Sunday, August 20, 2017

waa maxay nabad? wax ka ogaaw nabada iyo macaanideeda

Mahad oo dhan Ilaah baa iska leh. Naxariis iyo Nabadgelyana Nabi Maxamed korkiisa ha ahaato.
Erayga Nabad waa eray aad u qiimo badan. Waa eray noolaha oo dhan aqoon fiican u leeyihiin, hamuun iyo hiloow weyna ay u qabaan. Nabad waxaa lagu qeexaa oo ugu dhow macnaha soo socda “ Xaalad degennaansho iyo xasillooni, ayna ka dheertahay qas iyo argagax noocuu doono ha ahaadee”. Waxaana saldhig u ah oo nabaddu ku negidahay waxa loo yaqaan “caddaaladda”. Nabaddu waa miisaanka nolosha waayo nolol ma jirayso haddii nabad la waayo, nabadna ma jirayso haddii caddaalad la waayo. Xaqiiqada noocaan ahi waa mid ay fahmeen ama loo baahan yahay in ay fahmaan dhammaan aadanaha oo dhan iyo weliba xayawaanka ku nool dhulka iyo badda intaba.
Wadaadkii la oranjiray Rev. Martin Luther King, Jr. ee u doodi jiray xuquuqda dadka madow ee Maraykanka ayaa warqad uu ka soo qoray xabsi ku yaallay magaalada Birmingham 16kii April 1963dii wuxuu ku yiri “ True peace is not merely the absence of tension, it is the presence of justice” Nabadda dhabta ahi ma aha degennaansho la helo oo qura, ee waa caddaaladda oo la helo ”. Oraahdan ama tusaalahani waa xikmad iyo xaqiiqo taariikhi ah oo dhabta ka hadlaysa, waxaana intii aan maqaalkaan qorayey ii soo baxday in dadkii ugu badnaa ee dunida soo maray waqtigooda iyo noloshoodana ku bixiyey raadinta nabadda iyo caddaaladda – muslin iyo gaalo kii ay rabaan ha noqdaane – ay u badnaayeen dad wadaaddo ah oo diin Ilaah soo dejiyey ka dab qaadanayey. Tusaale, nebiyadii la soo diray oo dhan waxay dadka ugu yeerayeen nabad iyo caddaalad. Waxaa taas kuu sii caddaynaya in diinta Islaamka oo diimaha Ilaah soo dajiyay lagu soo afjaray uu magaceedu ka yimid erayga ASSALAAM oo macnihiisu yahay NABAD.
QIIMAHA NABADDA : Sidaan kor kusoo sheegnayba nabaddu waa saldhiga nolosha. Waa natiijada ka dhalata caddaaladda iyo istixgelinta. Waa aasaaska wada noolaanshaha iyo is aamminaadda aadanaha. Haddii dal aad aadaysid waa in dalkaas nabadi ka jirtaa oo naf, maal iyo dareen intaba aan waxyeello kaa soo gaareyn. Haddii dal la maalgashanayo waa in dalkaas nabad iyo degenaansho ka jiraan. Wax kasta oo naflaydu sameyso ama ku fakarto in ay samayso waxaa ka horreeya inta aan la sameyn in la hubiyo in lagu nabadgelayo, sidaas ayey nabaddu waxay u tahay aasaaska nolosha iyo jiritaanka naflayda.
Islaamnimada waxaa ka mid ah in qofku dadka aan waxba u dhimin nabadgeliyo guud ahaan, gaar ahaan dadka muslimiinta ah. Waxaaba dhici karta haddii aan qofka muslimka ahi sidaas yeelin in uu islaamnimadii uga baxo. Taas waxaa caddayn u ah in Nabigeennii Muxamed nabadgelyo iyo naxariis dushiisa ha noqotee uu yiri “Muslimku waa kan muslimiintu ay ka nabadgalaan carrabkiisa iyo gacantiisa”. Waxaa la dhihi karaa qofkii muslim ah oo aan sidaas yeelin islaamnimadiisu waa booc booc ama sheegasho. Allow sahal amuuraha, immisaa muslimiin dhab ah innagu hartay, oo afkooda iyo addinkoodaba laga nabadgalaa?
NABADDA IYO SOOMAALIDA : Soomaalidu macnaha nabadda si fiican bay u taqaan sida naflayda kalaba, laakiin ilaalinteeda iyo raadinteeda labadaba waan ku liidannaa. In Soomaalidu macnaha nabadda taqaan taariikhna u leedahay waxaa laga fahmi karaa: erayga ugu horeeya ee qof Soomaali ahi kugu yiraahdo ama kugu salaamo waa “Nabad ma sheegtay?”. Halkaas waxaa laga fahmi karaa in macnaha nabadda Soomaalidu si fiican u taqaan, welibana baahi weyn oo ay u qabto ama u qabi jirtay, ayaa keentay in la isku salaamo nabad ma sheegtay? Jawaabta salaantaasina waxay noqotay “ Nabad baan sheegay ee nabad ma sheegtay?” Waa tusaale kale oo muujinaya in waxa ugu mudan ee labada qof isweydaarsadaan ay yihiin nabad-sheeg iyo nabad-sheeg, si loo kala nabadgalo, kadibna nolosha inteeda kale la isula wadaago.
Gabayaa Soomaaliyeed ayaa isagoo tusaaleynaya qiimaha nabaddu leedahay wuxuu yiri:
“Sow godobi surinkaad martaba sabab qarsoon maaha?
“Sow nabadi gogoshaada ood sidato uun maaha?
Waayo godobtu waxay noqon kartaa sabab darteed la guu dilo meel kasta oo aad tagto, maxaayeelay ma tihid qof nabad qaba, ee waxaad tahay qof godob qaba. Haddiise aad nabad qabto oo aadan cidna godob ka gelin meeshii aad doonto ayaad seexanaysaa oo nabadda ayaa gogol kuu ah!
Dhamaad

waa Diyaarintii: Eng  Olaad Ahmed Mohamed (Eng Socdalka)


3 comments:

  1. inaadeer waa qoraal wacan oo wax ku ool ah loona baahan yahay in bulshada lagu wacyigaliyo macnaha iyo muhiimada ay leedahay nabadu iyo macaankeeda waayo odhaah gabay somaliyed ka mid ahayd ayaa odhan jiraty , gaal iyo islaam nabadu waa u gogol nasteexaade .

    ReplyDelete

waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan