Shirkadaha baabuurta sameeya ayaa maalin kasta la imanaya farsamooyin casri ah oo baabuurta lagu horumarinayo, waxaana ka mid ah in baabuurta lagu xiro qalab ku shaqeeya internetka kaasi oo qofka u sahlaya in uusan ka bixin qadka uu waddada ka leeyahay, in baabuurka meel dhigo, in uu joojiyo baabuurka, iyo waliba in marka ay cilad ku timaado uu ogaado. Balse waxaa sidaasi si la mid ah kordhey halista ah in baabuurka ay jabsadaan burcadda internetka, waxaana hadda suurtogal ah in adiga oo baabuurkaaga kaxaysanaya lagugu afduubto, laguna geeyo meel ka duwan meeshii aad u socotay. "Halista ugu weyn ee soo foodsaartay baabuurta wade la'aanta ah ayaa ah in qof meel kale jooga uu la wareego hoggaanka" ayuu yiri maareeyaha shirkadda samaysa baabuurka Telsa ee casriga ah Elon Musk. Musk ayaa ku adkaysanaya isticmaalka barnaamij dadka ka saacidaya in ay ka hortagaan halistaasi burcadda. Shirkadda General Motors ayaa waxa ay qorsheynaysaa in matoorada b...