Posts

Showing posts from December, 2017

Warbixin cusub ayaa sheegtay in Facebook uusan u fiicnayn caafimaadka

Image
Inaad waqti badan aad ku jirtid baraha bulshada ayaa waxay kuu keeni kartaa masayr iyo inaad ku faraxsanaan waydo noloshaada, ayay sheegtay daraasaad cusub. Daraasaada ay samaysay Jaamacada Copenhagen ayaa sheegaysa in isticmaalka barta bulshada ay keenayso dareen masayr. Waxay gaar ahaan ka digtay dhibka ka imanaya fiirinta barta bulshada oo aan lahayn xiriirka. Daraasaadka ayaa ku talinaya in laga nasto barta bulshada. Daraasada oo ay ka qayb qaateen 1,000 qof oo u badan dumar, ayaa sheegtay in "isticmaalka badan ee barta bulshada sida Facebook ay kuu keenayso dhib caafimaadkaaga maskaxda iyo sida aad ugu faraxsan tahay noloshaada". 'Nolol qiyaali ah oo la isbarbardhigayo' Baarayaasha ayaa ka digay masayr iyo farxada oo yaraata markii aad fiirinaysid dadka kale sheekooyinkooda barta bulshada, oo ay keento " nolol qiyaali oo la isbarbardhigayo." Inaad dadka xiriir la samaysid oo aad kula hadashid barta bulshada ayaa wanaagsan, ayay sheegtay...

Facebook oo bilowday barnaamijka "iga yara aamus"

Image
Ma dhibsataa in aad aragto sawirro iyo waxyaabo badan oo ay soo daabacaan dad kala duwan ama shirkado iyo asxaabtaada aad taqaano? Hadaba waxaad u baahan tahay in aad isticmaasho barnaamijka cusub ee Facebook ay soo kordhisay ee ay u bixisay "snooze". Wuxuu kuu fududeynayaa in aad si ku meel gaar ah isaga joojiyo qofka aadan dooneyn in aad aragto farriimaha uu baahinayo. Shirkadda Facebook waxay sheegtay in macaamiisheeda ay u fududeyneyso in ay iska xiraan farriimaha saaxiibbadooda ama bogagga ay ku xiran yihiin. Fikradda waxay tahay in dadka Facebook isticmaala ay iyaga maaamulaan wararka ama sawirrada ay arki karaan. Waxaa suuragal ah in aadan arkin barnaamijkan cusub, balse waxaa badhankan ka heli kartaa dhanka sare ee midigta ee farriin kasta oo aad ku arkeyso Facebook-ga. Haddii aad badhankaasi ku dhufato, mardambe ma arkeysid waxyaabaha ay soo daabacaan dadkaas, bogagga ama kooxaha, muddada aad adiga dalbato in aad iska yara aamusiiso. "Waxaan maq...

Aaladda Instagram oo la sheegay inay u daran tahay caafimaadka maskaxda dhallinta

Image
Qiimeyn laga sameeyay dalka Britain ayaa lagu sheegay in aaladda Instagram loo aqoonsaday inay tahay tan ugu daran ee saameynta ku yeelatay maskaxda da`yarta marka loo eego aaladaha kale ee ay bulshadu ku wada xiriirto. Qiimeyntan oo ay sameysay waaxda ka shaqeysa caafimaadka bulshada ayaa lagu wareystay 1,479 qof oo da`doodu ay u dhaxeyso 14-24 si ay uga falceliyaan arrimaha la xiriira walaaca, walbahaarka, kelinimada iyo cago-jugleynta. Hay`adaha ka shaqeeya caafimaadka maskaxda ayaa ugu baaqay shirkadaha inay muhimad siiyaan badbaadada dadka isticmaalaya, ayna u sameeyaan hab lagu ogaan karo dadka ay la soo dersaan xaaladaha caafimaad-darro ee maskaxda. Shirkadda Instagram ayaa dhanka kale sheegtay in aaladdu ay leedahay habab ka caawinaya dadka sida loola tacaalo hanjabaadaha ugana digaya kahor inta aysan eegin arrimahaas. Boqolkiiba 90 dadka isticmaala aaladaha bulshadu ku wada xiriirto ayaa ah da` yar-sidaas darted waxay u nugul yihiin saameynta ay ku y...

Burcadda internetka ma afduuban karaan gaari?

Image
Shirkadaha baabuurta sameeya ayaa maalin kasta la imanaya farsamooyin casri ah oo baabuurta lagu horumarinayo, waxaana ka mid ah in baabuurta lagu xiro qalab ku shaqeeya internetka kaasi oo qofka u sahlaya in uusan ka bixin qadka uu waddada ka leeyahay, in baabuurka meel dhigo, in uu joojiyo baabuurka, iyo waliba in marka ay cilad ku timaado uu ogaado.  Balse waxaa sidaasi si la mid ah kordhey halista ah in baabuurka ay jabsadaan burcadda internetka, waxaana hadda suurtogal ah in adiga oo baabuurkaaga kaxaysanaya lagugu afduubto, laguna geeyo meel ka duwan meeshii aad u socotay. "Halista ugu weyn ee soo foodsaartay baabuurta wade la'aanta ah ayaa ah in qof meel kale jooga uu la wareego hoggaanka" ayuu yiri maareeyaha shirkadda samaysa baabuurka Telsa ee casriga ah Elon Musk. Musk ayaa ku adkaysanaya isticmaalka barnaamij dadka ka saacidaya in ay ka hortagaan halistaasi burcadda. Shirkadda General Motors ayaa waxa ay qorsheynaysaa in matoorada b...