Wednesday, August 2, 2017

ASTAAMAHA LAGU GARTO QOFKA CAQLIGA BADAN EE XIKMADA LEH

Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa 20 astaamood oo lagu garto dadka caqliga iyo xikmadda u saaxiibka ah, Fadlan iska fiiri in aad leedahay sifaatkaan ama aad ku aragtay dadka aad la dhaqantid.

  • Waa dad fakara inta aysan falin, sababtoo ah waxay ogyihiin hadal ama ficil aan laga fiirsan inuu bohol kaa tuuri karo, in laga shallaayo mooyee xal kale inuusan jiri doonin, ma ahan dad ku dagdaga go'aamada, waa dad jecel inay arrimaha soo waajaha falaanqeeyaan, Maahmaada soomaalida waxay tiraahdaa "Intaadan falin ka fiirso".
  • Waa dad dhagaysigooda uu ka badan yahay hadalkooda, waxay xiiseeyaan inay dadka kale dhagaystaan, mana jeclo in iyaga mar waliba la dhagaysto, waana qaabka ay ku kororsadaan xikmadaha badan, taasi waxay u sahlaysaa inay bartaan dabeecadaha iyo dhaqanka dadka ay la dhaqmayaan.
  • Waa dad aanan ku dagdagin ama jeclayn inay dadka kale eedeeyaan, waxay isku dayaan inay fahmaan ama ka hadlaan waxa keenay arinta dhacday iyo waxa ku kallifay in sidaas uu qof yeelo, waa dad jecel inay dhacdooyinka iyo tijaabooyinka kala baxaan casharro dhaxal gal ah.
  • Waa dad jecel inay wax isbaraan, akhrinta jecel xittaa haddii aysan xiriir la lahayn waxbarashadooda ama shaqadooda.
  • Dadka badanaa iskuma dhacaan, aad ayay iskaga ilaaliyaan isku dhaca iyo isqabqabsiga, waxay ka doorbidaan inay u tanaasulaan qofka ay is-heystaan, mana ahan dad aargoosi raadsado.
  • Waa dad ka fog islawaynida, way u sahlan tahay inay si dagan u raacaan amarrada iyo talooyinka la siiyo iyagoo aan diidmo iyo dood ka keenin.
  • Waa dad si sahlan kuu qancin karo, haddii aad isku dhacdaane kaa xishoodsiin karo ama si sahlan kuu cafin karo.
  • Waa dad ay adag tahay in saameyn ay ku yeelato dabeecadaha dadka xunxun ee ku hareeraysan, waxay awood u leeyihiin inay kontaroolaan fikirkooda, hadalkooda iyo dhaqankooda, Tusaale: haddii laga xanaajiyo way is kontarooli karaan.
  • Waa dad hadaf u leh arrin kasta ay ku dhaqaaqaan, uma sameeyaan howlahooda hadaf la'aan iyo way iga qabatay.
  • Waa dad ku aqbala dadka kale sida ay yihiin, tusaale: hadduu qofka dabci qallafsan yahay iyo haddii uu dabci jilicsan leeyahay, labaduba way la dhaqmi karaan iyadoo isku-dhac imaanin.
  • Waa dad isku dheelli tira danahooda shakhsiga ah iyo midda danta guud, ma ahan qof wax walba isla jecel, waana dad awood u leh in dantooda ay ka dhex arkaan danaha dadka kale.
  • Waa dad nidaam iyo kala dambayn leh oo noloshooda iskuma dhex yaacsano, waqtigoodane aad ayay u ilaaliyaan.
  • Waa dad hadduu qalad ka dhaco aanan ku adkaysan, wayna u sahlan tahay inay qirtaan gafka ay sameeyeen.
  • Waa dad dulqaadkoodu badan yahay, howl walba ay qabanayaan kama muuqato dagdag, dadka qaar waxay ku eedayn karaan inay fahmadooda ama gacantooda culus tahay laakiin waa dabci ku dhisan ka fiirsi, daganaansho iyo adkaysi.
  • Waa dad haddii ay soo waajahdo caqabad nolosha ah si sahlan u maarayn karo iyagoo badanaa dareemin niyad jab iyo diiqo.
  • Waa dad howlahooda ku dhisa kala hormarin, waxay ogyihiin howl walba sidaay u kala muhiimsan tahay.
  • Waa dad marka aad la dhaqantid aad dareemaysid khibrad iyo aqoon dheeraad, weliba iyagoo aan da'dooda aad u waynayn.
  • Waa dad leh aragti dheer, si sahlan u arki kara cawaaqibta waxa horyaallo, waana dabci ay ka dhaxleen sabarka iyo u fiirsashada.
  • Waa dad naxariis leh, la caadifooda dhibaatooyinka dadka kale, dadka tabaalaysanne caawiyo.
  • Waa dad Alle ku xiran, aaminsan sababta dunidaan loo keenay, cibaadada ku dadaalo, dareensan inuu yahay adoon daciif ah, Rabbina ka maarmin. (Ogow qof garan waayay Allihii abuuray, amarradiisane dhagaha ka fureystay ma ahan qof caqli iyo xikmad u saaxiib ah).
Astaamood-oo-lagu-garto-hogaamiyaha

XUQUUQDA QORAALKA

No comments:

Post a Comment

waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan