Monday, October 21, 2019

Talooyin Kaa Caawinaya Inaad Yareyso Lacagta Internet-ka Ee talefankaagu Isticmaalo

Wargeyska Caanka ah ee Star oo ka soo baxa dalka Turkiga ayaa dhowaan qoray talooyin ku jihaysan qof kasta oo ay dhibaato ka haysato dhammaanshaha dhaqsaha ah ee lacagta uu ku shubto adeegsiga Internet ka ee talefankiisa gacanta uu ka gelayo. Talooyinkan  waxa ay qofka u tilmaamayaan tallaabooyin fudud oo qofka qaadaa uu ka badbaadin karo mushkiladdan waxa aanay kala yihiin:
1. Iska xidh ogeysiisyada iyagu is-wada (Automatic Notifications) ee inta badan qofka u soo dhaca marka email ama farriin facebook ku soo dhacdo.
2. Iska xidhi soo dejinta is-wadda (Automatic downloadka) ee sawirrada iyo fiidyowyada kugu soo dhaca WhatsApp ka, kana dhig talefankaagu in uu soo dejintan tooska ah sameeyo keliya marka aad internet ka isticmaalayso WiFi.
3. Cusboonaysiinta (Updating) waxa aad ka dhigtaa in aanay shaqayn marka aad internet ka isticmaalayso kaadhkaaga, isla markaana dhammaantood xidh, si ay u shaqeeyaan oo keliya marka aad WiFi isticmaalayso.
4. Kaydso (Save) bogagga internet ka ee aad sida joogtada ah u booqato si furistoodu u fududaato, iyo faylashada aad mar kasta soo dejintooda u baahan tahay, si ku noqoshadoodu aanay ugu baahan internet.
5. Iska xidh barnaamijyada aanad isticmaalayn ama shaqada joojiyey cillad awgeed, waayo waxa ay isticmaalayaan dab badan iyo internet dheeraad ah.
6. Ku dadaal in aad Fiidyowyada iyo codadka aad rabto ku soo dejisato internet WiFi ah oo keliya, haddii aad ku qasbanaato in aad kaadhka talefankaaga ka isticmaasho, dooro tayada hoose (Low quality) sawirrada ah, si aad markaas uun ugudan gaadho waayo tayada sare (Hight quality) waxa ay kaa isticmaalaysaa internet dheeraad ah.
7. Ka digtoonoow in aad talefankaaga gacanta ka isticmaasho barnaamijyada culus ee internet ka badan u baahaay, caadi ahaan barnaamijyada Android iyo iOS waxa ay waxa leeyihiin meel aad ka yarayn karto muddada barnaamiijyada culusi shaqayn karaan marka aad internet ka talefankaaga ka isticmaalayso.
8. Iska masax barnaamijyada aanad sida joogtada ah u isticmaalin, gaar ahaan kuwa aanad u baahan marka aanad guriga ama xafiiska joogin.
9. Boggaaga Facebook iyo Instegram ka jooji in fiidyowga la soo dhigaa uu iskii isaga dhaqdhaqaaqo/shaqeeyo sida caadi ahaan dhacda, iskana jir fiidyow aad taabatay in isaga oo aan cod samaynayn haddana uu iska sii dhaqdhaqaaqo waayo waxa uu isticmaalayaa Internet dheeraad ah.

XQQDA

Dhibaatooyinka Dhanka Maskaxda Ee Laga Qaado Taleefannada Casriga Ah

Washington (Geeska)- Qof kasta oo sita taleefanka gacanta ee casriga ahi celcelis 150 jeer ayaa uu maalintii taleefankiisa gacanta eegaa, taas oo ah calaamad kale oo muujinaysa sida ay taleefannada gacantu uga mid noqdeen waxyaabaha ay nafteennu u aragto in ay dhammaystir u yihiin nolol maalmeedkeena. Waxa uu inoo noqday qalab isgaadhsiineed aan laga maarmi karin iyo balwad aynu qabatinnay gacan ku haynteeda iyo isticmaalkeeda kala duwan.
Majaladda dalka Isbayn ka soo baxda ee Tech-Pet ayaa warbixin ay dhowaan arrintan ka qortay ku sheegtay in xeeldheereyaal badani ay caddeeyeen xanuunno maskaxeed oo ay suurtagal tahay in ay ka dhashaan ku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee taleefanka gacanta ee casriga ah iyo qalabka la mid ah. waxaa ka mid ah dhibaatooyin nafsadeed oo ay ugu horreyso in qofku uu bulshada ka xidhxidh furmo iyo in uu waayo dhugmada ama awoodda ay maskaxdu u leedahay u fiirsiga.
Warbixinta majaladda Tech Pet waxa ay sheegtay in inkasta oo aanay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo wasaaradaha caafimaadka ee dawladaha adduunku xanuunnada maskaxda waxyeela ku darin la qabsiga isticmaalka internet ka iyo aadalaha uu taleefanka casriga ahi ka mid yahay, haddana xaqiiqadu la isla qirsanyahay ay tahay in dad aad u tiro badan siina kordhayaa ay si joogto ah ugu baahdaan in ay tagaan xarumaha xanuunnada nafsiga ah lagu dabiibo si looga daweeyo xaalado ka dhashay isticmaalka badan iyo la qabsiga taleefanka gacanta.
Manuel Armayones oo ah xeeldheere ka tirsan jaamacadda Catalonia ee dalka Isbayn iyo ku xigeenka agaasimaha akademiyadda daraasaadka cilminafsiga iyo cilmiga waxbarashada ayaa dhowaan soo bandhigay shan dhibaato oo qabatinka taleefanka gacantu ay ku keento maskaxda iyo siyaabaha ugu fiican ee looga badbaadi karo.
  1. Cabsi ah in ay wax ku seegaan: In qofka uu ku abuurmo dareen cabsiyeed aan sabab cad lahayn oo uu ka qabo in uu jiro wax seegan ama uu seegayo. Waxa ay ka mid tahay xaaladaha nafsiga ah ee lagu arko inta badan ee dadka akoonnada ku leh baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet ka. Waana sababta keentay in qofku uu ku samri kari waayo in uu waqti badan ka maqnaado eegista iyo rog-rogista baraha bulshada, oo mar kasta oo ay maskaxdiisu xasuusato in ay gasho Facebook, twitter, Instegram ama baraha kale ee bulshada.
Andrew Brzebelsky oo ka tirsan qaybta cilminafsiga ee jaamacadda Essex ee dalka Ingiriiska iyo cilmibaadhayaal uu hormuud u ahaa ayaa baadhitaan ay sannado badan samaynayeen waxa ay ku ogaadeen in xaaladaha nafsiga ah ee ka dhasha qabatinka isticmaalka taleefanka gacantu ay ku badan yihiin dhalinyarada gaar ahaan ragga ah. Calaamadaha lagu garto dadkanna waxaa ka mid ah in qofku isaga oo aan is dareensanayn uu dabiib ka raadiyo isticmaalka taleefannada gacanta ee casriga ah iyo gaar ahaan baraha bulshada, sida Facebook, laakiin dhibaatadu ay tahay in uu dhib dheeraad ah uun ka sii qaado, kana soo jeesto isaga oo aan weli naftiisa ka raalli ahayn ama murugadu ku sii korodhay uun.
  1. Argagax ah in taleefanku kaa lumo ama waxa afka caafiamadka loogu yeedho Nomophobia: Warbixintu waxa ay sheegtay in Nomophobia ay tahay xaalad caafimaad oo qofka ku abuuraysa in uu ka baqo in uu taleefankiisa gacanta waayo, taas oo mararka qaarkood gaadha heer aynu taleefanka raadinno innaga oo gacanta ku hayna.
Manuel Armayones waxa uu sheegay in calaamadaha xaaladdan lagu garto ay ka mid tahay qofka oo iska ilaaliya in taleefanka gacantu uu mar keliya gacantiisa ka fogaado, heerna gaadha in uu xamaamka la galo ama in isaga oo wada shaqo kale oo xitaa shaqooyinka kijadu ku jiraan in uu dhinaca kalana ka wad-wado taleefanka iyo booqashada baraha bulshada. Waxa kale oo xaaladdan qofka lagu arkaa in uu cabsi gaar ah ka qabo in taleefanku uu ka dab beelo.
Waxa uu dhakhtarku dadka xaaladahan isku arka kula taliyey in ay naftooda ku tababaraan in ay waqtiyada qaar si badheedh ah isaga fogeyso taleefanka, tusaale ahaan in dabka aanay gelin xitaa iyaga oo og in uu dhaqso uga dab beelayo, ama in ay marmarka qaarkood guriga kaga tagaan iyaga oo shaqo ama hawlkale bannaanka ugu baxaya. Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in qofku uu iska joojiyo in habeenkii uu isticmaalo taleefankiisa gacanta.
  1. Ismoodsiiska codka iyo gariirka taleefanka: Warbixintu waxa ay sheegtay in dadka qabatima isticmaalka taleefanka lagu arko xaalad loo yaqaanno xidhiidhada ismoodsiiska ah, taas oo ah in qofku uu mar keliya dareemo in taleefankiisu dhacayo ama gariirayo, haddii uu codku ka xidhan yahay, laakiin uu yahay ismoodsiis aan run ahayn.
Xaaladdani waxa ay qofka ku abuurtaa walbahaar aanu garan sida uu ugu yimi iyo in uu mar kasta feejigni dheeraad ah ugu jiro dhegeysiga iyo la socoshada taleefankiisa.
Waxa aanay xeeldheereyaashu ku talinayaan in qofka xaaladdan oo kale isku arkaa uu muddo hakiyo isticmaalka taleefanka gacanta.
  1. Khalkhal maskaxeed: Xaaladdani waa marka uu qofku isku arko in uu ku jiro dareen aan ka maarmayn in uu rogrogo bogagga kala duwan ee internet ka, isaga oo raadinaya hadba muuqaallo iyo qoraallo ka sii fiican kuwa uu arkayo, si uu taas u helana gujinaya waxyaabaha kala duwan ee ay dadka baraha bulshada ugu jiraa soo dhigaan bogaggooda.
Xaaladdani waxa ay qofka ka qaaddaa raalli ahaanshiyaha iyo qancista, waxa aanu mar kasta qawadaa waxa uu hayo, isaga oo u hanqal taagaya wax kale oo dheeraad ah.
Haddii uu qofku xaaladdan isku arko sida ugu fiicani waa in uu isku cadaadiyo cilmibaadhista iyo xog ka raadinta buugaagta qoran iyo akhriskooda. Isaga oo weliba ku dadaalaya in uu diiwaangeliyo xogaha uu helayo, kaddibna muddo marka uu wado uu barbar dhigo xogaha uu marka hore muddada intaas le’eg ka dheefi jiray bogagga kala duwan ee uu baraha bulshada ka booqanayey si u uu qiimeeyo labada jeer midka ay baadhistiisu faa’iido badan u yeelatay.
  1. Raadka ‘Google’ ka: Saamaynta ugu weyn ee illaa hadda la ogyahay in ‘mishiinka baadhista xogta ee Google’ uu maskaxdeenna ku leeyahay waa in uu ku abuuro dareen ah in ay u aragto in ‘Google’ uu yahay qayb ka mid ah oo ka caawinaya ama u qabanaya hawsha xasuusashada, sidaa awgeedka ay daciifto xasuusteedu.
‘Google’ oo adegyo badan oo dheeraad ah ku soo kordhiyey dhinaca xusuusta iyo qoraalkeeda ayaa ay khubaradu aaminsan yihiin in uu dhaawac ku yahay dadaalkii ay maskaxdu gelin lahayd waxbarashada ama arrimaha muhiimka u ah ee ay tahay in ay xafiddo.
Xeeldheereyaasha qaar ayaa ku doodaya in muhiim ay tahay in aadamuhu uu dib u eego dhib iyo dheef waxa ugu jira Teknoolajiyada xogta, isla markaana ay wax iska weydiiyaan dhaawaca ay ku keenayso awooddii xusuusta qofka iyo dadaalkii ay maskaxdu ku raadin jirtay in ay wax badan xafiddo. Sida ugu fiican ee uu qofku maskaxdiisa ku badbaadsan karaana waa in uu naftiisa ku tababaro in wax badan ay xafido, xitaa haddii marka ugu horreysa ay ‘Google’ ka heshay in ay mararka dambe xasuusato.
Wargesyka Geeska Afrika

Saturday, September 7, 2019

12 Arrimood Oo keeni Kara In Wax Akhriskaagu Yaraado

Dhallinyaro fara badan baa waxay intaa igu yidhaahdaan, waan jecel nahay wax akhriska, faa’iidadiisana waan dareen sannahay, haddana waan isku kari la’nahay.
Haddaba waxaan jeclahay inaan qormooyinkan soo socda, aan idiinku soo gudbiyo sababo keeni kara in wax akhrisku kugu adkaado, ama aadan isugu arag inaad noqon karayso qof akhriyaa ah.
  • Arrimaha waawayn ee dhallinta ku koray dunida saddexaad wax akhriska nacsiiyay ama u tusay in aanay ahayn wax la jeclayso, waxa weeye buugtii waawaynaa (text books) ee kolka uu imtixaan innagu soo socdo aan necbaysan jirnay in aan kala furno ama aan ka meermeeraysan jirnay in aan soo qaadnaba. Marar badan waxa dhici karaysa in aynaan arrintan ku baraarugsanayn, laakiin waa xasuus ku kaydsan maskaxdeenna qaybta aan wacyiga lahayn (subconscious), se xasuustaasi mar kasta oo aan buug akhris ku fekerno si ogaal li’i ah ayuu ladhkeedu inoogu soo kacaa. Taasaana marar badan keenta in ay buug fara badan oo aan islahayn akhriya ay kabadhada inoo saaran yihiin, haddana aynaan sanado kala furin. Marka koowaad waa in aad ku baraarugsanaato in arrintaasi sabab wax akhriska kuu diida uu noqon karo, sidoo kalana aad ogaato in akhriska buugta iskuullada (text books) iyo buugta kale ee uu qofku akhriskoodu doorto aanay isku mid ahayd, labadoodana ay doorasha ku yimaadda ay sii muhiimsan yihiin.
  • Arrinta labaad ee akhriska ka hor istaagi karaysa waxa weeye, haddii aad buug billowdo oo aadan dhammayn, in aad isku aragto inaad tahay qof akhriska ku fashilmay. Si la mida qodobka koowaad, marar badan buugtii aan iskuullada ku soo dhigan jirnay, waxaan ku qasbanayn in aan dhammaynno. Dunida akhriska, khasab maaha in aad buug aad billowday aad dhammayso. Waayo buugtu isku si looma abuurin ama looma qorin, buug baa laga yaabaa in ay labo fikradood oo muhiima uun ay ku jirto. Sidaa daraadeed khasab maaha inaad buug kasta dhammayso. Bal’e, akhris-yahannada waawayn waxay caan ku yihiin in ay buug fara badan mar qudha isku furaan. Haddaad buug billowdo oo aanad dhammayn, ha isku arkin in aad akhriska ku fashilantay.
  • Sababta saddexaad ee keenta in akhriskaagu yaraado, waxa weeye in saaxiibbadaadu u badan yihiin kuwo aan waxba akhrin. Arrintan waxa laga yaabaa in ay tahay arrin aad in badan maqlaysay, oo ay dad badani iska yidhaahdaan, laakiin xaqiiqonimadeedu waa mid gun-dheer. Aadanuhu waa noole isa saameeya, si aan weliba la malayn karayn. Qofku way adag tahay in uu noqdo wax aanay dadka ku hareeraysani ahayn, laakiin waxay u badan tahay in uu noqdo waxa ay yihiin dadka ku hareeraysan. Odhaah caan ah baaba tidhaahda: Waxaad tahay celceliska waxa ay yihiin shanta qof ee aad wakhtiga ugu faraha badan la qaadato. Taa macnaheedu waxa weeye, shanta qof ee aad wakhtiga u ugu faraha badan aad la qaadato, saddex ama afar ka mida haddanay waxba akhrin, waxay u badan tahay adiguna in aadan akhriyaa noqon.
Xal: Haddaad rabto in aad noqoto qof akhriyaa ah, abuuro oo noloshaada ku soo biiri dad wax akhriya, kana mid noqo naadiyada akhriska iwm.
  • Arrinta afaraad ee iyadana keeni karta in akhriskaagu yaraado, waxa weeye in aanu akhrisku weli caado kuu noqon. Akhrisku waa caado, ma aha wax mararka qaar la sameeyo, ama aad ka fekerto in aad samayso. Haddaad doonayso in aad akhriyaa noqoto, waa inaadan ka fekerin in aad wax akhrido maanta ama berri, laakiin aad is aragto adigoo buugga laacaya ama gacanta ku haya, ama aad is aragto adigoo akhriyaya.
Xal: Saynisyahannadu waxay yidhaahdaan, caadadu waxay ku samaysantaa muddo 60 cisho ah. Haddaba isku day in aad wax akhriska joogtayso muddo 60 cisho ah oo aanad maalinna kala goyn.
  • Qodobka shanaad ee keeni kara in uu akhriskaagu yaraado waa dul-qaad li’i. Caadada akhrisku maaha wax fudud, weliba kolka aad caadadaa imminka uun billaabayso. Wax waliba billowgoodu ma sahlana. Waxay kaaga baahan tahay juhdi iyo dul-qaad dheeri ah. Waxa la yidhaahdaa, dayax gacmeedku, ku dhawaad 80% shiidaalkiisu wuxuu quutaa daqiiqadaha ugu horraysa ee safarkiisa, halka 20% uu ku dhammaysto inta ka hadhay muddada uu sahanka ku jiro. Wax waliba billowgiisu wuu adag tahay, akhriskuna waa la mid.
Xal: Labo siyoodba akhriska ugu dul-qaado. Waa mare, ma fududa inaad muddo 30 daqiiqo ah wax akhris meel la fadhido iyadoo aanay weli caado kuu noqon, weliba casrigan sooshal miidhiyuhu ee dadku taleefanka ku fooraro. Isku day inaad wakhti yar ku billowda sida: 10 ka cisho ee hore inaad 5 ama 10 daqiiqo aad wax akhriso, haddii ay kugu adkatana aad kasii yarayso si aanay 60 kaa casho maalinna kaaga baaqan.
Waa marka labaade, muddada ugu horaysa waxa dhici karaysa adigoo wax badan wax akhriyay, oo wax akhriska u dul-qaadanayay, haddana inaad muddo dheeftiisa arki waydo. U dul-qaado arrintaa oo ogow in ay tahay wax caadi ah oo lasoo wada maro. Dhirtuba, waraabka bilaha hore kuma dheeraato. Muddo sii insha Allaah.
  • Arrinta lixaad ee keeni karaysa in wax akhrisku kugu adkaado, waxa weeye luqadda aad wax ku akhriyayso oo aad isku dhibban tihiin.
Iyadoo wax akhrisku aanu weli caado kuu noqon (wax aad qabatintay), haddii afka aad doonayso in aad wax ku akhrisana uu noqdo af illaa xad waxa aad ku akhriyayso aanad ku fahmi karayn, way adkaanaysaa in wax akhriskaagu xoogganaado. Waayo kolka horaba wax akhriska caado kuuma ahayn oo waad isku qasbaysaa, iyadoo ay sidaa tahay, haddii afka aad wax ku akhriyaysana aanu ahayn af aadan illaa xad aqoonta buugga ku duugan aadan ku fahmayn, way adkaanaysaa inaad joogtayso wax akhriska ama aad hesho xamaasaddii aad ku joogtayn lahayd
Xal: Inta uu wax akhrisku caado kaaga noqonayo (wax aadan ka fekrin samayntiisa), isku day in aad wax ku akhrido afkaaga koowaad ama afafka ay kuu fududdahay in aad wax ku akhrido. U jeedadu waxa weeye, halganka adag ee aad caado samaysashada ugu jirto in aanu kugu adkaan oo afkuna kugu noqon mushkilad labaad. Marka isku day inta aad ka noqonayso qof akhriyaa ah, in aad wax ku akhrido afka ama afafka aadan ku dhibbanayn wax ku akhrintiisa
FG: HADDII AAD MAQAALAKAN KOOBAN DHAMMAYN KARI WAYDO, ADIGUU KAA HADLAYAA! 🙂 Waan ka kaftamayaa, laakiin dhammee si aad u ogaato xogta.
  • Arrinta toddobaad ee keeni karta in akhriskaagu yaraado, waxa weeye badshada baraha bulshada (social media). Siyaabooyin fara badan buu baraha bulshadu akhriskaaga u saamayn karaa, laakiin arrinta muhiimka ah ee aan jeclahay in aan qodobkan ku xuso waxa weeye, saamaynta ay ku yeelan karto dulqaadkaaga kolka aad is tidhaahdo 30 daqiiqo ama saacad buug meel la fadhiiso adigoon eegin tuwitarkaaga, instagaraamkaaga ama boostiyada ku qoran gidaarka faysbuuggaaga.
Saynisyannadu waxay leeyihiin, qofka badsada akhrinta boostiyada (posts), gaar ahaan jumaladaha lagu soo qoro faysbuugga iyo tuwitarka, waxaa yaraada dulqaadka uu u yeelan karo in uu akhriyo maqaallada – buugtana isakaba daa warkooda. Sababtuna waxa weeye, qofku mar wal oo uu ka gun-dhaadho ogaanshaha wax ka doohsoonaa oo uu doonayay in uu ogaado, ama helo mucda iyo macnaha xog ka qarsoonayd, maskaxdiisu waxay sii daysaa dheecaan doobamiin (Dopamine) la yidhaahdo, dheecaankaasoo maskaxda u qaabilsan qaybteeda abaal-marinta.
Taa macnaheedu waxa weeye, sida ay maskaxdu dheecaankaa abaal-marinta ah uga helayso akhrinta boostiyada koobkooban ee faysbuugga iyo tuwitarka, uguma helayso akhrinta maqaallada dhaadheer iyo buugta. Haddii uu qofku badsado akhrinta boostiyadaa, wuu qabatimayaa oo mar walba wuxuu doonayaa dareenkaa farxadeed ee uu helayo mar wal oo uu akhriyo boostigaa kooban, sidaasna waxa ku yaraanaya dulqaadkii uu qofku u yeelan lahaa in uu akhriyo maqaal ama buug.
  • Xal: Isku day in aad nafta bari karayso in ay maalintii dhowr saacadood ka maqnaan karayso baraha bulshada, haddii aad awoodi karaysana maalin gelinkeed ama maalin dhan ka maqnow. Sidoo kale, isku day inaad hawl caajis leh (boring) ku fooganaan karayso muddo saacado ah adigoon maanka ku hayn faysbuugga, tuwitarka, instagaraamka iwm. Kolka aad nafta barto in ay muddo meel fadhiyi karayso iyadoon boostiyada faysbuugga ama tuwitarka kala rogin, markaa uun baad awoodna u yeelan kartaa inaad wax akhriskana u dul-qaadato.
  • Qodobka 8-aad ee keena in wax akhrisku kugu adkaado waxa weeye, in uu hab-billowgu kaa khaldan yahay. Waxaan horay usoo tilmaannay in wax akhrisku caado yahay, caadaduna samaysankeedu adag yahay muddooyinka hore. Marar badan waxa dhacda qofku isagoon wax akhrisku weli caado u noqon in uu isku qaado buug ka fil-wayn oo uu fahamkiisuba ku adag yahay. Marar kale waxa dhacda in qofku judhiiba ku billaawo buug 400 ama 500 oo bog ah. Arrintaasi waxay qofka ku keenaysaa in culayskii samaysashada caadada wax akhriska ka haysatay ay ugu sii darsanto culayska fahmidda buuggii ka heerka sarreeyay ama ay dhammayntiisu ku adkayd. Taasina waxay keenaysaa in ay qofka ku adkaato in uu wax akhriska joogteeyo, hadduu wax akhriska joogtayn waayana caadadii wax akhrisku u samaysmi waydo, aakhirkana waxay ku qasbaysaa in uu dib usoo bilaabo caadadii.
Xal: Inta aad caadada wax akhriska ka qabatimayso (60 ka cisho ee ugu horreeya), isku day in aad akhriso:
  1. Buugaag ka hadlaya mawaadiic aad xiisaynayso.
  2. Buug mowduuca uu ka hadlayo aad wax ka fahmayso. Ha akhrin buug fahamkiisu kugu adag yahay si kastoo uu u qiimo badan yahay.
  3. Ha akhrin buu 250 bog xaashiyihiisu ka badan hyihiin. Waxaan u jeedaa, akhri buug kooban oo aad si fudud u dhammayn karayso.
  • Xaaladaha kale ee keena in wax akhriskaagu yaraado waxa ka mida, inaad wax akhriska la sugayso goor iyo goob habboon.
Noloshu sideedaba hawli kama dhamaato, oo ma qabyo beesho. Markaad hawl iska riddaba mid kalaa kugu soo af yeelanaysa. Taa macnaheedu waxa weeye, haddaad tidhaahdo waxaan wax akhriska la sugayaa wakhti aan firaaqo hayo, waxaad ogaataa in wax akrhiskaaguna uu marti u noqonayo xaaladaha nololeed ee ay filashadooda iyo saadaalintooduba adag tahay, sidaasna waxaa kaaga tagaya bilo, sanado iyo cumri.
Dadka wax akhriya, badidoodu, ama xilli go’an bay maalintooda u qoondeeyaan in ay wax akhriyaan ama kansho (Faraaqo/chance) kasta oo ay helaan, wax bay akhriyaan. Taa macnaheedu waxa weeye, maaha dad suga xilliga ay kansho helayaan. Mana aha dad is yidhaahda wax akhri markaad maktabadda gasho ama aad xeebta tagto ama aad geedkii laydha wacnaa hoos fadhiisato. Goob wal oo ay joogaan iyo kansho kasta oo ay helaan wax bay akhriyaan.
Xal: Haddaad doonayso inaad akhriyaa noqoto, misna aad tahay qof mashquulkiisu badan yahay, isku day in had iyo jeer buug kaa ag dhow yahay. Boorsada iskuulka dhex gasho, gaadhiga dhex dhigo, xafiiska la tag, kabadhka/armaajada qolka saaro, isku hareeree buug. Kolkaad biririf heshaba, isha mari, Ilaahow maad labo sadar akhrisid e.
  • Sababta 10-aad ee keeni karta in wax akhriskaagu yaraado waxa weeye, in diirad-saaryadaadu (focus) qaybsan tahay.
Waxaynnu nool nahay xilli dhugmadeenna (attention) iyo diirad-saaryadeenna (focus) dunidoo dhammi weerar ku tahay. Malaayiinta ganacsi ee jira, ee balaayiinta doollar iideh-da ku bixiya, waxa ay gadanayaan waa dhugmadaada (attention). Malaayiinta qof ee intaa faysbuugga, tuwitarka, inistagaraamka, yuutiyuubka iyo qaybaha kale ee sooshal miidhiyaha intaa wax soo galinayaa waxay ku tartamayaan waa dhugmadaada. Maxaad wax u akhrin la’dahay baad is leedahay ama aad danahaaga u qabsan la’dahay, laakiin ma ogide waxaad ku dhex jirtaa caalam cid waliba danaheeda kuugu yeedhanayso, marar badanna aad ba u fulinayso adigoon ka war hayn.
Xal: Haddaad doonayso in aad wax akhriska iyo danahaaga kaleba usoo jeesato, isku day inaad iska yarayso isticmaalka baraha bulshada. Sanadkii dhowr bilood iska xidh, haddaadan samaynayn karin, bishii toddobaad ka maqnow, haddaadan yeeli karayn, toddobaadkii maalin ka maqnow, taana haddaadan samaynayn, baraha bulshada ha gelin gelinka hore ee maalintaada. Xilligaa hore wakhtigaaga geli waxyaabaha mudnaanta koowaad kuu leh.
  • Qodobka 11-aad ee keeni kara in wax akhriskaagu yaraado waxa weeye, wax akhrisku in aanu kuugu jirin liiska waxyaabaha waawayn ee mudnaanta kuu leh (priority).
Tayada nolosheennu waxay in badan ku xidhan tahay waxyaabaha aynu mudnaanta koowaad siinno iyo sida waadixa ah ee ay innoogu muuqdaan. Akhrisku haddaanu kuugu jirin waxyaabaha aad mudnaanta koowaad siiso, wuxu ku biirayaa liiska walxaha xigaalka ah (secondary), markaana si kastoo aad u jeceshahay in aad samayso, meel dhow kaaga muuqan maayo, waayo kama mid ah waxyaabaha waawayn ee miiska kuu saaran.
Xal: Haddaad doonayso inaad gurato midhaha wax akhriska, ku dar waxyaabaha mudnaanta koowaad kuu leh. Ku dar waxyaabaha ay tahay markuu waagu kuu baryo, in aanu gabbalku kuu dhicin adigoon samayn.
  • Sababta 12-aad ee iyana keenta in wax akhrisku kugu adkaado waxa weeye, Hadafka aad wax akhriska ka leedahay ma xoogaysna. Waxa dhici karaysa inaad marar badan maqashay faa’iidooyin badan oo uu wax akhrisku leeyahay, laakiin aanad marnaba ka fekerin oo aadan is waydiin faa’iidada uu ADIGU kuu leeyahay. Haddaanay kuu muuqan wax akhrisku, waxa uu noloshaada ku soo biirin karo iyo sida uu kuu hormarin karo, waxa yaraanaysa inaad xamaasad u hesho culayska hore ee wax akhriska, una dul-qaadato.
Xal: Meel cidlo ah oo deggan intaad mar fadhiisato, isku day inaad meel ku qorto 15 sababood oo uu wax akhrisku ADIGA muhiim kuugu yahay. Hadda maan odhan 15 sababood oo uu muhiim u yahay! Waxaad qortaa 15 sababood oo uu adiga muhiim kuugu yahay iyo waxa uu noloshaada ku soo kordhinayo. Marka aad 15-kaa sababood qorayso ama aad ka fekerayso, hubi in ay sababahaasi yihiin kuwo ku dareen-godliyay. Marka kasta oo uu dareen la socdo sababta aad wax u rabto, waa mar kasta uu ay sababtaasi xoogaysan tahay, mar kastoo ay sababta xoogaysatana, waxa fududaanaysa in aad caqabadaha kaa hor imaanaya aad u dul-qaadato.
DHAMMAAD!

Qore: Mubarak Hadi.

Friday, September 6, 2019

Dhaqannada Aan Ku Wacnayn Maqaaxiyaha Iyo Goobaha Dadweynuhu ku Kulmaan


Hargeysa (Geeska)- Maqaaxiyaha iyo goobaha cuntada fudud ee dhalinyaradu isugu timaaddaa waa goobta saddexaad ee waqtiga ugu badan lagu qaato, marka laga yimaaddo shaqada iyo guriga, waana goobta uu qofku ka helo isdhexgalka bulsho iyo xidhiidhada ugu habboon ee uu sameeyo.
Maqaal ay dhowaan faafisay majaladda Readers Digest oo ka soo baxda dalka Maraykanka, ayaa qoraaga Isabel Tavares ay kaga hadashay qaar ka mid ah caadooyin ay sheegtay in dadka maqaaxiyaha yimaaddaa aad ugu dhaqmaa, oo ay fiican tahay in la iska daayo; waxaana ka mid ah:

Xidhiidhada Taleefanka ee Fiidyowga ahIn adiga oo maqaaxi jooga aad qof kala hadasho is-gaadhsiin fiidyow ahi waa caado aad u xun. Waxaa ka muuqata in aad tahay shakhi naftiisa uun raalli geliya. Agaasimaha mashaariicda ee shirkadda Access New York Metro, mudane Jordan Gary ayaa ku taliyey in ay fiican tahay in qofku uu dhawro anshaxa adeegsiga taleefanka, oo aanu noqon qof cod dheer ku hadla, sidaa awgeed ay muhiim tahay in qofku ogaado in aanay cidina diyaar u ahayn in ay sheekadiisa maqasho.

Miis keliya ha xidhanMaqaaxiyuhu waxa ay u qaybsan yihiin kuwo marka hore u diyaarsan in dadku ay gaar u kala fadhiisan karaan si ciddii doonaysaa ay u hesho faq gaar ah, iyo kuwo dadweyne oo mar kasta cidhiidhi ah. Waa maqaaxiyaha loogu talagalay in dadweynuhu shaaha ka cabbaan wixii aan sheeko gaar ahayna ku dhammaystaan. Waxaa marar badan dhacda in qof jooga maqaaxi dadweyne oo cidhiidhi ahi haddana uu doono in uu miis gaar ah xidho, oo aanu jeclaysan in cid kale oo aanu garanaynin ay la wadaagto miiskaas. Waa hab-dhaqan keli danaystenimo, waxa ay caddaalad darro ku tahay meheradda oo u baahan in ay hesho meelo macaamiishu u fadhiistaan iyo macaamiisha oo doonaya in ay helaan fadhi. Wixii gaar kuu ah la doono meel gaar kuu noqon karta, dhibaatana kuma jirto in koox is wadataa ay fadhiisato hal miis oo aanay cid kale fakaak ka heli karin, laakiin weligaa iska jir in aad fadhiisato miis cid kale kula wadaagi karto, haddana aad dhibsato in laguula wadaago.

Dhawaqa / jaraska taleefanka gacantaDadka badankiisu ma jecla dhawaqa dheer, dananka ama dhawaqa uu jaraska taleefanku sameeyo marka ay cidi la soo xidhiidho ayaa ka mid ah dhawaqyada laga yaabo in aanay dadka qaar jeclaysan. Waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in dhawaq aad taleefankaaga ku xidhatay ay dhici karto in qof kale uu dhibsado, gaar ahaan marka uu aad u dheeryahay. Si guudba dhawaqa taleefankaaga in aad gaabisaa waa ay fiican tahay, gaar ahaan marka aad joogto meelaha ay dadku isugu yimaadaanna waxaa qurux badan in uu noqdo dhawaq gaaban, guux ama ilays si adiga oo keliyi aad u dareento in uu taleefankaagu dhacayo.

Fadhiga badanIn uu qofku yeesho saacado iyo maalmo ay naftu nasasho dareentaa waxa ay u fiicantahay caafimaadka, waxa ay u fiican tahay niyadda waxa aanay kordhisaa tamarta qofku uu fasaxa kaddib waajibaadkiisa ku qaadanayo, laakiin waxaa ceeb ah in qofku uu noqdo calaamad ka mid ah calaamadaha maqaaxida.
Iska jir in aad maalin kasta waqtiyo la yaqaanno fadhiisato hudheellada, ama hudheel keliya, waxa ay lumisaa waqti aad dano badan oo kale uga faa’iidaysan lahayd, waxa aanay kuu soo jiidaysaa sumcad darro iyo in dad badani kuu arkaan qof aan waqtigiisa uga faa’iidaysan karin waxa dantiisu ku jirto.

Kursi saaxiibkaa ku fadhiistoMarar badan waxaa dhacda in qof aynu kula balanno maqaaxi, kaddibna inta aynu ka soo horreyno aynu qofkaas u sii qabanno kursi. Waa dhaqan ceeb ku ah ilbaxnimada, waa tallaabo cadaalad darro ku ah macaamiisha saaxiibkaa ka soo horreeya ee imanaya meheradda, waana meel ka dhac aad u geysanayso meheradda laftigeeda.
Marka ay maqaaxidu cidhiidhi tahay kursi kasta qofka u soo horreeya ayaa leh, saaxiibkaana marka uu yimaaddo ayaa ay tahay in uu kursi raadsado.

Talefanka iyo dalabkaMudalabka ka shaqaynaya maqaaxidu kelidaa kuuma adeegayo, mana jeclaysanayo in waqti badan kaga lumo inta uu sugayo dhigista taleefanka aad ku hadlayso. Waxaa fiican in aad mudalabka ka caawiso sidii uu waqtigiisa uga faa’idayn lahaa, una raalli gelin lahaa dhammaan macaamiisha kala duwan. Waa dhaqan xun in qofka dalabka kaa qaadaya oo u taagan in uu kuu adeego, aad adigu taleefank ku hadasho.
Maqaaxida bannaankeeda ku dhammayso taleefanka, ama jar oo marka hore dalabkaaga sheego, kaddibna dib ugu noqo taleefanka.

Salaan dadka kuu adeegayWaa dhab in aad lacagtaada ku iibsatay in laguu adeego, laakiin ogow in aanay lacagtu goyn karin karaamada aadamaha. waa dhaqan fiican in qofka kuu adeegayaa uu kaa dareemo soo dhoweyn iyo sinnaan aanad iska sarraysiinayn. Baro in aad qofka kuu adeegaya salaanto, una muujiso in aad tihiin laba ruux oo siman, farqiga u dhexeeyaana uu yahay keliya in aad tihiin iibiye iyo iibsade. Ama laba qof oo ganacsi dhex marayo.
Salaan mudalabka, si xushmayni ku dheehantahayna uga dalbo waxa aad rabto.

W/T: Kamaal Marjaan
Xigasho wargeyska geeska Africa

Wednesday, June 12, 2019

Ka Taxadar Arrimahaan si ay noolashaadu qiimo u yeelato

Taxadar la’aantu waa mid ka mid ah dabeecadaha dadka, waxayna dayacaadu timaadaa marki qofku u arko in wax Qiime ama muhiimad gaar ah u lahayn. Laakiin Ogsoonow wax kasta Aduunkan waxay ku kacaan Qiime, ma jiro wax Bilaash ah.
Haddii Caafimaadkaaga Qiime sare kuu leeyahay, ka taxadar waxa aad cunto, kuna dadaal daryeelka naftaada
Haddii Noloshaadu Qiime sare kuu leedahay, ka taxadar in aad cibaadada Alle dayacdo
Haddii Saaxiibadaa Qiime kuu leeyihiin, ka taxadar in aad xamato ama xumayso
Haddii Waqtigu Qiime kuu leeyahay, ka taxadar inaad lumiso.
Haddii Xiriirka lamaanahaaga Qiime kuu leeyahay, ka taxadar inaad qiyaanto
Haddii Lacagta Qiime kuu leedahay, ka taxadar sida aad u kharash gareyso.
Haddii Wadankaagu qiime kuu leeyahay, ka taxadar in aad dulsaar aan waxba u qaban ku noqoto
Haddii Naftaadu qiime kuu leedahay, ka taxadar in aad soo jeed bilaa macno ah ku daaliso
Haddii Caruurtaadu qiime sare kuu leedahay, ka taxadar in aadan waqti fiican la qaadan.
Haddii Guushu qiime kuu leedahay, ka taxadar in aadan isbedel sameyn oo iska fadhido
Ha dayicin xitaa Qalin aad is leedahay waa raqiis! Ahmiyad & Qiime sare ayuu leeyahay.
Noloshu waa hadiyad! In aad ka faa’iideysato, in aad ku guuleysato ma aha wax bilaash lagu helo, waa in ay Ahmiyad iyo Qiime kuu lahaataa, aadna uga taxadartaa in aad dayacdo!
Yeelo Nolol Taxadar badan leh.
W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

QOF HAN YARI MA HANAQAADO

Qof Han Yari Ma Hana Qaado
Hanku waa hubka ugu culus ee qofka aadanaha ahi leeyahay. Sidoo kale, hanku waa baalasha aadanuhu ku duulo. Gabyaagii waynaa ee Axmed Showqi baa laga hayaa in uu yidhi: Shimbiruhu waxay ku duulaan baalashooda, aadanuhuna wuxu ku duulaa hankiisa.
Qofka hankiisa inta uu le’eeg yahay na waxa lagu gartaa hadba waxa uu raacdaynayo inta uu le’eeg yahay. Ibn Qayyim, AHUN, baa laga sheegaa inuu yidhi: Caamadu waxay tidhaahdaa qiimaha qofku waa waxa uu ku wanaagsan yahay qabashadiisa, dadka nukhbada (elite) ahina waxay yidhaahdaan qiimaha qofku waa waxa uu raacdaynayo ama hiigsanayo.
Taa macnaheedu waxa weeye, adigu waxaad tahay hadba inta uu le’eeg yahay waxa aad hiigsanayso. Haduu wayn yahay waxa aad hiigsanayso waxaad tahay qof wayn, hadduu yaryahayna qof yar.
Hankaaga sare u qaad adigoo kaashanaya la jaal noqoshada saaxiibbada hanka sare leh iyo akhrinta taariikh-nololeedka dadkii dunida wax ku soo kordhiyay.
W/Q: Mubarak Hadi

Tuesday, June 11, 2019

CARABTU MAXAY KAGA QAYB QAATEEN DAGAALKII 77 EE SOMALIA IYO ITOOBIYA DHEXMARAY ?


Dagaallkii 77 Ee Somalia iyo Ethiopia

- Dabayaaqadii bishii September. Waxaa Itoobiya ay ka heshay Yamanta koonfureed oy ula baxeen itoobiyaanku : Jaalle L.3 Guuto Tank T-34 iyo 200o Askari .
sidoo kale waxay Itoobiyaanku ay hub fiican ka heleen oy ku jiraan Diyaaraddo 18 MIG iyo Taankiyo T-34= 33 iyo Madaafiic 48 Dowladda ruushka oo shaqada galay bishii October.
Kuuba waxaa laga keenay 500 oo ah duuliyeyaal , Tankiste iyo Madaafiicley oo ku dagaalgasha Hubkan cusub .

Dhinaca kale #Jaamacadda_Carabta oo soomaalidu ay xubin ka ahayd laga soo soo bilaabo 14/12/1974 . waa ka hor saddex sano iyo todoba bilood ,  Waxaa ka soo baxay Baqq shirkoodii bishaan September  ee wasiiradda arrimaha dibada JC  " Jaamacadda Carabtu waxay Dhexdhexad ka tahay dagaalka ka dhex socda Somaliya iyo itobia,  waxayna ku talinaysaaa in wadahadal wax lagu dhammeeyo "   .

Baaqan wuxuu soomalida ku ahaaa filawaa iyo inaysan marna isku halleyn karin dalalka carabta guud ahaan

Buugga : Dagaaladdii  Somalia iyo Ethiopia  1964 & 1977

Sayid Maxamed abdulle xasan ayaa 80 ka hor dagaalkaa wuxuu dhahay " Maandhow catowga igadaaa Carabi Waa Naagge "

Share lana wadaag asxaabtaada si u helaan Taariikhda Dalka

Tuesday, February 26, 2019

Maxaa kaa hortaagan inaad Horumar sameyso?

Maxaa kaa hortaagan inaad Horumar sameyso?
Dabcan dad badan waxay isbedel u sameyn waayeen, waxaa jira waxyaabo dib u celinaya, kana hortaagan inay gaaraan horumar la taaban karo. Halkan hoose waxaa ku xusan 10 waxyaabood oo u baahan inaad naftaada ka joojiso:
1. Jooji in aad dayacdo Salaada iyo guud ahaan cibaadada Alle. Maalin kasta shan waqti waxaan maqalnaa "U kaalaya Guusha" haddii aadan ka jawaabin isla marki, Shanta Salaadood waqtigooda aadan tukan, ma jiro waqti kale aad maareyn karto, mar kastana qofka wuxuu ahaanayaa mashquul aan hadana wax u qabsoomin
2. Jooji inaad naftaada been u sheegto, Khiyaalina aad ku maaweliso. Nolosheenu waxay horumartaa keliya markaan fursadaha ka faa’iideysano, fursada ugu horeysa uguna daran aan qaadan karno waa inaan nafteena daacad u noqono
3. Jooji inaad waqti ku lumiso asxaabta xun. – Noloshu way gaaban tahay inaad waqti ku lumiso dad farxada kaa qaada. Kala garo nooca saaxiibada aad leedahay. Saaxiibka xun keliya gadaal buu kuu dhigaa
4. Jooji inaad ka cararto dhibtaada. – Wajah dhibtaada ilaa aad ka xalliso. Ma aha wax sahlan mana jiro qof aduunka dhib la’aan ah. Xaqiiqdii waxaa na soo maraya murugo, kadeed, kufid & dhaawac, Nolosha ayaa sidaa ah. Waxaa la rabaa in la wajaho, la aqbalo, laga feejignaado lana xalliyo. Tani waa waxa kaa dhigaya qofka aad rabto inaad noqoto
5. Jooji inaad ceebaha dadka kale raadiso, ka dibna aad samayso cambaarayn, caay iyo cillad sheegid joogta ah. Xaqiiqdii tani waxay kaa hor istaagaysaa inaad dantaada mashquul ku noqoto, horumarna aad sameyso
6. Jooji inaad Xaasid noqoto. – Xaasidnimadu waa inaad xisaabiso waxyaabo qof kale Alle ku maneystay aadna uga xumaato, inti aad adiga taada xisaabin lahayd
7. Jooji caajis, wahsi & inaad iska fadhido. – Nafta oo aad siiso firaaqo badan ay isaga fadhido, ku fakirto ama hawl kuu taalay aad ka wahsato waxay horseedaan burbur & fasahaad. Ku mashquuli nafta shaqo, wax aqris & sameyn wax faa’iido kuu leh
8. Jooji cabsida inaad khalad sameyso. – Inaad wax sameyso oo qalado waxay toban jeer ka fiican tahay inaadan waxba sameyn. Guul kasta waxay leedahay fashil badan, fashil kastana guul ayuu ku gaarsiiyaa ugu dambeynti
9. Jooji isku dayga inaad farxad iibsato ama dad kale ka raadiso. – Haddii aadan ku faraxsaneyn qofka aad tahay & waxa aad heysato ma jiro cid kale oo farxad ku siin karta & waxyaabo qaali ah oo farxad kuu keeni kara. Waa inaad deganaan & qanacsanaan u abuurtaa naftaada markaa ayaad cid kale siin kartaa
10. Jooji inaad ku noolaato xusuusta wixi aad soo martay. – wixi horay u dhacay waa taariikh, weligood ma soo noqonayaan. Welwelka & xusuustooda waxay kaa qaadayaan farxada maanta
Share - sii faafi si dad badan uga faa'iidaystaan

Tuesday, January 1, 2019

Waan ku jeclahay!

Waa runtay oo waan ku jeclahay. Jacaylka aan kuu qabo maaha mid aan adiga kuugu danaynayo ee waa mid aniga dantayda gaarka ahi ku jirto. Waliba jacaylka kaliya maaha ee in aan dantaada ka fakaro iyo in aan wax ku taro labadaba dantayda gaarka ah ayaa ku jirta. In aan ka hortago wax kasta oo dhib ah oo kugu soo fool leh iyo in aan ka shaqeeyo sidii aan kaaga dul qaadi lahaa dhibaatada hadda ku haysata iyaduna waa dantayda khaaska ah, kumana xirna in aad adigu i walaalaysatid ama i jeclaatid ama wax ii tartid ama dhibta i haysata aad ila qaybsatid ama aad ii abaalgudid.
Dhinac kale inaan waxaas oo dhan kuu sameeyo maaha baryo iyo abaal aan kuu galay ee waa xaq aad igu leedahay oo haddii aan intii tabartay ah kaa hagrado aad adduunka iyo aakhiraba ii raacan kartid.
Ha ila yaabin, meel fogna wax ha ka doonin ee i weydii caddayn iyo markhaanti. Hadalka aan kugu iri caddaymo iyo markhaantiyaal badan baan u haystaa ee iga dhagayso:
  1. In aan dar Ilaahay kuu jeclaado oo kuula walaaloobo iimaankayga ayay kaamil ka dhigaysaa, waliba guntimaha (laamaha) iimaanka kan ugu adag weeye.
  2. In aan ku jeclaado oo kula walaaloobo iimaanka macaankiisa ayaan ku helayaa.
  3. Qiyaamaha mimbar nuur ah oo Ilaahay u dhaw ayaa Alle igu fariisinayaa jacaylka dartiis ah ee aan kuu qabo awgi.
  4. Hooska carshiga ayaa la I harinayaa maalinta aan hoos kale jirin (qiyaame) jacaylka dar Alle ah ee aan kuu hayo dartiis.
  5. Jacaylka dar Alle ah oo aan kuu qabo awgi ayaan jannada ku galayaa.
  6. Kaaga sii darane jacaylka dar Alle ah ee aan kuu qabo dartiis ayaa Allaha weyni igu jeclaanayaa.
Danta iigu jirta jacaylka dar Alle ah ee aan kuu hayo kuma koobna dano aakhiro ee dano badan oo adduunka aan ka helayana waa jiraan. Tan kale maaha faa’iido Ilaahay uu aniga igu gaar yeelay ee waa faa’iido uu siinayo qof kasta oo muslimka dar Alle u jecel oo ula walaalooba. Midda kale arrintu dano qofeed kaliya maaha ee dano ummadeedna waa ku jiraan.
Faa’iidooyinkaan faraha badan ee aynu ku helayno jacaylka dar Alle ah ee aynu isu qabno waxaa caddaysay axaadiista nabigeena صلى الله عليه وسلمee saxiixa ah, waana xaqiiqo aynu u hubno sida aynu geerideena u hubno.
Way socotaa ….
Sh. Axmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com