Wednesday, October 16, 2024

Taariikh Nololeedka Abwaan Xaaji Khaliif Aw Axmed Kooshin

 

Taariikh Nololeedka Abwaan Xaaji Khaliif Aw Axmed Kooshin

 

Magaca: Xaaji Khalif Aw Axmed Kooshin  

Goobta   Dhalashada: Ceelka Laasacadaar, Gobolka Sool, Soomaaliya  

Sanadka Dhalashada: 1914  

Sanadkuu xajay : 1954

Sanadkuu Geeriyooday : 1959, Marqaan, Dawlad Deegaanka Soomaalida  

Hooyadii: Dhuuxay Aw Cali Cabdi Xaaji Aadan (Reer Xaaji Aadan, Reer awmaame Abayoonis “Geri”)

 

Suugaanta

 

Xaaji Khalif Aw Axmed Kooshin wuxuu ahaa mid ka mid ah hal-abuurkii ugu magaca dheeraa ee Soomaalida, gaar ahaan dhinaca gabayada iyo suugaanta. Wuxuu kaalin mug leh ka qaatay kobcinta suugaanta Soomaaliyeed, isagoo gabayadiisa ku dhex wadi jiray silsilado iyo doodaha bulshada. Gabayada Xaaji Khalif waxaa ka muuqan jiray xikmad, dhiraandhirin, iyo aragtiyo ku saabsan xaaladaha taagan ee  bulsho iyo diineed.

 

Magaca "Khaliif" waxaa u bixiyey Hogaamiyihii Daraawiishta, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, taasoo sharaf iyo maamuus u ahayd isaga. Magac-bixintaas waxay muujineysaa in Xaaji Khalif uu lahaa xiriir dhanka suugaanta iyo hogaaminta oo heer sare ah, isagoo xambaarsanaa dhaxalka Daraawiishta iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee hal-adaygga iyo halganka.

 

Wuxuu ahaa xeeldheere dhanka suugaanta ah, oo gabayadiisa looga dayan jiray hal-abuurka. Suugaantiisa waxaa ka muuqday falsafad qoto dheer, taas oo ay bulshada Soomaaliyeed si weyn u qadarin jirtay. Gabayadiisa caanka ah waxay kala ahayd kuwo ku saabsan qaddiyadda Soomaaliyeed, diin, dhaqanka, iyo wacyigelinta bulshada. Xaaji Khalif wuxuu ahaa qof si firfircoon uga dhex muuqda suugaanta Soomaaliyeed, oo mar walba ku jiray safka hore ee abwaannada Soomaaliyeed.

 

Wuxuu qeyb weyn ka qaatay silsiladda Guba oo ahayd mid suugaaneed oo lagu loolami jiray, iyadoo abwaanno fara badan ay halkaas gabay isku dhaafsadeen. Wuxuu sidoo kale tiriyey gabayo diineed oo dadka ku baraarujinaya inay Alle ka baqaan, Aakhiro-na u diyaargaroobaan, si gaar ahna diiradda u saaray qiyaamaha iyo cibaadada.

 

 

Hogaaminta

 

Xaaji Khalif wuxuu bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ka ahaa hoggaamiye ruuxi ah oo bulshada u horseeday dariiqa wanaagsan ee diin iyo dhaqan wanaagsan. Dadka hareerihiisa ku noolaa waxay u arkayeen qof ay talo iyo tusaale ka qaadan karaan, waxayna si weyn ugu kalsoonaan jireen garsoorkiisa iyo talooyinkiisa. Waxaynu ognahay in dhaqanka Soomaaliyeed uu qofka hoggaamiyaha ahi kaalin weyn ku leeyahay, isagoo lagu qiimeeyo deeqsinimada, xigmadda, iyo caddaaladda uu bulshada ku dhaqmo. Xaaji Khalif intaba wuxuu ku sifoobay, isagoo dadka deegaankiisa aad uga dhex muuqday.

 

Diinta

 

Xaaji Khalif wuxuu ahaa shaqsi aad ugu dhagan diinta Islaamka, isagoo kaalin weyn ka qaatay faafinta diinta iyo wacyigelinta dadka ku saabsan anshaxa diinta. Wuxuu ahaa sheikh diinta ku xeel dheer, waxaana lagu yaqiin inuu dadka ku hanuuniyo dariiqa toosan. Xaaji Khalif wuxuu ku wacdiyi jiray dadka iney Alle ka cabsadaan, salaadda joogteeyaan, oo ay diinta Islaamka si wanaagsan ugu dhaqman. Waxyaabaha kale ee uu dad badan ku jeclaysiiyay waxay ahayd inuu ahaa qof deeqsi “ nin Sikhi ah oo sir iyo caad wax u baxsha ”  oo had iyo jeer dadka caawiya.

 

Dhaqanka

 

Xaaji Khalif wuxuu ahaa shaqsi ka muuqda dhaqanka hodanka ah ee Soomaalida, wuxuuna aad u dhowrijiray dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed. Wuxuu si weyn ugu adkaa dhaqanka xushmadda, deeqsinimada, iyo martisooridda. Wuxuu ahaa nin sharaf iyo karaamo leh, dadka dhexdiisana waxaa looga dayi jiray dhaqanka wanaagsan ee uu soo bandhigi jiray.

 

Aftahanimada iyo Garsooridda

Xaaji Khalif wuxuu ahaa aftahan aad u fiican oo hadalkiisa bulsho aad loogu dhegeysto. Waxa uu ku dhisnaa hadal dhameystiran oo xikmad leh, isagoo waliba ahaa garsoore kaalin weyn ku leh xalinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda. Dadku waxay talo ka qaadan jireen marka ay timaado garsoorid ama xalinta muranno dhexmara beelaha, waxaana lagu yaqiin go'aan qaadasho hufan oo dhexdhexaad ah. Xaaji Khalif wuxuu lahaa aftahanimo dabiici ah, taas oo ka dhigtay inuu mar walba noqdo qofka ugu horreeya ee la weydiisto talada marka arrimaha adag yimaadaan.

 

Xeeldheeraanta Suugaanta iyo Cilmiga

 

Xeeldheeraantiisa suugaaneed iyo falsafadiisa qoto dheer ee gabayada waxaa ka muuqan jiray in uu yahay abwaan aad u feker badan. Wuxuu caan ku ahaa inuu hal-abuurkiisa suugaaneed si qoto dheer u habeeyo, isaga oo gabayada u isticmaala in uu bulshada wacyigeliyo. Xeeldheeraantiisa suugaanta ayaa keentay in gabayadiisa ay noqdaan kuwo lagu daydo, dadkana ka baran jireen waxyaabo badan oo cilmiga sharaceecadda islaamka  iyo dhaqanka ku saabsan.

 

Xajka iyo Geeridii abwaanka 

 

Sanadkii 1954, Xaaji Khalif wuxuu u baxay Xajka si uu u guto waajibkiisa diimeed, isaga oo halkaas ku gutay cibaadadii xajka. Intii uu halkaas joogay, wuxuu dad badan kula kulmay Xaramka oo Culimo ka mid ahayd  Afar sano kadib, sanadkii 1959, Xaaji Khalif wuxuu ku geeriyooday magaalada Marqaan oo ka tirsan Dawlad Deegaanka Soomaalida, halkaas oo uu Alle kula kulmay isaga oo ka tagay dhaxal weyn oo dhinacyada suugaanta, diinta, iyo dhaqanka ka muuqda.

 

Dhaxalka iyo Saameynta

 

Xaaji Khalif wuxuu bulshada uga tegay dhaxal hodan ah oo ku saleysan diinta, dhaqanka, iyo suugaanta. Waxaa lagu xasuustaa sida uu uga qeyb qaatay kobcinta bulshada, isagoo noqday Sheekh ruuxi ah, abwaan caan ah, iyo nin wax badan u qabtay dadka Soomaaliyeed. Xeeldheeridiisa suugaanta, aftahanimadiisa, iyo xaragaddiisa ayaa dhaxal ahaan ugu tagtay jiilasha dambe, kuwaas oo weli xusuusta magaciisa iyo saameyntiisii ku saabsan bulshada iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

 

 

 

Silsaladii Guba Gabaygii Xaaji Khaliif Aw Axmed

Bal dayaay:

  • Aarkaba haddii wiilal dili laysu daba joojo
  • Marka horre sidduu deyrka jabin ways dalliciyaaye
  • Dabadeed ninkuu dili naftay kala dardaarmaane
  • Markuu duubi-weynoo indhaha dibada soo joojo
  • Oo door ka laayoo ilkaha darib ku haanfiiro
  • Bal dayaay ninkii dalash ahaa sooma daakhilo e
  •  
  • Laba dibi dinaahayn ka siman jeeray dirireene
  • Daafaha intay kala jiraan wax isma doorshaane
  • Doc ka dhugadka daymada danbaa mid is daleenshaaye
  • Haddii daawad deyr loo dhigoo baarqab lagu daayo
  • Oo dabar lasoo dhaco midkay kabadu diifaysay
  • Bal dayaay markuu doobta rido wuu durduriyaaye
  •  
  • Orgi door ah oo naag dir badan adhi kusii daysay
  • Hadduu qabad dan galo oo riyaha qaylo kaga daadsho
  • Bal dayaay markuu geeska daro waa durduriyaaye
  •  
  • Afartaasi waa gabayga dadan dadabdhigiisii dheh
  • Warsangaliga cadho daalisee dibinta ruugaaya
  • Dirir haddii uu maagana arliga dumuq ka siinaaya
  • Bal dayaay dad buu ii xigaa waana daraftaye
  •  
  • Suldaan duub leh daaraha khatiman badaha duunkooda
  • Hawiyuhu dabkiisii sitee dooni amarkiisa
  • Bal dayaay dad buu ii xigaa waana daraftaye 
  • Mareexaan haddaan wiil u diro laysu soo durugye
  • Ogaadeen dal dheer iyo wuxuu wabiga daanshoodo
  • Hadduu dirir xigaalkii og yahay igama daaheene
  • Damta iyo dinnaagada harruu kaa dul baxayaaye
  • Haddii dalandal kaa fiigo waa dooxanahayaane
  • Allay lehe inaan daynahayn duunka kaa hadha e
  • Intaas oo kun dawladi anooy dunidan ii joogto
  • Markaan Dabacayuunoow arliga nabad ku daaqsiiyey
  • Allay lehe inuu daawo furo waa gun dalabkeede


waa qayb hor dhac ah  




Saturday, September 7, 2024

Buugga Murtida Dardaaran Haween

 Faalo kooba

Buugga Murtida Dardaaran Haween

Halku dhigga buugga ” Hagaha murtida dumarka iyo xulashada guurka”

Waxaan ayaantaan akhrintiisa ku howlanaa buugga magaciisu kor ku xusan yahay, waxaana uu ka hadlayaa arrimo badan oo xambaarsan mowduucyo kala duwan oo la xiriira qoyska, xulashada lammaanaha, dhaqanka iyo waxay diintu ka qabto.

Milgaha, mudnaanta, qiyam iyo qadarinta uu siinaayo haweenka waa mid runtii wax badan ka beddelaya dareenka bulshada. Siiba hadday akhristaan hablaha Soomaaliyeed waxay unoqon lahayd kayd ay ka helaan xogo badan oo ka dahsoon.

Ma ahan mid aan ku sookoobi karo buuggan waxa uu ka hadlaayo maqaal, sheeko iyo faalo kooban.

Miidda, dhumucda ku duugan buuggan ayaa ah mid si heer sare ah loo farshaxameeyay, lagularay hal tabin, macaanayn iyo subkid siyaabo kala duwan loogu sharaxay dhiganahaan.

Marka hore buugga waxa uu bixinayaa arar, afeef hadba sida aad u taqaano, waxa uu ka faaloonayaa qoraaga intii uu waday baarista cilmiga ku duugan buugga. Waxa uu bixinaya dardaarano la xiriira xulashada guurka, qoyska, kobcinta iyo garashada da’yarta.

Buuggan waxa uu cutubka kowaad aad uga faalooday qoraaga erey bixino uu ka sameeyay haweenka Soomaaliyeed, qeexitaano aad uga fikiray qoraaga, kuwo igu cusbaa iyo kuwo aan horay u maqli jiray iyo qaar aanba ilaaway xusuustana ka baxay.

Ereyada aad taqaanaan waxaa ka mida, Haween, Dumar, Gabar, Cadrad, Gashaanti, Maranti “Afo, Arar, Xaas”, Hooyo, Habar, Baaluqad, Dumaashi, Soddoh, Gaari, Baali, Gambooley, Goombaar, Guudweyn, Guumeys, Foodley, Rablayn, Roorsi, Basaas, Dhaashi, Dangalo, Dadab-Gal, Dhibaad, Dhalmadays, Dhigaal, Dihasho, Naashudo, Naakirad, Moqorad, Moora-dhac, Madax-shub, Minweyn, Minyaro, Mugmugato, Meelmadaya, Marasho, Masruuf, Masayrtir, Meher, Mashxarad, Cudad, Caro-celin, Garoob iyo Carmal.

Waa inyar oo aan ka xasuusto erey bixino iyo qeexitaano cajiib ah uu ka sameeyay Qoraaga. Waxa cajiib ah erey bixinada waxay ku salaysanyihiin qoyska siiba dumarka. Waxaa aad uga helay sida quruxda badan ee farshaxamaysan ee uga faalooday cutubkaas, waxaana arrin layaableh ah dardaaranka qiimaha badan ee uu kaga faalooday.

Cutubka labaad ayuu uga hadlay Guurka.

Noocyada guurka, erey bixinada guurka uu leeyahay, xiriirka soojireeenka ah ee ka dhexeeya guurka iyo dhaqanka Soomaalida isagoo qoraaga aad ugu dheeraaday dhaqanka suuban ee ay leedahay ummadda Soomaaliyeed oo ku kala nool qaaradda Afrika iyo guud ahaan geyiga Soomaaliya, isagoo mid walba dul istaagay qoraaga si cilmiyaysan, ka fiirsasho leh, deganaan, debecsani ku dheehan tahay ayuu uga faalooday buuggaas.

Waxa kale oo uu qoraaga aad uga hadlay xiriirka Jaceylka iyo guurka ka dhexeeya, isagoo sooqaatay daliilo Qur’aanka iyo axaadiista Nebiga “NNKH” ku soo arooray. Dhinaca kale wuxuu ku dabaqay dhaqanka soojireenka ah ee Soomaalidu leedahay, isagoo sooqaatay dhaqanadii hore, qaabkii hore ee ay kuwada xaajoon jireen Soomaalida, qaabka uu ahaa haasaawahooda iyo murtidii ay adeegsan jireen.

Cutubka 3aad ayuu uga hadlay murtida ay gaarka u leeyihiin hablaha Soomaaliyeed.

Murtida ayaa isugu jira maahmaahyo, xikmado, suugaan goos-goos ah oo macaaneenaya murtida, sheekooyin la xiriira haweenka oo laga soo dhimbilay murti dhaxal gal noqday.

Maahmaayada haddii aan ka sooqaato min hal xabo.

Dumarku waa saddex:

A. Haween gogol wacan
B. Haween gasiin wacan
C. Haween galmo wacan.

Saddex dumarka lagu qabo:

A. Xilkasnimo
B. Xog-ogaalnimo
C. Xan la’aan.

Saddex dumarku waa necebyihiin:

A. La xisaabtan
B. Kelinimo
C. Aamusnaan.

Saddex nafteeda ku qabta:

A. Geel ka gelgelin jecel
B. Baranbarana ka dufan jecel
C. Jiracna ka biyo neceb.

Dumarku saddex bay ahaayeen:

A. Idheh aan ku dhegeystee
B. Iidhiibo aan ku dhaqdee
C. Iga dhal aan dhunkadee

Murtida ma ahan intaan balse waa dhowr xabo aan ka sooqaatay buugga, mid walba qoraaga aad buu uga faalooday isagoo ku tiiqtiiqsaday, sharaxaad dheeraadana ka baxshay murtida isagoo sooqaadanaya mid walba aminta la adeegsado.

Cutubka 4aad ayuu uga hadlay qoyska

Dhiganaha ayuu uga hadlay arrimaha qoyska, ku dhaqanka diinta islaamka, ku xirnaanta sunada Nebiga “NNKH”, xalka muranka soo dhexgala qoyska, talooyin aad uga haley.

Murtida cutubkaan ku jira ayaa kuwo macno gooniya ka turjumaya sida Afar Kaaf ayaa naagta lagu qabaa { Kaalay, Keen, Kari, Ka joog”, tukalena waxay ahayd: Afar weeye gabadh ” Mar waa xoog, Mar waa xilo, Mar waa xoolo, marna waa xurmo”.

Ma ahan mid aan ku sookoobi karo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ka dhex helay buuggan, isla markaana waa mid haddii aad akhriso aad ka heli doontid insha Allaah.

Qoraaga ayaa talooyin badan oo la xiriira xulashada lammaanaha siiyay inta jecel in ay yeeshaan qoys ku dhisan diin, akhlaaq, ismaqal, xurmo, xushmad, taloqaadasho, isku dhimrin, dhaqan iyo sharaf usaaxiiba. Waxa uu siinayaa ubadka Alle siiyo sida ay unoqon lahaayeen kuwo waxtar u leh bulshada, sida kuwo ku soo kordhiya bulshada cilmi, dhowrsanaan lagaga daydo, iyo kuwo laga ammaan helo adinkooda iyo afkooda.

Waxaana rabaa in aan asxaabtayda jecel akhriska, qoraalka, dhaqanka in ay waxbadan akhriyaan buugta, waxaad ka helaysaan waxbadan oo idinka maqan. Cilmigu waa caqli la biirshay, inbadan oo aad wax akhrido, waa in badan oo aad heshaan xogo kaa dahsoon, waa intaasoo ay ku anfacaan.

Buuggaan waxa qalinka u qaatay qoraaga buugga aan ka faaloonaayo magaciisuna yahay Eng. Bashiir Siciid Xasan “Maareeye”, waana qoraaga qoray ilaa saddex buug oo kale.

Lawadaag asxaabtaada fadlan si ay u akhristaan cilmiga ku duugan dhiganahaan ama halkaan uga wac saaxiib aad isleedahay waa ehel akhris iyo qoraal.

W.Q. Maxamuud Axmed Muuse Tallman



Thursday, March 21, 2024

SOOMAALIDA KALA DHACII GEELA MAXAA U BADALEY?

Waxaa lawariyaa in somalidii hore ku wareertay kala dhaca geela iyo horta geela yaa leh? waxaa sidoo kale la sheegaa in shir somalidu isugu timid kaas oo ku saabsan geela yaa leh? 
Ugu dambayntii waxaa la isla qaatay geela waxaa leh hadba ninkii uu u xaraysan yahay ama haysta, waxaana la wada leeyahay caanihiisa marka uu xaraysan yahay iyo marka uu ceelka yimaado in la wada waraabiyo, waata loogu heeso(markay timaadiyo markay tuban tahay waa tolleeyo looma kala tago) sidoo sidoo kale waxaa la sheegaa shirkaas meesha uu ka dhacay aan la aqoon in lagaga dooday in geela hilibkiisa la wada leeyahay"meel hal lagu qalay hilibna kuma yara hadalna kuma yara.
Si guud somali badan ayaa meelo badan ku sheegtay geela dhaciisu in uuu xalaal yahay" aakhiro xisaab malaha geel oo xaquba sheeg" Abwaan cali dhuux aadan.
markale abwaan cali dhuux ayaa yidhi"dambi malaha aakhiro markii loo kitaab dayay" isagooo geela u jeeda. 
Marka aynu geela intaas ku dhaafno waxaynu la soconaa in somalidu aysan hada sidii hore ku ahayn geela oo la iska daayay dhaqashadiisii maxaase u badalay ayaa is waydiin leh.

Su'aashaas oo runtii jawaabteedu adkaan karto kawarama hadii aan is waydiino jaalleyaal.
Kahor labo todobaad waxaan joogay magaalada garoowe oo ay ka dhacaysay doorashadii Puntland oo runtii ahayd mid miisaan wayn, waxaa halkaas iiga muuqday in somalidii aaminsanayd geelu maaha xaaraan in booskii geela ay buuxisay lacagta laga qaato doorashada.


Qalinkii . Eng Abdihafid Muse Omar

Monday, March 18, 2024

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

 


Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro badan iyo ereyo kala duwan oo uu qof kastaa ku cabbiro jacaylka uu qofka kale u qabo. Waxa ugu caansan ereyga ‘Waan ku jecelahay’.

Dad badan ayaa qalad fahmay jacaylka, waxa aanay ku soo koobeen ereyo ay si fudud afka uga yidhaahdaan oo qofka kale ay ugu sheegayaan in ay jecelyihiin ama ugu cabbirayaan illaa xadka uu gaadhsiisanyahay jacaylka ay u qabaan. “Waan ku jecelahay” ayaa ah erey caan ka dhex ah bulshada oo aynu joogto uga maqalno suugaanta, filimada iyo qisaska kala duwan ee jacaylka. Si kastaba ha ahaato ee baadhitaanno lagu sameeyey raadaynta uu ereyga ‘Waan ku jecelahay’ ku leeyahay qalbiga qofka ayaa lagu ogaaday in ay jiraan siyaabo badan oo ka saamayn badan oo qofku uu jacaylkiisa qofka kale ugu cabbiri karo isaga oo aan ereygan badhaysiga noqday isticmaalin.

Majalada ‘Femina’ oo ka soo baxda dalka Faransiiska ayaa lagu soo bandhigay ficillo iyo odhaaho ka muhiimsan ereyga ‘Waan ku jecelahay’ oo marag cad u noqon kara jacaylka aad qofka u qabto, si aad u xeeldheerna qalbigiisa u taabanaya.

  1. Taageero iyo garabjoog joogto ah

Aadamuhu mar kasta oo uu hawlgalo ama noloshiisu weji cusub yeelato, gaar ahaan xilliga duruufuhu ku adagyihiin waxaa ku beerma cabsi ah in cid garab istaagto uu waayo. Jacaylkaaga ku qanci in aad diyaar u tahay in aad wax kasta u samayso si aad isaga u caawiso.

Qofka oo aad qalbigiisa ku abuurto dareen ah in uu isku halleeyo taageeradaada iyo in aad garab istaagayso xaaladaha adagi waxa ay ku abuurtaa jacayl aan duugoobin si kasta oo uu marka dambe kaaga durko, waxa aanu xidhiidhkiinna oo dhami ku dhisnaanayaa xurmo iyo sharaf siin. Jacaylkaaga ama mataanka aad nolosha wadaagtaan oo fahma in riyada iyo himilada aad leedahay ay ka mid tahay garab siintiisu, iyo sida aad ugu diyaarsan tahay in aad samayso wax kasta oo kaa caawinaya rumaynta arrintaas ayaa ku filan in qalbigiisu si buuxda u aqoonsado jacaylka aad u qabto.

  1. Garab istaag

In qofka aad jeceshay aad u muujiso in aad ku garab taagantahay duruufaha kala duwan ee noloshu waa arrin qofka ku abuuraysa xasilooni qalbiga ah. Maalmaha adag iyo marka uu qofku dhib la kulmo oo aad u muujiso garab istaag iyo in aad ka gacan siinayso sidii uu uga bixi lahaa waxa ay ku abuurtaa kalsooni iyo jacayl kale oo dheeraad ah oo uu qofka ka adkaado. Waxaana ka dhasha in qofku isaga oo aanad ka dalban uu isaguna markiisa garabkaaga istaago marka aad xaaladaha adag ku jirto. Waa habdhaqan ka qiimo iyo miisaan badan afka oo aad kaga celceliso waan ku jecelahay. Waana fure qalbiga qofka aad ku qabsan karto.

  1. Isbeddel raadin

Khataraha soo waajaha jacaylka lammaanaha waxaa ka mid ah in midkood uu doono in kan kale uu isu beddelo sida uu isagu rabo ama ku qancayo. Qof kastaa waxa uu leeyahay dabeecad u dadka kale kaga suntan yahay iyo habdhaqanno qaarkood laga yaabo in aanay qof ka kale raalligelin. Waa dhab in jacaylku indha la’ yahay, waayo waxa uu ina faraa in aynu aqbalno ceebaha uu qofka aynu jecelnahay leeyahay, waxa aanaynu nafta barnaa sida ay dabeecadahaas iyo ceebahaas ula macaamili karto. In qofka aad ku jeclaato sida uu asalkiisu yahay adiga oo aan ka doonayn isbeddel waxa ay sii xoojisaa jacaylka uu qofkaasi kuu qabo. Laakiin haddii jacayl iyo xidhiidh kaddib uu lammaanaha midkood kan kale ka doono isbeddel ama in aragtidiisa iyo taladiisa oo keliya lagu socdaa waxa ay khatar ku tahay niyaddii iyo jacaylkii labada qof isugu yimaaddeen.

Jacaylkaaga ku xaqdhowr dabeecaddiisa abuurka ah, haddii aad marka hore iska indhatirtayna ka digtoonow in aad mar dambe ka doonto isbeddel.

4. Ha ka dheeraan

Qof kastaa waxa uu jecelyahay in mataankiisa noloshu aanu ka dheeraan, in lammaanaha is qabaa meel ku wada nool yihiin waxa ay sii xoojisay jacaylka ka dhexeeya. Jacaylkaaga u muuji in aad la jooggiisa ku nasato, ku dadaal in aad xafladaha iyo munaasadaha qaar u raacdo, una sheeg in aad caajis iyo wehel la’aan dareento marka aanu ku hareer joogin. In qofka aad jeceshay uu ogaado in agjooggiisu wehel kuu yahay, in aad jeceshay raacistiisa iyo sheekadiisu waxa ay jacaylka lammaanaha u xoojisaa si ka badan sida uu ereyga ‘Waan ku jecelahay’ u xoojiyo.

Jacaylkaaga dareensii in maalin kasta oo cusubi ay ka duwan tahay maalintii ka horreysay xiisaha aad u qabtaana sii xoogeystay

Qir saamaynta uu jacaylkaagu kugu yeeshay

Waxaa hubaal ah in labada qof ee is jecel mid kastaa uu kan kale saamayn ku yeelanayo, xaaskaaga ama saygaaga u sheeg waxyaabaha wanaagsan ee uu noloshaada ku soo kordhiyey. U qir in uu noloshaada isbeddel fiican ku keenay. Mar kasta oo qofka uu xidhiidhka jacayl idinka dhexeeyaa ogaado in jacaylkiisu sabab u noqday in maanta aad ka fiican tahay shalay, waxa ay ku sii kordhisaa jacayl iyo xiise dheeraad ah oo ka awood badan in aad afka ka odhan lahayd ‘Waan ku jecelahay’

Doorbidis

Qofka aad jeceshay oo aad ka dareento in uu naftaada iyo jacaylkaaga awgii u hurayo xitaa waxa ay naftiisu jeclaan lahayd, waxa ay sii xoojisaa jacaylka. Jacaylkaaga oo ogaada in wax kasta aad raalligelintiisa u hurayso, iyo in wax kasta isaga aad ku horreysiinaysaa waxa ay ka awood badan tahay ereyga waan ku jecelahay oo aad ku tidhaahdo. Waxa ay muujisaa xurmayn iyo wanaag aad u hayso, sidaas ageed waxa uu qalbigiisu ku xasilaa jacaylka uu kuu qabo.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

faaidooyinka Xabxabka Ama Qaraha Ee Xilliga Ramadaanka Iyo Ahmiyadda uu u leeyahay

 

Xabxabka/Qaraha:

Xabxabka oo ah khudrad aad u macaan oo dunida guud ahaan laga xiiseeyaa waa il muhiim ah oo laga helo Faytamiinnada A iyo C, sidaa awgeed waxa ay khubarada caafimaadku ku taliyaan xilliga bisha soonka in si joogto ah luu cuno, gaar ahaan waxa u uu fiican yahay dadka aan marka hore ku fiicnayn cabbista biyaha, si uu ugu galo kaalinta biyaha ka maqan maadaama oo boqolkiiba 90 miisaanka xabxabku uu yahay biyo.

 Xeeldheerayaasha caafimaadka cuntaduna waxa ay marar kala duwan sheegeen in cunista xabxabku ay faa’ido caafimaad leedahay xilliga suxuurta iyo xilliga afurka labadaba, iyada oo cunista xabxabka ee xilliga afurku uu geli karo kaalinta biyaha lagu afuro, halka xilliga suxuurtana uu noqonayo il uu qofku dareeraha jidhku u baahan yahay maalinnimada ka helo.

Xabxabka oo aan lahay dufan iyo Sodium midna waxa uu ka mid yahay cuntooyinka lagula dagaalamo miisaanka, sidaa awgeed dadka u hellan dhimista miisaankooda waxaa lagula taliyaa in ay isticmaalaan xabxabka.

Boqolkiiba 92 xabxabku waa biyo, sidaa awgeed waxa uu jidhka si gaar ah u geliyaa firfircooni iyo nolol waxa aanu ka hortaga ingagga oo ah in biyuhu ay ku yaraadaan jidhka maadaama oo jidhku u baahan yahay biyo badan.

W/D: Kamaal Marjaan