Posts

Showing posts from July, 2017

12 Astaamood Oo Lagu Garto Hogaamiyaha Wanaagsan

Image
Culimada ku xeelka dheer Cilmi-nafsiga bulshada aadamiga ah, waxay xaqiijiyeen oo farta ku wada fiiqeen ;” Ahmiyadda Hoggaaminta iyo kaalinta ay ku leedahay dhismaha iyo horumarka bulshooyinka kala geddisan”. Waxay Culimmadu caddeeyeen ; Inuu Madaxweynuhu ama Hoggaamiyuhu saldhig u yahay ; isku-duubnida iyo wadajirka qaybaha bulshada uu hoggaaminayo, degganaanshaheeda, gaadhida ujeeddooyinkeeda, ku-dhaqanka Aydiyaloojiyadeeda iyo gudashada hawlaheedaba. Hawlaha hor-yaal ee laga rabo inuu guto Hoggaamiyuhu, waxay ku xidhan tahay ; hadba nooca bulshada ee uu hoggaankeeda hayo iyo waddada siyaasadeed ee ay ku taagan tahay. Hoggaamiyayaasha kala geddisan ee bulshooyinka dimuqraadiga ah, tan Diktatuuriyadda(kali-talis) iyo kuwa ku sugan qaababka jaha-wareerka, qaska iyo kala-dambayn la’aanta, way kala duduwan yihiin, maxaa yeelay ; isku nidaam, hab iyo xeer midna ma aha saddexdoodu. Marka la isku soo cel-celiyo, hawlaha uu hoggaamiyuhu qabto, waxaa lagu tilmaamaa inay isugu...

Astaamaha Lagu Garto Ninka Wanaagsan Ee Mustaqbal Doonka Ah

Image
Run ahaantii waxaa jira kumanaan ragg ah oo waayay wax daryeela oo fahma qiimaha iyo qadarinta ay u hayaan dumarka. Taasina waxaan dhihi karaa waxaa sababay Ragga intooda xun waayo horaa waxa loo yiri ” Dab ruuxii ku gubtaa dambaskiisa ayuu ka baydhaa ( ka cararaa) ” taasi oo an ula jeedo ragga intooda yar ee dumarka xumeeya ayaa ka qayla batay ragga intiisa wanaagsan waxa ayna saamayn wayn ku yeelatay in ay dumarka qaarkii ay kala garan waayaan Ninkii wanaajinaya iyo Kii xumaynaya maadaama ragga qiyaanada badan ay dhaawacyo badan ugaysteen dumarka . Sidaa awgeed waxaan jeclaystay in aan dumarka u sheego una sharxo sifooyinka ay ku garan karaan amaba ay ku dooran karaan Ninka ragga ah ee wanaagsan oo dumarka qadariya waayo Raggu way isku wada dhex jiraan waxaadna u baahan tihiin waxaad kukala shaandhaysaan oo aad ku ogaan kartaan Ragga intooda wanaagsan oo dumarka qadariya iyo intooda xun oo dumarka qiyaana . Hadaba si aad ukala saarataan waxaan idin siinayaa qaacido ...

Calaamadaha Ninka Wax Jecel Lagu Garto

Image
Raggu way ku kala duwan yihiin calaamadaha ay muujiyaan, balse waxa jira qaar ay ka siman yihiin. Kala duwanaanta abuurka ragga ayaa keena kala dookha. 1. Nuglaan:  waa calaamad lagu arko ninka, waxay ka turmaysaa inuu culays xoog lihi haysto oo jacayl ah. Wuxuu nugayl u muujinayaa gabadha uu jecel yahay iyo cida ka ag-dhaw Calaamadaha ugu caansan 2. Dulqaad xad-dhaaf ah:  wuxuu dulqaad weyn u muujinaa gabadha uu jacylka xad-dhaafka ah u hayo. Marna kama suurtogalayso inuu noqdo bilaa dulqaad, waana marka xaggeeda laga eego. Hadday balanta u jarto, amma ku xanaaqdo kama ficil qaadanayo, waayo meel ayey kaga taal. 3. Ka sheekayn:  waxaad arkaysaa ninka oo ka faalloonaya gabadha uu jecel yahay. Wuxuu si joogto ah uga hadlaa dhaqamada fiican ee gabadha, gaar ahaan, quruxdeeda, hadalkeeda, qosolkeeda, socodkeeda, xaragadeeda, sheekadeeda, farriinteeda  IWM. Laakiin marku arrimahan ka hadlayaa waa markuu la joogo saaxibadiisa dhabta ah. Wuxuu so...

Talo wanaagsan (Anwar maxamuud { waano ku saabsan dhalinyarada soomaaliyeed} )

halkan ka daawo waanaddii

Sababta Raggu Uga Baqaan Guurka Gabadha Fariida Ah!!

Image
Waxaa jira hal-ku-dheg carbeed oo macnihiisu yahay, “Gabadha doqonta ahi waa sida neefta Khardal la yidhaado, oo neerfayaasha ayey dishaa” Waxa kale ooh al-ku-dhegyadooda ka mid ah, “Dad waxa ugu farxad iyo badhaadhe badan doqonta, waayo iskuma mashquuliso waxa hareeraheeda ka dhacaya, nafteedana saamayn kuma yeeshaan” Charles P. Baudelaire oo ahaa gabayaa weyn oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa isna sheegay in doqonniimada gabadhu tahay quruxda sii qurxinaysa quruxdeeda muuqaalka ah indhaheedana soo jiidashada u yeelaysa. Haddaba su’aasha is weydiinta mudani waxa ay tahay gabadha ay raggu dhiqi karaan, ma ta fariidda ahbaa mise waa doqonta? Rag badan oo su’aashan la weydiiyey ayaa ku dhici waayey inay go’aamiyaan, kadib markii ay sheegeen in fariidnimada gabadhu aanay mar walb dan u ahayn ninka, “Fariidnimada gabadhu waa mindi laba af leh, inay ku dhisto la arkaa inay gabadhu fariidnimadeeda ka dhigato hub ay u adeegsato burburintaadana aamin lagama ahaa” ayaa ay rag badan ku so...