Posts

How to get more followers on instagram?

Image
  How to get more followers on instagram? Reasons why to grow your Instagram Audience: 34% of users are millennials 38% check it multiple times a day 22% of users log in at least once a day 25% of smartphone owners use it So, how to get more followers? 1. Commit to quality v Craft a great bio and profile v Share compelling content and captions v Use relevant hashtags 2. Use a growth strategy v Promote your Instagram presence on other social networks v Use Instagram Stories v Post regularly and often v Try live video v Post at the right time   3. Incentivize the audience v Tag relevant users v Ask your followers to tag their friends v Tag your location v Run Contests & Giveaways           Instagram : :https://www.instagram.com/darwiish_anwar/                      Facebook Facebook Page

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

Image
In xidhiidh   kalsooni   ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud ahaan qof kasta iyo dadka ku xeeran, ayaa ka mid tahay tiirarka guusha xidhiidhka labada qof adkeeya. In hawl la maamulo ama laga midho dhaliyana waxaa lagama maarmaan u ah in kalsooni ay ka dhex jirto dadka ku wada lug leh. Maamule kasta oo doonaya in uu meel sare gaadhsiiyo hawsha loo igmaday ama in uu guul u soo hooyo awooddiisa maamul waxaa la gudboon in uu bilowgaba kalsooni ka dhex abuuro dadka la shaqaynaya isla markaana uu adkeeyo kalsoonida u dhexeysa isaga iyo bulshada. Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Al-Carabiya ayaa soo ururinaysa Afar siyaabood oo uu Jacak Welsh oo ah Maareeyaha Maxadka Jack Welsh ee cilmiga maamulka, lehna khibrad maamul oo 40 san ahi aaminsan yahay in ay xoojiso kalsoonida dadka dhexdooda ah: Noqo deeqsi : Deeqsinimadu waa mid ka mid ah sifoyinka hoggaamineed, ruuxa deeqsiga ahina ma’aha ka gacanta furan oo kaliya, balse waa qofka dadka oo dha...

http://www.daryeelmagazine.com/calaamadahaan-haddii-aad-ku-aragto-taleefankaaga-ogow-in-cidi-ku-basaasayso/

Image
http://www.daryeelmagazine.com/calaamadahaan-haddii-aad-ku-aragto-taleefankaaga-ogow-in-cidi-ku-basaasayso/

Talooyin Kaa Caawinaya Inaad Yareyso Lacagta Internet-ka Ee talefankaagu Isticmaalo

Image
Wargeyska Caanka ah ee Star oo ka soo baxa dalka Turkiga ayaa dhowaan qoray talooyin ku jihaysan qof kasta oo ay dhibaato ka haysato dhammaanshaha dhaqsaha ah ee lacagta uu ku shubto adeegsiga Internet ka ee talefankiisa gacanta uu ka gelayo. Talooyinkan  waxa ay qofka u tilmaamayaan  tallaabooyin  fudud oo qofka qaadaa uu ka badbaadin karo mushkiladdan waxa aanay kala yihiin: 1. Iska xidh ogeysiisyada iyagu is-wada (Automatic Notifications) ee inta badan qofka u soo dhaca marka email ama farriin facebook ku soo dhacdo. 2. Iska xidhi soo dejinta is-wadda (Automatic downloadka) ee sawirrada iyo fiidyowyada kugu soo dhaca WhatsApp ka, kana dhig talefankaagu in uu soo dejintan tooska ah sameeyo keliya marka aad internet ka isticmaalayso WiFi. 3. Cusboonaysiinta (Updating) waxa aad ka dhigtaa in aanay shaqayn marka aad internet ka isticmaalayso kaadhkaaga, isla markaana dhammaantood xidh, si ay u shaqeeyaan oo keliya marka aad WiFi isticmaalayso. 4. Kaydso (Sav...

