Wednesday, December 20, 2017

Burcadda internetka ma afduuban karaan gaari?

Shirkadaha baabuurta sameeya ayaa maalin kasta la imanaya farsamooyin casri ah oo baabuurta lagu horumarinayo, waxaana ka mid ah in baabuurta lagu xiro qalab ku shaqeeya internetka kaasi oo qofka u sahlaya in uusan ka bixin qadka uu waddada ka leeyahay, in baabuurka meel dhigo, in uu joojiyo baabuurka, iyo waliba in marka ay cilad ku timaado uu ogaado. 

Balse waxaa sidaasi si la mid ah kordhey halista ah in baabuurka ay jabsadaan burcadda internetka, waxaana hadda suurtogal ah in adiga oo baabuurkaaga kaxaysanaya lagugu afduubto, laguna geeyo meel ka duwan meeshii aad u socotay.

"Halista ugu weyn ee soo foodsaartay baabuurta wade la'aanta ah ayaa ah in qof meel kale jooga uu la wareego hoggaanka" ayuu yiri maareeyaha shirkadda samaysa baabuurka Telsa ee casriga ah Elon Musk.
Musk ayaa ku adkaysanaya isticmaalka barnaamij dadka ka saacidaya in ay ka hortagaan halistaasi burcadda.



Shirkadda General Motors ayaa waxa ay qorsheynaysaa in matoorada baabuurteeda ay ka dhigto kuwa internetka ku shaqeeya si marka ay ciladoobaan durba la cilad bixin karo.

Shirkadda xagga la talinta ee HIS Markit ayaa ku qiyaastay in marka la gaaro sanadka 2022-ka, 160 milyan oo baabuur adduunka oo dhan ay noqon doonaan kuwa ku shaqeeya qadka, islamarkaasna leh awoodda ay isku cilad bixiyaan.

Waxyaabaha cajiibka ah ee hadda lasoo kordhiyay waxaa ka mid ah in baabuurta ku shaqeeya batariga in ay leeyihiin batari kale oo kaarikaysan oo dhan 75kW, kaas oo balse ka xiran qofka wata, kaliyana ay u furi karto shirkadda, waxaana dhacday in qof macmiil ah uu codsaday in loo furo , kadibna loo furey iyada oo aanan lala joogin oo la isticmaalayo qadka internetka sida ay sheegtay shirkadda Telsa.

Waxaase aad looga digayaa halista ka dhalan karta baabuur kumbuyuutar ku shaqeeya haddii qofka wata uu wax uun ka qaldamaan, waxaana la sheegay in ay xitaa shilal aad u xun ka dhalan karaan.

Sanadkii 2015-kii oo kale, boqolkiiba 15% baabuurta ciladaha yeeshay ee shirkadaha lagu celiyay dalka Maraykanka waxa ay la xiriireen cilado dhanka qalabka casriga ah.

Si looga hortago halista in burcadda internetka ay afduubtaan baabuurka, waxaa la kala soocay habka ay ku shaqeeyaan qalabka kala duwan ee baabuurka, sida bareega iyo isteerinka mid kasta waxaa ku xiran aalad gaar ah iyo barnaamij gaar ah oo ay ku shaqeeyaan, taas oo adkaynaysa in qofka wax jabsanaya in markiiba la wareego hoggaanka baabuurka.

Balse su'aasha taala ayaa ah in dadka baabuurta sameeya ay ka aqoon badanyihiin kuwa wax jabsada oo iyagu markasta ka faa'iideysta daldaloolada wax kasta oo lasoo saaro leeyihiin.

http://www.bbc.com/somali/war-41526600




No comments:

Post a Comment

waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan