Sayid Maxamed iyo Soomaalidii ka soo Horjeeday keeba GardaraaW.Q. Axmed F. Cali "Idaajaa"
Ingiriiska iyo
Soomaalidii uu ku adeegan jirey ee uu dagaalka Sayidka u soo kaxaysatay
waxay in badan ku eedeeyeen inuu wadaadku dhiigyacab ahaa oo aan sokeeye
iyo shisheeye u kala soocnayn. Ilaa maantana waxaa la helayaa dad badan oo
soomaali ah oo ay weli maskaxdooda ku dambayso raadkii dacaayadda shisheeyaha
iyo wadaaddadii Soomaalida ahaa ee sida tooska ah Sayidka ula muransanaa.
Maamulkii gumeysiga iyo
Soomaalidii ay isbahaysteeni markay eedda caynkaas ah Sayidka iyo Daraawiishta
saarayeen ma xusi jirin duullaammadii iyo weerarradii colka iyo gaadahaba lahaa
ee madax iyo minjo toona aan loo kala sooci jirin, xarumaha Daraawiishtana lagu
soo qaadi jirey. Ma ay xusi jirin raggii talada Sayidka la wadey ee
maagga iyo sida gardarrada ah Fardhiddin iyo Jidbaale xabbadda loogu
leefsiiyey, mana xusi jirin wixii ay xoolo dhaqeen ee Ingiriiska
iyo dadkii ay wada socdeeni ay dhaca kula meeri jireen. Ma ay xusi
jirin inta jeer ee ay Sayid Maxamed kaga oohiyeen, markay dhegta dhiigga u
dareen boqollaal nin-door wada ah oo ay daraawiishi ku dhisnayd. Bal si
ka-fiirsi leh u akhri meerisyadan kugu qasbaya inaad Sayidka la oydo oo aad
dhankiisa ka soo jeesato:
- Eebbow geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye
- Waa noo gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye
- Eebbow Giriig kolay ku tahay nala gamuunneeye!
- Go'na lagama qaadine dulmay nagu gelaayaane
- Gabbaad kale hadday noo helaan waa gam'i lahayne
- Eebbow waxay nagu gabreen diinta soo gala e!
- Eebbow garka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye
- Eebbow gammaan iyo waxaan gini-cas dhiibaayey
- Eebbow garow kagama helin goolashadaan wadaye!
- Ganbalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene
- Eebow waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye
- Eebbow waxay gebawareen Gaaguf iyo Xayde!
- Xirsigii garaaraha lahaa Gaarrufkii dile e
- Geydhaale Aw-Aadan bay galawga taabteene
- Eebow geesigii Ina-Dherey ugu guduudsheene
- Guxushaaga Baynaxa ilmadu waa tan gabaxlayne
- Gorroska Muuse-taaganaa wadnuhu ila gariiraaye
- Eebbow ways gamaamaa markuu gaarka soo maro e!
Meerisyadaas aannu soo
sheegnay waxay ku jiraan gabayada Sayidka kuwa loogu jecel yahay mid ka mid
ah. Waa gabayga 'Gudban' amase
'Gaalo-leged' lagu
magacaabo ee, aftahanimmada suugaaneed ka sokow, in badan inoo muujin karaya
waayihii Daraawiishta iyo, xilligii isaga la tiriyey, welwelkii iyo hammigii
hoggaamiyahooda. Waa meerisyo tusaale kaa siin kara dhibaatooyinkii
Ingiriis iyo Soomaalidii horkacaysey ay Daraawiish u geysteen, rag wixii
ay ka laayeen, gardarradii ay hadba ula iman jireen Soomaalidii uu had iyo
goor xoolaha iyo lacagta ku miisi jirey siday ugu gacan-sayreen.
Qalbi murugeysan isagoo wada ah oo Eebbe-weyne u cabanaya ayuu kuu tawaawacayaa:
"Eebbow, dhulkii
aannu lahayn meel aan ka degno nalooga dhaarey. Eebbow gaalo iyo
cawaankeed waa noo gooddiyaan. Eebbow, Giriigga aan aad u kala fog nahayba
ha ku ahaatee, nin waliba birta naga aslay. Eebbow, eed kama aannu geline,
waa gardarro waxa ay noo gumaadayaan. Eebbow, dhibaatooyinka ay nagu
hayaan waan ka seexan kari lahayn, haddii utun aan ka qabnaa ay jiri lahayd.
Eebbow, waa diinta ha la taageero oo jahaadka ha loo soo baxo. Eebbow,
nabaddii iyo waanwaantii aan la ag-taagnaa la iga hoos-qaadi waa'.
"Eebbow, waxay
ciriidda jiifiyeen Darwiishkii Xasan-Gaarruf Axmed iyo Xayd Aadan
Gallaydh. Eebbow, Xirsi-waal Maxamuud ayay Jidbaale gaalo iyo cawaankeed
ku mawtiyeen. Eebbow, Aw-Aadan Seed iyo Xaaji Maxamuud dheri ayay ugu
shubeen. Eebbow, garcaddaaga gaboobey ee Baynaxa Aadan Gallaydh waa
taa ay ilmadu dhabannadiisa qoysey, markii ay god-aakhiro u
direen saddexdii Darwiish ee uu dhalay, goobtii Jidbaalena ruuxda
lagu weysiiyey. Eebbow wadnahaygu waa gariiraa, markaan arko
Muuse-taagane Jaamac oo keligii kolba murugo meel la taagan. Eebbow, ma
eego e, wejiga ayaan ka dadbaa, markaan arko isaga oo naxdin la
dalanbaabbiyaaya oo gocanaaya afartii Darwiish ee uu dhalay, Jidbaalena
gaalo iyo Soomaalidii waddey ay ku makaleen'.
Wuxuu Ilaah u cawdo iyo
wuxuu u ashtakoodaba, wuxuu dhibaatadii la soo gaarsiiyey tusaaleeyo oo
waxa lagu falay gocdaba, ugu dambaystii wuxuu rabbi ka durraamanayaa
inuu libinta u soo meeriyo oo laga gacan-sarraysiiyo dadka gaalada
taabacay ee xaqii Daraawiisheed lagu ogaa, godobta badanna ka haya:
- Eebbow goonji weyn iyo xaq bay naga gullaafteene
- Guullow ma helayaan waxay nagu gubaayaane
- Eebbow waxay naga gogtaan waa galoof-olole!
- Eebbow sidii guun haween 'gii'du waa aniye
- Eebbow nin goba baan ahoy guni rifaysaaye
- Eebbow waxaa noo gurmaday gaayo-alifleeye!
- Ma gereysni Eebbow waxaa guufanneyska ahe
- Eebbow gabooddii dorraad waa ka gar-allayne
- Eebbow markaan geyllamey guulmiyoo baqane!
- Eebbow guddoonkii sharciga gooye nimankiiye
- Eebbow kufriga gedeftaley gacanta haystaane
- Eebbow anaa kugu gar lehe guusha ha i seejin!
Sida ay cadawyadiisii ka
faafin jireen, Sayid Maxamad ma ahayn nin dhiigga dadka u oomman, dhaca
xoolahoodana u jeelqaba. Wuxuu ahaa nin ay waddaniyad kululi
beer-qaadday, hase ahaayee dadkii uu u danaynaayey ay la garan waayeen.
Wuxuu ahaa nin isaga iyo xarunta Daraawiishtaba in badan sidii ifka looga
tirtiri lahaa loo guulay, naftiisa la dooni jiray, hagar daamooyin badanna
loo geystey.
Markuu fekarey oo
habeenno aan tiro yarayn aayo-xumada Soomaalida lala maaggan yahay
naftiisa kala dooday, dadkiina ay waanadiisii badnayd wax ku qaadan
waayeen, weerar joogto ahina uu xagga Soomaalida kaga socdo ayay la
ahaatay dadku laba qaybood uun inuu yahay: Qaybta hore oo ah Daraawiishta
uu madaxda u yahay, dantooduna tahay Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi inay
dhulka Soomaaliyeed ka bedbaadiyaan oo dagaal hubaysan kaga saaraan.
Qaybta labaadina waxay ahayd Soomaalida xoogaggaas shisheeyaha ah la
soo safatay ee soo hormari jirtey, ceelasha tusi jirtey, dhabbeyaasha
la qaado u kala tilmaami jirtey, awrta ka iibin jirtey ama ka
ijaari jirtey, dabadeedna xarumaha Daraawiishta soo hor-dhoobi jirtay.
Labadaas qaybood
inay Soomaalidu tahay markii uu ka badin waayey ayuu u
qaatay, Daraawiishna dhacsiiyey murtida ah, "cadawgaa jaallihiis waa
cadawgaa", sida uu Qamaan Bulxan ku gabyey markuu lahaa:
Daabaca ninkii
kugu dhufta ee daabku kuu celiyey
Iyo kii
'duleedshaay' ku yiri wax isma doorshaane!
Sayid Maxamad,
aragtidaas iyada ah siyaasad qarsoon kama uu dhigin. Wax badan ayuu
gabay ahaan iyo qoraal ahaanba ummadda u bandhigay, 'gaalada aan la
dagaallamayno ninkii taageero u fidiyaa isna waa gaal' ayuu in door ah ku
celceliyey. Masafo gaaban waa kii ku lahaa:
- Nin aqdaamo Ferenjiya, maantiyo abuurriin
- Ama aaladduu sida, ama awrta buu rara
- Ama adhiga buu qada, ama laba ugaadhsada
- Ama uba ilaalaa, ama uurka kala jira
- Ashahaado beeniyo, islaamnimo ha lagu dhaqo
- Ilaahayna nama oran, anna ma oggolaan karo!
Waa siyaasad cad oo uu
degsaday, digniinna u ahayd nin kasta oo xagga gumeysiga u janjeerasada
amaba taageero u fidiya, xilli dagaal iyo xilli nabadeed intaba.
Hayeeshee, in kasta oo uu waranka Daraawiishtu si toos ah ugu jeeday
ninkaas gaalo-raaca ah ee uu sayidku tilmaamay, haddana waxaa dhici jirtey
dar aan dagaalkaba war ka haynini inay haasahaasaha iyo gulufka jidbaysan
ee ciidammada sayidka ku le'an jireen, hantidoodana ku waayi jireen.
Waxaad mooddaa inay Daraawiishtu marar badan ka ilduufi jireen tusaalaha
iyo dardaaranka Sayidka, taas oo sabab u noqon jirtey kooxo badan oo
xarunta u han-weynaa in ay ka fogaadaan.
Gefaf dhowr ah oo ay
Daraawiishi gashay ayaa maanta la tiriyaa, hase ahaatee way yar yihiin
markii la barbar-dhigo guulihii ay soo hooyeen iyo sidii ay magaca dalka
iyo dadka Soomaalida ahba sare ugu qaadeen, in kasta oo, ciidan ahaan, ugu
dambaystii looga adkaaday.
No comments:
Post a Comment
waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan