Tuesday, September 5, 2017

Wax Akrhrisku Wuxuu Kordhiyaa Heerka Fahanka Shakhsiga( Reading increases the level of personal understandings)

Dadka Reer Belgium Ayaa Yiraahda ” Reading increases the level of personal understandings”, Oo Ay Uga Jeedaan Wax Akrhrisku Wuxuu Kordhiyaa Heerka Fahanka Shakhsiga. ( Fadlan Walaal Akhri Qormo Ka Hadkeysa Faa'iidada Wax Aqriska Uu Leeyahay.)
============================================================
Wax akhrisku wuxuu qofka u saamaxaa in uu ka fikiro qorshihiisa, hamigiisa dhaw iyo ka fog, sidoo kale wuxuu qofka u horseedaa in uu siyaabo kala duwan ugu baaraandego mushkiladaha soo foodsaara.

Sababta ayaa ah maskaxdii oo balaaratay, ka dibna dhinacyo badan ayey wax ka eegaysaa. Wuxuu sidoo kale dhisaa wax akhrisku luuqada iyo erayda qofku ku hadlayo. Haweeney la yiraahdo Angel Carter ayaa tiri” I found the more I read, the better I write”, oo noqnaysa inta badan ee aan akhriyo, waxa ay iga dhigtaa in aan si fiican wax u qoro. Xigmadan soo socota ee ay leeyihiin dadka reer Belgium (Biljim) ayaa markhaati cad inooga dhigaysa hadalkaasi xaga sare ku qoran” Reading increases the level of personal understandings”, oo ay uga jeedaan wax akrhrisku wuxuu kordhiyaa heerka fahanka shakhsiga. Xigmadaasi waxa aynu ka qaadanaynaa in akhrisku kobciyo maanka akhristaha.

Ilaahay”swc” markii uu Nebi Maxamed”scw” faray wax akhriska oo lagu soo dejiyey suuradii ugu horaysay ee IQRA, Ilaahay “swc” wuxuu sidoo kale ummaddiisa ugu mano sheeganayaa oo yiri” Insaanka waxa aanu barnay wax aanu aqoon u lahayn”. Qoraalkii ugu khayrka badnaa wuxuu ahaa qoraalkii Qur’aanka Kariimka ah, waxaana la qoray wakhtigii Cismaan Binu Caffaan. Sidoo kale wax akhrisku ugu khayrka badani waa Kitaabka Alle. Culimada islaamka intooda badani waa qaar taariikh weyn ku leh qoraalka iyo wax akhriska. Culimadaasi waxa aan ka xusi karnaa, Ibnu, Xajar Al casqalaani, Ibnu Taymiya, Ibnu Qayim Al jawzi, Imaamu Nawawi, Sh. Albaani iyo Sh. Naasir sacadi. Dhammaantood xaga qoraalka iyo wax akhriska waxa ay ka ahaayeen horumood.

Wax akhrisku waa hab-dhaqan wanaagsan oo wakhti lagu lumiyo, waxaana lagaga dhuuntaa balwadaha, makhaayad iska fadhiga iyo meeraysiga bilaa macnaha ah. Markaa uu qofku bilaabayo inuu wax akhriska dhaqan ka dhigto, marka hore way ku adkaanaysaa, balse waa inuu naftiisa baro samirka iyo dul-qaadka uu wax akhrisku u baahan yahay. Sidaa darted ayey reer Filibiin ku maahmaahaan” Reading is the best of wasting time”, oo micnaheedu tahay wax akhrisku waa shaygu ugu fiican ee wakhti lagu lumin karo. Maahmaahdaasina waxa aan ka faa’idaynaa in wakhtiga firaaqada lagu lumiyo wax akhriska.

Wax akhrisku wuxuu kor u qaadaa meeqaamka uu qofku bulshadiisa ku dhex-leeyahay, waayo qofku wuxuu bulshadiisa la wadaagaa waa wixii uu ka helay Buugtii uu soo akhristay. Aqoonta inteeda badani waxa ay ku keydsan tahay Buugta kal duwan. Markaa inta suurtagal ah qof kastaa ha isku dayo inuu Buug la macaamilo. Dadka shiinuhu waxa ay yiraahdaan” A book holds a house of gold”, oo ay uga jeedaan Buugu wuxuu sidaa guri dahab ah.



W/Q Abdiqaadir Colombo

1 comment:

waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan