Posts

SOOMAALIDA KALA DHACII GEELA MAXAA U BADALEY?

Image
Waxaa lawariyaa in somalidii hore ku wareertay kala dhaca geela iyo horta geela yaa leh? waxaa sidoo kale la sheegaa in shir somalidu isugu timid kaas oo ku saabsan geela yaa leh?  Ugu dambayntii waxaa la isla qaatay geela waxaa leh hadba ninkii uu u xaraysan yahay ama haysta, waxaana la wada leeyahay caanihiisa marka uu xaraysan yahay iyo marka uu ceelka yimaado in la wada waraabiyo, waata loogu heeso(markay timaadiyo markay tuban tahay waa tolleeyo looma kala tago) sidoo sidoo kale waxaa la sheegaa shirkaas meesha uu ka dhacay aan la aqoon in lagaga dooday in geela hilibkiisa la wada leeyahay"meel hal lagu qalay hilibna kuma yara hadalna kuma yara. Si guud somali badan ayaa meelo badan ku sheegtay geela dhaciisu in uuu xalaal yahay" aakhiro xisaab malaha geel oo xaquba sheeg" Abwaan cali dhuux aadan. markale abwaan cali dhuux ayaa yidhi"dambi malaha aakhiro markii loo kitaab dayay" isagooo geela u jeeda.  Marka aynu geela intaas ku dhaafno waxaynu la ...

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Image
  Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro badan iyo ereyo kala duwan oo uu qof kastaa ku cabbiro jacaylka uu qofka kale u qabo. Waxa ugu caansan ereyga ‘Waan ku jecelahay’. Dad badan ayaa qalad fahmay jacaylka, waxa aanay ku soo koobeen ereyo ay si fudud afka uga yidhaahdaan oo qofka kale ay ugu sheegayaan in ay jecelyihiin ama ugu cabbirayaan illaa xadka uu gaadhsiisanyahay jacaylka ay u qabaan. “Waan ku jecelahay” ayaa ah erey caan ka dhex ah bulshada oo aynu joogto uga maqalno suugaanta, filimada iyo qisaska kala duwan ee jacaylka. Si kastaba ha ahaato ee baadhitaanno lagu sameeyey raadaynta uu ereyga ‘Waan ku jecelahay’ ku leeyahay qalbiga qofka ayaa lagu ogaaday in ay jiraan siyaabo badan oo ka saamayn badan oo qofku uu jacaylkiisa qofka kale ugu cabbiri karo isaga oo aan ereygan badhaysiga noqday isticmaalin. Majalada ‘Femina’ oo ka soo baxda dalka Faransiiska ayaa lagu soo bandhigay ficillo iyo odhaaho ka muhiimsan ere...

faaidooyinka Xabxabka Ama Qaraha Ee Xilliga Ramadaanka Iyo Ahmiyadda uu u leeyahay

Image
  Xabxabka/Qaraha: Xabxabka oo ah khudrad aad u macaan oo dunida guud ahaan laga xiiseeyaa waa il muhiim ah oo laga helo Faytamiinnada A iyo C, sidaa awgeed waxa ay khubarada caafimaadku ku taliyaan xilliga bisha soonka in si joogto ah luu cuno, gaar ahaan waxa u uu fiican yahay dadka aan marka hore ku fiicnayn cabbista biyaha, si uu ugu galo kaalinta biyaha ka maqan maadaama oo boqolkiiba 90 miisaanka xabxabku uu yahay biyo.  Xeeldheerayaasha caafimaadka cuntaduna waxa ay marar kala duwan sheegeen in cunista xabxabku ay faa’ido caafimaad leedahay xilliga suxuurta iyo xilliga afurka labadaba, iyada oo cunista xabxabka ee xilliga afurku uu geli karo kaalinta biyaha lagu afuro, halka xilliga suxuurtana uu noqonayo il uu qofku dareeraha jidhku u baahan yahay maalinnimada ka helo. Xabxabka oo aan lahay dufan iyo Sodium midna waxa uu ka mid yahay cuntooyinka lagula dagaalamo miisaanka, sidaa awgeed dadka u hellan dhimista miisaankooda waxaa lagula taliyaa in ay isticmaalaan xabxabk...

How to get more followers on instagram?

Image
  How to get more followers on instagram? Reasons why to grow your Instagram Audience: 34% of users are millennials 38% check it multiple times a day 22% of users log in at least once a day 25% of smartphone owners use it So, how to get more followers? 1. Commit to quality v Craft a great bio and profile v Share compelling content and captions v Use relevant hashtags 2. Use a growth strategy v Promote your Instagram presence on other social networks v Use Instagram Stories v Post regularly and often v Try live video v Post at the right time   3. Incentivize the audience v Tag relevant users v Ask your followers to tag their friends v Tag your location v Run Contests & Giveaways           Instagram : :https://www.instagram.com/darwiish_anwar/                      Facebook Facebook Page

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

Image
In xidhiidh   kalsooni   ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud ahaan qof kasta iyo dadka ku xeeran, ayaa ka mid tahay tiirarka guusha xidhiidhka labada qof adkeeya. In hawl la maamulo ama laga midho dhaliyana waxaa lagama maarmaan u ah in kalsooni ay ka dhex jirto dadka ku wada lug leh. Maamule kasta oo doonaya in uu meel sare gaadhsiiyo hawsha loo igmaday ama in uu guul u soo hooyo awooddiisa maamul waxaa la gudboon in uu bilowgaba kalsooni ka dhex abuuro dadka la shaqaynaya isla markaana uu adkeeyo kalsoonida u dhexeysa isaga iyo bulshada. Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Al-Carabiya ayaa soo ururinaysa Afar siyaabood oo uu Jacak Welsh oo ah Maareeyaha Maxadka Jack Welsh ee cilmiga maamulka, lehna khibrad maamul oo 40 san ahi aaminsan yahay in ay xoojiso kalsoonida dadka dhexdooda ah: Noqo deeqsi : Deeqsinimadu waa mid ka mid ah sifoyinka hoggaamineed, ruuxa deeqsiga ahina ma’aha ka gacanta furan oo kaliya, balse waa qofka dadka oo dha...

http://www.daryeelmagazine.com/calaamadahaan-haddii-aad-ku-aragto-taleefankaaga-ogow-in-cidi-ku-basaasayso/

Image
http://www.daryeelmagazine.com/calaamadahaan-haddii-aad-ku-aragto-taleefankaaga-ogow-in-cidi-ku-basaasayso/

Talooyin Kaa Caawinaya Inaad Yareyso Lacagta Internet-ka Ee talefankaagu Isticmaalo

Image
Wargeyska Caanka ah ee Star oo ka soo baxa dalka Turkiga ayaa dhowaan qoray talooyin ku jihaysan qof kasta oo ay dhibaato ka haysato dhammaanshaha dhaqsaha ah ee lacagta uu ku shubto adeegsiga Internet ka ee talefankiisa gacanta uu ka gelayo. Talooyinkan  waxa ay qofka u tilmaamayaan  tallaabooyin  fudud oo qofka qaadaa uu ka badbaadin karo mushkiladdan waxa aanay kala yihiin: 1. Iska xidh ogeysiisyada iyagu is-wada (Automatic Notifications) ee inta badan qofka u soo dhaca marka email ama farriin facebook ku soo dhacdo. 2. Iska xidhi soo dejinta is-wadda (Automatic downloadka) ee sawirrada iyo fiidyowyada kugu soo dhaca WhatsApp ka, kana dhig talefankaagu in uu soo dejintan tooska ah sameeyo keliya marka aad internet ka isticmaalayso WiFi. 3. Cusboonaysiinta (Updating) waxa aad ka dhigtaa in aanay shaqayn marka aad internet ka isticmaalayso kaadhkaaga, isla markaana dhammaantood xidh, si ay u shaqeeyaan oo keliya marka aad WiFi isticmaalayso. 4. Kaydso (Sav...