Posts

8 Astaamood Oo Lagu Garto Qofka Ku Jecel

Image
sida la ogyahay wejiga iyo xubnaha jirka intooda kale inay yihiin astaan lagu garan karo waxa dhex yaalla qalbiga, haweeay  jacayl nin u qabta ama nin haweenay jacayl u qabo waxaa laga arkaa astaamahaan soo socda 1-xusuus badan mar kasta inaad niyadda ku haysid oo aadan ka saari karin oo aad ku mashuulsantahay 2- inaad ka sheekayso qofka aad jeceshahay mar walba waxaad rabtaa inaad xusto 3- in si xoog ah wadnaha u shaqeeyo markaad si kedo ku aragto qofka aad jeceshahy 4- marka aad u soco kulankiisa waxaad dareemaysaa firfircooni siyaado ah, marka aad ka soo tagaysidna waxaad dareemaysaa culays iyo tiiraanyo iyo caga-jiid 5- qofka ku jecel si rasmi kuuma fiirin karo, fiirista ayuu kugu xadayaa, marka aad dhinac kale u jeedano aad buu kuu fiiriyaa 6- wax kastoo aad nacaybtahay waa ka fogaanayaa qofka ku jecel adoo aan dhihin ka fogoow 7- wuxuu jecelyahay inuu kuu soo dhowaado marka aad meel wada joogtaan 8- dadka adiga aad jeceshayna wuxuu jecelyahay inuu ixtiraam...

Tilmaamaha Gabadha Wax Jecel lagu Garto

Image
Gabdhuhu way kala duwan yihiin dabeecad ahaan, taasina waxay keeni kartaa in ay ku kala du wanaadaan calaamadaha ay u muujiyaan marka ay wax jeclaadaan, balse wax a jira calaamado ay ka siman yihiin: Calaamadaha ugu caansan: 1: Xishood: waa calaamada ugu horaysa waxa ay la soo baxaysaa xishood xad-dhafa ah oo mararka qaarkood ku kalifa in ay ku tusi kari waydo wajigaaga oo ay fooror kugu qaabisho 2: Naxdin : waxa gabadha ku badanaya naxdinta dhinaca wadnaha la xidhiidha oo markasta oo ay la kulanto qofka ay jeclayd, waxa garaac xoogan sameeya wadnaha gabadha tani maaha xanuun, laakin waa jacayl karaaray. isku dhexyaacid iyo aamusnaan ayaa wehelisa 3: Hadaaq : waxa gabadha ku bata in ay markasta ku halmaanto magaca qofka ay jeceshahay iyada oo qof kale u yeedhaysa ayaa ay ku hadaaqaysaa magaca qofka ay xooga u jeceshahay, isla mudo yar kadib waay ka noqonaysaa iyada oo iska dhigaysa in ay khaldantay, balse uu jiitay wixii qalbigeeda ku jiray 4: Ka sheekayn: w...

Sida Qof Jaceyl Loogu Abuuro

Image
Ma umalaynaysaa in jaceylku yahay waxa aan la kantarooli karin? Ma umalaynaysaa haddii qof aad jeclayd aanu ku jeclayn in aanad waxba ka qabin karin? Sidoo kale ma aaminsan tahay in aanad qof jaceyl ku abuuri karin? anado ka hor waxaan aaminsanaa in hadii qof aanu ku jeclayn aanad jaceyl ku abuuri karin. Waxaan aaminsaa in jaceylkju yahay shey si dabiici ah u dhaca, islamarkaana aanan lahayn sharxi iyo qawaaniin lagu kantaroolo, balse mudo kadib markii aan bilaabay akhrinta cilmu nafsiga jaceylka, waxaan xaqiiqsaday in jaceylku aanu aheyn shey iska dhaca ee uu leeyahay sharci haga oo maamula. Hadii fahanto islamarkaana aad raacdo sharciyadaan waxaad si heersare ah u kordhin doontaa fursadaha uu qofku kugu jeclaan karo. Qodobada sida qof jaceyl loogu abuuro:  Si fiican u daryeel naftaada: Muuqaalka guud ee qofku wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa, inuu qofku soo jiito qofka kale, sida fiican ee aad u daryeesho muuqaalkaaga iyo caafimaadkaagu waa she...

DARWIISH ISMAACIIL MIRE ( Ragow kibirka waa lagu kufaa Kaa Hala Ogaado )

Gabaygan waxuu tiriyey Ismaciil mire mar Nin la odhan jirey carab dheere oo saajin Askartii gumaysiga ingiriiska u shaqayn jirey ahaa , ayaa maalin maalmaha ka mid ah Nin weydiistey Walaashii, markaas buu yidhi maxaad ku falaysaa? markaas baa ninkii yidhi waan guursanayaa, halkii jawaab ka sugayey ninkii,Haa iyo maya ayuu yidhi hala toogto, markas baa la yidhi carab ninka maxaad u dishay markaas buu yidhi anigoo carab dheere ah oo sabaankan jooga ninka walaashay i weysdiistey barina wax kale ayuu soo wataa (Hadalka waan qarinaynaa) Arinkii waxaa maqlay Ismaaciil mire oo halkaas joogay . ismaaciil waxaa ka codsaday in uu gabyo ninkii carab dheere ahaa darwiishkuna wuxuu ku dhahay ii balan qaad in aadan ammaan galinayso carabna howraarsan ayuu dhahay  intaa ka dib ayaa waxuu tiriyey gabaygan qiimaha weyn leh oo ragii somalida kibrey wakhtigaas ku soo wada daray  waxuuna yidhi: Kulligood adoomaha rab...

Silsaladii Guba Gabaygii Xaaji Khaliif Aw Axmed

Bal dayaay: Aarkaba haddii wiilal dili laysu daba joojo Marka horre sidduu deyrka jabin ways dalliciyaaye Dabadeed ninkuu dili naftay kala dardaarmaane Markuu duubi-weynoo indhaha dibada soo joojo Oo door ka laayoo ilkaha darib ku haanfiiro Bal dayaay ninkii dalash ahaa sooma daakhilo e   Laba dibi dinaahayn ka siman jeeray dirireene Daafaha intay kala jiraan wax isma doorshaane Doc ka dhugadka daymada danbaa mid is daleenshaaye Haddii daawad deyr loo dhigoo baarqab lagu daayo Oo dabar lasoo dhaco midkay kabadu diifaysay Bal dayaay markuu doobta rido wuu durduriyaaye   Orgi door ah oo naag dir badan adhi kusii daysay Hadduu qabad dan galo oo riyaha qaylo kaga daadsho Bal dayaay markuu geeska daro waa durduriyaaye   Afartaasi waa gabayga dadan dadabdhigiisii dheh Warsangaliga cadho daalisee dibinta ruugaaya Dirir haddii uu maagana arliga dumuq ka siinaaya Bal dayaay dad buu ii xigaa waana daraftaye   Suldaan duub leh daaraha khatiman ...

SIDEE KHABIIR KU NOQON KARAA ?

Waa qoraal qiimo leh oo uu turjumay Cabdicasiis Guudcadde.  "Haddii aad maalin kasta gelisid waqti dhan 30 (soddon) daqiiqo barashada hal wax oo qeexan, waxa aad ku noqonaysaa khabiir aan lagaga daba-dhufan muddo 6 bilood ah." Earl Nightingale waxa uu baadhayay iskuna taxallujiyay guusha muddo tobanaan sanno ah, si dhab ahna waa uu u gudanayay shaqadiisa. Waxqabadkiisii inta u badan haddeer waa la iska illaaway, balse haddii aad in uun meel ku aragtid, waa kuwo u qalma in waqti la gesho ee ha sii dayn. Aniga aad ayaa ay ii caawiyeen. Mid ka mid ah casharradii ugu waxtarka badnaa ee Earl waxa uu ahaa: Haddii aad maalin kasta gelisid waqti dhan 30 (soddon) daqiiqo barashada hal wax oo qeexan, waxa aad ku noqonaysaa khabiir aan lagaga daba-dhufan muddo 6 bilood ah. Waa run. Anigaygan ayaaba ogsoon in ay run tahay, sababta oo ah waxa aan qaatay taladiisaa waxa aanan soo baxay khabiir isnacay! Waa suure in ay qaadato ammin ka badan lix bilood marka la d...