Thursday, October 12, 2017

13 Dhaqan Oo Ay Iska Ilaaliyaan Dadka Caqliga Badani.

1.Wakhtiga iskagama qaadaan qooma-mayn ,nolosha sida caadiga ah ma sahlana , waayaheedu wuu fara badan yahay , wixii ku dhaafay dib ha u  eegin , mustaqbalka ka fakar.

2.Cidkale in ay maskaxda ka qabsato way iska ilaaliyaan , Ra’yigooda iyo Maskaxdooda ayay ka socdaan , waxa ay awoodaan in ay dareen kooda iyo caadifadooda xakameeyaan.

3.Isbadalka kama baqaan , waxa ay jecel yihiin markasta in ay sameeyaan isbadal wanaagsan.

4.Dadaal badan kuma bixiyaan arrimaha aan ganatooda ku jirin;sida arrimaha dabiiga ah oo kale.Tusaale :Hadduu tukaanka aad wax ka iib sanayaan buuxo,dadaal badan kuma bixiyo sidii uu dadka oo dhan uga hormari lahaa.

5.Iskuma dayaan in ay dadka oo dhan raalli galiyaan, maxaa yeelay waa arrin aan suurto gal ahayn.

6.Waa qof khatarta u badheedha oo aan marnaba ka baqan,laakiin wuu xisaabtamaa  khatartana xadidaa.

7.Wixii la soo dhaafay ka sheekeyn tooda wakhti is kagama lumiyaan., wakhtigana iskama qaadaan.

8.Khalad laba jeer kuma soo celceliyaan, oo Nabiguba (NNKH) waxa uu yiri xadiis macnihiisu ahaa Mu’min god laba jeer lagama qaniino.

9.Guulaha dadka kale kama Masayraan , guushuna dadaal un bay ku timaadaa.

10.Markay isku day fashilma sameeyaan ma quustaan, mar labaad ayay meeshii ka sii wadaan isku day kale.

11.Kama baqaan in ay gooni joog noqdaan oo ay si gaara u fakaraan , si ay arrimahooda gaarka ah u xalliyaan.

12.Naftooda ayay ku tashadaan cidna taageero kama sugaan , qofkuu doonaba ha noqdee.

13.Natiija dagdag ah ma filaan , guul dagdag ah kuma tashadaan, hadday guul dagdaga gaaraana layaab kuma noqoto.

All Mahad leh.

No comments:

Post a Comment

waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan