Ka Taxadar Arrimahaan si ay noolashaadu qiimo u yeelato
Taxadar la’aantu waa mid ka mid ah dabeecadaha dadka, waxayna dayacaadu timaadaa marki qofku u arko in wax Qiime ama muhiimad gaar ah u lahayn. Laakiin Ogsoonow wax kasta Aduunkan waxay ku kacaan Qiime, ma jiro wax Bilaash ah. Haddii Caafimaadkaaga Qiime sare kuu leeyahay, ka taxadar waxa aad cunto, kuna dadaal daryeelka naftaada Haddii Noloshaadu Qiime sare kuu leedahay, ka taxadar in aad cibaadada Alle dayacdo Haddii Saaxiibadaa Qiime kuu leeyihiin, ka taxadar in aad xamato ama xumayso Haddii Waqtigu Qiime kuu leeyahay, ka taxadar inaad lumiso. Haddii Xiriirka lamaanahaaga Qiime kuu leeyahay, ka taxadar inaad qiyaanto Haddii Lacagta Qiime kuu leedahay, ka taxadar sida aad u kharash gareyso. Haddii Wadankaagu qiime kuu leeyahay, ka taxadar in aad dulsaar aan waxba u qaban ku noqoto Haddii Naftaadu qiime kuu leedahay, ka taxadar in aad soo jeed bilaa macno ah ku daaliso Haddii Caruurtaadu qiime sare kuu leedahay, ka taxadar in aadan waqti fiican la qaadan. Hadd...