Wednesday, December 20, 2017

Aaladda Instagram oo la sheegay inay u daran tahay caafimaadka maskaxda dhallinta

Qiimeyn laga sameeyay dalka Britain ayaa lagu sheegay in aaladda Instagram loo aqoonsaday inay tahay tan ugu daran ee saameynta ku yeelatay maskaxda da`yarta marka loo eego aaladaha kale ee ay bulshadu ku wada xiriirto.

Qiimeyntan oo ay sameysay waaxda ka shaqeysa caafimaadka bulshada ayaa lagu wareystay 1,479 qof oo da`doodu ay u dhaxeyso 14-24 si ay uga falceliyaan arrimaha la xiriira walaaca, walbahaarka, kelinimada iyo cago-jugleynta.


Hay`adaha ka shaqeeya caafimaadka maskaxda ayaa ugu baaqay shirkadaha inay muhimad siiyaan badbaadada dadka isticmaalaya, ayna u sameeyaan hab lagu ogaan karo dadka ay la soo dersaan xaaladaha caafimaad-darro ee maskaxda.

Shirkadda Instagram ayaa dhanka kale sheegtay in aaladdu ay leedahay habab ka caawinaya dadka sida loola tacaalo hanjabaadaha ugana digaya kahor inta aysan eegin arrimahaas.
Boqolkiiba 90 dadka isticmaala aaladaha bulshadu ku wada xiriirto ayaa ah da` yar-sidaas darted waxay u nugul yihiin saameynta ay ku yeelan karaan.

akhriste adiga saamayn intee le eg ayuu kugu leeyahay instagramku

No comments:

Post a Comment

waa ku mahadsan tahay sida uga soo falcelisay qoraalkan