u ahayd nin kasta oo xagga gumeysiga u janjeerasada amaba taageero u fidiya, xilli dagaal iyo xilli nabadeed intaba.  Hayeeshee, in kasta oo uu waranka Daraawiishtu si toos ah ugu jeeday ninkaas gaalo-raaca ah ee uu sayidku tilmaamay, haddana waxaa dhici jirtey dar aan dagaalkaba war ka haynini inay haasahaasaha iyo gulufka jidbaysan ee ciidammada sayidka ku le'an jireen, hantidoodana ku waayi jireen.  Waxaad mooddaa inay Daraawiishtu marar badan ka ilduufi jireen tusaalaha iyo dardaaranka Sayidka, taas oo sabab u noqon jirtey kooxo badan oo xarunta u han-weynaa in ay ka fogaadaan.

Gefaf dhowr ah oo ay Daraawiishi gashay ayaa maanta la tiriyaa, hase ahaatee way yar yihiin markii la barbar-dhigo guulihii ay soo hooyeen iyo sidii ay magaca dalka iyo dadka Soomaalida ahba sare ugu qaadeen, in kasta oo, ciidan ahaan, ugu dambaystii looga adkaaday.  


Guulihii Kacaankii 21 kii Oktoobar 1969

Saraakiishii afgembiga ka dambeeyey waxay ahaayeen 25 nin oo 20 ka tirsanaayeen Ciidamada Qalabka Sida (CQS), 5 ta kalena ahaayeen Ciidamada Bilayska. Waxaa la sameeyey gole ka kooban 25 kan oo loogu magac daray Golaha Sare ee Kacaanka. In kasta oo Maxamed Siyaad Barre watay qorshaha afgembiga, haddana waxay qabteen doorasho dhexdooda ah oo ay ku doortaan hoggaankii Golaha, waxaana madaxweyne loo doortay Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre oo ahaa taliyihii Ciidamada Qalabka Sida. Waxaa kale oo la doortay laba madaxweyne ku xige; Sarreeye Gaas Jaamac Cali Qorsheel oo ahaa taliyihii Ciidamada Bilayska, iyo Sarreeye Guuto Maxamed Caynaanshe oo ahaa taliye ku-xigeenka CQS.
Go’aankii ugu horreeyey ee Goluhu soo saaro waxaa lagu ka la direy baarlamaankii, dawladdii rayyidka ahayd iyo golihii garsoorka, waxaana lagu joojiyey ku dhaqankii dastuurkii jirey. Dhammaan hay’adahaasi awooddihii ay lahaayeen waxay gacanta u galeen Golihii Sare ee Kacaanka oo uu hogaaminayey Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre. Isaga ayaa noqday Madaxweyne, Raiisul Wasaare iyo Taliyihii Ciidamada Qalabka Sida. Waa tii la yidhi bidaari sibiq bay kugu gashaa e halkanay ka murgi doontaa.
Iyaga oo beddelaya siyaasaddii xukuumaddii Cigaal, maamulka cusubi waxay caddeeyeen in ay taageeri doonaan kooxaha xornimo u dagaallanka ah ee qaaradda Afrika, iyo in ay taageeri doonaan xoraynta dhulkii ka maqnaa Soomaalida. Magicii dalka waxaa loo bedelay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Soomaaliya.
Siyaasadihii kale ee ay ku muujinayeen in ay nidaamkii hore ka duwan yihiin, Golihii Sare ee Kacaanku waxay sameeyeen Gole Wasiirro ah oo rayid ah, oo lagu xulay aqoon iyo karti, kuwaas oo watey shahaadooyin jaamacadeed. Askariga keli ah ee ka tirsanaa wuxuu ahaa Qorsheel oo laga dhigay wasiirka arrimaha gudaha. Waxaana lagu dhawaaqay in shaqaalaha dawladda lagu dooran doono “maxaad taqaannaa?” ee aan lagu salayn doonin “yaad taqaannaa”. Sidaana lagu ka la hormaro aqoon ee aan eex iyo qabiil iyo laaluush jago lagu helin.  In badan oo ka mid ah maamulkii hore ee ‘rayidka’ ahaa waxaa loo direy dhaqan celin iyo tababar ciidan (Xalane).
