maanta waxan halkan idinku soo bandhigi doona maqaalka aan horgalaha
uga dhigay NOQO QOF QULUUBTA DADKA SOO JIITA LANA JECEL YAHAY !.
Sida aynu wada ogsoon nahay qof kasta oo inaga mid ahi wuxu jecel
yahay ama uu ku han weyn yahay inuu noqdo qof bulshada dhexdeeda laga
tixgeliyo isla markaana ku leh ixtiraam iyo xaq dhowr, hadii ay sidaa
tahay maxa kuu diiday inaad raacdo talaabooyinka hoos ku xusan si aad
uga midho dhaliso hamigaaga bulshada dhexdeeda??
1:SALAANTA ISLAMKA.
Salaanta islaamka oo la badiya waxay ka mid tahay waxyabaha lagu
kasbado jacaylka bulshada dhexdeeda, sido kale salanta islamku waxay ka
mid tahay tilmamihii RASUULKA SCW lagu yaqaanay isagoo asxaabta la
hadlayo ayuu yidhi (n.n.k.h)(ma idin tusiya wax hadaad samaysan aad is jeclanaysaan?) waxay ugu jawaben haa (salaanta islaamka dhexdiina ku faafiya ayu ugu dhameeyay).
2: HADALKA WANAGSAN.
Hadalka wanaagsani wuxuu soo jiita qalbiga qofka bani aadamka ah
madaama aad kula hadashay hadal uu qalbigiisu ku farxay, qofba qofkuu ka
hadal iyo haasaawe wanagsan yahay ayuu bulshada dhexdeeda ka mudan
yahay, hanoqonin mid hadal xun ama hadalkiisa la dhibsado . Nabi
Muhammed SCW wuxuu yidhi “Hadalka wanagsani waa sadaqo.
3: WEJI FURFURNAAN ( BASHAASHNIMO)
Bashaahsnimadu wa adiga qofka ku qaabila weji furfuran islamarkana
laga dheehan karo farxad waxanay fududaysaa inaad dadka isku jeclataan
wixii calooshoda ku jirana ay kuugu sheegan karaan si dhib yar.
4: IXTIRAAM WANAGSAN
Qofka bani aadamka ah lab iyo dhadig
wuxuu ahaadaba waxaa wanagsan inaad ixtiraamtid oo aad qiimeysid
maadama uu yahay qof bani aadam ah Ilaaheyna uu siiyay karaamo ogow
adiga dadka marka aad ixtiraamtid adna in lagu ixtiramayo.
5: RUNTA OO LA SHEEGO
Runta oo la sheego waa astaamaha qofka
wanaagsan waana astaanta lagu yaqaano dadka uu Ilaahey jecel yahay, ogow
in runta lagugu jeclaanayo dad badana quluubtooda aad kuso jiidan
kartid waayo runta oo aad joogteysid waxay kaa bixineysaa astaan qurxoon
oo uu dadku ku aamino laguna jeclaado.
6: WAX ISA SIINTA
Wax isa siintu iyadoo ay ku wajib tahay qof walba hadana waxay ka mid
tahay waxyabaha dadku isku jeclaadaan qulubtoodana isu dhaweeya, mana
aha inu qofku idhaahdo ma haysto xoolo ama hanti an la baxo, hadii
aanad xoolo iyo hanti lahayn waxad la bixi karta xoogaga, cilmigaaga ,
maskaxdaada iwm.
7. WAX AKHRISKA
Wax akhrisku wuxuu kor u qaadaa meeqaamka uu qofku bulshadiisa ku
dhex-leeyahay, waayo qofku wuxuu bulshadiisa la wadaagaa waa wixii uu ka
helay Buugtii uu soo akhristay. Aqoonta inteeda badani waxa ay ku
keydsan tahay Buugta kal duwan. Markaa inta suurtagal ah qof kastaa ha
isku dayo inuu Buug la macaamilo. Dadka shiinuhu waxa ay yiraahdaan” A
book holds a house of gold”, oo ay uga jeedaan Buugu wuxuu sidaa guri
dahab ah.
No comments:
Post a Comment
waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan