Jaamacadda Nugaal oo ah hormuudka waxbarashada ee gobollada SSC-Khaatumo, ayaa ku hawlan barnaamij ballaaran oo kor loogu qaadayo wax-akhriska iyo wacyiga bulshada deegaankan. Barnaamijkan, oo ah mid ku dayasho mudan, waxaa hirgelinaysa Maktabadda Jaamacadda Nugaal , taas oo ah xarun aqooneed muhiim ah oo loogu adeegayo dhammaan qaybaha bulshada, gaar ahaan ardayda iyo dadka jecel wax-akhriska. Ujeeddooyinka Barnaamijka Kor-u-qaadista Aqoonta Guud : In la ballaariyo helitaanka buugaag tayo leh oo ku saabsan culuumta kala duwan sida sayniska, suugaanta, taariikhda, maamulka iyo maaraynta, diinta, tiknoolajiyadda, iyo horumarinta shakhsiyadda. Buugaagta ayaa loo qaybinayaa heerar kala duwan oo ay kamid yihiin: Heer Jaamacadeed : Buugaag diiradda saaraya culuumta sare sida maareynta ganacsiga, tiknoolajiyadda, cilmiga bulshada, iyo daraasaadka caalamiga ah. Heer Dugsi Sare : Buugaagta asaasiga ah sida xisaabta, kimistariga, bayoolajiga, iyo suugaanta, oo kor u qaadi kara fahamka iyo ...