Tuesday, December 26, 2017

Facebook oo bilowday barnaamijka "iga yara aamus"

Ma dhibsataa in aad aragto sawirro iyo waxyaabo badan oo ay soo daabacaan dad kala duwan ama shirkado iyo asxaabtaada aad taqaano?
Hadaba waxaad u baahan tahay in aad isticmaasho barnaamijka cusub ee Facebook ay soo kordhisay ee ay u bixisay "snooze". Wuxuu kuu fududeynayaa in aad si ku meel gaar ah isaga joojiyo qofka aadan dooneyn in aad aragto farriimaha uu baahinayo.
Shirkadda Facebook waxay sheegtay in macaamiisheeda ay u fududeyneyso in ay iska xiraan farriimaha saaxiibbadooda ama bogagga ay ku xiran yihiin.
Fikradda waxay tahay in dadka Facebook isticmaala ay iyaga maaamulaan wararka ama sawirrada ay arki karaan.
Waxaa suuragal ah in aadan arkin barnaamijkan cusub, balse waxaa badhankan ka heli kartaa dhanka sare ee midigta ee farriin kasta oo aad ku arkeyso Facebook-ga.
Haddii aad badhankaasi ku dhufato, mardambe ma arkeysid waxyaabaha ay soo daabacaan dadkaas, bogagga ama kooxaha, muddada aad adiga dalbato in aad iska yara aamusiiso.
"Waxaan maqalnay dadka oo dalbanaya in ay u baahan yihiin barnaamijyo badan oo ay ku xakameeyaan waxyaabaha ay ku arki karaan Facebook, iyo xilliga ay u baahan yihiin in ay arkaan," ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday shirkadda.
"Barnaaamijkan cusub - Snooze - uma baahnid in aad qofka iska wada saartid si joogto ah (unfollow ama unfriend), balse waxaad muddo kooban iska joojin kartaa in aad aragto farriimahooda ," ayey tiri Facebook.
Haddii mar un aad qof aad taqaano isku dagaasheen in aad ka saartay facebook-gaaga, shirkadda waxay u muuqataa in arrintaas ay ka hortageyso.
Dadka, bogagga ama kooxaha "aad iska yara aamusiiso", ma ogaan doonaan arrintaasi.
Waa adiga keligaa qofka ogaanaya marka ay dhammaato muddada aad iska joojisay, sidoo kale waad ku dari kartaa haddii weli aadan dooneyn in aad aragto waxyaabaha ay doo bandhigaan.

No comments:

Post a Comment

waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan