Thursday, December 28, 2017

Warbixin cusub ayaa sheegtay in Facebook uusan u fiicnayn caafimaadka

Inaad waqti badan aad ku jirtid baraha bulshada ayaa waxay kuu keeni kartaa masayr iyo inaad ku faraxsanaan waydo noloshaada, ayay sheegtay daraasaad cusub.
Daraasaada ay samaysay Jaamacada Copenhagen ayaa sheegaysa in isticmaalka barta bulshada ay keenayso dareen masayr.
Waxay gaar ahaan ka digtay dhibka ka imanaya fiirinta barta bulshada oo aan lahayn xiriirka.
Daraasaadka ayaa ku talinaya in laga nasto barta bulshada.
Daraasada oo ay ka qayb qaateen 1,000 qof oo u badan dumar, ayaa sheegtay in "isticmaalka badan ee barta bulshada sida Facebook ay kuu keenayso dhib caafimaadkaaga maskaxda iyo sida aad ugu faraxsan tahay noloshaada".

'Nolol qiyaali ah oo la isbarbardhigayo'

Baarayaasha ayaa ka digay masayr iyo farxada oo yaraata markii aad fiirinaysid dadka kale sheekooyinkooda barta bulshada, oo ay keento " nolol qiyaali oo la isbarbardhigayo."
Inaad dadka xiriir la samaysid oo aad kula hadashid barta bulshada ayaa wanaagsan, ayay sheegtay daraasada oo lagu daabacay joornaalka Cyberpsychology.
Si kale oo loo wanaajin karo caafimaadka maskaxda, waa in la joojijiyo isticmaalka barta bulshada hal toddobaad, ayay sheegtay warbixinta.

No comments:

Post a Comment

waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan