Posts

Taariikh Nololeedka Abwaan Xaaji Khaliif Aw Axmed Kooshin

  Taariikh Nololeedka Abwaan Xaaji Khaliif Aw Axmed Kooshin   Magaca: Xaaji Khalif Aw Axmed Kooshin    Goobta   Dhalashada: Ceelka Laasacadaar, Gobolka Sool, Soomaaliya    Sanadka Dhalashada: 1914    Sanadkuu xajay : 1954 Sanadkuu Geeriyooday : 1959, Marqaan, Dawlad Deegaanka Soomaalida    Hooyadii: Dhuuxay Aw Cali Cabdi Xaaji Aadan (Reer Xaaji Aadan, Reer awmaame Abayoonis “Geri”)   Suugaanta   Xaaji Khalif Aw Axmed Kooshin wuxuu ahaa mid ka mid ah hal-abuurkii ugu magaca dheeraa ee Soomaalida, gaar ahaan dhinaca gabayada iyo suugaanta. Wuxuu kaalin mug leh ka qaatay kobcinta suugaanta Soomaaliyeed, isagoo gabayadiisa ku dhex wadi jiray silsilado iyo doodaha bulshada. Gabayada Xaaji Khalif waxaa ka muuqan jiray xikmad, dhiraandhirin, iyo aragtiyo ku saabsan xaaladaha taagan ee  bulsho iyo diineed.   Magaca "Khaliif" waxaa u bixiyey Hogaamiyihii Daraawiishta, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, taasoo sharaf iyo m...

Buugga Murtida Dardaaran Haween

Image
  Faalo kooba Buugga Murtida Dardaaran Haween Halku dhigga buugga ” Hagaha murtida dumarka iyo xulashada guurka” Waxaan ayaantaan akhrintiisa ku howlanaa buugga magaciisu kor ku xusan yahay, waxaana uu ka hadlayaa arrimo badan oo xambaarsan mowduucyo kala duwan oo la xiriira qoyska, xulashada lammaanaha, dhaqanka iyo waxay diintu ka qabto. Milgaha, mudnaanta, qiyam iyo qadarinta uu siinaayo haweenka waa mid runtii wax badan ka beddelaya dareenka bulshada. Siiba hadday akhristaan hablaha Soomaaliyeed waxay unoqon lahayd kayd ay ka helaan xogo badan oo ka dahsoon. Ma ahan mid aan ku sookoobi karo buuggan waxa uu ka hadlaayo maqaal, sheeko iyo faalo kooban. Miidda, dhumucda ku duugan buuggan ayaa ah mid si heer sare ah loo farshaxameeyay, lagularay hal tabin, macaanayn iyo subkid siyaabo kala duwan loogu sharaxay dhiganahaan. Marka hore buugga waxa uu bixinayaa arar, afeef hadba sida aad u taqaano, waxa uu ka faaloonayaa qoraaga intii uu waday baarista cilmiga ku duugan buugga. Waxa u...

SOOMAALIDA KALA DHACII GEELA MAXAA U BADALEY?

Image
Waxaa lawariyaa in somalidii hore ku wareertay kala dhaca geela iyo horta geela yaa leh? waxaa sidoo kale la sheegaa in shir somalidu isugu timid kaas oo ku saabsan geela yaa leh?  Ugu dambayntii waxaa la isla qaatay geela waxaa leh hadba ninkii uu u xaraysan yahay ama haysta, waxaana la wada leeyahay caanihiisa marka uu xaraysan yahay iyo marka uu ceelka yimaado in la wada waraabiyo, waata loogu heeso(markay timaadiyo markay tuban tahay waa tolleeyo looma kala tago) sidoo sidoo kale waxaa la sheegaa shirkaas meesha uu ka dhacay aan la aqoon in lagaga dooday in geela hilibkiisa la wada leeyahay"meel hal lagu qalay hilibna kuma yara hadalna kuma yara. Si guud somali badan ayaa meelo badan ku sheegtay geela dhaciisu in uuu xalaal yahay" aakhiro xisaab malaha geel oo xaquba sheeg" Abwaan cali dhuux aadan. markale abwaan cali dhuux ayaa yidhi"dambi malaha aakhiro markii loo kitaab dayay" isagooo geela u jeeda.  Marka aynu geela intaas ku dhaafno waxaynu la ...

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Image
  Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro badan iyo ereyo kala duwan oo uu qof kastaa ku cabbiro jacaylka uu qofka kale u qabo. Waxa ugu caansan ereyga ‘Waan ku jecelahay’. Dad badan ayaa qalad fahmay jacaylka, waxa aanay ku soo koobeen ereyo ay si fudud afka uga yidhaahdaan oo qofka kale ay ugu sheegayaan in ay jecelyihiin ama ugu cabbirayaan illaa xadka uu gaadhsiisanyahay jacaylka ay u qabaan. “Waan ku jecelahay” ayaa ah erey caan ka dhex ah bulshada oo aynu joogto uga maqalno suugaanta, filimada iyo qisaska kala duwan ee jacaylka. Si kastaba ha ahaato ee baadhitaanno lagu sameeyey raadaynta uu ereyga ‘Waan ku jecelahay’ ku leeyahay qalbiga qofka ayaa lagu ogaaday in ay jiraan siyaabo badan oo ka saamayn badan oo qofku uu jacaylkiisa qofka kale ugu cabbiri karo isaga oo aan ereygan badhaysiga noqday isticmaalin. Majalada ‘Femina’ oo ka soo baxda dalka Faransiiska ayaa lagu soo bandhigay ficillo iyo odhaaho ka muhiimsan ere...

faaidooyinka Xabxabka Ama Qaraha Ee Xilliga Ramadaanka Iyo Ahmiyadda uu u leeyahay

Image
  Xabxabka/Qaraha: Xabxabka oo ah khudrad aad u macaan oo dunida guud ahaan laga xiiseeyaa waa il muhiim ah oo laga helo Faytamiinnada A iyo C, sidaa awgeed waxa ay khubarada caafimaadku ku taliyaan xilliga bisha soonka in si joogto ah luu cuno, gaar ahaan waxa u uu fiican yahay dadka aan marka hore ku fiicnayn cabbista biyaha, si uu ugu galo kaalinta biyaha ka maqan maadaama oo boqolkiiba 90 miisaanka xabxabku uu yahay biyo.  Xeeldheerayaasha caafimaadka cuntaduna waxa ay marar kala duwan sheegeen in cunista xabxabku ay faa’ido caafimaad leedahay xilliga suxuurta iyo xilliga afurka labadaba, iyada oo cunista xabxabka ee xilliga afurku uu geli karo kaalinta biyaha lagu afuro, halka xilliga suxuurtana uu noqonayo il uu qofku dareeraha jidhku u baahan yahay maalinnimada ka helo. Xabxabka oo aan lahay dufan iyo Sodium midna waxa uu ka mid yahay cuntooyinka lagula dagaalamo miisaanka, sidaa awgeed dadka u hellan dhimista miisaankooda waxaa lagula taliyaa in ay isticmaalaan xabxabk...