1.Nuglaan: waa calaamad lagu arko ninka,
waxay ka turmaysaa inuu culays xoog lihi haysto oo jacayl ah. Wuxuu nugayl u
muujinayaa gabadha uu jecel yahay iyo cida ka ag-dhaw Calaamadaha ugu
caansan
2.Dulqaad xad-dhaaf ah: wuxuu dulqaad
weyn u muujinaa gabadha uu jacylka xad-dhaafka ah u hayo. Marna kama
suurtogalayso inuu noqdo bilaa dulqaad, waana marka xaggeeda laga eego. Hadday
balanta u jarto, amma ku xanaaqdo kama ficil qaadanayo, waayo meel ayey kaga
taal.
3.Ka sheekayn: waxaad arkaysaa ninka oo
ka faalloonaya gabadha uu jecel yahay. Wuxuu si joogto ah uga hadlaa
dhaqamada fiican ee gabadha, gaar ahaan,quruxdeeda, hadalkeeda, qosolkeeda,
socodkeeda, xaragadeeda, sheekadeeda, farriinteeda IWM. Laakiin marku
arrimahan ka hadlayaa waa markuu la joogo saaxibadiisa dhabta ah. Wuxuu soo
celcelinayaa hadaladii dhexmaray ee isugu dambeeyey.
4.Wax-kasta-haye: mar kasta oo ninka ay
wax weydiiso gabadhu uu jecel yahay wuxuu ugu jawaabayaa haye, xittaa haddii
aanu awoodi karin. Waayo waxa haya culayska uu leeyahay jacaylku. Shayga ay
gabadhu ka codsatay haddii aanu awoodi karin wuxuu caawimo weydiisanayaa
saaxiibadiisa dhabta ee aanay waxba kala qarsan
5. Hadal-macaan: waa albaabka ugu
horeeya ee laga galo qofka. Ninku wuxuu markaba ku qaabilayaa hadal macaan oo
soo dhawayn wata. Wuxuu ku dadaalayaa inuu ku qaabilo jawi fiican iyo hadal
qiimo leh, si aanay uga cadhoon. Wuxuu ku bilaabaa hadallo macaan sida,walaalo,
macaaney, qaaliyee, qalbigaygiiyee, noloshaydiiyee, wadnahaygiiyee,
indhahaygiiyee, jidhkaygiiyee, maskaxdaydiiyee, wajigaygiiyee,IWM.
6. Hadaaq: waxa ninka ku bata
halmaanka, waxaad arkaysaa isagoo ku halmaamaya magacii qofka u jeclaa. Muddo
ka dib wuu ka noqonayaa, waxaanu odhanayaa waan ku khaldamay, balse waxa jiitay
wixii qalbigiisa ku jiray.
7. Tilifoon-ku-hadal badan: wuxuu
aad ugu dadaalaa inuu xidhiidh dhaw la yeesho gabadha uu jecel yahay. Taasina
waxay ku keentaa inuu markasta tilifoon ku hadlo. Haddii ay ku adkaato inuu
toos ula xidhiidho jacaylkiisi wuxuu la xidhiidhaa cida ay isku fiican yihiin,
isagoo ka ururinaya jacaylkiisii.
8. Eegmo badan: wuxuu aad u
jelaystaa inuu markasta daawado gabadha uu jecel yahay. Kama dhergayo inuu
daawado maant oo dhan, waayo waxa uu ooman nafta. Wuxuu aad u doonayaa inuu
daawado iyadoo aan soo eegayn. Eegmadani waa idho-ku-doogsi iyo farxad.
9. Maqnaan xagga maskaxda ah: waa
calaamad aad u mihiim ah, waxa ninka lagu arkaa maqnaan xagga maskaxda ah, oo
markuu hawl hayo amma aanu hayniin waxa lagu arkaa isagoo maskax ahaan baxay.
Waxa ugu weyn ee uu ka fikirayo waa sidii uu ula kulmi lahaa qofkan uu jecel
yahay.
10. Shaki: wuxuu markaba la soo baxayaa
shaki fara badan oo ku aaddan in laga qaadayo jacaylkiisa. Xitaa haddii ay
daacad u tahay wuxuu ka shakiyayaa in lagu soo maqan yahay. Haddii uu yart
waayo wuxuu u qaadanayaa in nin kale ku maqan tahay. Haddii uu dareemo in nin
kale doonayo gabadhan wuxuu u fasiranayaa in dagaal cad lagu so qaaday, oo ay
mudan tahay inuu dagaalamo.
11. Ka-gacan-sarayn: ninku marku
joogo goobaha ay saaxiibadii ku kulmaan wuu sheekeeyaa waanu dooddaa, laakiin
marku la joogo gabadha uu jecel yahay xaalu wuu is-bedelaa, wuxuu noqdaa nin
gabadhu ka gacan sarayso, aad uma doodo waayo waxa haysta jacayl xoogan oo meel
ayaa lagaga dhegan yahay.
12. Xarago badan: wuxuu markasta
iska dhisaa dhinaca dhar-xidhashada. Ujeedada ayaa ah inuu soo jiito qofka uu
jecel yahay. Wuxuu ka baqayaa inay ku nacdo lebis xumada. Wuxuu ku dedaalaa
inuu dhar-qurxoon xidho markuu soo marayo meelaha laga helo qofku jeclaa.
W/Q: Cali cabdi coomay
Haddii aad hayso sheeko xiiso leh fadlan noogu soo
dir
Email: drwsh1890@gmail.com
daraasadan gaaban haddii aad qodobo ku darayso waa kaa sugaynaa fadlan nala wadaag
ReplyDelete