Saddex bilood kaddib afgembigii waxaa la aas-aasay Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed (National Security Service) oo uu madax u ahaa xubin ka tirsan Golaha Sare ee Kacaanka, Axmed Saleebaan Cabdilaahi (Ina Dafle; waxaa soddog u ahaa Maxamed Siyaad Barre). Sidaas oo kale, waxaa la sameeyey Maxkamadda Sare ee Qaranka (National Security Court). Maxkamaddan waxaa loogu talogalay in la soo taago cid allaale iyo ciddii lagu eedeeyo in ay halis ku tahay midnimada, nabadda iyo madaxbannaanida dalka, waxaana garsooreyaal ka ahaa xubno ka tirsan Golihii Sare ee Kacaanka (askar aan aqoon u lahayn hawshan).
Waxyaalihii ugu horreeyey ee Kacaanku qabtay waxaa ka mid ahaa in la la xisaabtamo shaqaalihii dalwadda heer kasta oo ay lahaayeen. Hawlaha xisaabinta waxaa masuul ka ahaa Gaashaanle Dhexe Maxamud Mire, oo ka mid ahaa saraakiishii bilayska ee Golihii Sare ee Kacaanka. Waa barnaamijkii ku caan baxay “xisaabi xil ma leh”. Dad badan oo lagu eedeeyey in ay lunsadeen hantidii waddanka ayaa la ciqaabay. Golaha Sare ee Kacaanku taageero badan ayuu shacabka kaga helay arrintan.
Kacaanka hortiis waxaa waddanka wax lagu qori jirey oo xafiisyada dawladda ka shaqayn jirey, waxna lagu baran jirey afaf ka la geddisan (Carabi, Talyaani, Ingiriisi). In badan waxaa lagu heshiin waayey fartii Af-Soomaaliga lagu qori lahaa, oo xisbiyada qaar waxay rabeen in Laatiin lagu qoro, qaar kale waxay taageerayeen Carabiga, halka qaybo kale rabeen in far Soomaali qortay la adeegsado. Farihii Soomaalidu qortay waxaa ka mid ahaa Cusmaaniyada oo uu qoray Yaasiin Cismaan Keenadiid, iyo fartii Kaddariya oo uu qoray Xuseen Sheekh Axmed Kaddare.
Maamulkii Kacaanku wuxuu magacaabay Guddigii Af-Soomaaliga oo ka koobnaa 21 xubnood, oo isugu jirey aqoonyahanno, maansoyahanno iyo khubaro afeed. Waxaa ka mid ahaa Yaasiin Cismaan Keenadiid, Xuseen Sheekh Axmed Kaddare, Xirsi Magan Ciise, Ibraahiim Xaashi Maxamuud, Muuse Galaal, Shire Jaamac Axmad iyo kuwo kale. Hawlaha loo diray guddiga waxaa ka mid ahaa in ay qoraan buugaag dugsiyeed, in ay qoraan naxwaha Soomaaliga, iyo qaamuus ka kooban 10, 000 oo eray.
Maamulkii kacaanku murankii farta wuu soo afjaray wuxuuna xoog ku meel mariyey in farta Af-Soomaaliga lagu qoro Laatiin, saddex bilood gudahoodna waxaa shaqaalihii dawladda la amray in ay galaan imtixaan farta Soomaaliga ah. Qofkii imtixaanka geli waaya ama isdabajoog ugu dhacana shaqadaa laga joojinayey. Jannaayo 1972 ayaa si rasmi loo dhaqan geliyey farta Soomaaliga. Si dadka oo aan badanaa waxna qorin waxna akhriyin si farta cusub loo baro waxaa la bilaabay ololihii hirgelinta far Soomaaliga iyo horumarinta reer miyiga. Macallimiin iyo arday badan ayaa meel kasta oo dad deganaa loo diray si ay u baraan farta. Waxaa halhays u ahaa “haddaad taqaan bar… haddaadan aqoonna baro”.