Dhibaatooyinka Dhanka Maskaxda Ee Laga Qaado Taleefannada Casriga Ah

Image
Washington (Geeska)- Qof kasta oo sita taleefanka gacanta ee casriga ahi celcelis 150 jeer ayaa uu maalintii taleefankiisa gacanta eegaa, taas oo ah calaamad kale oo muujinaysa sida ay taleefannada gacantu uga mid noqdeen waxyaabaha ay nafteennu u aragto in ay dhammaystir u yihiin nolol maalmeedkeena. Waxa uu inoo noqday qalab isgaadhsiineed aan laga maarmi karin iyo balwad aynu qabatinnay gacan ku haynteeda iyo isticmaalkeeda kala duwan. Majaladda dalka Isbayn ka soo baxda ee Tech-Pet ayaa warbixin ay dhowaan arrintan ka qortay ku sheegtay in xeeldheereyaal badani ay caddeeyeen xanuunno maskaxeed oo ay suurtagal tahay in ay ka dhashaan ku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee taleefanka gacanta ee casriga ah iyo qalabka la mid ah. waxaa ka mid ah dhibaatooyin nafsadeed oo ay ugu horreyso in qofku uu bulshada ka xidhxidh furmo iyo in uu waayo dhugmada ama awoodda ay maskaxdu u leedahay u fiirsiga. Warbixinta majaladda Tech Pet waxa ay sheegtay in inkasta oo aanay hay’adda caafimaadka a...

12 Arrimood Oo keeni Kara In Wax Akhriskaagu Yaraado

Image
Dhallinyaro fara badan baa waxay intaa igu yidhaahdaan, waan jecel nahay wax akhriska, faa’iidadiisana waan dareen sannahay, haddana waan isku kari la’nahay. Haddaba waxaan jeclahay inaan qormooyinkan soo socda, aan idiinku soo gudbiyo sababo keeni kara in wax akhrisku kugu adkaado, ama aadan isugu arag inaad noqon karayso qof akhriyaa ah. Arrimaha waawayn ee dhallinta ku koray dunida saddexaad wax akhriska nacsiiyay ama u tusay in aanay ahayn wax la jeclayso, waxa weeye buugtii waawaynaa (text books) ee kolka uu imtixaan innagu soo socdo aan necbaysan jirnay in aan kala furno ama aan ka meermeeraysan jirnay in aan soo qaadnaba. Marar badan waxa dhici karaysa in aynaan arrintan ku baraarugsanayn, laakiin waa xasuus ku kaydsan maskaxdeenna qaybta aan wacyiga lahayn (subconscious), se xasuustaasi mar kasta oo aan buug akhris ku fekerno si ogaal li’i ah ayuu ladhkeedu inoogu soo kacaa. Taasaana marar badan keenta in ay buug fara badan oo aan islahayn akhriya ay kabadhada inoo saa...

Dhaqannada Aan Ku Wacnayn Maqaaxiyaha Iyo Goobaha Dadweynuhu ku Kulmaan

Image
Hargeysa (Geeska)- Maqaaxiyaha iyo goobaha cuntada fudud ee dhalinyaradu isugu timaaddaa waa goobta saddexaad ee waqtiga ugu badan lagu qaato, marka laga yimaaddo shaqada iyo guriga, waana goobta uu qofku ka helo isdhexgalka bulsho iyo xidhiidhada ugu habboon ee uu sameeyo. Maqaal ay dhowaan faafisay majaladda Readers Digest oo ka soo baxda dalka Maraykanka, ayaa qoraaga Isabel Tavares ay kaga hadashay qaar ka mid ah caadooyin ay sheegtay in dadka maqaaxiyaha yimaaddaa aad ugu dhaqmaa, oo ay fiican tahay in la iska daayo; waxaana ka mid ah: Xidhiidhada Taleefanka ee Fiidyowga ah In adiga oo maqaaxi jooga aad qof kala hadasho is-gaadhsiin fiidyow ahi waa caado aad u xun. Waxaa ka muuqata in aad tahay shakhi naftiisa uun raalli geliya. Agaasimaha mashaariicda ee shirkadda Access New York Metro, mudane Jordan Gary ayaa ku taliyey in ay fiican tahay in qofku uu dhawro anshaxa adeegsiga taleefanka, oo aanu noqon qof cod dheer ku hadla, sidaa awgeed ay muhiim tahay in qofku ogaado in a...