Sunday, October 29, 2017

Sidee Ku Noqon Kartaa Qof Guulaysta Allena Kasbada

Guushu waa galladaha eebe bixiyo mid kamida waliba tan ugu mudan, waa muraayad uu qofku ka arki karo maxsuulka wixii uu qabsaday ama munaasibado uu mawluhu ugu talo galay inuu farxad ka maroojiyo.

Waa mansab lagu muraaqoon karo miridho yar dabadood milicsiga arimo badanina ku minguuri karaan, waa muunad aaan cidna lagaga masuugi Karin iyo mahadhooyin xusid mudan oo farxad lagu majeerto.
Inkasta oo muddo yar kadib ay murugo bedeli karto , taas oo uu qayb laxaad leh ka ciyaaro qoraalka Alle iyo nasiibka qofku
Haseyeeshee dad badan oo aqoonyahanno isku sheega ayaa ku andacoonaya inuu qorshe guuleed iyo dadaal shakhsiyeed iyadoo fursadaha sidooda looga faaidaysanayo balse aanu jirin wax nasiib ahi, dadkuna markay dadaalaan fursaduna siday tahay uga faaidaystaan ee guul ay gaadhaan ay yidhaahdaan waa nasiib.
Taas oo aan filayo in lagu kala fikir duwanaankaro wallow aanan anigu sidaaa la qabin waxanan u dayndoonaa akhristayaasha qiimaha leh.
Fikradaha iyo wadooyinka lagu guulaysankaraaa waa badanyihiin oo siday ila tahay mooyee ma’aha kuwo aan kaligay go’aan ka gaadhi karo waxaan taas idinkula wadaagaana waa fikirkayga shakhsiga ah uun.
Waxa laga yaabaa in waddo aad u martay guul oo aad ku gaadhay guushii ay ku kale u noqoto gacanka ku rida guul darrada sidaas darteed badanaa layskuma hallayn karo taas ee waxa loo eegayaa oo ay ku xidhantahay wadciga, waayaha uu qofku ku jiro iyo hada wajiga uu leeyahay qaabka mar xaladda uu qofku ku suganyahay.
Waxaad ka dheregsantahay farqiga wayn ee u dhexeeya guusha iyo guul darrada oo isu jira inta cirka iyo dhulku isu jiraan.
Waxan aaminsanahay in qofka muslimka ah ee imaankiisu buuxo caqiidadiisuna saxda tahay aanu wax ilaahay ugu talo galay mooyaane gebi ahaanba nolosha ku guuldarraysanaynin balse waxa hubaala in inuu la kulmayo caqabado ayna soo marayaan guuldarrooyin farabdan iyo guulo badan imtixaan bandanna uu marayo oo larabo inuu sabir iyo xal kaga gudbo
Farqiga u dhexeeya guusha iyo guul darrada waxa mid la mid ahi uu u dhexeeyaa mooraal ka iyo damiirka qofka guul darraysta iyo kan guulaysta aaminsanow qoraalka iyo qadarka Alle balse samee dedaal iskuna day markasta oo adigu waxba ha kala hadhin dedaalkaaga inaad guulaysato ta Alle iyadu waa meel oo waa geed ka go’ane.
Bal ku samee is barbar dhig waxa aad ka taqaano hab-dhaqanka, odhaahyada, iyo fikirka dadka guulaysta had iyo jeer iyo kuwa lumiya guusha ee aa la garansiin.

• Dad ka guulaystaa had iyo jeer waxa ay qayb ka yihiin xalka kuwa guuldarraystaa se waa kuwo inta bdan qayb ka ah dhibta.

• Dadla guulaystaa had iyo jeer dhib kasta waxay ka dhex arkaan xal halka kuwa guul darrarystaa ay badanaa xal kasta ka dhex arkaan dhib, taas oo macnaheedu yahay qof ka chanceka guusha ku dadaalaya ee daacadda ka ahi waxa uu markasta isagoo degenaan muujinaya haddii uu la kulmo dhibaato oo ay isaga soo wajahdo am acid kale waxa uu darsaa dhibtaas xalka ka iman kara iyo habka loo mari karo xalkeeda meesha uu kan guul darrada u saaxibka ahi arkayo ama ay u muuqanayso dhibta oo qudhi ama xalkasta oo wanaag ku jiro waxa uu darsayaa oo uu markaba ka dhex arkayaa dhibaato waxaanad halkaas ka garanaysaa inaanay isku muraayad ba wax ka daawanaynin.

• Dad ka guusha u saaxiibka ahi waxay yidhaahdaan “way adkaan kartaa lkn waa suurto gal” lkn taas liddigeeda lossers ku waxay yidhaahdaan “waa suurto gal lkn way adagtahay”
Iyadoo ay yartahay ama aanay jirinba rajo ah in waxani suurto gali karo iyagoo walaacsan ayay danbaysiiyaan “way adagtaay”

• Dadka guusha u saaxiibka ahi waxay leeyihiin: qorshe iyo ballan qaad ka dibna ficil iyo wax qabad halka dadka guuldarraystaa badanaa ay leeyihiin iyagu: qorshe iyo ballanqaad kaliya marka aan la gaadhin ficilkana waxad ogtahay inaan la gaadhayn guusha waayo waxa laga yaabaa in inta ficilka iyo kaga dhabaynta ballanqaadka iyo qorshuhu kuu jiro ay guushuna kuu jirto waayo qorshe iyo ballanqaad kaliya oo aan ficil loo rogine meel kuma gaadhsiinayo ee halkaas ayaad taagnaanayasaa sida aynu wax kasoo tilmaanay qodobadii bilawga u ahaa maqaaladdeenan ee bilihii lasoo dhaafay.

• Guulaystayaashu waxay ku tiraabaan “waa inaan wax ku dhaqaaqnaa oo waxaas aan qabtaa” Halka guuldarraystayaashu ay ka yidhaahdaan “waa in waxaas la qabtaa”

• Dadka guulaystaa waxay arkaan midhaha guusha waxaanay ilaabaan rafaadka loo marayo
Halka taaa liddigeedana guul darraystayaashu ay arkaan kaliya rafaadka iyo xanuunka hawsha balse aanay arkin midhaha guusha

ALLAH HA INAGA DHIGO KU WO IF IYO AAKHIRABA GUULAYSTA

xgsho http://www.daryeelmagazine.com/sidee-ku-noqon-kartaa-qof-guulaysta-allena-kasbada/

No comments:

Post a Comment

waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan