Saturday, October 14, 2017

Hadaba waa maxay qabyaalad iyo qabiil?

Hadaba waa maxay qabyaalad iyo qabiil?

Qabyaaladu waa hab Somalidu cadeeysatay oo ay mudo dheer ku soo dhaqmayeen kaas oo lagu amaanaayo qoys ama qabiil, qabiil kalana lagu yasaayo laguna caayaayo oo lagu fogeynaayo. Marka qabyaalada la’oogaayo waa marka larabo in qolo kale la dulmiyo laguna hamiyo jiritaanka qabiilka aad tahay oo qudha lagana diriro jiritaanka bulshada inteeda kale. Qofku malaha ma’adi uu isagu rumaysanyahay inay sax tahay iyo in nidaam bulsho oo kale midna ee wixii qabiil kiisa ka soo fula ayuunbuu sax u arkaa waxa umada kalena qalad ayuu u arkaa.
Qabiil
Qabiil waa koox bulshada ka mid ah kuwaas oo wadaaga abtirsiin kooban, waxaanay u si qaybsamaan Jilibo, Qoysas ugu danbayn waxaa kala baydha oo reero kala noqda laba Nin oo walaalo ah markay inama badan dhalaan ee inamadiina caruuro sii yeeshaan. Markastoo tirada abtirsiinta qoysku gaadho laba saddex awoow waxay isku badashaa jilib yar oo hoose, dadka walaalaha ahi markay guursadaan ee ay caruur sii dhalaan caruurtoodu waxay isku noqdaan ilmaadeer1, ilmaadeer2, Ilmaadeer3 xaga aabaha. Kadib wixii intaas ka danbeeya waxay isku badashaa “Tol” halkaas oo hadana qabiilkii kor uga unkamo oo uu marka hore noqdo jilib yar oo hoose deedna Qolo,Qabiil.
Runtii qabyaaladu waa jaahilnimo jaahilnimana laguma faano laakin maanta waa lagu faanaa. Xaga cadaalada oo noqota mid liidata ayay sababtaa qabyaladu.
Waxaan aad uga naxaa markasta isticmaalka qabyaalada iyo in dadka lagu kala sooco kanbaa reer hebela iyo kanbaa reer hebela taasina waa ta maanta hoos inoo dhigtay oo qayrkeen inaga reebtay.
Dhibaatooyinka ay qabyaaladu keento waa dhibaato aad u weyn waxana kamida:——————
Bulshada oo noqota umad dulmi iyo darxumo ku noolaata waligeed.
Jaahilnimada oo noqota mid lagu faano.
Xaqa & Cadaalda oo noqota in daciifnimo loo arko.
Bulshada oo aan waligood is aaminin shakina kala qabta markasta.
Danta guud iyo Dawladnimada oon waligeed si daacada loogu heshiin, qofkastaana diido cidii madax loo doorto hadii anu qabiilkiisa ahayn, kuna diido qabiilkiisa awgii, iyadoo laga yaabo ka reer kooda ah ee uu jagada larabo in uu yahay mid aan xilka loo dhiibayo u qalmin.
Marka ay dorasho noqoto in qofku dantiisa ilaawo oo uu ka fikiro dan qof kale oon waxaba ka quseyn dorashadana qof qabiil ku doorto halkaasna dantiisii iyo xornimadiisii ku waayo.
Hogaamiyaha dalka loo doorto & Masuuliyiinta kalaba inay waxay doonaan oo xumaan ah, sameeyaan cidna ka baqiwaayaan illayn waa umad qabyaaladi qaybisay oo awoodi iyo sharaftiiba ka qaadaye.
Aqoontii iyo horumarkii oo meesha ka baxa, maxaa yeelay guushu waxay timaadaa marka dadka kuu shaqaynayaa ay cidkasta leeyihiin oo meesha waxa soo galaya maskaxo kala duwan dabadeedna horumarka ayaa bilaabmaya.
Maanta dalka waxa ka socda qabyaaladii ugu xumayd .
Qabyaalada waa cudur kaas oo hadduu kugu abuurmo ay adag tahay sida loo daweeyo lakin loo baahan yahay in dadka lagu jeclaado diintiisa,aqoontiisa,dadnimadiisa,dhaqankiisa, iyo astaamo kasta oo wanaagsan oo qof ibnu aadani ahi leeyahay.
Dadku waa dad wada dhashay, isu diina ah ,oo isku dhaqana laakin ma wanaagsan oo adoo qof masuul ah inaad isticmaasho kalmado dadku kugu nacayaan oo qabyaalad laga dhadhaminayo.
Qabyaaladu waxay sababtaa inaad xoolahaaga waydo oo waayo, markaad qofkasta aad ku shaqaalaysiiso reernimo waxay sababaysaa inaad dadkii aqoonta lahaa aad ka tagto. Tusaale ahaan haddii uu kuu shaqayn jiray qof ka baxay jaamacad oo haysta shahaado degree ah oo aynaan isku reer ahayn laakin uu yahay qof ka adag shaqadiisa horumarna meesha gaadhsiin kara. Ka dibna aad ku badasho qof reerkiina oo aan wax aqoona oo sidaa u wayn aan lahayn laakin aad niyada galiso wuu iskala qabsan ka dibna uu ku fashilmo shaqadii aad eexda u galisay. miyaanay ahayn ceeb iyo horumar la,aan.
Hadaba qabyaaladi maaha sharaf ee ha laga fogaado qofkastana waxa looga baahan yahay inuu iska ilaaliyo ,wax lagu faanana maaha ee waa wax laga faano.waxaana wanaagsan qofkasta oo doonaya in loo shaqeeyo inuu dadka ku soo xusho aqoontooda iyo diintooda dhaqankooda iyo kartitooda si uu u gaadho hiigsigiisa iyo hamigiisaba.
Gabo gabo
Waxaan ku soo gabagabaynayaa in dadku siman yahay qabyaaladuna tahay shay dadka ku sameeya qiimo dhac waxaana qof kasta looga baahan yahay inaanu isticmaalin qabyaalada iyo qorigaba .
N.B
Qabyaalada sharaf ma leh
Qabyaaladi qayrkaa bay kaa reebtaa
Qabyaaladi qiimo la laha.
Qabyaaladeey qarsoonaw
Qabyaaladu waa cadawga ummada
Qabyaaladu waa cadawga horumarka cidkasta
Qabyaaladey lagaa Guur
Sidaasana inoo roon
Qoonkasto horumaray Wax kula qeybsanayn
Qabyaaladey ku baranay.

Xigasho-Ururka Dabargoynta qabyaalada iyo daryaaleka dhibanaha.
By rahma haji.

No comments:

Post a Comment

waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan