Shidaalka holhol miyeysan dan inoogu jirin in la soo saaro?
Shidaalka holhol miyeysan dan inoogu jirin in la soo saaro?
Adduunka waxaa dhib weyn ku haya gubista shidaalka oo loo tiirinayo inay yihiin mid ka mid ah waxyaabaha dikheeyey hawada, islamarkaana sabab u ah isbaddelka cimilada ee uu ugu horeeyo kulaylka sare usii kacaya.
Shirkii isbaddelka cimilada ee Paris agreement ee dhacay 2015 dhamaadkiisii waxaa ka qaybgalay oo saxeexay 196 dal oo ay Somalia ku jirto, wuxuuna ahaa heshiis wadamada qayb kamid ahi aysan ka fiirsan sida waddankeena, waxaana hortabinta lagu siiyey xiddidista kululaanshaha adduunka iyadoo la dhimayo neefaha cagaaran ( Greenhouse gases) taasoo muujinaysa in laga guuro ku tiirsanaanta shidaalka.
Heshiisku inkasta oo uu ogalaanayey in dalalku dejiyaan qorshahooda qaran ee ku saabsan sida ay u dhimi doonaan qiiqa, hadana Somalia inay shidaal cusub gubto waa mid caqabad kaga noqonaysa heshiiskaas.
Ka guurista shidaalku waa qorshayaal wadamo badan soo jeediyeen kuna dareen waxqabadyadooda qaran ee la go'aamiyey (NDC) baddelkoodana waxay soo jeediyeen in la isticmaalo tamaraha cagaaran (Green energy) oo ay ka mid yihiin tamaraha laga dhaliyo qorraxda, dabaysha iyo biyahaba.
Gebi ahaanba joojinta shidaalku waa dood maanta ka taagan caalamka oo waxaa dabada ka riixaya wadamada reer galbeedka, halka wadamada barigu ay ku adkaysanayaan inay wadaan soo saarista shidaalka.
Waddankeena waxaa lagu tiriyaa in uu yahay wadamada aan wax muuqda ku kordhin isbaddelka cimilada, hadana dhibane u ah saamaynta isbaddelkaas ka dhashay. In mustaqbalka la joojiyo shidaalka iyadoo waddankeenu waxba la soo bixina waa arin kale oo dhibkeeda leh.
Waxaa mudan inaynu eegan tamarta shidaalka la sheegayo inay inoo kaydsanyihiin ka hor inta aan gebi-ahaanba muran la gelin.
Shidaalka hala soo saaro.
Mohamed Suleiman Ali
Deegaan Cagaarshe
Comments
Post a Comment
waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan