Tuesday, August 22, 2017

Afar sababood oo dumarku u necebyihiin shukaansiga wiilasha soo baxaya, una door bidaan kuwa waaya araga ah

Furiinka iyo kala taga iyo buburka qoyska waa mid ku dhaliya gabadhaha in ay fikiraan iyaga oo ku waana qaadanaya maalin kasta waxa ka dhaca heeraha ay ku nool yihiin ama daafafaha caalamka, gabar kasta oo waayo arag u ah nolosha waa midii ku dadaasha sidii gurigeeda uu u noqn lahaa guri ay ka jirto farxad iyada oo ka feejignaata wax kasta oo keeni kara burburka guriga oo ah asaas la isla wadaagay dhisidiisa, waxaa jiro dumar aan heesan waayo aragnimo kuwaas oo ka dhaca muda yar furiin, darwiish-anwar.blogspot.com ayaa idiin soo gudbin doonta sababaha dumarka aysan u jecleen dhalinyarada madaxa soo taageeso,

 

1. Ninka wayn xanaaqiisa ayaa dagan Ninka aadka u yar hadii uu xanaaqo way adagtahay in uu xakameeyo nafsadiisa inta badan kama fiirsado hadalada afkiisa ka soo baxa halka ninka aadka u wayn uu yahay mid xanaaqiisa qarsan kara hadalada afkiisa ka soo baxa la socda sidoo kale kala garanaya hadalada wax dhisa kara ama dumin kara, sidaas darteed dumar badan ayaa doorbida in ay noloshooda la wadaagan nin aad u dagan marka uu yimaado xanaaqa.

2. Waayo aragnimada waa hubaal ninka wayn in uu ka waayo aragsan yahay ruuxa aadka u da’da yar wuxuu soo arkay ama la soo kulmay dhacdooyin badan taas oo uga tusaala qaadan kara wixii dhacay iyo wixii soo socda halka ruuxa aadka u yar uu yahay ruux seef labood ah nolosha ay ku cusubtahay, gabadha waayo araga ah il gaar ah waxay siisaa ruuxa waayo arag ah heesta khibrad ku filan dhanka nolosha, dhibaato kasta ama dhacda kasta ee dhacda si waayo aragsan ku dhameen kara.

3. Wax la fahmid ruuxa markii aad isku fac tihiin inta badan makula fahmo xaalada halka ruuxa aadka kaaga wayn uu ku dareemo karo waxa aad u baahantahay iyo sida aad wax u rabto, dumarka waxay aad u jecel yihiin ninka markasta la fahmi karo xaalada.

4. Qorshe Cad Ruuxba ruuxa uu ka waayo aragsan yahay wuu ka qorshe iyo hami badan, waana qof la fahmi karo u jeedadiisa ilaa iyo waxa uu tiigsanayo halka ninka aadka u da’da uu yahay qorshihiisa mid isbadal badan gabadha ay ku wareerto.

intaas aan kor ku soo xusnay waa qeybo ka mid ah sababaha ay dumarka u jecelyihiin qof da’ ahaan ka wayn inkastoo marmar dhacda dumarka aadka u wayn in ay baadi goobaan wiilasha yar yar iyaga oo doonaya in ay ka faa’iideestaan awoodooda.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

 

No comments:

Post a Comment

waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan