Barnaamijka Kor-u-qaadista Wax-akhriska ee Jaamacadda Nugaal ee Gobollada SSC-Khaatumo
Jaamacadda Nugaal oo ah hormuudka waxbarashada ee gobollada SSC-Khaatumo, ayaa ku hawlan barnaamij ballaaran oo kor loogu qaadayo wax-akhriska iyo wacyiga bulshada deegaankan. Barnaamijkan, oo ah mid ku dayasho mudan, waxaa hirgelinaysa Maktabadda Jaamacadda Nugaal, taas oo ah xarun aqooneed muhiim ah oo loogu adeegayo dhammaan qaybaha bulshada, gaar ahaan ardayda iyo dadka jecel wax-akhriska.
Ujeeddooyinka Barnaamijka
Kor-u-qaadista Aqoonta Guud: In la ballaariyo helitaanka buugaag tayo leh oo ku saabsan culuumta kala duwan sida sayniska, suugaanta, taariikhda, maamulka iyo maaraynta, diinta, tiknoolajiyadda, iyo horumarinta shakhsiyadda. Buugaagta ayaa loo qaybinayaa heerar kala duwan oo ay kamid yihiin:
- Heer Jaamacadeed: Buugaag diiradda saaraya culuumta sare sida maareynta ganacsiga, tiknoolajiyadda, cilmiga bulshada, iyo daraasaadka caalamiga ah.
- Heer Dugsi Sare: Buugaagta asaasiga ah sida xisaabta, kimistariga, bayoolajiga, iyo suugaanta, oo kor u qaadi kara fahamka iyo aqoonta ardayda dugsiyada sare.
- Heer Dugsi Hoose iyo Dhexe: Buugaagta loogu talagalay in ay kobciyaan aqoonta asaasiga ah ee ardayda, sida akhriska, qoraalka, iyo xisaabta.
Dhiirrigelinta Akhriska: In la abuuro dhaqan akhris oo xooggan, si ay ardayda iyo bulshada guud ahaan u yeeshaan garaad iyo aragti fog.
Wacyigelinta Bulshada: In bulshada lagu wacyigeliyo muhiimada akhriska iyo sidii ay ugu adeegsan lahaayeen sidii ay noloshooda u horumarin lahaayeen.
Hirgelinta Helitaanka Aqoonta: In buugaagta la gaarsiiyo dhammaan goobaha waxbarashada iyo bulshada kale ee jecel akhriska.
Qaybaha Barnaamijka
Barnaamijka waxaa loo habeeyey qaabab kala duwan si uu u gaadho dhammaan qaybaha bulshada:
1. Qaybinta Buugaagta Dugsiyada
Maktabadda Jaamacadda Nugaal ayaa buugaag tayo sare leh ugu deeqday dugsiyada hoose, dhexe, iyo sare ee ku yaalla gobollada SSC-Khaatumo. Tallaabadani waxay si gaar ah uga faa'iidaysan doonaan ardayda fasalada hoose, kuwa dhexe, iyo kuwa sare, iyada oo kor loo qaadayo tayada waxbarashada iyo dhiirrigelinta aqoonta culuumta kala duwan.
2. Qaybinta Buugaagta Macaahida Waxbarashada
Macaahida waxbarasho ee ka shaqeeya dhulka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale ka mid ah goobaha si weyn uga faa'iidaysan doona barnaamijkan. Buugaagta la gaarsiiyey waxay dabooli doonaan baahiyaha cilmiga ah ee macaahida, si gaar ah kuwa baraya xirfadaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah.
3. Ardayda Jaamacadda Nugaal
Ardayda Jaamacadda Nugaal, oo ah kuwa ugu badan ee ka faa'iidaysanaya barnaamijkan, ayaa loo diyaariyey buugaag diiradda saaraya manhajkooda iyo baahiyaha cilmi-baarista. Tani waxay sare u qaadayso aqoonta iyo xirfadaha ay ku horumarin karaan tacliintooda iyo xirfadooda mustaqbalka.
4. Ardayda Jaamacadaha Kale ee Gobolka
Intaa waxaa dheer in ardayda Jaamacadda Nugaal ay ka faa’iidaystaan barnaamijkan, waxaa sidoo kale lagu daray ardayda jaamacadaha kale ee gobolka ku yaal, kuwaas oo qayb muhiim ah ka ah bulshada aqoonta raadinaysa. Buugaagta heer jaamacadeed ayaa loo gaarsiiyey si ay ugu adeegaan kobcinta aqoontooda, isla markaana u taageeraan horumarkooda tacliimeed iyo xirfadeed.
5. Dadka Jecel Akhriska (Dadweynaha Guud)
Barnaamijkan ma koobna oo keliya ardayda; wuxuu sidoo kale fursad siinayaa dhammaan dadka jecel akhriska ee bulshada dhexdeeda. Maktabadda Jaamacadda Nugaal ayaa qeyb ka ah abaabulka iyo qaybinta buugaagta, si gaar ah kuwa ku hawlan barashada madaxa bannaan iyo horumarinta naftooda.
Mahadcelinta Maamulayaasha, Waalidiinta, iyo Dadweynaha
Barnaamijkan oo si weyn loogu guulaystay, ayaa helay taageero iyo bogaadin ballaaran oo ka timid maamulayaasha dugsiyada sare iyo goobaha kale ee waxbarashada. Maamulayaashu waxay si weyn uga mahadceliyeen dadaalka Jaamacadda Nugaal iyo Maktabaddeeda, iyagoo tilmaamay muhiimadda barnaamijkan uu u leeyahay kobcinta aqoonta ardayda iyo bulshada.
Waxaa kale oo si weyn u bogaadiyey waalidiinta iyo dadweynaha magaalada, kuwaas oo ku tilmaamay barnaamijkan inuu yahay mid kor u qaadaya fursadaha waxbarasho ee carruurtooda iyo guud ahaan bulshada. Waalidiinta ayaa si gaar ah u xusay sida buugaagta loogu qaybiyey goobaha waxbarashada ay u fududaynayso in ardaydu helaan agabkii ay u baahnaayeen.
Saameynta Barnaamijka
Barnaamijkan waxaa fulinaya Maktabadda Jaamacadda Nugaal oo leh khibrad iyo awood u gaar ah dhinacyada:
- Kor-u-qaadista Tayada Waxbarashada: Dugsiyada, macaahida, iyo jaamacadaha ayaa heli doona agab muhiim ah oo aqoon sare leh.
- Dhiirrigelinta Dhaqanka Akhriska: Abuuritaanka dhaqan cusub oo akhriska lagu xoojinayo, gaar ahaan dhallinyarada.
- Kobcinta Aqoonta Bulshada: Wax-ku-beddelidda hab-nololeedka bulshada oo loo jihaynayo dhinaca aqoonta iyo waxbarashada.
- Iskaashi Bulsho: Maktabadda ayaa sidoo kale qayb ka ah dhiirrigelinta iskaashiga u dhexeeya jaamacadda, dugsiyada, iyo bulshada.
Jaamacadda Nugaal iyo Maktabaddeeda ayaa mar kale muujisay doorka hoggaamineed ee ay ku leeyihiin kobcinta aqoonta iyo horumarinta bulshada gobollada SSC-Khaatumo. Waxaa lagu talajiraa in barnaamijkan uu noqdo mid joogto ah oo baaxaddiisa la ballaariyo si uu u gaaro bulshooyinka kale ee ku dhaqan miyiga iyo magaalooyinka kale ee dalka.
Qore : Anwar Maxamuud Xaji Khaliif
sawiro
Comments
Post a Comment
waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan