Friday, September 22, 2017

dumarka oo la ogaaday inay jacel yihiin inay nolol lawaadaagaan raga dherer ahaan dhaadheer



daraasad ay in muddo ah ay wadeen jaamacada ku taala wadanka kooriya ayaa ugu danabyn lasoo gabagabeeyay kuwaas oo lagu baadhayay su’alo ay ahyd siday ugu qancaan dumarku raga dhaadheer inay neceb  yihiin iyo jecel yihiin.
khubaradan oo ka shaqaynaayay in muddo ah hawsha tan ayaa lagu sheegay inay khubaradani ay ogaadeen in ay inta hore dumarku xiiseeyaan dharerka dheer, halka ay hadhowna nacaan dharerka, waxayna sheegeen khubaradani in ay muddo 18 sanno ah ku nicikaraan ragga dhaadheer.shirkadan oo daraasadan marinaysay wadamo kala duwan
oo caalamka ah ayaa tijaabo ku samaysay dumar tiro badan oo ku nool wadanka indonessia kuwaas oo tiro ahaan gaadhayay ilaa 7850 dumar ah oo xaasas ah waxaanay dumarkaasi lawaydiinayay
sida ay gabadhu u argto ninka dhararkiisa iyo siday dumarku dabeecad ahaan ka yihiin jacayl iyo nacyb,waxaanay dumarkaasi natiijadii ku sheegeen in marka hore ay dumarku dharerka ninka  xiiseeyaan  ,kadibna uu lumo xiisahaasi mudo kadib.khubarada daraasadan waday ayaa sheegay in ay ilaa hada laayihiin(jawaabta su aasha ah maxay dumarku ujacelyihiin ninka) dharar ahaan ka dheer iyaga,waxa keenay inay kalsoonaato ninkaasi,
waxaanay sheegeen inay bilaabi doonaan daraasad kajawaabaysa su’ aashaasi. daraasad hore oolasameeyay ,
ayaa lagu sheegay in dumarka caalmku 48,9% ay jacel yihiin in ay guursadaan niman dhaadheer , kuwaas oo ay u doorbidayaan marka loo eego ninka gaaban.


xuquuqda

Sidee Ku Noqonkartaa Qof Quluubta Dadka Soo Jiita Lana Jecel Yahay ?

maanta waxan halkan idinku soo bandhigi doona maqaalka aan horgalaha uga dhigay NOQO QOF QULUUBTA DADKA SOO JIITA LANA JECEL YAHAY !.


Sida aynu wada ogsoon nahay qof kasta oo inaga mid ahi wuxu jecel yahay ama uu ku han weyn yahay inuu noqdo qof bulshada dhexdeeda laga tixgeliyo isla markaana ku leh ixtiraam iyo xaq dhowr, hadii ay sidaa tahay maxa kuu diiday inaad raacdo talaabooyinka hoos ku xusan si aad uga midho dhaliso hamigaaga bulshada dhexdeeda??

1:SALAANTA ISLAMKA.
Salaanta islaamka oo la badiya waxay ka mid tahay waxyabaha lagu kasbado jacaylka bulshada dhexdeeda, sido kale salanta islamku waxay ka mid tahay tilmamihii RASUULKA SCW lagu yaqaanay isagoo asxaabta la hadlayo ayuu yidhi (n.n.k.h)(ma idin tusiya wax hadaad samaysan aad is jeclanaysaan?) waxay ugu jawaben haa (salaanta islaamka dhexdiina ku faafiya ayu ugu dhameeyay).

2: HADALKA WANAGSAN.
Hadalka wanaagsani wuxuu soo jiita qalbiga qofka bani aadamka ah madaama aad kula hadashay hadal uu qalbigiisu ku farxay, qofba qofkuu ka hadal iyo haasaawe wanagsan yahay ayuu bulshada dhexdeeda ka mudan yahay, hanoqonin mid hadal xun ama hadalkiisa la dhibsado . Nabi Muhammed SCW wuxuu yidhi “Hadalka wanagsani waa sadaqo.

3: WEJI FURFURNAAN ( BASHAASHNIMO)
Bashaahsnimadu wa adiga qofka ku qaabila weji furfuran islamarkana laga dheehan karo farxad waxanay fududaysaa inaad dadka isku jeclataan wixii calooshoda ku jirana ay kuugu sheegan karaan si dhib yar.

4: IXTIRAAM WANAGSAN
Qofka bani aadamka ah lab iyo dhadig wuxuu ahaadaba waxaa wanagsan inaad ixtiraamtid  oo aad qiimeysid maadama uu yahay qof bani aadam ah Ilaaheyna uu siiyay karaamo ogow adiga dadka marka aad ixtiraamtid adna in lagu ixtiramayo.

5: RUNTA OO LA SHEEGO
Runta oo la sheego waa astaamaha qofka wanaagsan waana astaanta lagu yaqaano dadka uu Ilaahey jecel yahay, ogow in runta lagugu jeclaanayo dad badana quluubtooda aad kuso jiidan kartid waayo runta oo aad joogteysid waxay kaa bixineysaa astaan qurxoon oo uu dadku ku aamino laguna jeclaado.

6: WAX ISA SIINTA
Wax isa siintu iyadoo ay ku wajib tahay qof walba hadana waxay ka mid tahay waxyabaha dadku isku jeclaadaan qulubtoodana isu dhaweeya, mana aha inu qofku idhaahdo ma haysto  xoolo ama hanti an la baxo, hadii aanad xoolo iyo hanti lahayn waxad la bixi karta xoogaga, cilmigaaga , maskaxdaada  iwm.

7. WAX AKHRISKA
Wax akhrisku wuxuu kor u qaadaa meeqaamka uu qofku bulshadiisa ku dhex-leeyahay, waayo qofku wuxuu bulshadiisa la wadaagaa waa wixii uu ka helay Buugtii uu soo akhristay. Aqoonta inteeda badani waxa ay ku keydsan tahay Buugta kal duwan. Markaa inta suurtagal ah qof kastaa ha isku dayo inuu Buug la macaamilo. Dadka shiinuhu waxa ay yiraahdaan” A book holds a house of gold”, oo ay uga jeedaan Buugu wuxuu sidaa guri dahab ah.

 

Tuesday, September 5, 2017

Wax Akrhrisku Wuxuu Kordhiyaa Heerka Fahanka Shakhsiga( Reading increases the level of personal understandings)

Dadka Reer Belgium Ayaa Yiraahda ” Reading increases the level of personal understandings”, Oo Ay Uga Jeedaan Wax Akrhrisku Wuxuu Kordhiyaa Heerka Fahanka Shakhsiga. ( Fadlan Walaal Akhri Qormo Ka Hadkeysa Faa'iidada Wax Aqriska Uu Leeyahay.)
============================================================
Wax akhrisku wuxuu qofka u saamaxaa in uu ka fikiro qorshihiisa, hamigiisa dhaw iyo ka fog, sidoo kale wuxuu qofka u horseedaa in uu siyaabo kala duwan ugu baaraandego mushkiladaha soo foodsaara.

Sababta ayaa ah maskaxdii oo balaaratay, ka dibna dhinacyo badan ayey wax ka eegaysaa. Wuxuu sidoo kale dhisaa wax akhrisku luuqada iyo erayda qofku ku hadlayo. Haweeney la yiraahdo Angel Carter ayaa tiri” I found the more I read, the better I write”, oo noqnaysa inta badan ee aan akhriyo, waxa ay iga dhigtaa in aan si fiican wax u qoro. Xigmadan soo socota ee ay leeyihiin dadka reer Belgium (Biljim) ayaa markhaati cad inooga dhigaysa hadalkaasi xaga sare ku qoran” Reading increases the level of personal understandings”, oo ay uga jeedaan wax akrhrisku wuxuu kordhiyaa heerka fahanka shakhsiga. Xigmadaasi waxa aynu ka qaadanaynaa in akhrisku kobciyo maanka akhristaha.

Ilaahay”swc” markii uu Nebi Maxamed”scw” faray wax akhriska oo lagu soo dejiyey suuradii ugu horaysay ee IQRA, Ilaahay “swc” wuxuu sidoo kale ummaddiisa ugu mano sheeganayaa oo yiri” Insaanka waxa aanu barnay wax aanu aqoon u lahayn”. Qoraalkii ugu khayrka badnaa wuxuu ahaa qoraalkii Qur’aanka Kariimka ah, waxaana la qoray wakhtigii Cismaan Binu Caffaan. Sidoo kale wax akhrisku ugu khayrka badani waa Kitaabka Alle. Culimada islaamka intooda badani waa qaar taariikh weyn ku leh qoraalka iyo wax akhriska. Culimadaasi waxa aan ka xusi karnaa, Ibnu, Xajar Al casqalaani, Ibnu Taymiya, Ibnu Qayim Al jawzi, Imaamu Nawawi, Sh. Albaani iyo Sh. Naasir sacadi. Dhammaantood xaga qoraalka iyo wax akhriska waxa ay ka ahaayeen horumood.

Wax akhrisku waa hab-dhaqan wanaagsan oo wakhti lagu lumiyo, waxaana lagaga dhuuntaa balwadaha, makhaayad iska fadhiga iyo meeraysiga bilaa macnaha ah. Markaa uu qofku bilaabayo inuu wax akhriska dhaqan ka dhigto, marka hore way ku adkaanaysaa, balse waa inuu naftiisa baro samirka iyo dul-qaadka uu wax akhrisku u baahan yahay. Sidaa darted ayey reer Filibiin ku maahmaahaan” Reading is the best of wasting time”, oo micnaheedu tahay wax akhrisku waa shaygu ugu fiican ee wakhti lagu lumin karo. Maahmaahdaasina waxa aan ka faa’idaynaa in wakhtiga firaaqada lagu lumiyo wax akhriska.

Wax akhrisku wuxuu kor u qaadaa meeqaamka uu qofku bulshadiisa ku dhex-leeyahay, waayo qofku wuxuu bulshadiisa la wadaagaa waa wixii uu ka helay Buugtii uu soo akhristay. Aqoonta inteeda badani waxa ay ku keydsan tahay Buugta kal duwan. Markaa inta suurtagal ah qof kastaa ha isku dayo inuu Buug la macaamilo. Dadka shiinuhu waxa ay yiraahdaan” A book holds a house of gold”, oo ay uga jeedaan Buugu wuxuu sidaa guri dahab ah.



W/Q Abdiqaadir Colombo