Monday, September 10, 2018

Qiso jaceyl oo Dhab ah oo Dhex martay labo lamaane oo Soomaaliyeed”

Qiso jaceyl oo Dhab ah oo Dhex martay labo lamaane oo Soomaaliyeed”Xanuun weye Jaceylka” Saadaq Aniga waxaan ku noolay muqdisho xaafada ceelqalow gaar ahan degmada
wadajir kadib waxaan dhigan jiray iskuulka aqoon bile waxaan ahay wiil
masaakiin ah oona ka dhashtay reer sabool ah iskuulka markan kaso baxo
waxaan raadin jiray leenlen hoyadayda waxay dhashay 12 caruur oona
aniga aanmadi u ahay laakin gabar aya iiga weyneyd aniga kuso xigay
kadib xooga waxaan saaray sidii aan wax ku baran lahay reerkana wax
uuga tari lahay muqdishana waxay noqotay goob dagaal.
Anigana waxaan ku jiray dadkii uu sameyay dagalka laakin muqdisha meel
uuga bixi karo majirin lakin iskuulka anigo dhiganaya aya maalin anigo
geed hoostiisa fadhiya aya waxaa ii timaday gabar iskuulka ila dhigato
markaase isalantay salaantii markaan ka rudiyay ayay dhinacayga soo
fadhiisatay waxaayna iigu tiri saadaq maanta waxan raba inaa ku sheego
arin in badan kaga qarin jiray laakin maanta ayan fursad uso helay
waxaan iska baaraya dhiiran galin waxana raba inaa ku sheego hadii ula
jeedadeda shaca kaga qaado waxaan rabaa inaa kula sameyo arin jaceyl
iyo aayatin waayo waa hadii fursad uhaysid ubaxa aan bereyno maxaa ka
dhihi lahayd saadaq intaan istaagay ayan waxaan garan wayay waxaan
uuga jawaabo waayo aniga waxaan ahay nin faqiir ah hadana reerkiisa ka
sugayan biil
waxaan dhehay abaayo waad ku mahadsan tahay madama aad iiso bandhigtay
arimo jaceyl laakin waxaan ka xumahay in aan wax kula qaban karin
waayo aniga hadiii aan been ku sheego uu ku dhaho wax ayan kula
qabanaya nafsadayda been uma sheegi karo iigana raalli ahow I am sorry
iyado meesha tagan ayan ugu dhaqaaqay horta zamzam waa gabar aad
uqurux badan dabeecad lehna maxay ku tareysa aniga hada jaceyl
masameyn karo horta waxaa run ah zamzam in badan inaa nafsadayda ay
raacday laakin zamzam wanaaga iyo jaceylka aan u qabo waxaa kawayn
reerkayna masaakiinta in aan wax ku taro anigana an wax isku taro
maalintaas wixii ka dambeeyay iskuulkii waan iska dhaafay waxaana iigu
kalifay reerkayna in aan nolol maalmoodkoda in an usoo dhiciyo sidaas
ayan iskuulka ugu zamzam markay maqashay in aan iskuulka dhaafay aad
ayay uuga xumatay kadibna maalin aya waxa dhacay anigoo shaqadii ka
imaaday oo guriga imiday aya waxaan ku arkay zamzam oo guriga jogto
mucjiso ayay iila noqotay salaaan diiran ayan salamay kadibna quweys
ayan iska aaday markaan soo quweystay ayan raashinkii aniga ayaba
keenay kadib aya la karinaya waana baahanahay ad ayan ubaahanhay
maxaan suubiya intaan iska dhigay nin dheregsan ayan iska soo baxay oo
xageega soo aaday kadibna waxaan is dhaafsanay hadalo goos goos ah oo
kamid yihiin maxa ku dhacay oo iskuulka ugu tagtay maxaa ii sheegi
weysay iyo hadalo kale kadibna waxay hadalkayda kuso afjartay saadaq
hadii oo iskuulka dhaaftay xitaa kuma ilowin adiga maxay kula tahay in
aan ku ilabay aniga waan ku jeclahay waligayna waan ku jeclaan doona
laakin aniga hadaladaas iiguma soconin maxaa yeelay wax aan u qaban
karo ayasan jirin kadib iyado qanacsan ayan soo dhaweyay maalintaas
wixii ka dambeyay waxan ku fikiray in aan aado gobolka bosaaso ayaan
qabtay sidii aan wax uuga tari laahay waxaan aday bosaaso u dhaxeysay
nolosha iyo geerida ahay sanadka markuu ahay 1994 ti ayan dooni ka
raacay boosaso waxana ku sarneyn 75 qofood oo soomali ah aniga waxaan
kuso aaday godkii xumaay oo hooska ku yaalay laakin waxaa run ahay
kuleel maahine dhibaato kale maqabin.
Markii 8 saacadood doonidii nawaday aya matoorkii halabay habeynkii o
dhan baddii ayan sabeyneynay anigana wax aan ogay majirin laakin
hadalo aan maqlayi bas waxaan maqlayi majeerteenka inee dhahayeyn
doonidan hadii ay suusan mayso dadkaan oo dhan waan tuureyna anigana
goortii aan maqlay aya waagii ii baryay lakin nasiib wanaag doonidii
aya wanagsanatay socodgayna ayan sii wadanay maalintii labaad ayey
tuureyn 8 qofood o soomali ah intee kalena anagoo nabad ah aya tagnay
Yemen markaan Yemen tagay oo liigeeyay al jaxima aya nafsadii iigu soo
noqotay kadibna meeshii ayan shaqo raadin ku galay waxaan bartay dhoor
soomali ah meeshii ayan hal qol ku ijaaranay laakin soomalidii oo dhan
inee maalintii oodhan shaqayan hadana habeynkii u fadhiistan jaadka
laakin aniga waan ka duwanahay dadkaas waayo waxaan kasoo tagay
reerkayga oo tabaaleysan ad u tabaaleysan mana ilaawi karo al xaasil
aniga danteyda ma ahayn in aan jemen ku haro socdalkayga ayan sii
watay waxaana tagay sacuudi arabiya waxana iigu soo dhaweyeyn dhoor
soomali ah waxaana lii suubiyay sharcigii bugta ahay oo lagu shaqaysto
waxaana shaqo ka bilaway shirkad lagu magacaabo Jamjuum shirkadii ayan
dhoor sano ka shaqeeyay waxaana keenay walashayda waxayna iiga
caawinaysaa masaruufka cidayna iyadana qadaanimo ayay gashay anigana
shaqadayda ayan siiwaday maalin maalmaha kamid ah aya waxaa isoo
gaaray warqad zamzam walashayda soo qortay wana rumeysan wayay
meeshii ayan ku furay warqadeyda waxayna hadalkayda iiga bilowday
sidatan.
Aboowe waan ku salay salaan ay isku diraan labo qofood walalo ah ama
xiriir dumaashinimo ka dhaxeeyo salaan kadib aboowe waxaan ku sheegaya
markii ad ka tagtay muqdisho oo aaday sacuudi zamzam aad ayay u niyad
jabtay aabana marku arkay in uu zamzam nijad jabsan tahy wuxuu rabay
in uu ku daro wiilka uu adeer u yahay markii ay mashaqay zamzam
arintas waxay isku dayday in ay wax ka bedesho waana usaamixi waysay
aabo hadalkisa ayu ku adkaystay guurkiina waba la digay zamzam aad
ayay uuga xumatay waayozamzam aad ayay ku jeclayd waxayna rabtay in ay
ku sugto adiga ayay rabtay in ay ku aqal gasho laakin markii ay ku
waysay ayay cidlo dareyntay taasna waxay usi dherayd guurkaana ay lagu
magacaabo dhegadeeda way udulqadan wayayn markii arooskii lagaaray aya
zamzam talo ku cadaday waaxana usoorto gashay in ay is disho waayo
guurkan mid ay raalli ka tahay ma ahayn garabkaydana wax taagan ma
jirin aabana wax wuu fahmi wayay si walbo ayay wax uuga sheegtay wuuna
fahmi wayay laakin marki ay is dishay oo sunta dooliga ay cuntay aabo
aad ayuu uuga xumaday maantana waalintii la asaayo zamzam dumaashi
iiga raalli ahow waana ka xumahay in aan arintaan kusheego wana ku
qasabanay in aan arintaan kuso garsiiyo waayo adiga nin xun aya tahay
walashayda adiga dilay dilka ay is dishay adiga usabab ah waayo markii
aad baxaysay uma adan sheegin aniga waan ku cafiyay.
Laakin zamzam yaa cafis kaaga qaadayo weyba dhimatay markaan warqadii
dhameystay aad ayan u ooyay mana aanan ka filaynin in ay zamzam
arintaan oo noocaani kale sameyneyso qalbiga oo dhan aya i jabay wax
aan sameyn karo ma lahan maantana xitaa hadii aan meydka jaceylkeyga
asturi lahay weyba ii dhacan lahayd waayo waxaan jooga Sacuudi hadii
aan dhaho xitaa tarxiil isku so taro maka so gaari karo hadii dhanka
walidkay uso jeesto danta sacuudi u aaday weli ma gaarin mana kaso
tagi karo waxaan noqday dharigii lawada dhinac ka qubtay laakin waxaan
sameyey waxaana u dhigay tacsi aad u qiimo iyo qaayo badan sanad
walbana markii la gaaro waan xusi jiray mana aanan guursanin waayo
sababta aan uguursan wayay waxay ahayd zamzam aya marwalba suuradeyda
lii horkeena dadweynow idinka ayan nii su,aala waxaan suubiyay maqalad
ayay ahayeyn mise waa sax labada daran mid dooro waxan kadoortay
waalidkayga waayo aniga waalidkayga waa reer sabool wax nacaawiyo oo
allahi na abuuray maahine majirin axad kale jaceylkaygana waxaan ku
diiday wax kale maahin aniga zamzam waxaa run ah in aan jeclay iyada
kahor laakin samanka lagu jiray ma ahayn saman jaceyl lagu jili karo
dantaas aya ii diiday in aan zamzam garabkayda ku istaago meeeshas
ayayna ku dhamatay sheekadii (( saadaq ibraahim xuseen iyo zamzam
maxamed cali))

No comments:

Post a Comment

waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan