Monday, August 28, 2017

9 Faaido Oo Laga Helo Wax Akhriska Badan

Waxbarashadda nooc walba ay leedahay, hadday tahay barashadda Afafka , Xisaabta iyo Sayniska waxa ay kaaga xidhan yihiin wax akhriska. Cilmigu wuxu ku kaydsan yahay buugta sida kaliya ee aad kala soo dhex bixi karto Aqoontaa ku duugan buugaagta waa adiga oo akhris badan sameeya
Akhris la’aantii wax ma baranaysid , aqoontaad leedahay waxay ku xidhan tahay kolba inta aad akhriday, inta aad akhriday ayaad taqaan.

Akhrisku waa nafaqadda la siiyo maskaxda bini’aadamka, akhrisku wuxu balaadhiyaa garaadka, garashadda iyo qofka.
Haddii cuntadu jidhka quudiso, akhriskuna wuxu kobciyaa caqliga iyo fahanka qofka.
Fa’iidooyinka akhrisku leeyahay iyada oo aan la soo koobi karin bal aan dhawr ka sheegno.
  • Akhrisku wuxu ka jarayaa dabaradda jahliga iyo gaajadda, marba marka ka danbaysa ee aad wax-akhridid waxa ka sii baxaysaa jaahilnimaddii aad maxbuuska u ahayd.
  •  Hanashadda akhriska waxa ay qofka ka xoraysaa cidhiidhiga dhuleed iyo wakhti, oo qofka dhul badan oo uuna gaadheen ayuu akhris ku gaadhayaa, wakhti uuna noolayna ummaddii joogtay ayuu waayahooddii akhrisanayaa.
  • Akhrisku waxa uu kobciyaa xusuusta qofka, wuxuna daawo u yahay cudurka dadka waawayn ku dhaca “Asaasaqnimada ”
  • Akhriku waxa qofka ku abuuraa in uu wax mala-awaali karo.
  •  Akhrisku wuu ku horumarinayaa wuxuna kaa caawinayaa in aad gaadhid guulo badan oo aad ku hammiyaysay.
  •  Akhriska waxa aad kaga dhuuman kartaa walwalka iyo dhibaatadda inaggu lamaan, buug aad akhrido ayaa ku ilowshiisanaya wixii ku haystay oo kuu sawiraya duni kale oo xasiloon oo aad ku raaxaystid.
  • Akhriska waxa aad ka helaysaa macluumad badan oo aad kaga jawaabtid daruufaha nololeed ee ku haysta. Waxa uu ku siinayaa fikraddo cusub oo aad kaga baxdid daruufaha kolba ku haysta.
  • Waxa aad ka helaysaa caqli cusub iyo murti cusub oo aad wax ku abuurtid, buugta waxa ku kaydsan afkaaro iyo aqoon wixii dunidan soo martay.
  •  Akhrisku waxa aan suuro-galka ahayn ayuu suuro-gal ka dhigaa, waxa uu ku fududaynayaa qabashadda waxyaabo aad lahayd suuro-gal maaha ama aan caqligaaga soo galin.
Maah maah ingiriisiya ah baa tidhaa ‘Hal buug oo fiican oo aad akhridaa waxa ay la mid tahay sidii aad adigu dib u qortay buugaas ,haa waa run, haddii aad buugaas dhuuxday, oo aad si fiican u fahantay , xikmaddii
ku jirtayna kala soo dhex baxday, miyaanad lahayn aqoontii uu lahaa qoraagaasi adiga oo ilaalinaya xuquuqda qoraaga oo aanad sheegan aqoontii aad ka soo daalacatay. Mid kalena waxay tiraahdaa
‘Haddii aad akhridid buugaag fiican waxa ay la mid tahay adiga oo la doodaya mufakiriintii iyo aqoonyahanaddii dunidan soo maray,
haa waa dhab, akhristuhu waa sidii qof isku dayaya in uu la sheekaysto oo xaal waraysto mufakiriintii iyo aqoonyahanaddii dunidan soo martay kuwii dhintay iyo kuwa noolba oo ayna suuro gal noqoteen la kulankoodu.
Umadda wax akhridaa waa ummad horumarsan oo ka xadaarisan ummadaha kale, ummadaha horumaray waxa ay caan ku yihiin maalgalinta aqoonta iyo goobaha akhriska.
Ummadaha dibu dhacayna waxa lagu gartaa in aqoonta iyo goobaha akhriska ayna daryeelin oo maaliyad yarna u qorsheeyaan goobaha waxbarasho. Ummadda aan caruurtooda iyo dadkooda ku barbaarin akhriska waxa ay u nugul yihiin in ay ka dhacaan horumarka dunidan ka socda. Ummaduhu siday u kala horumarsan yihiin waxa lagu qiimeeyaa Literacyga (inta wax akhrida iyo inta aan waxba akhrin).
Cilmi baadhis laga sameeyey dadkii ugu caqliga iyo aqoonta badnaa aduunkan soo mara ayaa waxa lagu
ogaaday in hal shay ka sinayeen oo ay ahayeen dad wax-akhriska joogteeya Waxa laysku raacsan yahay in qofba qofka uu ka akhris badan yahay uu ka aqoon iyo garasho sareeyo qofka kale.



Qalinkii Ladna Rashiid Cabdillaahi

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO GUDBI 
drwsh1890@gmail.com

 

Suurad Qur’aanka Ku Jirta Oo Daawo U Ah Hilmaanka Iyo Fahmo Xumida

Ma rumaysan kartaa inay jirto suurad Qur’aanka ku jirta oo hadii aad akhrisado kaa daweynaysa ilawshiyaha (hilmaanka)? Cajiib!!
Hilmaanka iyo fahmo xumidu waa xanuun beryahan danbe aad looga cabanayo taas oo aad arkayso qof dhalin yaro ah oo hadana markad wax weydiiso kugu odhanaya wan hilmaamsanahay ama si fiican uma xasuusto, markaan sidaa leeyahay uma jeedo yaan waxba la ilaawin ama la hilmaamin waayo ilaahay ayaa bani aadamka ku tilmaamay ilawshiyo badane, balse waxan u jeedaa ilawshiyaha xanuunka ah ama xasuusta oo qofka ku yaraata sabab kastaaba ha keentee. Waxan maanta halkan kuso bandhigaya labo qiso iyo dawadooda sida ay suurada quraanka ahi u dawaysay.

Ibnu haashim ilahay raali haka noqde aya siiradiisa ku werinaya ( masaajidkii ibnu cabaas aya maalin waxa soo galay wiil dhalin yar ah, dharkiisuna ay wasakh leeyihiin isla markan isla hadlaya oo xaga maskaxda ka jirran( waalan)
dadkii masaajidka joogay aya arkay wiilkan xanuunsanaya ee masaajidka soo galay ka dib dibada ayay u saareen. Inbu cabaas aya sheekadii maqlay oo dadkii ku yidhi muxu aha wiilkani? Waxay ugu jawaaben waa qof xanuunsan oo waalan wuxu sameynaya aan is garanayn.

Saaxiibkii rasuulka (n.n.k.h) oo ibnu cabaas ah aya yidhi iigu yeedha wiilka, marki loo keenay ayuu gacmihiisa madaxii wiilka saaray waxaanu ku akhriyay suuratu YAASIIN markii uu ku dhameeyay akhriskii ayu ilaahay usoo celiyay caqligiisii xanunkiina ka caafimaaday? Dadkii aya weydiiyay wuxu ku akhriyay ee ilaahay caqliga ugu soo celiyay wiilka? Wuxu ugu jawabay waxan ku akhriyay suuradii rasuulku ku sheegay inay tahay wadnaha quraanka. (suuratu yasin)

