Dhambaal Hambalyo ah oo ku aaddan Dawladnimada SSC-Khaatumo 13 Jirsatay


Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacabka iyo hoggaanka SSC-Khaatumo guusha ay ka gaareen dhismaha dawladnimadooda, taas oo ah mid ku timid halgan dheer, adkaysi, iyo midnimo shacab. Taariikhda gobolada SSC waxay tusaale cad u tahay isku duubnida iyo go’aanka adag ee dadkeedu u yeesheen inay ka samata-baxaan culeysyo badan oo soo food saaray tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Dawladnimada SSC-Khaatumo waxa ay leedahay taariikh dheer oo guulo, halgan iyo dhiig ku qotoma. Sanadkii 1991, markii Soomaaliya ay ku jirtay xaalad burbur, waxaa dadka SSC isku yimaadeen magaalada Boocame halkaas oo shir qaran lagu aasaasay gole ku-meelgaar ah oo ka shaqeeya danaha bulshada. Sidoo kale, sanadkii 2009, waxaa la dhisay jabhaddii SSC, taas oo dagaal adag iyo halgan hubeysan ku difaacday xaqa dadka reer SSC.

Guul kale oo muhiim ah ayaa timid sanadkii 2012, markaas oo shir weynihii Khaatumo 2 lagu qabtay magaalada Taleex, laguna dhawaaqay Maamulka Khaatumo. Halgan dheer oo dad badan naf iyo maalba ku waayeen ka dib, shacabka SSC waxay mar kale muujinayeen awoodooda iyo go’aan qaadashadooda 6-dii February 2023, markaas oo shirweyne lagu qabtay magaalada Laascaanood lagu shaaciyey maamulka SSC-Khaatumo.

Muddadii todobada bilood ahayd ee dagaalka lagu jiray, shacabka SSC waxay muujiyeen dulqaad iyo dhiirranaan iyadoo ugu dambayn 25-ka August 2023 maamulka isku sheegga SNM laga saaray guud ahaan gobolka Sool. Taasina waa guul weyn oo taariikhda baal dahab ah ka gashay laguna soo afjaray sheegashadii beenta ahayd ,  kalagoyntii dalka soomaaliyeed iyo sidoo kale dhibkii Jamhadda SNM " Somaliland " ku haysay shacabka Laascanood.

Waxaa halkan si gaar ah loo xusayaa kaalinta magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn oo ahayd hooyada halgankan dheer, iyada oo mar walba u taagnayd difaaca sharafta iyo gobanimada deegaanada SSC. Buuhoodle waxay kaalin muuqata ku lahayd halganka gobannimada, iyada oo marnaba aan ogolaan in gacanta ugu gasho cadowga Soomaaliyeed ee Somaliland. Magaaladu waxay ahayd goob ay ka hana qaadayeen dhaqdhaqaaqyo taariikhi ah oo lagu difaacayo dhulka iyo dadweynaha SSC.

Waxaan halkan ku xusayaa duco iyo tixgelin gaar ah in loo fidiyo shuhadadii naftooda ku waayay dagaalka muddadii 7 biloodka ahayd ee ay ku jireen difaaca sharafta iyo midnimada deegaanadooda. Waxaan Allaah ka baryayaa inuu shuhadada ka mid dhigo kuwa Jannada ugu hoyda sharaf iyo raxmad, kuwana uu ku sharfay difaaca dadkooda iyo diintooda. Waxa kale oo aan ducaynaynaa dhammaan dhaawacii ku dhaawacmay dagaalladaas, kuwaas oo ka mid ahaa geesiyaasha ciidammada SSC iyo walaalahooda Harti ee isku duuban, iyagoo dhiigooda ugu huray difaaca ummaddooda iyo gobannimada dhulkooda.

Shacabka SSC-Khaatumo waxay marwalba ahaayeen kuwo u taagan midnimada umadda Soomaaliyeed. Taariikhda gumaystihii iyo dagaalladii xorriyadda, shacabka SSC waxay ahaayeen hormuudka isku xirka iyo isku duubnida dadka Soomaaliyeed. Maanta oo kale waxay sii xoojinayaan doorkooda ay kaga jiraan difaaca midnimada umadda, iyagoo mar walba tixgalinaya wadajirka iyo horumarka Soomaaliya oo dhan.

Intaas waxaa dheer, halganka shacabka SSC ee lagu difaacayo qiyamka midnimada iyo gobanimada Soomaaliyeed wuxuu baal dahab ah ka galay taariikhda guud ee Soomaaliyeed iyo taariikhda Geeska Afrika. Shacabka SSC waa kuwo had iyo jeer difaaca xuquuqda dadkooda iyo danaha guud ee qaranka Soomaaliyeed.

Waxaan ku boorrinayaa shacabka iyo hoggaanka SSC-Khaatumo inay sii xoojiyaan midnimada, maamul wanaagga iyo horumarinta deegaanadooda, si loo xaqiijiyo dawladnimo taam ah oo ka tarjunta rabitaanka bulshada.

Guul iyo gobanimo ha ku waarto SSC-Khaatumo!

Mahadsanidin,
Anwar Mohamoud Haji Khaliif 


Comments

Popular posts from this blog

SOOMAALIDA KALA DHACII GEELA MAXAA U BADALEY?

Buugga Abwaan Aadan Carab

waa maxay nabad? wax ka ogaaw nabada iyo macaanideeda