Ololuhu wuxuu bilowday 27 kii Maarso 1974, wuxuu ka socday 732 xarumood iyo 7105 laamood. Si loo helo awooddii shaqaale ee hawsha qaban lahayd, dugsiyadii ayaa la fasaxay hal sano. Sidaas awgeed, 15,225 arday iyo 1,155 macallin ayaa u firaaqoobay hawshii. 485 dakhtar iyo farsamoyaqaan, 509 ku takhasusay xannaanada xoolaha, 698 shaqaale bulsho, 1,443 taageereyaal ah oo ka socda ciidanka, iyo 211 shaqaale gaadiid ayaa la socday ardayda iyo macallimiinta. Ardaydii ka qabyqaatay waxay gaadhayeen 1,257,779. Waxaana daryeel caafimaad la siiyey 3,033,039 qof iyo xoolo gaadhaya 13,361,846.
Afkii iyo suugaantii ayaa kor loo qaaday, waxaana la sameeyey eraybixin dhan kasta ah oo lagaga maarmi karo afafka qalaad, waxaana meesha ka baxay afafkii shisheeye ee lagu faanayey. Buugaagtii xilligaa la soo saaray ilaa hadda waa la adeegsadaa.
Waddanka waxbarashadiisu waxay ku koobnayd in yar oo u badnayd dadka talada haya iyo inta ku xidhan. Sidaas oo kale, dugsiyada dalka ka dhisnaa aad ayey u koobnaayeen, ma na aysan jirin aqoon heer jaamacadeed. Si baahidan loo daboolo, waxaa la dhisay Jamaacaddii Umadda Soomaaliyeed oo 15 kulliyadood ka koobnayd. Aqoonyahankii jaamacaddaas wax ka bartay ilaa hadda meel hormuud ah ayey ka ga jiraan bulshada Soomaaliyeed dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba. Waxbarashadii waxaa laga dhigay lacag la’aan. Waxaana la dhisay dugsiyo badan oo u furan dhammaan qaybaha bulshada iyada oo aan eex iyo laaluush jirin.
Dhanka caafimaadka, waxaa la bilaabay wacyigelin caafimaad, waxaa la sameeyey tallaal, iyada oo isla markaana la dhisay cusbitaallo iyo rugo caafimaad daboola baahida caafimaad ee bulshada. Qabyaaladdii dadka iyo dalka Soomaaliyeed naafaysay ayaa uu Kacaanku dagaal ku qaaday. Waxaa la bilaabay olole lagu cidhibtirayo qabyaaladda, waxaana la sameeyey wacyigelin badan. Qabiilkii waa la mamnuucay waxaana la gaadhay heer qofku ka cabsado in uu qabiil sheegto. “Ina Adeer” tii la isku salaami jirey waxaa lagu beddelay “Jaalle” oo ahayd eray laga keennay hannaankii hantiwadaagga.
Ilaa xilligii gumeysiga waddanku wuxuu u qaybsanaa labo; Koonfur oo Talyaanigu u talinayey, iyo Waqooyi oo Ingiriisku ka talinayey. Markii xornimada la qaatay labada dhinac ee waddanka waxaa ka shaqaynayey laba nidaam oo gumeysteyaashii ka tageen. Hannaanka garsoorka, cashuuraha, dhinaca baabuurtu waddada kaga socoto, cabbirka la adeegsado, qaabka shaqaalaha dawladdu u hawlgalaan iyo lacagaha la siiyo iyo waxyaalo kale oo badan ayey labada dhinac ku kala geddisnaayeen. Maamulkii kacaanku wuxuu bilaabay in uu mideeyo labada dhinac ee dalka. Waxaa la sameeyey isdhexgal Koonfur-Waqooyi oo shaqaalihii iyo ciidamadii la ka la wareejiyey; kuwii Koonfur waxaa loo diray Waqooyi, kuwii Waqooyina waxaa loo wareejiyey Koonfur.
Waddanka dhaqaalihiisu aad ayuu u liitay, in badan oo ka mid ahina waxay gacanta ugu jirtay shisheeye. Dawladdii Kacaanku waxay samaysay qaramayn (nationalisation) ay gacanta dalka ku soo celisay bangiyo, warshaddii sonkorta ee Jawhar, warshaddii korontada ee Xamar, shirkadihii shidaalka, shirkadihii caymiska, iyo wakaaladdii mooska.
Waxaa la abuuray shaqooyin badan oo ku dhisan “maxaad taqaannaa” ee aan lagu helaynin “yaad taqaanna”. Dhisme-hoosaadkii ayaa la xoojiyey oo waxa la dhisay waddooyin, dekedo, garoommo (gegi) diyaaradeed, kuwii hore u dhisnaana waa la ballaadhiyey. Waxsoosaarkii beeraha ayaa la kordhiyey oo la casriyeeyey. Warshadihii la dhisay waxaa ka mid ahaa warshadda sonkorta Mareerey, warshadda burka iyo baastada, warshadda daawada, warshadda sifeynta batroolka, warshadda sibidhka/shamiitada, warshadda tarraqa iyo sigaarka, warshadda dharka, iyo kuwo kale.
Wax badan oo la qabtay waxaa lagu fuliyey mashuurcii “Iskaa Wax-u-Qabso”, oo ay ka qabqaadanayeen qaybaha bulshadu iyaga oo dhisayey dugsiyo, xarumo caafimaad, waddooyin, iwm. Wax qabadkoodu ha ba iska tayo yaraadee (dhismeyaal aan si wanaagsan u dhisnayn, iwm), dadkii waxay dareemeen in ay wax qabsan karaan oo ay leeyihiin awood iyo karti ay waddankooda iyo noloshoodaba ku horumarin karaan, halkii ay cid kale kaga tiirsanaan lahaayeen.
Cabdulqaadir Aroma oo ah qoraa aad u dhaleeceeya taliskii Kacaanka, ayaa yidhi “Marka la qiimeeyo horumarkii dalku ku tallaabsaday 7 dii sano ee maamulka Kacaanka u horraysay waxaas oo ammaan ah iyo ka sii badanba MSBarre waa mudnaay, runtii waxaa la oran karaa Soomaaliya weligeedba 7daas sano kali ah ayey dowlad dhab ah oo tiirar adag ku taagan ka yeelatay. 21/10/1969 kii ilaa 1/7/1976 kii awoodda maamulka dalku waxay ku jirtay gacmaha GSK oo uu hormood u ahaa MSBarre. Todobadaas sano waxaa jirtay yididiilo wacan iyo himilo Soomaalinimo waxaa bulshadu ka nasatay kana reysatay marxaladdii masiibada iyo dhibka badnayd, taasoo laga dhaxlay maamul ku-sheegii dowladdii musuqmaasuqa, waxaa la helay hannaan maamul ku socda asluub, ka la dambeyn iyo wadatashi, waxaa waddanku ku tallaabsaday horumar tayo leh oo degdeg ah.”
Dhib kasta oo aynu ka sheeganayno, waxaan la dafiri karin in wax badan oo aynu maanta u aynay uu yahay dhaxalkii maamulkii kacaanka. Ka biloow qoraalkan aad akhrinayso farta uu ku qoran yahay. Waddooyinka waaweyn ee maanta waddankeenna isku xidha, dekadaha iyo garoomada diyaaradaha ee la adeegsado, aqoonyahannada Soomaaliyeed ee adduunka daafihiisa ka la jooga, qarannimada aynu ku taamayno ee magac-u-yaalka ahayd Kacaanka ka hor, iyo waxyaalo kale oo badan.
Fal kasta oo aadane ku kaco xumaan iyo samaanba waa laga helayaa, laakiin waa in aan isu miisaanno kooda badan. Sannadihii ugu horreeyey, kacaanka wanaaggiisa ayaa badnaa, in kasta oo uu qaaday tallaabooyin aan wanaagsanayn.   Sida aan ku arki doonno qaybta soo socota, tallaabooyinkan aan wanaagsanayni waxay noqon doonaan kuwo dhabarjab ku ah kacaankii iyo qarankii Soomaaliyeed, waxayna horseedi doonaan guuldarro ilaa hadda laga soo kaban la’yahay.

Waxaa Diyaariyey Maxamed Yuusuf iyo Maxamed Cabdullaahi Cartan.
Xigasho
Andisalam M. Issa-Salwe, The Collapse of the Somali State, Haan Publishing, 1996.
Cabdulqaadir Aroma, Sababihii Burburka Soomaaliya, Aroma Publications, 2005.
Maxamed Baashe X. Xassan, Hal Aan Tebayey: X.A. Af-Qallooc, Baal-Taariikheedkii iyo Gabayadiisii (1871-1986),Eurosom Bokförlag, 2015.
Hussain A. Bulhan, Politics of Cain, Tayoson International Publishing , 2008.
Ismail Ali Ismail, Governance: The Scourge and Hope of Somalia, Trafford Publishing, 2010.
Mohamed Trunji, Somalia: The Untold History 1941-1969, Looh Press, 2015.
Mohammed Ibrahim Shire, Somali President Mohammed Siad Barre, Cirfe Publications, 2011. Satya Pal Ruhela, Mohammed Farah Aidid and His Vision for Somalia, Vikas Publishing House, 1994.

Tuesday, March 20, 2018

Qofka ka tagaa salaada wuxuu leeyahay 15 ciqaabood.

Qofka ka tagaa salaada wuxuu leeyahay 15 ciqaabood.
Nabi MUXAMED (SCW) waxa uu yiri: Qofka ka tagaa salaada wuxuu leeyahay 15 ciqaabood,waxayna kala yihiin sidan hoos ku xusan: Lix ciqaabood nolosha ayuu ku muteystaa
Saddexna marka uu dhinto.
Saddexna marka qabriga lagaliyo. -
Saddexna maalinta qiyaamaha.

Lixda nolosha uu ku mutaysto

1.Cimrigiisu ma barakeysmo noloshiisuna waa mid nasiib xun.

2. Ducadiisa aqbal ma,aha oo carshiga alle ma gaarto.

3.Wajigiisa waa laga tirtiraa astaanta dadka fiican,murug iyo shido ayuuna daris la,yahay inta uu noolyahay.

4.Waxaa lagu ciqaabayaa waxkasta oo illaah abuurey.

5. Ajar fiican uu sameeyo ma lahan.

6.Laguma daro ducada dadka fiican.

Saddexda ciqaabood ee marka uu dhinto la mariyo

1.Wuxuu dhintaa asaga oo ceeboobay kana shalaynaya maalmahii xumaanta kaga tagay ee aduunka.

2.Wuxuu dhintaa isaga oo baaheysan.

3. Wuxuu dhintaa isagoo oon hayo,haddii uu biyaha badaha oo dhan cabo oon ka bi’i maayo.

Sadexda ciqaabood ee qabriga

1.Allaah wuxuu isku ciriiriyaa feerihiisa illaa ay midba mid ka kormarto.

2.Waxaa lagu shidayaa korkiisa dab aan wax lagu masaalo laheyn.

3.Waxaa uu Allaah u soo diraa mas qaniinaya oo la yiraahdo “geesi” kaas oo qaniina subaxii ilaa duhurka katagida salaad subax owgeed,
Duhurkii illaa casar ka tagida salaada duhur owgeed sidaas oo kale ayey salaad walba socon.

Markii uu halmar qaniino wuxuu qofku dhulka hoos u galayaa 70 yards.(subxanallah)’

Sadexda maalinta qiyaamaha

1.Allaah wuxuu usoo diraa qof raaca oo cadaabta ugu jiida wajigiisa.

2.Allaah wuxuu ku firdhiyaa caro oo wajigiisa hilibka ayaa ka dhaca carada rabigiisa darteed.

3. Allaah wuxuu ku xukumaa xukun adag oo waxaa lagu tuuraa cadaabta.

Kuwa aan tukan salaada Subax : Nuurka wajigooda waa laga qaadaa.

Kuwa aan tukan salaadaDuhur: ajarka fiican ee lacagtooda waa laga qaadaa. Kuwa aan tukan salaada casar:xooga jirkooda waa laga qaadaa.

Kuwa aan tukan salaada Maqrib:ciyaalkooda ma,aflaxaan.

Kuwa aan tukan salaada Cisha:nabada jiifkooda waa laga qaada.

Hadii ay kusoo gaarto warqadan ALLAH hakuu naxariisto aduun iyo Aakhiraba,gaarsii dadka aad taqaano ILLAAH ajir hakaa siiyee”’) salaadana aan ku dadaalno walaal,walaalaha mu’miniinta ahna ku boori. (INSHAALLAH).