Sheekhul islaam ibnu taymiyah ayaa yidhi ( hadii waxan doonayo inaan xafido ay igu adkaado xifdigiisu ama markasta aan hilmaamo (xasuusan waayo) faraha ayan ka qaadi jiray waxaanan soo qaadan jiray kitaabka Qur’aanka waxanan akhrisan jiray suuratu Yasiin markan dhameeyo ayan ku noqon jiray wixii igu adkaaday ama aan hilmaamay markaan hal mar akhriyo ayan xafidi jiray). In kasta oo Qur’aanku dhamaantii hanuun iyo daawo u yahay dadka muslimka ah ayay hadana suuratu Yaasin tahay furaha maskaxda iyo daawada ilawshiyaha.
Ilaahay haynaga dhigo kuwo ay anfacdo if iyo aakhriba .
Xigasho: Faaido.com

@XUQUUQDA

Saturday, August 26, 2017

GABAY (KHAYR-DOON) WAXAA CURISEY QARYAD Caasha Luul Cumar Jaamac Culimo



Khayr-Doon waa gabay soo baxay bisha Maarso 30kii guga 2015. Gabaygani waxaa tirisay halabuurada hibadda maanso sida gaarka loogu xudumay ee la yiraahdo Qaryad Culimo Cumar Jaamac Wadaad(Culimo Luul). Tixdan oo ah mid laxni la' oo midhiyo hanaan farshaxani idimka Eebe ku idishahay, ayaa waxay ka kooban tahay boqol iyo labaatan iyo labo meeris oo inba tiro kooban meerisyadeedu isu tuducsanayso. 

Miidda iyo mucda murtiyeed ee tixdan ku duugan anigoon waxba idiinka sii bashiicin waxaad ruudeeda murtiyeed sida jaan karuur u fuusan doonta   markaad min bar bilow ilaa meeriska ugu dambeeyaan si guro fog oo degan ula raacraacdaan kuna akhrisaan indho iyo qalbi u jeelan dawo-maanseedkii ugu hagar bixi jiray halabuurka Soomaaliyeed ee bulshada sebenkan u maansooda. Dheegasho iyo ka bogosho wacan.


Abwaanad Qaryad Culimo Cumar waxay tiri:

--Suugaantu inay door tahoo, laga dawaafaynin
--Dafiraad hidduhu aanu galin, cidina duugaynin
--Diiwaanka maansada gashana, laga daliil qaato 
--Oo dhaqanku duugoobi karin, waa mid daahira e
--Ana maansadii  debecsanayd dhawr kal, maan dayine 

--Degel aan in badan roob ku di'in, oon la dubatoobay 
--Raxmadana dadkii dhawrayaan, lana ducaynaayo
--Oo cirkii daruureeyay oo, fadadka soo daayay 
--Oo hogol ka daan iyo ka daan,dininigtii yeedhay 
--Onkod iyo dayaanka is qabsaday, daadna mulacyeeyay

--Sida loogu doogsado nafluhu, ugu damaashaado
--Ana gabyga maantaan damcee, diirada uqaato
--Waa laygu wada diirsadaan, lana durduurtaaye 
--Dibnahayga aan furo maanta  waa, dhibicdii dayreede
--Dadkaygiyo dalkiisaan intaa, sama u doonaayee 

--Waataan dabiibkooda waday, doqoni waa mooge 
--Duhur iyo habeen waxaan lahaa, daaci u ahaw e
--Wax badan baan dardaaran u akhriyey, dux iyo iidaane
--Wax badan baan digniin iyo u qoray, deeley iyo laane 

--Dheg daman, damiin iyo dad aan, hadalba deeqaynin
--Ayuun baan ku daalaa intaa, lana dedaalaa e 
--Haddase waan ducayn inuu Illaah, daawo noo furo e
--Aamiin ka daba dheha tixd baan, soo dawinayaaye

--Wakhti doora Soomaalidii, daayac baa helaye
--Diif iyo dhibaataa in badan, duudka noo sudhan
--Shanta dacalba dakharada ka siman, duraysidiisiiye
--Kala daadsaanbaa jirtiyo, doc iyo reer-reere 
--Kala dide oo kala dude, oo way kala dawaafeene

--Shisheeyena ku soo duul sidii, duunya baadiya-e
--Mar inay dareemaan kufrigu, dabinka uu qoolaay
--Oo qabyaalad way daran tahee, daaqad laga tuuro
--Rabiyow midnimo daahirtaan, kaa dalbanaynaaye

--Qabqabliyo dagaal ooge iyo, duqay xumaan sheegta
--Kuwa diinta gees maraya oo, dirir u soo xaytay 
--Siyaasiyiin dilaalin ah oo, shacab ka dooxaya
--Ayuun baa ku doobdhaba dalkoo, diiday samahiiye
--Inay duul walaala ah noqdaan, nabadna noo doorto
--Colaadahana aad damiso baan, kaa dalbanaynaaye

--Daaf baa ku dhacay madaxdii oo, laguna daaduunye
--Dangaraaro weyn baan qabnaa, lana dakeenaaye
--Dalka midaan gubayn oon ku gaddan, doolar iyo beeso 
--Dan shisheeye ruuxan aqbalin, gaalna dabajoogin
--Rabiyow wadani daacadaan, kaa dalbanaynaaye

--Dawlad li'i wax badan baanu nahay, qaranna doonaaye
--Mid dastuur qur'aanku uyahoo, dhiigna lagu daadin 
--Oo uu halyeey daadah dheho, cidina diidaynin
--Shacabkuna ku diirsado in badan, bay danqanayeene
--Maamul dahab ah oo wacan, ayaan kaa dalbanaynaaye

--Da'a-yartiyo barbaartii wax baa, dooriyoo helaye 
--Wataa dhaqankii dool noogu yimi, laga dabqaataaye 
--Doolaha surwaaka ka dhacay, madax doc xiirxiiran 
--Asturnaantii Dumarkoo ka tagey, oo dubkana muujay
--Diyaanadan jidhkaa daadaxda ah, lagu daliigaayo
--Edebtii markay duushay baa ,faaxish daahiraye
--Daa'imow hanuun soo degdega, baan kaa dalbanaynaaye

--Caruurtaan dab loo shidin rageer, daamanku u buuxo 
--Daroogada kuwaa cunaya ee , qaad daldalanaaya 
--Khamro daasad lagu miisay, oo ceebi daba taalo
--Masuuliyad dayacan aan la garan, daa'in amarkiisa 
--Kun wax oo dareenkaygu nacay, baan ka didayaaye
--Diinta iyo xaqoo lagu degaan, kaa dalbanaynaaye 

--Allaw qaadka dayr nagaga ood, oo dad ka jooji
--Ubadkoo dibjiray iyo xishood, dalaw laga tuuray 
--Oo duruusta aan dhiganin oo, aan dugsiga aadin
--Oon waalidkaan ka danbaynin, waa damiir-xume
--Allahayaw caruur debecsan, baan kaa dalbanaynaaye

--Awlaad la daadinayo oon, cidi danaynaynin
--Guryahoo dummayaa batiyo, gabadh daalaaqeede 
--Lamaanahoo dulqaad yeesha oo, kala danbeynaaya 
--Mid walbana docdiisaa ka jiro, danaha qoyskooda
--Degenaansho waartaan Rabbow, kaa dalbanaynaaye

--Markii kala danbayn iyo nidaam, uu dadkani waayey 
--Dawarsiga shisheeyuhu ahaa, shay dabeeciya'he 
--Waxa mayd duleed yaala ee, cidina duugaynin
--Ee haad kusoo degenaysee, bahalku dooxaayo 

--Inta saxare lagu diirtayee, yeydu dalaqsiisay
--Doonyaha degaayiyo waxaa, xeebta wada daadsan
--Inta deeqa gabadhiyo nin raga, jeel la dalaqsiiyay
--Magafuhu intuu dabar sudhee, doolar lagu iibsho

--Hooyada ilmadu da'ayso ee, murugo diiqaysan 
--Waa masiibo nala deristayoo, waayo daba-dheere
--Dariiqaa tahriibtaa inaan ruux, danbeba aaadin
--Oo daah ka saartaan Rabaw, kaa dalbanaynaaye

--Dan-yartiyo qofkaan maal lahayn, diifta lagu eegye 
--Deeqaha shisheeyuhu baxshaa, dacas ma reebaane 
--Tab inuu dadkani yeesho oo, dalaga loo jeesto 
--Duunyada iyo xoolona dhaqdaan, dooxa lagu foofsho 
--Oo hay'ad laga doorsadaan, kaa dalbanaynaaye

--Markii uu jahligu nala darsee, diinta laga baydhey
--Inay qaar sakada diidayaan, ama la soo daahi 
--Inaan deriska kii baahan iyo, dayfka la ba eegin
--Agoontoo la duudsiyay xaqeedi, lana daryeelaynin
--Dulmiga iyo boobkiyo dhaciyo, dira-diraaleynta
--Waa waxa abaar daran dhulkii, loogu dawgu galaye
--Danbarka iyo caanahiina ay, dan u yaraadeene

--Xooluhu inay dabar go'aan, duunyadiyo maalku
--Dar Illaahay waan uga baqaa, dulugla caydheed e 
--Duufaan midaan wadanin oo, daadad nagu laynin
--Allow madar nawada doojiyaan, kaa dalbanaynaaye

--Damalkiyo galoolkiyo higlada, darayga dheeraaday
--Dugsiga iyo dhirtii wada ahayd, dayrka iyo ooda
--Ee milicda daran nooluhuna, duhurka hoos joogo
--Marka ay diraacuhu dhacaan, amase dayr waagu
--Jeexiyo dohdiyo soolka iyo, duurka iyo buurta

--Halkuu adhiga iyo daaqi laa, dalawadii geelu 
--Meelihii dihnaa laga idlee, caws dureema ah
--Damiir laawayaashiyo kuwaan, quruxba doonaynin
--Dhuxul dubatii iyo kuwii ciida, wada doorshay 

--Qaraf bay ku daaraan intay, dogobyo saaraane
--Baabuur ayaa lagu dalaci, kama daalaane 
--Nabaad guurka deegaanka jira, waan ka danqanayaaye
--Sidan inay ka daayaan dhirtaan, kaa dalbanayaaye

--Ila durugyey  deelkuye tixdii, waxaan ku soo dayrey 
--Hadii aan danbaabo Raboow, uu gaf iga duulay 
--Danbidhaaf  Ilaahow isii toobad, baan diraye 
--Allahayow ducadan iga ajiib, daacad baan ahaye

WQ: MAANMAAL BUUREED GURXAN
 


Wixii Talo iyo Tusaale ah Nagala Soo Xidhiidh 
drwsh1890@gmail.com
Anwar Mohamoud Haji Khaliif

Tuesday, August 22, 2017

Doorashada Takhasuska Waxbarasho

Ma doonaysaa inaad doorato takhasuska kugu haboon? Haddiiba aanad haynin kii aad kuugu haboonaa sided u dooran kartaa ku ku raali galiya? Maqaalkani wuxuu kaa caawinayaa inaad takhasuskaaga xulato adigoo maraya hab cilmiya oo nidaamsan.
Doorashada maadada aad ku takasusayso amaba aad Jaamacad u galaysaa maaha mid fudud, laakiin ardayda Soomaaliyeed way la fududahay waayo waxaanay helin talo fiican oo ka saacida doorashada kuliyada ay galayaan. Ardaydu markay bilaabayaan Jaamacadaha waxay warsadaan kuwii ka horeeyey, ama waxay eegaan qof imika shaqo wanaagsan haysta, amaba wuxuu arkaa ardaydii oo meel u badan.

Walaw doorashadu ay ku yartahay ardayga Soomaliga ah ama ha joogo wadankiisa gudihiisa amaba dibadiisa ee hadana wixii la hayo ee uu helo karo ayuu u baahan yahay inuu doorasho xikmadaysan ku sameeyo.
Haddaba si aad u samayso doorasho xikmadaysan, waxaa daruuri ah inaad is waydiiso sadexdan su’aalood isla markaana aad uga jawaabto si daacad ah adigoon naftaada khiyaamaynayn.
– Awood ma u leeyahay inaan barato maadadan?
– Ma jecelahay inaan barato maadadan?
– Ma ku helayaa fursad shaqo markaan soo barato?
Haddaba aan hormayno su’aalahan duuduuban isla markaana aan falkino si aan mid walba uga bogano.
1. Awood ma u leedahay barashada maadada aad ku takhasusayso?
Run ahaantii su’aashani waa laf-dhabarta doorashada, hase yeeshee awoodu way noocyo badan tahay. Awoodu waxay noqon kartaa seeskaaga aqooneed inuu kuu sahlayo barashada maado gaar ah. Tusaale ahaan haddaad doonayso inaad Engineering barato oo aanad xisaabta ku fiicnayn, awooda aad u leedahay barashada maadadani way yaraanaysaa.
Sidoo kale awoodu waxay noqon kartaa inaad karayso dhaqaale ahaan ama safar ahaan. Tusaale ahaan haddii maadada aad doonayso aan laga helayn wadanka aad ku nooshahay waxaad u baahan tahay dhaqaale ku gaadhsiiya meesha laga heli karo maadada aad caashaqday. Haddaba haddii aanad heli karin qarashka lagu tagayo, ka Jaamacada la siinayo amaba lagu noolaanayo way adagtahay inaad maadadaa barataa.
Sidoo kale waxaa dhici karta inaad karayso aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaanba laakiin aanay kuu suuro gal ahayn sababtoo ah waa maado dawladi bixiyo ama la siiyo cid dawladi wadato uun. Tusaale ahaan maalin baa waxa ii yimi wiil dugsiga sare dhamaystay oo talo doonaya. Wuxuu ii sheegay inuu doonayo inuu barto “Military Engineering” ama engineerinka dhinaca ciidamada. Waxaan waydiiyay halka uu ka helayo. Wuxuu ii sheegay inuu doonayo inuu Suudaan u doonto maadaama oo uu ka baxay dugsi af-carabiga lagu barto. Waxaan ku idhi bal soo raadi macluumaadka maadadan iyo sida loo heli karo. Markuu la xidhiidhay dad badana wuxuu ogaaday inaanu iskii u heli karin maadadan.

2. Ma jeceshahay inaad barato takhasuskaa?
Maadada aad dhiganaysaa waxaa suurto gal ah in ay noqoto mid kula xidhiidho noloshaada oo dhan, waayo waxaa suuro gal ah inaad ku shaqaysato inta noloshaada ka hadhay. Sidaa daraadeed waxaad u baahan tahay inaad doorato maado aad jeceshahay barashadeeda iyo ku shaqaysigeedaba. Waxaan xasuustaa mid ka mida macalimiintaydii. Wuxuu ahaa macalin aad ugu fiican maadada uu dhigayo, laguna ixtiraamo. Sidoo waxaa ka soo gali jiray dakhli wanaagsan oo wakhtigaa ay yarayd in cidi hesho. Haddana wuu necbaa maadada, waxaanu ku dadaali jiray inuu ardayda nacsiiyo. Maalinbaan xasuustaa intuu soo jeestay, oo samuurada tabaashiirtii ku dhuftay yidhi “maxaad ka baranaysaan waxani waa dheertiye”. Dabadeed waxaan go’aansaday inaan si toosa u waydiiyo sababta keentay inuu naco maadadan uu ku shaqaysto dadkoo dhamina ku ixtiraamaan. Wuxuu yidhi “anigoo doonaya inaan cilmiga bulshada iska barto ayuu la-taliyahaygii Jaamacada lafoole igu khasbay maadadan”. Wuxuu sii raaciyay, “maan jeclayn inaan barto, imikana ma jecli ku shaqaysigeeda laakiin duruuftaa igu xakamaysay inaan bariiska kala soo baxo”. Sheekadaa waxaa iiga soo baxay ardaydana aan kula taliyaa inay bartaan wax ay jecel yihiin, si aanay ugu dhicin waxa ku dhacay macalinkaygaas.
3. Ma ku helaysaa fursado shaqo?
Barashada culuumta aan diiniga ahayn inta badan ujeedada loo bartaa waa in lagu shaqayso. Maadada aad baranaysaa waa xirfadii aad mustaqbalka ku shaqaysan lahayd oon yagleelayso. Sidaa daraadeed waa inaad odorosto furaska shaqo eed ku heli karto, mustaqbalka maadadan, iyo sida ay wadankaaga ku tahay. Dr. Darik Suwaydaan baa wuxuu yidhi “wiil reer Kuwait ahbaa wuxuu soo bartay engineerinka kaymaha “forestry engineering”, Kuwait-na ma laha haba yaraatee wax kayn ah. Waa saxare holoca”.

Maalinbaa waxaa ii yimi wiil yar oo dugsiga sare dhamaystay oo aad hankiisu u sareeyo. Wuu ila tashanay. Markaan waydiiyay maadada uu doonayo inuu barto, wuxuu ku jawaabay “Nuclear Science” ama sayniska nukliyeerka. Waxaan uga waramay maadadani waxay uga baahan yahay, meelaha laga heli karo iyo sida lagu heli karo. Dabadeedna waxaan waydiiyay su’aalahan aan soo sheegnay. Markuu ka jawaabayay laba su’aalood ee hore wuxuu yidhi “aqoon ahaan waan karaa, laakiin dhaqaale uma haysto dhulka laga heli karo maadadan. Doonisna waaban u muhanayaa”. Intaa ka dib waxaan ku idhi kaba soo qaad inaad heshay. Hadlkeed kaga shaqaynaysaa? Soomaaliya ma filaysaa inay noqoto dawlad nukliyeer leh? Ma u malaynaysaa in aad wadankaaga ku soo noqon karto haddaad noqoto khabiir nukliyeer? Runtii wuxuu yidhi “taa ismaan waydiin ee doonistayda uunbaan doonayay inaan ka dhabeeyo”. Waxaan uga sheekeeyay cilmiyada kala duwan ee uu qaadan karo, sida lagu helo, furaska shaqo ee uu ku heli karo, iyo wax la mida. Maalin dambe ayuu ii yimi waxaanu igu yidhi “waxaan ogaaday inaan khaldanaa oo waxaan doonayay aanu ahaynba waxa markii hore aan kuula imi, imikana waxaan doortay maado aan filayo inay hankayga dhabaynayso. Hadda wiilkaasi Jaamacad buu ku maqan yahay waxaanan filayaa inuu ka midho dhalin doono rabitaankiisa.

Ugu dambayntii, waxaan ardayda doonaysa inay Jaamacada bilaabaan kula talin lahaa inay naftooda waydiiyaan su’aalahan ugana jawaabaan si daacada oo dhab ah. Taasi waxay u sahli kartaa ugu yaraan inuu doorto takhasuska uu doonayo, haddiiba uu waayona wuxuu garan karaa meesha ku xigta ee uu u badalan karo takhasuskiisa.
W/Q: Abdirahman Ali Hersi

Email: drwsh1890@gmail.com